Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

maguursanlaheeyd

Ma guursan lahayd haweenay dhagoole iyo indhoole ah, aamusanna, naafana ah? Qiso cajiib ah

Ma guursan lahayd haweenay dhagoole iyo indhoole ah, aamusanna, naafana ah? Qiso cajiib ah
Hore ugal oo aqri qisada waa qiso aad u fiican oo farxad leh wey dheertahay wada aqri

Ma guursan lahayd naag indha l’a, dhaga l’a, hadli karin, soconna karinna? Naag noocas ah waxay dhasdhay Caalimkii ugu wayna Ummada Islaamka.

...Waxa jiray nin safar u unbabaxay, intu jidka kusii jiray ayu wuxu garab maray beer, wuxuuna arkay tufaax jidka yaalo oo kasoo dhacay laan kasoo dhala baxday deyrkii beerta. Gaajo aad u daran aya haysay, sida darteed wuu qaatay tufaaxii jidka yiilay, wuuna cunay.

Wax yar kadib waxa helay walwal ah inu cunay wuxuusan isaga lahayn, inu cunay cunto aanan xalaal ahayn. Deedna wuxu kusoo laabtay beertii uu garab maray isagoo raadiyay ninkii iska laha beerta si uu ugu sheego inu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan ka dhala baxday beerta. Wuxu rabay inu iska bixiyo lacagta u dhiganta tufaaxa uu cunay ama laga cafiyo.

Markii uu arkay milkiilihii beerta ayu u sheegay arinti. Milkiilihii aya la yaabay daacidnimada ninkan. Deedna wuxu u sheegay inu cafis u fidin doono haduu aqbalo hal shardi, kaas oo ah: inu guursado gabartiisa oo dhagoole ah, indhoole ah, aan hadli karin, sidoo kalena aan socon karin.

Fajac ayay ku noqotay, wuxuna bilaabay inu arintaas ka fikiro. Deedna wuxu isku qanciyay inu aqbalo guursiga gabartaas dhibatooyinka badan haysato, hadii kale uu naarta gali maadaamo uu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan dhala baxday. Deedna wuu aqbalay guurkii isagoo cadaabka Ilaahay (SW) ka carar ah.

Guurkii aya dhacay, habeenkii aya la galbiyay ninkii isagoo murug iyo xumaan ay ka muuqato, ileen naag uu la boodboodo kama horaysee. Saa haduu galay qolkii, wuxu la kulmay haweenay quruxda ku taalo uusan waligii arag. Inta waxa dheer, wax way aragta, wax way maqasha, way hadli, naafana ma aha oo way socon si walbo. Waxayna lahayd haybad aad u wayn iyo cilmi aan xad lahayn.

Deedna waxay ninkeedii ku tiri: “Waan ogahay inaad yaabantahay, ileen aabahay aya kuu sheegay inaan indhoole ahay, taas wuxu ka waday waxaan indhahayga ka dabooshay wax walbo oo uu Eebe raali ka ahayn aragooda. Wuxu kuu sheegay inan dhagoole ahay, taana wuxu ka waday waxan dhagaha ka dabooshay hadal walbo oo mala-yacni ah. Wuxu kuu sheegay inaanan hadli karin, taana wuxu ka waday inaan ka aamusay hadal walbo oon ka ahayn Xasuusta Alle. Wuxu kuu sheegay inaan ahay ruux naafo ah oon socon karin, taana wuxu kawaday inaan ka fariistay qabashada ama u istaagida wax walbo oo xaaraan ah. Aabahay wuxu sidan u yeelay rabitaan ah inaan helo nin Alla ka cabsado oo I mutaysan karo.”

Fasiraad iyo FG:

Hadaba ninkaas Alla ka cabsiga badan oo eed dusha iska saaray xabad tufaax ah oo uu jidka ka helay darteed, hadana aqbalay shurudihii aadka u adka isagoo cadaabta Eebe ka carar ah iyo haweenaydii diinta iyo quruxda badneyd ee iyadana Alla ka cabsiga badneyd waxay umuda Islaamka u hibeeyeen Caalim ka midka ah culimada Islaamka abid kuwo ugu waaweyn, Aabihii Imaamyada, iyo Imaamkii koobaad ee Afarta Mad-hab: Imam Abu Xanifa. Ninka iyo haweenayda kor ku xusan wa waalidkii Imam Abu Xanifa.

وَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ

“Haweenka dhowrsan waxay leeyihiin raga dhowrsan, raga dhowrsanna waxay leeyihiin haweenka dhowrsan.” (Suratul-Nur: 26)

 

WIXII  FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

WIXII  FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR,  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 
(Qiso ku socota Gabdhaha Xaasaska ah

 

Qiso ku socota Gabdhaha Xaasaska ah

 

Qisadaan aniga ma qorin lkn run'aantii aad baan uga helay waana wax marwalba dhaca.

Qiso ku socota Gabdhaha Xaasaska leh Waasheeko xanbaarsan layaab & Xikmadba Gabar xaas ah ayaa waxay maalin u tagtay nin caalim ah iyadoo u qabta in uu Sixirka yaqaan, markaasay waxay ka codsatay in uu u Sixro ninkeeda si uu u jeclaado oo uusan waligeed u nicin.
Ninkii Caalimka ahaa ayaa ku yirri: waa yeelayaa laakiin Arintaasi waxay u baahan hawl adage e ma ka bixi kartaa???.
Gabadhii waxay lasoo booday : haa Hawl kasta oo suurta galinaya arintaas waan qabanayaa.


Ninkii Caalimka ahaa wuxu ku yiri: Ok arintaasi waxay ku suurta galaysaa adigoo ii keena tin laga soo gooyey Qoorta Libaaxa.
Gabadhii ayaa Tiri: Libaaax aaaaaaaa!!!!!????
Ninkii ayaa yiri: Haa, hadii kale lama qaban karo Hawshaas.
Gabadhii ayaa Tiri: oo side ugu dhawaan karaa libaaxaas dad cunka ah naftayda ayaanba uga baqayaaye, ma jirto miyaa qaab kale oo ka sahlan sidaas shiikhow???
Ninkii ayaa yiri: Maya, ma jirto qaab kale oo arintaasi ku suurta galayso oo aan ahayn in aad keento tin libaax oo waliba laga soo jaray Qoortiisa.
Gabadhii way iska tagtay iyadoo Niyad jabsan oo ku fakaraysa sidii ay ku heli lahayd tintaas hortaagan jaceylka Ninkeeda, waxay bilowday in ay la tashato dadka aadka u yaqaan libaaxa, waxayna u sheegen in libaaxu uu wax cuno marka uu gaajoodo laakin hadii uu dharagsanyahay uusan waxba cunin.
Fikradaasi way ku qanacday waxayna aaday kaynta, waxayna bilowday in libaaxa u tuurto Hilib ay usoo qaaday, kadibna ay ka fogaato.
Waxay muddo ku jirto in ay maalin walba libaaxa Hilib u tuurto oo ay usoo dhawaato maalinba maalinta ka danbaysa ilaa markii danbe uu libaaxi uu ku kalsoonaaday oo uu ogaaday in ay jeceshahay oo uu noqday libaax marabi ah oo dad la nool ah, markay aragtay in libaaxii uusan gacan saarayn ayey madaxa u salaaxday oo si tartiib ah ay tintii uga jartay Qoortii Libaaxa.


Markay gacanta ku dhigtay Tintii ayey u carartay Gurigii Ninkii Caalimka ahaa iyadoo aad u faraxsan oo rajo fiican ka qabta in ay hanan doonto Qalbiga Ninkeeda, markii uu arkay Ninki Tintii ayuu waydiiyey side ku heshay tinta??, gabadhii waxay uga sheekaysi sidii ay ku kasbatay Qalbiga libaaxa iyo sidii ay cunada u siin jirtay oo ugu abuurtay kalsoonida.


Ninkii Wuxu ku yiri Gabadhi: ((( Walaal Ninkaagu Kama Khatarsana Libaaxa, sidaad Libaaxa ku Samaysay ee aad u heshay kalsoonidiisa iyo sidaad Bahalkaas dad cunka ah aad Qalbigiisa u kasbatay oo aad u dharjisay markuu gaajooday ku samee Ninkaaga Waad kasbanaysa Qalbigiisee)))).
Gabadhii iyadoo aad ugu Qanacsan Fikradaas Saliimka ayey ku laabatay Gurigeedii

 

WIXII  FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 
MAY KAAS BADALAAN

MAY KAAS BADALAAN.


Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhamaysto dano uu laahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tagay ciyaar dhex maraysa laba kooxood,

ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adago ninkii reer miiga ahaa wuxuu arkay ciyaarahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la bedelayo garoonkana ka sii baxaya markaasaa ninkii reer miiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay

" Inta ay ciyaaryahankaas beddelayaan may kan dharka madmadaw sita badalaan, oo aan isagu marnaba taaban banooniga halka ay ka badalayaan caayaartoogaas "!! wuxuuna kan dharka madmadaw ula jeeda garsooraha cayaarta kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com


 
Dhalinyarada paltalk.

Dhalinyarada paltalk.

Dhalinyarada Ayaa waxey inta badan galaan paltalka ayidoo taasi sabab looga dhigi karo maadama aysan heyn wax kale oo ay ku mashquulaan hadii ay ahaan laheed wax barasho ama shaqo, Qololka dhalinyaradu u badanyahiin waxaa ka mid kuwa leesku barto luguna wada sheekeesto Sida kuwa Loo yaqaano Qolalka SHukaansiga iyo isbarashada iyo kuwa leesku caayo inta badan


wax yaabaha ugu yaabka badan ee magaalada Qaahiro aaan ku arkey waxaa ka mid ah in gabar joogto Canada oo kale ay lacag usoo dirto dhalinyarada inta badan paltalka ka caytama ee jooga Qaahira kana codsato in ay shaqsi markaasi asigana reer paltalk ah loo caayo, waxaana arkee mararka qaar dhalinayaradaas oo fadhiyo Goobaha soomaalidu u badantahay isna weydiinaayo( maxaa cay cusub oo aan Caawa o Qof hebel ama qof heblo ku caynaa) waxaa dhacda mararka qaar in laamiga kugu qabtaan dhalinyaradaas kuna weydiiyaan in aad cayda Qatar ku tahay hadii aad Qatar ku tahayna kooxdooda lugu daro ama cayda lacag laga gato.


Soomaaliya waxey aheed lacag qaado ee wax soo dil lakiin Qaahiro waa lacag qaado ee wax soo caay, inkastoo arinkaan yahay mid la yaableh hadane dad badan oo Soomaali ah ayaa waxey u arkaan horumar hadii qorigii laga gudbay oo cay kaliya sheekadu taagantahay waxeyna dad badan aaminsanyahiin hadii ay helaan dhalinyarada wax bedela fadhiga iyo shaqo la,aantaka in ay iska dhaafayaan waxyaabahan oo idil.

Odayaasha paltalk.

Magaalada Qaahira dadka paltalka gala odoyaasha kama marna marka aad joogto goobaha lugu shaaho waxaad arkee odayaal ku murmaaayo arimo ku saabsan paltalka lakiin ayigo waxey kaga duwan yahiin dhaliyarada waxey u badanyahiin Qolalka siyaasada inta badan looga hadlo Lakiin Waxaa Jiro Hal iyo labo oday oo guur la,aan ku duqoobay oo u wareega qololka shukaansiga Mid ka mid nabadoonada magaalada Qaahira si aad ah looga yaqaano ayaa sameeyay qiso la yaableh kadib markii islaan uu ka bartay paltalka ugu sheekeeyay in uu masar dalxiis ku joogo kana yimid dalka mareykanka markii islaanta sidaas ku waday dhowr bilaado ayey islaantii masar timaaday waxeyna aragtay Nabadoonkii dalxiiska masar u joogay oo Kaar Qaxooti heesto meeshey ka sugeysay Passpor mareykan ah dhacdadan ayaa waxey aheed dhacdo bulshada ku nool dalka masar aad u ala yaabeen waxeyna gaartay in labadii beelooda ee islaanta iyo nabadoonka kasoo wada jeedaan wada fadhiistaan lagana taliyo nabadoonkii tali jiray arintiina la xaliyo oo islaantii loo celiyo lacag badan oo ay usoo diri jirtay intii nabadoonku beenta ku weday..

Wadaadda paltalka.

Wadaadda paltalka ama culimada casriga waxey ka mid yahiin dadka sida aadka ah uga gala paltalka magaalada qaahira wadaadda ayaa waxey galaan inta badan qololka islaamiyiinta ayigoo muxaadarooyin Diini ah kasoo jeediya Lakiin su’aashu waxey tahay wadaadda Diinta kuwa garanaayo ma yahiin mida dan ayaa ku raaceyso?
Wadaadda inta badan paltalka ka muxaadareeyo lama dhihi karo waa wadaaddo gaar ahan kuwa joogo magaalada Qaahiro, waxaa arkee nin maalintii shiishad cabaayo habeenkii muxaadaro diini ah akhrinaayo markaad weydiiso sababta ku kalifeyso in uu sidaas sameeyo waxuu kugu jawaabaa maxaan sameyaa dumarka soomaaliyeed waxey jecelyahiin diinta looga sheekaayo iyo rag diin leh hadii aan ka helo midoo waan iska dhaafayaa ilaahna ha iga cafiyo beentaan, waxaa sidoo kale arkee kuwa raadinaayo waxey muxaadareyn jeedi lahaayeen caawa waxeyna gaarta mararka qaar in ay kuwa kale siiyaan lacag si ay ugu soo diyaariyaan muxaadaro,
waxaa jiray rag caan ahaa oo ka mid ahaa kuwa wadaadda sheegta ee magaalada qaahiro ka geli jiray Qolalka Diiniga Lugu Sheego ee Paltalka waxaana ugu danbeysay muxaadaro ay paltalka ka akhriyaan markii ay guursadeen haween ka mid ahaa kuwa paltalka muxaadaraadiisa ku tixnaa ,
markaad fiiriso arimahan oo dhan waxaa kuu soo baxaayo kuwa wadaadda sheegta ee ka muxaadariya qolalka islaamiyiinta gaar kuwa masar joogo in aysan aheen dad diin yaqaano lakiin ay yahiin kuwa danta ku kaliftay in ay sidaan wanaagsaneyn diinta u isticmaalaan ayigoo ka faa’ideyso jaceelka dadka soomaalida badankooda u qabaan diinta islaamka waxaa dhacday xitaa in Dalka masar laga waayay macalimiin soomaaliyeed oo ilmaha soomaaliya laga keeno kuwa dibadaha laga keeno Qur’aanka u dhiga waxaan taas sabab u ah ayidoo habeenkii oo dhan macalimiintu baadi goob dumar ugu jiraan Qolalka Diiniga kuwa Isku sheega subaxdiina jiifa waxeyna Soomaalida ka fursan waayeen in ay macalimiin masaari ah keensadaan.

Dhacdooyinka la yaabka leh ee paltalka ka dhaca.

Paltalka waxaa ka dhaca dhacdooyin la yaableh waxaana sabab u ah taas dadka soomaaliyeed oo caado ka dhigtay in ay isticmaalaan wax walba qaabkii loogu tala galay qaab ka duwan,
waxaan ku arkay mid ka mid ah wiilasha Qisooyinka la yaabkaleh ee paltalka ku jiro wiilkaan waa wiil 15 jir waxuuna ugu horeyn I tusay sawir haweeyn kor u dhaafeyso 40 markaan weydiiyay waxey haweeneydaan waxuu ii sheegay in uu shukaansado, waxaan weydiiyay sida ay ugu suura gashay in uu haweenay 40 jir ah shukaansado iyo halka uu ka keenay markiii hore waxuu wiilkaasi ii sheegay in uu markii hore ka bartay haweeneydan paltalka asigoo ii sheegay in uu dhib badan kala kulmay sida uu ugu qanci lahaa in uu nin weynyahay lakiin markii danbe uu mid saxiibkiisa oo sidaan oo kale ku dhacday uu kula taliyay in uu sawir qof weyn google ka raadiyo una diro Markey soo wacdana qof weyn u dhiibo waxuuna sameeyay wiilkaan sidaas waxuuna ii sheegay in sidaas kuwa wada socdaan ilaa iyo hada sidaan Wiilkan waxaan weydiiyay hadii qaahiro kugu timaado maxaad sameynee waxuu si fudud igu yiri” maxaan sameyn lahaa waa ka dhuuman lahaa sida dad badan aniga iga hor sameeyeen”
Dhacdadda Wiilkaan iiga sheekeeyay waxey ka mid tahay boqolaal dhacdooyin oo ku saabsan paltalka oo ka dhaca dalka masar,

waxaana Nasiib daro ah haween 40 jir ah xiligey cibaadeysan lahaayeen in ay waqtigooda ku dhameeyaan paltalka waxaa arkee kuwa shukaansaayo dhalinyaro la mid ah caruurtooda oo kale waxaa ku arkee maqaayadaha qaar wiila yariis oo habar dhali karto la socdo markaad weydiiso ma habartiisaa waxaa lugu jawaaba( maya waa naag uu paltalka ka keenay)
Waxaa kaloo la yaableh in aad aragtid haween soomaaliyeed oo caruurtoodii caruur dhashay iyo gabadho hada soo baxaayo webcam shidaayo ayigoo wax dhar ah anan gashaan arinkaas oo ah wax dhaqanka soomaaliyeed iyo diinta islaamka kasoo horjeedo

Run ahantii wiilasha dhalinyarada ah waxaa ku kalifaayo in ay guursadaan ama shukaansadaan haween dhali kara waa ha idin geysa DalalkaReer Galbeedka Maahane Majiro rabitaan ku kalifaayo in ay wax la wadaagaan haween hooyooyinkooda ka weyn
Ugu danbeyntii waxaan jeclahay in aan u sheego dumarka afartan jirka ah ama kuwa kasii weyn intaas in anan anigu u diidaneen in ay rag guursaan waana wax ay xaq u leeyihiin Lakiin waxaa wanaagsan in ay jiilkooda raadsadaan oo aysan dhaliyarada soo baxeyso kaga faa’iideysan faqriga iyo yurub jaceelka Ragana Waxaa loo baahanyahay in aysan gabadhaha soo koreeyo passpor ku gadan


Khaalid saciid muuse (codka Bulshada Xurta Ah)

Qaahira-Masar

 
MURUGADA MAXAA LAGU DAWEEYAA?.

MURUGADA MAXAA LAGU DAWEEYAA?.2aad


Qoraalkani wuxuu ku salaysan yahay iimaanka ama saburka qofka muslimka ahi leeyahay..... waxaa mahad gaari u sugnaatay Alle Subxaana watacalaa  , nabi maxamadna (S.C.W) naxariisi korkiisa ha ahaato ... aaaaaaaaaaamin


Haddaad u kuur gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta, waxaad mooddaa in Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada iyo fekarku noqdeen qayb nolkoshooda ka mid ah, mid yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga, mid Taajira iyo mid sabool ahba.
Qof walba arintiisu waa u gaar laakiin wel welka iyo Tiiraan yadu waa sima oo inta ka bed baadayu waa faro ku tiris.
Sababtu waa qof iyo xaaladdi, Mid naafo iyo hawl gabnimo la yaal,

Mid xooluhuu sanado aruurinayay mar qura laga xayuubiyay, mid gaajo iyo baahi lagu ibtileeyay, mid warasaduu ku tiir iyo tacab beelay sabab la'aan dhagta dhiiga loogu daray, midbaa u fiirsada daaduunka iyo dac darada Soomaali ku haysta dhulalka shisheeye, Dhulkii buu gadaal usoo day moodaa mise wax'aan dux lahayn ayaa laysku xasuuqayaa, midbaaba dhulkii lacagta lagu sheegay cagaha dhigi la' oo laynkuu galaaba ka qarxaa, dabadeedna inuu is dilo khatar ugu jira.

Sababahaas iyo kuwa kaloo badan waxay keeneen in Tiiraan yada iyo isla hadalku qayb ka noqdaan nolol maal-meedka qof ksta oo soomaali ah, ilaa qaar is dila ama waasha iyo kuwo dayro noqday intuba tiro beeleen.
Haddaba haddaan intaas isku raacno waxaan halkaan kusoo bandhigayaa 10 qodob oo aan is leeyahay qofkii u fiirsada ama talooyinkaa ku dhaqma noloshiisa waxbay ka badalaysaa, intaananse tobanka Arimood soo badhigin waxaan door bidayaa inaan akhristaha xasuusiyo in arintaan laga qoray kitaabo aad u fara badan, oo miduba aragtidiisa falsafad ku dhisayo, aniguse aragtida ama talooyinka halkaan aan kusoo gudbin doono, waxay ku dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Qur'aanka iyo Sunada, intooda badanse waxaan kasoo xulay Kitaabo rag kala duwan oo muslimiin ahi arintaas ka qoreen waxaanse aad ugu bogay kiyaab lagu sheegay inuu ka mid yahay kitaabada loogu gadashada badan yahay waqtiyadaan Danbe Dunida Islaamka, Kitaabkaas oo uu Qoray Sh. Caa'id Bin Cabdalla Al-qarni, oo kusoo baxay afka carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid tahay tan Ingiriiska, magaca kitaabkuna waa "LAA TAXZAN" ama DON'T BE SAD".
Haddaba aan wada aragno dawooyinka Murugada:

1. ILAAHAY KA MAGAN GAL, welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala yihiin?.
Haduu qofku ka welwelo dhib uu mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI.
Labadaba ilaahay ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go'aankana ka qaadaane.

2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?
, ugu horanba is waydii su'aashaas, waxa aad ka wel welayso waa noocee?.

Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u caasiday tahay, waa Gar; laakiin Towbad keen iyo allood u noqotaa lagu daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku taageertid Ducada iyo alla barigana aad Heegan la ahaatid.
Hadduu welwel kaagu ku slaysan yahay hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba Su'aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay, qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba waa lahaayeen.
Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor tagaysaa ku koob.
Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri "haddii adduunyo alla agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah kama waraabiyeen", marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba u seegtid.

3. SABIR IYO DULQAAD:
hadii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto ha'ahaato intay doontana ha le'ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab la'aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa faydi kara, Cudur kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka ahayn, Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka filo.


4. TIIRKA ALLE QABSO:
waa tiir aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto, magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay " Xasbuna laahu wa nicmal wakiil", Qabaw aan qar qaryo lahayn ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo, waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayan wax dhib ah kuu gaysan Karin. Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal ha noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa kurbaduna waa ku daynaysaa.


5. RUMAYNTA QADARKA:
Tiirarka Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri " waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa"., Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku yiri "..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan alla kuu qorin", Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana waatii macnaheedu ahaa "Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan".

Haddaba ogow Inay Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u hogaansamidda xukunka Alle.

6. QUUSASHADA:
Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura'aanku aad ayuu dagaalkaas u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa " xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyin", Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.


7. MAANTA KU XISAABTAN:
waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda, raaskiisii janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay, aduunyadase anagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon inuu sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo dheefteeduba inay Imtixaan tahay.

8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray "Kaalmaysta sabirka iyo salaadda", akhrinta Qur'aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira, garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW " Qofka alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay oo kale"..

9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu fiirso Galladha ilaahay kuu galay, adoo huba inaadan koobi karin sida qur'aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka ku sheegay inuu nicmooyinmkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa dhigay, inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee waaxidkaa Cuubudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la taahayso lana tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.

10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID: Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.

Wuxuu Rabbi Qur'aanka noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.
Kolka markii inta xaalku kugu xumaado rabbi Il kuu bixiyo maxaad mudan tahay?., Inaad kaligi Caabudid, kaligi u mahadcelisid, Diinta Alle iyo Dadka u taagan garab u noqotid ,Meel kastoo aad cagta dhigaysidna inuu ku arko inaad ku xisaab tantid, haddiise aad danbigii iyo dabamaridii amarka alle u noqotid ogow aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.

Tobankaas qodob ee aan soo tiriyay waxaan isleeyahay qofkii maanka ku haya noloshiisa wax bay ka badalayaan, Qanaaco iyo Qalbi degana wuu helayaa, Allaha wayna waxaan ka baryayaa inuu nagu anfaco, markastana maanka ku hay "Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan"…




qore / c/raxman jamac barre

 
cilmiboodhari2

Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

Alla hoobey hobaali...eey sidirigam hoobalow heeleey

Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…

Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o

Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

…Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!

Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

…Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..

Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la waree.... Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.

Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!

Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhi... oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

 

Lasoco qeeybaha danbe 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
GAROOB MAGACEEDA YAA KU DHEELEY

GAROOB MAGACEEDA  YAA KU DHEELEY

scw wr wb maqaalkaan waxan ku egeynaa gabadha garoobka ah ama carmal hadba saad u taqaan waxay ahaan jirtey gabar la sharfo oo aad qiimo u leh bulshaduna ay siiso kalsooni ay mar labaad nolasheeda ku dhisato iyadana waxaa lagu ogaa iney ninka 2aad ay calaf u

hesho iney siwacan u dhaqato  lakin hada waxaa soo baxay gabdho aad moodo duminta reraha dhisan in loo soo tababarey anigu waxan aminsanahay horta guurku waa calaf furiinkana labadii calafkoodu kala dhamado uun baa kala taga  su aal aan ku weydiiyo gabdhaha

gaboobada ahaw   maxaa idinka dhigey kala tuurayaal  hadey xataa nin qiimo leh helaan ka soo saara mid nolasha ka dhacey ma ogtahay inad dhacdey gabar walashaya ood ka qadatey geesigii ay dhabarkisa ku dangiigtey adoo heli kara inan la wadaagto adoo iyada iyo

caruurtedaba u naxaya  maxad uga heshaan ninka aad guursataan inuu noqdo mid walid aan laheen walaal aan laheen naagtiisii iyo ilmihiisii aad bananka ka mariseen adoo heli kara nin hooyo iyo aabo iyo  walaalba leh leh min weyn la qadariyo oo ilmuhu ku soo booqdaan iyogoo

xushmad kuu haya oo ku leh eedo ama aaye  waxad awooda gabadha ninka kaga horeysey  inad ka dhigato hoyadaa oo kale ama walashaa kaa weyn intad ka talineyso iney waalato   oo rerku baabaao ogaw  adna rer kuma dhismayo intad rer dhisan dumineyso kama hadlayo garoobada oo dhan waa kuwa  u soo jeestey in lagu mood moodo iyana wax ku mood moodaan marka gabarey is qiimee ninka raga ah 4baa ala u baneyee   gabdhaha laga daba guursadey ama lala guursadey talo iga hooya  hadad rabtaan horta inaan ninkadii aad gabarnimo

ku guursatey in nagi kala wareegto  1 horta amin in wax waliba calaf yihiin2 in ninka raga ah loo baneyey 4 waheena  5gurigada ha dumin maseer awgii oo mid cusub ha dhisin waxaad dhistey guri cusub markaad ninkadii aad u deyso naag kale  6 hadad aheyd qof  dabecad

qalafsan isu jilci ragu  sida rabayadad ka dhigan kartaa ninka nin ugu geesisan naag baa dhan kale hogaanka u qaban karta7 hawl aad qaban jirtey markuu kaligaa ku qabey waa inadan qaban 8 hadalada mac macaan isticmaal sida macane   la aantaa maba noolaan karo  9 waligaa

iska ilaali  ereyga ama naagta ama ani  ama i fur  ama naagta fur waxaa laga yabaa xilgaas inad qasaro kala kulantee wayo shey cusub iyo shey dhaqmo galey isku mid ma ahan marka isticmaal quruxdada dahsoon  10 markuu ka yimado rerka kale ha u muujin xanaaq  u muuji dabacsanan wayo naag cusub oo sadhaweyn la hortagan iyo guri wax badan uu ka soo jedey oo markuu yimado la cayayo la haramayo loo dharanayo  markaa labada guri ayuu is barbar dhigayaa markaa waad fahmi jawabta u soo baxaysa marka iska ilaali gabdhaha la

guursanayaw idinkumna xaqdhawra reerihii idinka horeyey   oo haku ciyaarina magaca garoob ood ogtihiin in rasuulka scw  uu u duceyey      

BY:  nasra guuleed 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

 
Maamuuska gabdheheena iyo macnayaasha magacyadooda

Maamuuska gabdheheena iyo macnayaasha magacyadooda

  

 

Bulshada Soomaalidu aad ayay u maamuustaa una qadarisaa gabdhaha, waxayna aad iyo aad uga hormariyaan wiilasha marka laga reebo dhinacyo kooban. Waxyaabaha tusinaya qadarinta dheeraadka ah oo la siiyo gabdhaha waxaa ka mid ah:

1.Waxaa aad loo difaacaa sharafteeda oo in lagu xadgudbo gabadhooda Soomaalidu waxay ka xigaan geeri.

 

2.Waxaa la siiyaa tarbiyo iyo edbin ka dheeraad ah tan wiilasha.

 

3.Waxaa si gaar ah loo baraa sida ugu habboon ee ay mustaqbalka u maamulayso reerkeeda, una maaraynayso nolosheeda. Waxyaabaha Xoogga la saaro waxaa ka mid ah in la baro farsamada, hab maamuuska sayga, mudanaha iyo martida.

 

4.Waxaa aad loo tixgaliyaa ninka gabadha guursada iyo waliba ciddii xiriir la leh, Soomaaliduna naf iyo maalba waxay u hurtaa, kuna baaba'daa  difaaca ninka xididka la ah, reerkii wiilka gabadhooda qaba lagu xadgudbana waxaa la yiraahdaa: gabadhoodu guur ma leh, haddaysan tillaabo adag ka qaadin. Waxyaabaha tusaya arrintaas waxaa ka mid ah in Soomaalidu u qaybiso xiriirka u dhexeeya bulshada: xidid iyo xigaalo oo ah macne Qur'aanku sheegay.

 

5.Waxaa sidoo kale meel weyn ka jooga Soomaalida ilmaha gabdhoodu dhashay oo aad looga hormariyo kan wiilkoodu dhalay, waxaana la yiraahdaa qofka wax weyn la siiyo ama loo qabto: loo roonaa ma loo reer abtaa!!!.

 

6.Waxaa gabadha loo huraa wax weyn marka ay soo mudato ehelkeeda (ha noqoto mar ay soo cayrowday ama markii ay agoonley noqoto), markay soo booqatana waxaa lagu dhibaadiyaa waxa ugu weyn ee qoyskaasi heli karo.

 

7.Gabadhu waxay ahayd qof lagu soo hirto oo ehelkeedu si buuxda u tirsadaan marka ay reer yeelato, sidaa oo kale reerka ay u dhaxdana kaalintaas waa qadarinayeen oo waxay u arkayeen gurigaani in uu ka dhexeeyo labada qolaba.

 

8.Labada reer ee gabadhu u dhexayso (reerka dhalay iyo kay u dhaxdo) waxay ka midaysan yihiin in gabadhaas laga difaaco qofka dadka ugu dhaw (ninkeeda) hadduu xadgudub ku sameeyo.

 

9.Gabadhu waxay sabab u noqotaa xiriir iyo walaalnimo qoto dheer oo dhex marta labada qoys ee ku xididay. Waxaa taas aad u muujinay sida gabadha godob tirka ahi sabab ugu noqoto joojinta colaad raagtay oo xal loo waayay, waxay ku maahmaahaan: meeshii xinjiri ku daadato xab baa lagu daadiyaa.

 

10.Ninka ama reerka gabadha guursanaya waxay u huraan gabadha qoyskeeda wax weyn oo xoolo ah (sooryo iyo yarad), waxaan meesha ka maqnayn hasha hooyo iyo tan abti oo ka dheeraad ah waxa aabbe iyo tolku qaadanayaan!, taas oo marka dhinac laga eego tusaysa in gabdhaani qiimo weyn ugu fadhido ninka iyo reerka soo doonay.

11.Waxyaabaha tusinaya qiimaha gabadhu ka leedahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa ka mid ah sida ay suugaantooda qaybeheeda kala duwan (gabay, guuroow, geeraar, maahmaah, halkudhig …) ugaga hadleen gabdhaha, hadday tahay ammaan, kool, wacyigalin, baroordiiq, doonis iwm.

 

12.Waxaa loo bixiyaa magacyo aad iyo aad u qiimo badan oo xambaarsan tilmaamaha wanaagsan ee laga rabo gabadhaasi inay yeelato xagga muuqaalka iyo xagga macnahaba.

 

Bulshada Soomaalidu siyaabo kala duwan ayay ugu magac bixisaa ubadkeeda, magacyadaasina waxay ku baxaan munaasabad, waqti ama xaalad markaas taagan. Waxaa kale oo magaca loola qasdaa in uu tusiyo macne ama tilmaan qiime leh oo la doonayo in ilmahaasi yeesho. Waxaan meesha ka marnayn in gabadha laga doonayo in ay ku sifowdo tilmaamaha wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin dhammaan magacyada loo baxsho gabdhaha.

 

Munaasabadaha iyo macnayaasha magacyada gabdhaha Soomaaliyeed

 

Magacyada gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado, waxayna xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga doonayo gabadheenu in ay yeelato, waxaana ka mid ah:

 

*Magacyo ku baxay xilliga gabadhu dhalatay, sida: Isniino, Axado iyo Salaado (xilli salaadeed).

 

*Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu, sida: Ugbaad, Cosob, Xareedo iyo Roobo.

 

* Magacyo muslimiintu la baxaan, sida: Xaawo, Caasha, Xaliimo, Khadiijo, Faadumo, Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo kale noqoto.

 

Magacyada xambaarsan macne ama sifo wacan oo la rabo in gabadheennu yeelato:

 

1.Magacyo diimeed oo tusaya in ay tahay gabadhu qof Alle taqaan, cilmiga iyo cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida: Muumino, Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo, Khadro (Khadar-nimo), Ijaabo, Duco, Ardo, Cibaado. Haddaba waa in gabadha Soomaaliyeed xambaarsanaato sifooyinkaas ee aysan noqon Alle ka jeed inkaar qabto ah.

 

2.Magacyo goobo barakaysan oo loo saadinayo in Alle geeyo adduunka, sida: Makka, Madiino, Muna, Marwo (buurta iyada iyo Mina la dhex ordo, marka la xajiyayo ama la cumraysanayo), Rawdo(goob barakaysan oo u dhexaysa Guriga Nabiga SCW iyo minbarkiisa).

 

3.Magacyo Janno oo Rabbi looga rajaynayo in uu aakhiro dajiyo, sida: Firdawsa iyo Naciima (oo ah labo Janno).

 

4.Magacyo tusaya dhawrsoonaan iyo xushmad, sida: Astur, Cawrala, Ceebla, Aamina, Ijo iwm. Gabadheenna iyada oo aan wax aqoon diineed ah lahayn ayaa waxaa astaan u ahaan jiray asturnaan, xishood iyo ceeb la'aan, waayadaan dambase ceeb Alle ha asturo!!!.

 

5.Magacyo muujinaya sama-sheeg iyo sama-fal, sida: Warsan, Nasteexo, Samawada

 

6.Magacyo tusaya xilkasnimo, naagnimo iyo mudeecnimo, sida: Marwo, Raalliyo, Amran iwm.

 

7.Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha ay leedaha gabadhu, sida: Qaali, Dahabo, Cambaro, Jawaahir, Luul iwm.

 

8.Magacyo muujinaya quruxda iyo bilicsamida gabadha, sida: Qalanjo, Muraayad, Ubax, Xasno, Sahra, Safiyo, Shamsa, Qamar, Habboon, Keeyf, Cawrala (way dhammaystiran tahay oo meel laga xanto ma leh muuqaal ahaan. Waxay kale oo noqon kartaa qof xagga dhaqanka iyo akhlaaqda ka dhammaystiran oo wax lagu ceebiyo oo qawl iyo ficil ahi uusan jirin).

 

9.Magacyo xambaarsan macnayaasha: nadaafad, udug iwm, sida: Nadiifo, Mayran, Hufan, Cadar, Carfoon iwm.

 

10.Magacyo xambaarsan: Jacayl, macaan, qabaw, dagganaan iyo naxariis ay ku sifowday gabadhu, sida: Muxubbo, Timiro, Barni, Xalwo, Rummaan, Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar (qabawga daruuraha) iyo Naruuro.

 

11.Magacyo tusaya dulqaad, karti iyo firfircoonaan, sida: Carro, Wiilo, Caabbiyo, Baxsan, Shan-karoon, Fariid, Geelo iwm.

 

12.Magacyo xambaarsan saad wanaagsan, sida: Falxado, Hoodo, Ayaan, Maymuun, Caanood, Faa'iso iyo Fawsiyo .

 

13.Magacyo tusaya boqornimo, sida: Mulki, Suldaamo iyo Ugaaso

 

14.Magacyo muujinaya inay ku filan tahay ehelkeeda, muslinkoo dhan iyo gaar ahaan ninkii hela, sida: Deeqa iyo Kafeeya.

 

15. Magacyo sita macnaha aqoon, caqli iyo garasho, sida: Fahmo.

 

Wanaagga iyo maamuuska Soomaalidu u hayso gabdheheeda ee aan ka waranay kama wadno in aysan jirin xadgudubyo iyo dulmi loo gaysto gabdhaha ee waxaynu uga jeednaa in aan caddayno meekhaanka iyo maamuuska ay ku dhex leeyhiin dadkooda, isla mar ahantaasna aynu muujino in gafafka loo gaysto gabdhaha aysan ahayn dhaqan guud oo bulshadeenu leedahay ee ay tahay wax ku gaar ah qofka xumaaday, gafkaasi ha kaga yimaado reerkooda inta ay yaryar yihiin ama nimankooda marka ay guursadaan ama ubadkooda marka ay weynaadaan ama ha kaga yimaado qaar kale oo ka mid ah bulshada. Tan kale dulmiga iyo gafka laga galo gabdhaha waxaa ka badan kan laga galo ragga, tusaale ahaan: dhaqanka Soomaalida waxaa ka mid ah in aan la dilin dumarka wax kasta hadday dhacaan, waxaana la ogyahay in ay laayaan wiilasha yaryar haddii dagaalku dhanaanaado, waxayna ku magacaabaan siqiir gawrac. Waxaa iyana soo qaadis mudan in ay isku mid yihiin asbaabta keenta dulmiga ragga iyo kan dumarka oo ninkii gabar dulmiyaa uu intaa ka badan raggana dulminayo.

 

Dhinacyada Soomaalidu ay kaga xadgudubto gabdhaha

 

Waxaa jira dhinacyo bulshada Soomaalidu ay gabdhaha ka hagrato ama ku dulmiso iyada oo dhab ahaan gabdheheeda jecel una roon, waxaana ka mid ah:

 

1.In dadka qaarkood ay jeclaystaan ilmaha u dhalanaya in uu noqdo wiil oo ay ka naxaan haddii gabari dhalato, taasna waxaa sabab u ahaa bulshada Soomaalida oo aan dawlad iyo caddaalad midna haysan ee qof walba uu wiilashiisa ka filayay difaac. Xilliyadii yaraa ee Soomaalida qaarkeed galay magaalooyinka ama maamulladu dhisnaayeen waxaa yaraaday ahmiyadda qabiilka iyo horumarintii wiilasha.

 

2.In Soomaalida badankeedu gabdhaha ka hagran jireen xagga waxbarashada oo caadadu ahaan jirtay in wiilka wax la baro gabadhana xoolaha la raacsado. Arrintaan dhab ahaan hadda waa laga gudbay oo gabdhuhu xagga waxbarashada diineed iyo adduunyaba xilliyadaan dambe iyagaa kaga horreeya wiilasha, sababtuna waxa weeye waalidiinta oo ilmohooda si siman u geeya waxbarashada iyo wiilasha oo inta badan ku mashquula waxyaabo gabdheheenu ka hufan yihiin iwm.

 

3.In xoolo yari loogu diido nin geeyaankeed ah oo ay doonayso, ama lagu xiro yarad uusan heli Karin.

 

4.In lagu khasbo nin aysan raalli ka ahayn oo xoolo loogu xishay, lagana yaabo inuusan u qalmin ama qancin Karin.

 

5.Taas oo ay ka dhalatay dhaqan xun oo dhibaato weyn ku ah gabdhaha diintooda, sharaftooda iyo ehelkoodaba, waana waxa loo yaqaan: (( LA BIXIS)) oo gabadhu kaga fakanayso in lagu khasbo nin aysan rabin ama ku raadinayso nin ay doonayso oo ay ka cabsanayso in loo diido.Waxaa wax Rabbi loogu mahadnaqo ah in waayadaan dambe ay aad u yaraatay gabdhihii lagu khasbayay nin aysan rabin, ama loo diidayay ninka u qalma, waxaana ka dhashay in ay aad u yaraato la bixista oo diinteenu aad u ceebaysay, una diiday.

 

6.Dulmiga gabdhaha loo gaysan jiray waxaa ka mid ahaa in dadka qaarkood u diidaan dhaxalka, gaar ahaan geela oo lagu yiraahdo annagaa kuu haynayna ee orod oo arigaaga kaxayso. Tanina waxay ka mid tahay dulmiga aad ka u soo yaraaday xilliyadaan dambe oo diinta aad loo bartay.

 

Gabagabadii bulshoweynta Soomaaliyeed rag iyo dumarba waxaa la gudboon in ay joojiyaan dulmiga ay u gaystaan gabdhaha, isla mrakaasna ay u guntadaan sidii dadkeena oo dhan looga dhaadhicin lahaa arrintaas. Gaar ahaan aqoonyahanka iyo suugaanyahanka qawl iyo qalinba inay ugaga qeybqaataan ayaan ka rajaynaynaa; si aan gabdheheena uga samatabixino dabinada iyo mu’aamaradaha loo maleegayo.

BY:Yonis Nour 

 kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

 
Alla Ayuuto Maxaa II Geestay?

Alla Ayuuto Maxaa II Geestay?

 

Waleey waxaan maqli jiray shalaay ma horeyso ee danbeesaa. Waxaan ahay hooyo ku nool UK oo leh shan caruur oo yaryar. Waxaana muddo saddex sano ah arruurinaayay lacago aan ka heli jiray ayuutooyin kala duwan. Waxaa mararka qaarkood carrurteyda oo i baryaayo in aan lacagtaas wax uuga soo iibiyo ayaan uuga dhaaran jiray. Anigana lacagtaas waxaan ka lahaa hal qasdi oo ahaa, in aan odeygeyga aan siiyo oo uu ganacsi ku bilowdo.

 

Waxaan lacagtaas arruuriyaba, markii ay gaartay 20,000 pound ayaan odeygeyga gacanta kasaaray oo aan ku dhahay gacacsi ku bilaawo oo dibadda nooga soo shaqee dalka iyo Dubai.

 

Odeygeygii maalintii uu baxay oo uu tagay Dubai ayuu taleefoon noo soo diray oo wuxuu nagu yiri waxaa laga yaabaa in aan India aado ee muddo labo bilood laga yaabo in talefoon idiin soo diri waayo.

 

Anniga iyo caruurteyda waan ku qanacnay oo waxaan nasoo gashay rajo weyn oo ah in uu odeygeyga roabo in mashquul ku noqdo ganacsigiisa muddo labo bilood ka dibna uu noo soo laabanaayo.Waxaa iga soo wacday Dubai gabar aan saaxiib nahay oo odeygegii India ii jiray ku soo aragtay Dubai.

Waxeyna ii soo sheegtay in uu la so socdo naag ganacsato ah oo dukaan ku leh Dubai.Waan iska cuuda bileestay oo caruurteyda ayaan isku mashquuliyay caruurteyda oo shaeydaanka ayaan iska naaray.Maalintii kale waxaa Denmark iga soo wacday walaashey oo ii sheegtay in uu odeygeyga ku guursaday lacagtii aan siiyay naag ganacsato ah oo uugu diray India, oo isagana uu dukaankeedii sii joogo.

 

Madaxa ayaa I wareeray oo meel aan joogo waan garan waayay, ilmihii qatanaa maalintaa waa ay igu quud seegeen. Wax aan sameeyo ayaan garan waayay.oo aduunyadii ayaa ila soo yaraatay oo ciil ayaan la istaagi waayay. Markaasaa ilmo aan weligeey isku arag indhaheyga ka soo yaaceen, caruurteydana markey I arkeen ayey iyagana ooyeen, umana aan sheegin sababta.Ciilka waxaa iga keenay maaha guurka uu galay odeygeyga waa lacagtaan sanooyinka u uruurinaayay in uu horumar ku gaaro oo uu ogaa in aan ilmaheyga ka qatinaayay ayuu naag kale gacanta ka saaray.Lacagta ay naagtaas india ku aaday waa lacag aan u diiday in aan ilmaheyga uuga gado toys iyo games. Alloow ishooda iga xijaab.

Waxaa ii timid gabar aan saaxiib nahay oo iayada nikeeda dhowr jeer xirtay oo ku faanto in ay edbisay oo waxey rabto uu sameeyo. Waxey igula talisay wax Alle iyo diinta ay raali ka ahayn. Waxey igu tiri, walaal intaad madaxa maro ku xirato birdaabo dhowr jeer isla dhac, asbuuc ka dibna markuu nabarkaaga dug noqdo dowlada ku dacwee oo waxaad tiraahdaan ninkaas wuu idili jiray oo waan cabsanaayay in aan soo sheego, intaan korkeyga ku taalana isaga ayaa ii geestay.Lacagna wuu iga xaday oo ilmaha tababar oo marqaati ka dhigo in uu aabahood ku dili jiray habeen iyo maalin. Markuu dalka soo galena xabsiga ayaa lagu ridayaa.

Shaahii aan siiyay markey dhameesatay ayaan u cudurdaartay si ay iiga tagto. Markii ay gurigeyga ka baxday, ayaan soo weyseestay, oo labo rakco tukaday oo aan Illaah ku daayay, nikaas. Anigana dhaxda ayaan xirtay oo caruurteyda ayaan u soo jeestay. Waxaana Ballan qaaday ayuuto danbe ee aan ahayn mid aan u galay in aan sadaqeysto in aan galin mar danbe.

 

Waxaan hadda ku waaninaa gabdhaha walaalahey ee ayuutooyinka ku jira in ay Ilaahay ka cabsadaan oo ay caruurtooda ka hormariyaan wax walba wayo waa waajib nasaaran.Odeygeyga Dubai ayuu iga soo furay oo naagtii na waa ay racdeysay markuu I furay, iyadana nin ay yaraanteedi jecleed oo ay isku qabiil yihiin ayey guursatay. Isagana hadda waa taksiile ku shaqeysto si sharci daro ah oo Soomaalida oo kaliya ayuu qaadaa.

Wuxuuna ka baqaa hadduu soo laabto in la xiro. Anniga mar walbo waan raadiyaa oo waxaan rabaa in uu caruurtiisa u soo laabto, oo waan cafiyay, weligeyna ma dacweynin waayo aakhiradeyda maku doorsanaayo addunkaan oo mar dhow laga tagaayo.Walaalayaal Hablaha reer UK, tan waa tii aniga iga raacday “Ayuuto” bal idinkana iska ilaaliya, ayuutada badan ee aad 

ku jirtaan, hana iloowina Zakada, iyo sadaqada laydinku leeyahay.

 

Muna Saleyman, UK  

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

  

 
Kumaa qaadan karo sh/so/50.000 o

 Kumaa qaadan karo sh/so/50.000 oo keeni karo gabadhaas). QEEYBTII 3AAD

Dad ka xaafadeyda waxey ahaayeen ku wo wanaag igu yaqaanay marna igama filaneyn fal xun ilaa heer waxaan gaaray dambigeyga ay daboolaan lkn maqaldami waa illaahey asigaana ceeb oo idil ka nasahan xaafadii ayaan imaaney wiil kiina wadada ayuu nagu arkay wuuna nasoo dabakacay gurigi ayaan galnay gabar aan isku fiicannahay ayaa joogtay waxey noo kentay cabitaan ma.

anigaaba haayo af aan ku cabo si jecel ay ku dheehantahay ayey igu siisay sida inaa marti ahay oo kale waxeyna ku hadaaqeysay sood kaan jilacsan oo laabteyda waaxay (sumcadaada guud iyo suurataada gaargaa markii aan sifeeyo sinjigaaga waa gob wacad waxaan ku marayaa inaa ku dhihin ku maatahay hadiidin adiga ku ma deyn karaayo wad koo dilin nafteyda) runtii waxayna taabaneysay mustaqbal ka anigana arinta aan sameynayo fool xumadeeda jecel ayuu igu sii gordhiyey waxaaba moodaa hadaladeeda iney udarayaan in dhaheyga ayee qaateen nuurka ka.

Imaanayo wajigeeda iyo midka afkeeda hadal na waan oran waayey waxey guda kashay iney is celin weydo waxeyna bilaawday gacan gahadal aanan horay ugu baran shumis ayey igu bilaawday wax bey iga cudsatay si jecel leh ma waxaan cudsigeeda tixgaliyaa murug iyo shalaayto ayaa idabooshay waxaan soo nibdaaday ayadoo igu mashquul san waan lahadlay waxeyna igu tiri hadal intii hore hanoo ahaado waxaan usheegay iney tahay goor danbe wey igu qososhay iguna tiri hal kee aadayaa waan sasabay weyna iga ogolaatey inaa baxno waxey na igu tiri nolosheyda waqtigii aan ugu farxata badnaa maanta ayaan arkoo anigoo qalbiga ka hadlayo ayaan is ku dhahay cumarow waa maalintii kuugu cabsi iyo murug badan maanta ayey ku martay lkn maalin kaas ayey ii bilaabatay waxaana is ku raacney inaa baxno qalabkeedi ayey soo qaadatey.

 

 

 BY:Cumar cali

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   

 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
MAMA QAALI

MAMA QAALI Qeybtii 1aad 

 

Fahad:-  Feysal haye saaxib manta ilama fiicna wejigaadee sidee wax u jiraan arintii ayada eheed miyey kuu suura gashay mise weli waxa kuugu adag sidaat jaceelkaada ugu bandhigi leheed?

Feysal:-   Saaxib runtii wey igu adagtahay sidaan ugu bandhigi lahaa oo waxaad moodaaba markaan dhankeeda aado ee aan is irhado la hadal in wadnuhu si aan marnaba cadi eheen u bood boodaayo waxaa taa ka sii daran dhidid aan marnaba cadi eheen ayaa iga da aaya oo anoo dhan waan wada qoyayaa alla jaceelku daranaa

Fahad:-   Runtii saaxab jaceelku midka ugu xanuunka badan uguna halista ween ayaa ku heley kuna haaya gabadhaad jeclaatayna waa gabar mudan in lajeclaado oo waaruux afgaabanoo aan hataa cidina hadal ku darsaneen ama aan lamaqleen hadalkeeda, aad ii aad eyey u xishood badan tahay ardeyda galaaska ugu heysta dhanka waxbarashadana wey tahay ee saaxib intaad isyara giijiso u bandhigo jaceelkaada laba mid midood eyey noqon in ey kuugu raacdoo wax kula qabato iyo in eey kuu deeriso oo aad go aan ka gaarto laakin sidatan ma wanaagsan ee saaxib bal tasho .

Feysal:-  Saaxib waa runtaa sidatani talo manoqoneeso waa inaan geesinimo muujiyaa hana ila yaabin saaxib moowjad aad u culus ayaa  isaaran runtiina uusan jirka xamili kareen haduu alle idmo berito arintu si un eyey noqon

Fahad:-   Waarun saaxib waana dareemi karaa jaceelkuna waa  moowjado badan yahay kalana culus yahay kan adiga ku saran dad badan ayuu qabri geeyey ee saaxib ineey goori goortahay cadkaada dhacso horaa loogu maah maahay intuu uurka buki lahaa adimanka hadaalaan ee saaxib fadhiga kakac .

     Feysal waxuu aad ii aad u jeclaaday gabar ey isu galas yihiin runtiina uu rabi ku maneestey adaab degenaan sharaf iyo dulqaad waa ruux xishood badanoo hataa ereyada afkeeda kasoo baxaaya markeey hablaha saxaibadeed la sheekeesaneesa aan lamaqleen. Feysal waxaa aad ii aad ugu adkaatay siduu jeceelkiisa ugu soo bandhigi lahaa Qamar

     Qamar waa gabar ilaaheey u dhameestiray heebad iyo asluubna leh waxaa dhashay hooyo wadanka oodhan caanka ah aadna loo ixtiraamo qadarin iyo qiimabadana ku leh dadweenaha soomaliyeed. Feysal waxuu go aan sadey inuu waraaq u Qamar waxuu hadba fikiro ama ereyo isku aadiyaba waxuu qoray waqrqad  uu ku sawiray ubax aad ii aad u qurxoon kuma uusan qorin cida ey ka socoto ama ey ku socoto, asagoo taana u yeeley hadii warqada waalid keed arko aanan lagaran cideey ku socoto ama kasocoto waxuu qoraalkiisii ku bilawaay ama ey warqada u qorneed sidatan.

                           Sahankii nafteyda

Sahansigii nafteyda sir iyo cad anoo kala ogsoon waxa sadrigeyga kuyalee ku suluugan qalbigeyga hadaan kuugu sareesto si walboodhacdo ma u samri kartaa?

Abaayooy masamru jaceelku sulux suluxna maqaato sohdin tii ruuxii soogalaana su aalaa ku soo soofta,   su aashayda dhamaan si wacan u dhuux sahankaan sababtaadaan u soo qoray sadri aan kala go een ilaa suurtii qiyaamo.

Saakay waa bariiskii salalay oo sariirtii ka toosay sawirkaadaa I hor yaalay surnaa agteyda, salanka markaan u dhiibayna riyaa I sasaweesoo cidina ima hortaagneen

Adigey isitoo nafteyda u soomantehee sacabada ma is qabsanaa oo macaan qarsinka mawadaagnaa ?  

     Intaa markuu qoray ayuu intuu bashqad geliyey go aan sadey in uu berito qamar farta ka saaro

 

 

Lasaco wiiga xiga iyo taxanaheenii ahaa

Mama qaali

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

        This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 
Gardaran !!

Gardaran !!

 

 

Taasi ayaa nagu keliftey aqristoow inaad bilow ilaa iyo dhamaad aad ka aqrisan doontaan halkani.

Mahadsanidiin

Ku soo dhawaada qeybtii koowaad  iyo sheekadii xiisaha badnaa ee                

 Gardaran !!

 Waxaan ku dhawaaday inay Ilin kalgacal iga soo dareerto, waxaa iga tan badiyey culeyska soo fuuley qalbigeyga, waxaa buuxiyey quluubteyda dareen iga xoog badan.

        Ma aqaano si aan u aamusnaado, waad ogtahay in aan dhowr jeer kuu sheegay dhibka heysta nafteyda  taasoo ay u keentay aragtida muuqaalkii yaraanteena ee keenay in aan ku janto.

        Waxaan ahay Cumar yare oo aad si fiican u taqaano, ma aha qof kugu cusub ama dhawaan aad is barateen, tan iyo yaraanteenii inaan meel iskula soo kornay daah kaama saarna haddaadan adigu dafiryenin taa…… abaayo  ma waxaad jeceshahay ku faanidda dhibka I heysta si aad u tusto  dadka kale ee hareefadeyda ah, jacaylka igu cayaaraya ee aan hiilka kaaga waayay ma dan buu adiga kuu yahay, adigoo iska indho tiraya runta, isna ilowsiinaya heerkii nololeed ee aan isla soo qaadanay yaraanteenii….

Waan kugu wareeray oo marba si ayaad iila hadashaa kol waxaad ii sheegtaa  in aad tahay qof jacayl lagu cidleeyay hadda kahor oo aanba u soo jeedin mar dambe jacayl iyo afaarihiisa….marna waxaad ku doodaa inaad nin ku mehersan tahay…

Si kasta oo ay tahayba waxaan hubaa in ereyadaasi yihiin kuwo aad igu sii fogeyneyso, ma aqaano in aan dambi hore kaa galay  oo aad iga aarsanayso, waxaanse kaa codsanayaa in aad iiga hiiliso caashaqa I cadibaya.

In badan markii aan ku fooraray qorista warqaddan aan uu qorayay Xamza ayaan madaxa kor u qaaday, markaas ayaan halkeedii ka sii waday qoraalkii….

Haddii aad tahay qof insaan ah ama qalbi jilicsan  waa hubanti in ereyadani aad laab furan ku soo dhaweyn doonto, ayaga oo kaa taaban doono meel weyn oo ka mid ah beerkaaga.

        Haddiise aad noqoto dhagax aan waxba gelin, waxaad ogaataa in aad mar uun waraabi doonto  abaalmarinta nabsiga  oo ku qudh-qudhsiin doona  dacarta aad xaqa u yeelatay …

        Waan kuu cawday, gacmahana kuu soo taagtay si aad iiga bixiso Badweynta moolka ah ee aan dartaa u galay… wax walba haku qaadato abaayo, caawimaad ii samee oo iiga hiili Jacaylka, maxaad iigu martiqaadaysaa kalmadda afarta xaraf ka kooban ee kharaarka badan leh ee MAYA!!! Miyaadan ogeyn in ereygani uu wax u dhimayo nolosheyda, qalbigeygana dhaawacayo.

        Waxaan u malaynayaa oo in aad si fiican ugu raaxaysanayso calaacalkeyga…. Waxaad iska rabtaa inaan mar walba la soo taagnaado “WAAN KU JECLAHAY” mase ogolid in aad gargaar ii fidiso.

        Weligey gabar warqad uma aan qorin, waanse adkaysan waayay, jacaylka aan kuu qabo ayaana igu xambaaray inaan warqaddan kuu soo qoro… Caku naf aan kuu garaabeyn… Fadlan Xamza mar uun ii garow abaayo.

        Waan hubaa in ay kaaga darnaan doonto haddii aan u dhinto dhibta aan kaa codsanayo wax la qabashadeeda, sow adiga ku soo bixi meysid gacan ku dhiigle? Ama qof dartii loo dhintay? Balse waxaan kaa codsanayaa kahor inaad ii fidiso gargaar degdeg ah.

        Bal fiiri indhahayga sida ay u guduuteen, ilinta ka qubanaysa cawo iyo ayaan… CAKU DUMAR ILEYN KAAMA KACAAN HADDEY KU LEGDAAN.  Si kastaba ha ahaatee waxaan sugayaa goorta uu caqligu ku tuso  inaad ii gargaarto marka ay naxariis soo gasho qalbigaaga, goorta aad dareento dhibka aadanaha, marka ay kula noqoto in naf ku jecel aan la xumeynin….waqtiga uu jirku ku damqado… aminta ay oohinteydu ku dhibto, waa waqtiga aad garato inaad dhiigeyga ku nooshahay…. Waa marka aad labada  gacmood iigu soo taagto si niyad ah oo aad hab I siiso, kolkaas oo aan heli doonto dhunkashada dhabta ah ee ugu macaanayd nolosheyda.

        Waxaan ku dheeraaday qoraalka warqaddaa wejiyada badan ee sida fiican uga hadlaysa xaaladda ugu dambeysa ee jacaylkeygu marayo.   Xamza ma ahayn qof muraad iga leh, waxaana u qoray warqaddii ugu dheereyd ee naf wax jeceli isaga hadasho…. Aniga oo si fiican u fahamsiinaya nuxurka cishqiga ka buuxa laabteyda ee aan iyada u hayo, waxaanse ka qaaday colaad iyo in ay nafteyda halis geliso….. markii ay iska key reebi weysay ayay ii soo dirtay Saddex nin oo Mooryaan ah oo iga takhalusa, waxayna Labo habeen iga goobayeen Biibito aan  fariisan jiray, iyagoo weliba si kama’ ah u rasaaseeyay wiil ii muuqaal ekaa kaasoo nasiib wanaag ka badbaaday xabbadihii lagu furay.

        Waxaa layaab igu noqday in Jacayl daraadii la ii dilo, in naf aan badbaadiyey markii ay dhaawacantay ee dhiigeyga aan ku shubay I toogato, in qof noloshaada u sabab ahaa aad geeri u shirqoosho, haddana waxaan ogaaday in ay tahay Gardaran !!.

        Si kasta haddii aan ula hadlay garowshiyo iska daaye aniga ayaaba halis galay, waana ka waayay wax maciin ah, ma dhicin xitaa in ay niyadda ii dhisto…. Iyadoo ay sii badanayeen dadka ogaanayay jacaylka aan u hayo…waase baraaraheeda.

Waan ogahay in marmar ay si tustus ah telefoon iigu soo diri jirtay, iyada oo iska dhigeysa in ay naxariis ka tahay oo ay ogaanayso xaalkeyga caafimaad, waxayna ka mid ahaa khiyaamooyinka ay ku damqineyso boogta jacayl ee igu taala ee ay ka cabsi qabto in ay bogsato.

 

Fadlan la soco qeybaha kale

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 

 

 
Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Intayna anan  bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala  qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu  soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa looga jeeda Nabi maxamed (SCW)  

Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah  iyo cidii uu xukumayay  waxa kale oo ku xusan suurdan

rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda  

Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro.  

Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa  qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan”  

Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee.  

Nabi yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar .

Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow”  

Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.

Nabi Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa.  

Ilaahay waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen  aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan”.  

Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted.  

laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf  walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno.  

Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna  way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan.

 

Goobtii sadexaad

 

Dabadeena waxay aabahood ka dooneen in uu u ogalaado si u raaco, illaahay isagoo taa ka waramaya waxa uu yidhi “Waxayna yidhaadeen aabooy maxaad noogu aamin la’dahay yuusuf anagoo u ah wanaag falayaal (11) anaga na raaci beritoole ha iska soo qadhaabsado ha iskana soo ciyaaro anaguna waan ilaalinaynaa, (12) waxa ii muriga gelinaysa in aad isgaga tagtaan waxana ka baqayaa inuu cuno yayga idinka oo moogan (13) waxay yidhaadeen hadii uu cuno yayga anagoo koox ah hadaba dhab ahaantii anagaa waanu qasaarnay waxa dhex maray dood inamadii iyo aabahood si u raaci lahaa yuusuf, waxayna ay cabireen erayo dereen ku jiro (aabooy maxaad yuusuf noogu aamin la dahay)

 

 

Yuusuf waa walaalkayo anagaa ilaalinayna ha ka baqanin in ay wax soo gaadhaan, anagu waan jecel nahay walaalkay waanu waanin waanu ciyaarsiin doona, aabooy maxaad noo raacin la dahay ha iska ciyaare ha iskana qadhaabsadee isaga waxa u fiican ciyaarta iyo bixitaanka maadamo uu ilma yar yahay, aabo bal eeg wajigiisa waxa uu ka murugaysan yahay joogitaanka guriga inanka yari maba helo wax ciyaar ah, laakiin aabahood wuu ka diiday si aan toos ahayn isagoo muujinaya cudur daar, wuxuuna sheegay in aanu jecleen inuu yuusuf ka ag fogaado isagoo ka baqaya inuu cuno yaygu waxana uu yidhi aabooy waxa muruga I gelinaya in aad ka tagtaan yaygune cuno idinkoo ciyaar ku mashquulsan, waxay ugu jawaabeen aabahood aabooy anagoo 10 nin ah suura gel maaha inuu cuno waraabe iyagoo aabohood u muujinaya been waxay aabahood saareen cadaadis faro badan si u raaco yuusuf, si una rumoobo qadarka illaahay, waanu ogalaaday aabahood in yuusuf raaco.

 

WAA GOOBTII AFRAAD

 

Markay la tageen  oo ay dooneen in ay ceelkii ku dhex ridaan wuxuu illaahay u waxyooday Nabi Yacquub (CS) isagoo uga waramaya waxay sameeyeen inamadiisi laakiin inamadiisu may dareen sanayn, waxay door bideen yuusuf walaaladiin in ay ku ridan ceel aanay socotadu ka kala go’in si diina way sameeyeen, ilaahayna Nabi Yacquub (CS) ayuu u sheegay inuu inankisi ka badbaaday ceelkii lana kulmi doono maalin kale ugana warami doona qisadan iyo waxay walaaladii ay ku sameeyen. 

 

LASOCOCO

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  


  

 
sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 17 ee ugu dambeysey

sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 17 ee ugu dambeysey

 

waxay  inoo  joogtey  qayptii  hore  ee  16  faysal iyo ayaan oo ku  balamay  iney isugu  yimaadaan  2 wiig  kadib markii  ayaan  la  furey  oo  xor  noqotey  laguna  kulmi  halkey  ayaan  joogtee  ostareliya ah  waxaase  gadaal u  fekerey faysal   ileen  rag  tala   kama  dhamaatee  wuxuu  ku  fekrey gabadhuu  jeclaa  oo  maanta  xor  ahoo   la  furey   haduu  aado  inuu  u baahan  yahay  nafteeda  dhan  hasa   ahaatee  ayaan  waxaa  la  furey  hada  ee  sidee  guur  loogula  deg  degi   karaa faysal  wuxuu  isku  qanciyey  inuu  ayaan  u sheego  inuusan  iman  doonin  2  wiig  kadib  sababna  uga  dhigo  sida  runtu  tahay   ee  ah inuu  sugo  ilaa  intey  ka  cadad  bixi  doonto  oo  diin  ahaan  guurka  ayaan  u  banaanaan  doono  waayo  markii  gabadh  la furo  waa  iney  cadad  baxdaa markaas kadib  ayaa la  guursan  karaa   3 bilood  kadib  faysal   ayaan  buu   soo  wacay  by  tell   wuxuu ku  qanciyey  iney  iska  adkeysatoo  iska  samirto  ilaa  intey ka    dhamaan  doonto 3  bilood   waa  la  isku  waafaqey  laguna  heshiiyey  iney  sidaas  yeelaan  waayo  2  is  jecel  oo  kala   maqnaa   10  sano  hadey  isu  yimaadaan  waxaa  ku  haboon  iney  ahaadaan  dad   isu  xor ahoo  guur  xalaal  ah  la  isugu  daroo  waalidku  isku  og yahay  
 
 
3  bilood  waxaa  lagu wada  xidhiidhi  jirey  ayaan   iyo  faysal  tellka    waxay  kala  badneyd  mudadii 3  bilood  aheyd   iyaga 3  sano  waxaa soo  dhamaatey  3 bilood  waxayna   ayaan  arintii  u  ban dhigtey  2 waalid  ee  ayaan   dhalay  waxaana  lagu  yidhi ma  wiilkii  horee  lagaa  reebey waagii  horaa  ahaa  ayey  tidhi  waa  waalidee  waxaa  la  yidhi  haduu  wiilkii  nool  yahay  faysal ahaa  kuna  raali  tahay   welina  is  jeceshihiin  waanu  isku  kiin  dari  doonaa  ee   ha  yimaado wiilku  ayaan oo    farxad uga  muuqataa  tidhi   intey 2  waalid  marba mid  madaxa  ka  dhunkatey  waad  mahadsan  tihiin aabe iyo  hooyo   waayo  waxaa  jirtey   nolosha  maalin  aan  naxay  oo aheyd  markaad  faysal  iga  reebteen oo  ii  guuriseen  shiikh  cali   waxaana   iga  soo  celin kara   ama  iga  soo  ceshey   naxdintii  waagaas  hore  i soo  food  saartey    sidaan  maanta  xor  u ahey iyo  inaad    faysal  iiga  raali  tihiin  waxaa  isna       tell soo direy   faysal  iyadoo  ayaan  iyo  2 waalid  wada  fadhiyaan  waxay  tidhi  salaan  kadib  waxaan  kuu   dhiibayaa  aabe  iyo  hooyee   la hadal  wuu  la  hadley   wiilkii  2  waalid   waxay  dhaheen   wax kastaad  adiga  iyo  ayaan   raali  ku  tihiin  waxaan  idinla  nahay   diyaar  maanta  maaha  maalintii   neyroobi  la   joogey  ee   iska   jirtey duruufta  iyo  calafku   faysalna   wuxuu   yidh  aabe  iyo  hooyo  aduunkaa   iska   sidaas  ahee waxaan  rabaa   inaan imaado  ayaan  oo  ii  mehersan  ee  maxay  idinla  tahay  idinkaa   waalidkii ahoo  noo  masuul   ahee  waxay   dhaheen  cidma   taqaanaa  ostareeliya   wakiilkaa       noqon karaa  masuul  xagaaga    wuxuu  yidhi   waxaa   iga  masuul  ahaan  doona  odeygii  muuse  ee  u  sababta  ahaa  inaan  aniga  iyo  ayaan   is  helno  mar  kale  nolosheena   miyaad   taqaanaa   ayaa la  weydiiyey  odey  muuse   haa  waan  aqaanaa  waxaan  nahay 2  qof  oo  muslim  ahoo   hadana ka sii  wada  ah  somali  iskuna  bartey   u.s.a    wanaag   nadhex  marey  haye    la  soo  hadal   ayaa  lagu  yidhi  muuse  kadibna  wuu  noo  imaan  doonaa:  
 
 
 
waxaa  wada   hadley  khadka   tellka  muuse  ostareeliya   joogey  iyo  faysal  u.s.a.  adeerow   salaan      is  wareysigii  somalida   ee  caadiga  u  ahaan  jirey  kadib   waxaan  rabaa  inaan   reer  dhisno   aniga  iyo  gabadh  la  dhaho  ayaan  axmed   oo  halkaas  kula   degan ee   ka   waran  arintaas  hadaad iga wakiil ahaato xaga guurka   wuxuu  dhahey  oo  ayaan  ma  gabadhii  shiikh  cali   kala  tegi   jireen  baa?  haa  waa   iyadii  hadaad   aniga  i saartey  masuuliyada   xagaaga   waan  kaaga  ahaan   ee  mow  sheegtey reerka?  haa  waan u  sheegey  adeerow    laga   bilaabo  hadeerto  adigaa  iga   wakiil   ah   gabadha  meherkoodu  waa  laba  kun  oo doolar  waxaa  wada  hadley   odey  muuse  iyo  odey  axmed  arintii  waa  laga  kulmey  waxaana  laysku   raacey  inla  balanshoo   shiikhii  meherin   lahaa  gabadha  waxaana  la  soo  dhameys  tirey   kulankii   iyo  meherkiiba   waxaa  halkaas  ka  dhacdey   guriga reer   axmed  kulan  farxad  badan iyo  meherkii  ayaan.   waxaad   moodaa  maalintii   meherkii  ayaan  dhacay  iney  aduunka   badhkiis  heshey  ayaan waase  tahay  iney aduunka  badhkiis    heshey  waayo  marna  ayaan  kuma  fekerin   waxaad   noloshaada  dambe  arki  doontaa  faysal  iska   daa  iney   guursatee  halka  faysalna   farxad  dhulku  la  soo  yaraadey  markii   loogu   bushaareeyey  inuu meherkii  dhacay     maanta  kadibna  ayaan  isaga  u  tahay    xaas   xalaal  ah  waa  soo  duuley   faysal  hal  maalin  kadib  waxaana   airporka  ku  sugaya   gabadhuu   jeclaa  ee   ayaan  aheyd   oo  maanta   xaas  u  ah maxaad  ka  filan   kartaa   reer  sidaas  isu  jeclaa  oo  mar kale    lumey  nolosha  aduunka   bal  akhristow  in yar  naftaada  dib  u feker   maxaa   ruuxba   kiisa  kale  ka  filan  karaa  ama  ku soo  dhici  kara? 

  waxaa  la  isku  raacsan  yahay  waa  farxad  iyo  reyn   reyn  2 weji   ka  muuqata waxaa  soo caga  dhigatey  diyaaradii  faysal   sidey   ayaana   waxay   diyaar  ku  tahay  airporka  waxaa  soo  bilaamey  dadkii   diyaarada   saarnaa  waxay  ayaan  leedahay  alla     muu    noqdo faysal  qofka   ugu  soo  hor   dega   dadka   wuxuuse   faysal   noqdey   qofkii  3 ee   ka soo  dega  diyaarada   waxaa   laysugu  soo  boodey si   qof   xisaabin   karaaba  jirin   waa  leysku  dhegey   farxad  darteed  wax  kala  fur  furaa  la  waayey   mid  kastaa  waxaa  ka soo  boodey   ilmo  kalgacal  xambaarsan    ilin  jaceyl   waxaa  leys  dhaafsadey   weedhahan  qalbiyey  ma  ayaan  baa tani  iyo  qalbiyow  ma faysal  baa  maanta  ila  jooga  ninkii  samraa   waa  la  kulmaa  qofkuu   jeclaa iyo  hadalo  kaloo nafta  iyo  quluubta  ka   dhiga  happy  waana dad  kala     maqnaa   mudo  dheer   waxaa  soo  qaadey  tagsi  wuxuu  keeney  gurigii  2  waalid  ee  ayaan si  marka hore   reerku  faysal  u  arkan  mar kale   10  sano   kadibna  waxaa  loo  kaxeeyey  guri  gabadha  laga  siiyey  meel  u dhow   guriga  2  waalid  waxaana  2 casho  kadib  lagu marti   qaadey  xaflad  qado  ah  somalida   degan  magaalada malboor  ee  dalka   ostareeliya   halkaas   bay  mar  kale  ku  noqdeen  ayaan  iyo  faysal  dad  noloshu   ku  soo  laabato  waxay   maanta  yihiin  2  lamaane   reer   buuxa  oo  is  jecel  waxaa u  soo  kordhey  caruur  lagu  farxo  oo  lagu indha  qabowsado   2  waalid  ee  ayaan  dhalay  mar dambe   gabadhooda  ayaan  kamay  maqlin  iyadoo  dhib   sheeganeysa  iyo  wax murug  ahoo dambe  markey   la  hadlaan  ama  u  tagaan  ama  iyadu  u  timaado   waa  iska   faraxsan  tahay gabadhoodii  awel  markey  arkaan  ka  nixi  jireen  reerkana  intaas  baa   farxad  ugu  filan   mar hadey  gabadhoodu  happy  tahay  nolosha:  waxaa   shiikh  cali  mar  suuqa    rag  kula  kaftameen   ka soo  weriyeen    ileen  inuu  yidhi    ayaantii  aan  aqiin  maaha   ayaan  ee   waxay  gabadhu  aheyd     gabadh  dulman  oo  nin  kale   jecel  waar  ma   aragteen  sidey   quruxda  u   egaatey   gabadhii  ayaan:  sidaas  ayey  ku soo  dhamaatey   qisadii   xasuusta     badneyd  ee   soo martey   ayaan  iyo  faysal
 

by.c.casiis  c.laahi
 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
KABA CALAF IYO HURYO

KABA CALAF IYO HURYO

 

Waxaa laga yaabaa in aad akhrisatay ama aad maqashay sheekooyin badan oo ku saabsan kabacalaf iyo huryo, waxay u badan yihiin sheekooyinkoodu sheekooyin xeelad iyo khiyaamooyin ay ku dheehanyihiin oo qosol badan. Sidaaan sheeko ku helay waxaa la yiri beribaa huryo iyo kabacalaf oo isqaba waxay la daganaayeen reero meel miyi ah ku nool, xilligu jiiilaal buu ahaa cunto iyo biyo yarina deegaanka way ka jirtay oo macluul daran ayaa jirtay,

maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa neef qashay reer huryo iyo kabacalaf ay deris aad isug dhow ahaayeen kabacalaf iyo huryo yididiilo iyo damac ayaa galay, niyadana way ka faraxsanaayeen waxayna rajaynayeen in neefkaas wax uun looga soo hadiyeyn doono, hase yeeshee reerki intay neefkii oodkac ka dhigteen oo ay qumbo ku shubteen ayey shibtooda galeen, arrintaa kabacalaf iyo huryo aad bay uga xumaadeen waxayna ku tashadeen in ay si xeelad ah uga xadaan, waxayna ku tashadeen in ay si xeelad ah uga xadaan hilibkaas ay keydsadeen reerka,

iyaga oo aan la dareemin wuxuuna ku yiri kabacalaf huryo intaan iska dhigo wax ku dilaya ayaan been been labo ulood kugu dhufanayaaye intaad is oohiso iga carar oo reerka gurigooda gal oo noo soo shub hilibka iyo subagga,

sidii ay ku heshiiyeen ayuu yeelay iyagoo is cayrsanaya ayey reerkii deriska isla galeen, waxayna reerkii deriska ahaa bilaabeen in ay kala celiyaan iyagoo qab-qabanaya kabacalaf ugu dambeyntiina huryo waxay gashay gurigii reerka, waxayna bujisay qumbihii subagga ahaa markay is tiri shubo waxay ogaatay in uu xarkagay oo uu fadhiyo arrintaas aad bay uga xumaatay reerkuna dareemin waxayna tiri iyadoo is oohineysa cod-cod ina ciidoole casiiskaan ku dhaartaye car bal gacantaada ii celi, haddii aad carrab iyo labo daan oo dambe isu celiso, kabacalaf oo fahmay u jeedada huryo ayaa isagana uga jawaabay iyagoon deriskiina garan dulucda, wuxuuna ku yiri rux rux ina reexaan rudo rabigaan ku dhaartaye hadii aadan rabshada iga deyn haddaan rubadda kaa goyn, reerkiina waxay leeyihiin waryaa kabacalaf sheydaanka iska naar oo is deji, huryana intay sidii kabacalaf u sheegay yeeshay ayey soo shubatay hilibkii iyo subagii oo isdhexguuraya sidaa ayey muraadkoodii ku qunsadeen iyagoon la dareemin. 

 Diyaariye Mr. Saciid abshir

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
ku soo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 16

ku soo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 16 
 
waxay qabyptii hore inoo joogtey ayaan oo dalbatey furiin shiikh calina ku yidhi ka soo feker waxaan ku siinayaa 2 wiige waxaana la soo gaadhey 2 wiig dhamaadkoodii waxaa ku kulmey mar kale xaafadii ayaan ka dhalatey iyada iyo waalidkeed iyo wadaadkii qabey ee shiikh cali ahaa waxay ayaan tidhi waxaan sugayaa jawaabtii furiinka hadaan ka soo fekerey wax is bedel ah go aan keygii ma jiro shiikh cali waa furey ayaan halkaas ayuu reerkii ku kala dhaqaaqey waxaana halkaas ku soo afjarmey isku xidhnaantii guurkii ayaan iyo shiikh cali waxaase jira iney yihiin ayaan iyo shiikh cali dad 2 meel wax ka wadaaga dhanka xaasnimadii hore iney isu leeyihiin gabadhooda yaree xafsa iyo iney yihiin dad qaraabo ah maalintaas waxaa aad uga xumaadey kala taga iyo furiinka 2 is qabtey ehelkii ayaan waase calaf dhamaadey cid waxka qaban kartaaba iska yar waxaa ayaan maalintaas wejigeeda ka muuqdey farxad la mid ah tii ka muuqan jirtey waagey ay is barteen jaceylkeedii horee faysal ayaan markii loogu yeedhshey furiinka isla markiiba waxay deg deg uga baxdey guriga una aadey suuqa si ay u soo iibsato kaarka lagu hadlee tilifoonada si ay ula hadasho wiilkii ku dheeraa ee jaceylka u heysee faysal ahaa wayna soo laabatey in yar kadib 
 
 
waxay si toos ah u wacdey jaceylkeedii hore ee faysal waana heshey waxay ku tidhi faysal iga gudoon salaan qaali ah salaan qiima badan leh oo xambaarsan jaceylkii hore iyo mid ka soo maaxdey qalbiga ku raacee ku jecel kaana doortey kuli wixii rag joogay aduunka dushiisa maanta wuxuu yidhi feysal soo dhowow waxaad tahay ayaan wadnaheygii igu dheeraa jaceyl kaagu waa kii iga degey meel kastoo ka mid ah jidhka xubin xubin ii kala dhantaaley waase nasiib wanaag hadaan mar kale isba helney enagoo wada nabad qabna kumase fekerin adiga iyo ayaan baa is arki doona markii la inagu kala fogeeyey guurkii shiikh cali adna u hayaantey ostareeliya ana ku hadhey kiiniya waxay ayaan tidhi walaal waxaan kuugu bushaareynayaa inaan maanta ku ahey gabadh xor ah aniga iyo shiikh calina maanta kala tagney ee sidee baad  iigu iman kartaa? 
 
 
waxaan ahey naf kuu baahan waxaan ahey gabadh ku jecel waad og tahay gabadh wiil jecel cidla kuma noolan karto hadey ku nooshaheyna waa halis noloshaasu mana noolan karo adiga la aantaa wuxuu faysal  yidhi waxaad iga war sugtaa 2 wiig keliya waxaan kuugu iman doonaaa ostareeliya waxaadna ii qortaa cinwaan kaag guriga waalidka ileen ostareeliya cid kale kama aqaanee waa yahay soo qaado qalin iyo warqad igana qoro cinwaanak guriga 2 waalid waana u qortey cinwaankii guriga aniga ii soo sheeg markaad soo duuleyso si aan kaaga hor imaado kaagana soo doono airporka sidaas ayaa lagu balamey ayaan iyo faysal waxaana  leysku maca salaameeyey waanku jeclahey iyo waanku jeclahey iyo ha soo  raagin  oo  ayaan weedhaas ku soo gaabisey hadalkeedii iyo wada kulan wacan oo ka dhaca  ostareeliya: 

la soco safarka
 faysal iyo ayaan kulanka  tooska  ahee 2 
wiig kadib la isugu iman doono  ostareeliya 
qaypta 17 wiiga  dame
 by:casiis c.laahi ciise 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com   

 
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

ka dib markii dhibkaasi dhacay waxaa Soomalidii la mariyey ciqaabtaas iyadoo la leeyahay sheega dadkii sameeyey falkan islamarkaana aanu ahayn qofka danbiilaha ahiba dadka socdaalka ah dhalandhoolsan ee uu yahay nin jaamacad meesha ka dhigta oo reer xamar ah ka dibna waxaa istaagay nin reer hargaisa ah oo ku saray yarkii dadka dhibka u geystay sheegayna inuu yahay qofka dhibka gaystay nin degaan ah balase magaca somalinimada uun la wadaaga dadkan arintaasina waxay sababtay in dagaal dhex maro ereteriyaanka oo tiradoodu ahayd 2000 iyo somalida oo ahayd 400 qofkiiba tobanbaa ku beegmay somalida badankooduna ay ka baxeen magaaladiiba ka dibna la soo uruuriyey markii la ogaaday xaqiiqadii sidaasbaana lagu qabtay wiilkii yaraa dadkiina laga joojiyey ciqaabtii


sacad iyo sucaad waxay ku heleen waraaqdii mudo ka yar hal bil sidii ayeyna ku tageen sitow cishiriin ka dibna ugu gudbeen magaalada caasimada dalka soodaan khurduum halkaas oo ay warwaraysteen dadkiijoogay waxaana loo sheegay inay joogaan mukhalisiin badan oo u badan reer somaliland qaar deegaan ah iyo qaar jaamacado u tagayba mudo yar oo ayaamo ah ka dib waxay u badheedheen sacad iyo sucaad oo beerka saareen saxarihii sodaan iyo liibiya u dhaxeeyey waxay yimaadeen meel u dhaxaysa laba buurood oo l a yidhaahdo kala wareeg halkaas oo ay ku kala wareegaan baabuurta soodaanta iyo kuwa liibiyaanka eeka wada shaqaysta saxaraha halkaas oo ah halka ay ka bilaabanto tahriibta dhabta ahi .


Sacad iyo sucaad waxay ku wareegeen baabuurtii liibiyaanka hadaba baabuurka noociisu waa nooca looyaqaano cabdibile langruser waxa saaran baabuurka 32 ruux waxaa dumar ka ah sucaad keliya ma haysato cid u wehel yeesha oo dumar ah markay ka baxayeen soodaan xitaa waxaa diiday carabkii raraayey dadka tahriibka ah ee u anbabaxaaya wadanka liibiya si ay uga sii baxaan una sii baxaan wadamada yurub waayo soodaanta iyo somalida ayaa dhaqankooduu aad isugu dhowyahay iyo muuqooduba sida somalida koonfurta oo ay aad isugu eegyihiin soodaanta carabkii wuxuu yidhi inan (gabadh) kaliya lama kaxaysto waayo waxay aaminsanyihiin dadka qaarkood safarka gabadha kaliya la kaxaysto in dhib badanaa lala kulmo sida dhici doontanaba ka dibna waxay u shegeen somalidii ninkii soodaaniga ahaa inay dhagax tafta ugu xidhayaan ka dibna wuu qoslay carabkii sidiibaanay kaga baxeen soodaan aan u soo noqdo halkaan maraynay sheekada oo ahayd inay ku wareeegeen dadkii gaadhigii liibiyaanka gaadhigii liibiyaanka wuxuu diiday sucaad inay gasho shidhka balse ay dusha korayso mana awoodayso inay sucaad dusha korto waayo dusha waxaa loo saaranyahay si ka baxsan sida baabuurta loo koro markuu dhaqaaqoba waxaa ka dhacaya qof oo dhulka ka soo go.

aaya halkaana nabaro iyo dhaawacyo ka soogaadhayaan waayo haddii gaadhigu ciid galo kuli waa laga wada degayaa waa la riixayaa hadii qof ku hadhona tuunbuu la dhacayaa darawalku si aan naxariis lahayn adoo is cuncunaaya ayaad ka degaysaa dad badan ayey taasi ku dhacaysay markasta markaa way diideen dadkii dhamaantood inay sucaad dusha karto muran¨dheer ka dibna wuxuu ogalaaday in gabadha la saaro shidhka gaadhiga gaadhigii liibiyaanku markuu siday dadkii mudo hal maalin ah ayuu yidhi gaadhigu wuu cuslaaday markaa waxaad soo qorshaysaan dad laga tago iyo alaab la daadiyo sida bustayaasha oo dadku qabowga ka soo qaateen iyo raashinkii halkaas ayaana khilaaf xoogleh ka abuurmay waayo qofna ma ogala in cidla lagaga tago qofna ma ogala inuu dhaxanta seexdo buste la,aan kulbeerto,la´

aan dadkii waxay ku tashadeen inay dhamantood gaadhiga raacayaan iyaga iyo alaabtoodaba dadkuna waxay ka koobanyihiin 12 reer waaqooyi ah iyo inta kale oo reer koonfur ah dumarna waxaa ah sucaad kaliya sidaynu horeba u soo sheegnay waxaanay go´aan sadeen inay ka hadhayaan gaadhiga siduu ula macaamilayo kuligood ku hadhaan saxaraha cidlada ah waxayna ka codsadeen inuu ula hadlo ninkii mukhalaska ahaa ee soodaan joogay torayada uu sido uu uga garaaco si gaadhi dhinaca soodaan ka yimaada loogu soo diro oo ay dib ugu laabtaan soodaan waanuu ka aqbalay wayna la hadleen waxay u sheegeen inay gaadhigii halkaa kaga hadhayaan ee uu xaaladooda sidaa ula socdo waxaana ku jiray ninkaa mukhalaska ah dad qarabadiisa ah oo reer waqooyi ah kuwaas oo isku halayn ka qabay inuu la dedaalayo

 amarka alle mooyee aan cabsi kale ka qabin inay halkaa ku nafwaayaan ninkii gaadhiga waday cabaar ka dib wuu baryey dadkii soo fuula gaadhi k ale la idiin ma hayee kii shalay idin dhigay ayaa diiday inuu soo noqdee oo aan weli soodaan gaadhin mid kalena hadalkii daaye balse way diideen waxaanu galay gaadhigiisii intuu dadkii nabadgelyeeyey markuu istaadhay gaadhigii ayaa waxa ku orday wiil magaciisa lagu magacaabi jiray qoryoolay oo reer qoryoolay ahaa oo gadhigii dusha uga baxay gaadhigiina misuu hoon ku dhuftay oo is yidhi ha soo wada yaacaan ka dibna waxa aku yaacay shan kale oo wiilkii koray kaga soo rogay laad iyo feedh iyagoo leh sidaad u fuushaa gaadhiga gabadhii ayaan cabanayne bartii ayey kaga hadheen gaadhigii sucaad iyo sacad iyo dadkii la socdayba markay habeenkii halkii u hoydeen ayaa waagii u baryey sucaad ayaa waxay aragatay qof meel dheer ka socda misay is tidhi malaa dad ayaa idinku dhow waxayna kuda gashay sucaad inay ka hortagto qofkii balse wuxu ku noqday qoryoolay oo aan xalayba seexan isagoo

 ku fekeraayey inuu halkan ku dhimanayo markay saacadu ahayd 2 maalinimo ayaa waxa soo maray agtooda gaadhi koodii kale ah oo soodaanka yimi oo dad sida waxaana abaaray dhinacii gaadhiga oo dadka afhayeen u ahaa sacad balse waxaa u suurto galiwayday inuu aflagaadho dadkii somaalida ahaa ee gaadhiga saarnaa si uu ugu sheego in cidladaa lagu daadiyey ka daib markii uu ka hor yimi nin caraba oo la waday dadka ninka darawalka ah kaas oo waydaiiyey dhibka ay qabaan sacadna u sheegay in cidladaala dhigay ninkiina u sh eegay inuu caawinayo halkoodanana ay joogaan cidna aanay lahadal soodaana uu ku celinaayo intuu lacag kale ka qaato sidiina uu ku dhaafay ka dib dadkii cuntay iska karsadeen oo digsi ay ka xadeen gaadhigii ayey camirteen sedex guruub ayaana la isu qaybiyey cuntadii oo dhana waa la isku daray waana la midoobay labo qof oo bilaa raashina ahaana halkii ayaa dadkii lagu daray waana la cunteeyey balse markay cadceedu ayaa gaadhi soo guuxay dadkii oo dhana naqaskaa ka soo wada bxay oo waa la wada istaagay gaadhigii wuxuu soo guuxaba markuusoo dhawaaday ayaa la gartay mise waa kii ay diideen wuuna u yimi wuxuuna ka codsaday inay siiyaan digsigii ay ka xadeen horena wuxuu ugu sheegay inanay ku adkaysanayn inay ka hadhaan gaadhiga oo somalia aya dowlad dhisan lahayd ayuu yidhi haday somaliyi go´aan leedahay balse markii uu

 ka codsaday digsigii iyana waxay ka codsadeen inuu qaado farahana kala baxayo oo iyagu gaadhiga korayaan is maamulayaana iyagu dhangadana uu ka daayo waanu ka aqbalay dadkii iyagaa gaadhigii koray ilaa saqafka shiidka dushiisa oo uu lahaa ha korina meel kasta kora ayuu yidhi balse markii uu meel dhaxe maraayey habeenkii sedexaad ayuu la kulmay afar gaadhi oo meel wada jooga kuli dad somali ah sida ka dibna baabuurtii mid ka mida ayuu dadkii ka bedeshay oo uu yidhi gaadhiganaa idin qaadaya aniagu idinma qaadayo dad madax adagba tihiin oo digsi ayaad iga xadeen iyo baasto iyo waxyaabo noocaas ah oo habeen kii ayaa qaar u yara dhexraaciyeen ks dib sucaad iyo sacad iyo dadkii kaleba waxay ku waregeen gaadhgii kale dhibka jira gaadhiga kale ma haysto toroyo gunburusoorkuna wuu xunyahay laba habeen markuu siday



Ayuu xumaaday waxa la socda gaadhi kale oo dad sugaaya oo kana dusha ka ilaalinaya oo og ciladiisa waana la hagajiyey gaadhigii ka dibna markay socdaan saacadba wuxuu yidhaahdaa xadkaa xun oo askar ayaa joogta halkanaan seexanaynaa oo joogayna ilaa beri waayo wuxuu sugaya dad sodaan lagu uruurinaayo oo gaadhigan rakaabkiisii ah si uu u doonto dadkaa marka la keeno kala wareegii aan soo sheegnay ee baabuurta sodan iyo liibiya dadka kula kale wareegaan kana uu meel ku sii ogaado bilaa toraayada ah ee gunburusoorkuna xunyahay markii uu gaadhigii dadkii warwareejiyey oo gaadhigan kale marba ka soo noqonaayo k ala wareegii oo dadkii soo eegaayo in la keenay iyo in kale ayuu sacad la hadlay ninkii oo yidhi hada usbuuc ayaan maranaynaa oo ah inta lagu gaadho liibiya xadkiina aanan ka gudbin waayo ka dibna wuxu u sheegay in gaadhigan aanu lahayn torayo gunburusoorkuna xunyahay oo jabhado intay qabteen kala baxeen qalab badan gaadhigan kalena dad sugaayo oo rarkiisii sugaayo sidaana ay isku raacaayan markay runi run tagtay ayey dadkii tashadeen waxayna go´áansadeen in g aadhigan lacagtiiisa rakaabka uu sugaayo badhna hada lal siiyo badhna markaan liibiya galno aan siino ninkii gadhiga kale waday ayaa lala tshaday sidaasna loo sheegay balse wuu diiday wuxuuna yidhi waadad idinkoo kale ah dadkaan qaadayaa kamana tagi karo waxay ku celceliyeen hadalkii waayo waxaa si dhamaanaysa cuntadii wadankiina ma dhawa.



La Soco Qayb Kale oo Xiise Badan

Said moh,med xirsi

 kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 
ku soo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 15

 ku  soo dhowaada  sheekadii  ayaan  iyo  faysal  qayptii  15aad

shikh cali  markuu  la hadley  ayaana   wuu daremey iney ka  dhab tahay iney  diidana tahay isku  soo noqosho  wuxuu ku  fekerey   si  xushmad  leh  inuu waalidkeed  ugu  bandhigo arinta  marku  reerkii  ku  wacay  tilifoon    ayuu  u sheegey  sababtuu   ula  soo  hadley  reerka  wuxuuna  kala  hadley  reerka  islaantii  ayaan   dhashey   waxay  u sheegtey  inuu   wadadkii   reerku   hada   maqan   yahay     balse   markuu soo  laabto   markuu yimaado haye     iyo nabadeey   baa  leys  yidhi  islaantii  waa sodoh  gabadh   laga  qabee markey  tilifoonkii  isa  saartey bay  tidhi  ilaahow   hana  ceebeyn   waxayna  sidaas  u tidhi  dhaqanka  somalida  ayaa  ka soo jeeda  iney  islaamaha  gabdhaha  laga  qabaa  jecel  yihiin  mar kasta  iney  ka   xishoodaan   raga     gabdhaha ka qaba  reerkuna   wax   buuq  ahi   soo  kala  dhex gelin
islaantii   ayaan  dhashey  ayaa  ku  tidhi  gabadhii  beri  casarkii  waxaa  halkan ku  balansan  wadaadkii  ku  qabey  iyo  aabahaa  ee  yaan  lagaa   waayin   guriga   adigana   aniga  ayuu   aabahaa  ii soo kaa  farey  fariin   inaad   goob  joog   ahaatid   waa  yahay ayey   ayaan  ku  tidhi  hooyaded  waxaana  tilifoon   ku  wada   hadley   shiikh   cali  iyo    ayaan   aabaheed  waxaana  dhex marey  hadalkan   salaan kadib  reerku  waa  wada  nabad  qabaa  iyo  waala   wada  nabad  qabaa  kadib  odeygii aya abşlaaey hadalkii oo  yidhi  adeer waatii  ayana  joogtye  xaafadee  waanu  wada   hadalney  hadalkiina  wax   nuxur  leh  kama soo  bixin    waan  gartey  ayuu  shiikh  cali  ku jawaabay  odeygii  oo   hadalkii  sii  wataa  hadana   sii   raacshey   adeer   ader beri  casarkii   noo  kaaley   aanka  wada  hadalno   arintee   haye    iyo  haye  ayaa   leys  yidhi: waxa ala soo  gaadhey   balantii  casarkii  la  wada balanamey  waxaa   isa  soo  hor  fadhiisatey  intaan   shiikh  cali  soo    gaadhin  xaafada    2  waalid  ee  ayaan  dhalay  iyo wiil   walaalkeed  ah   odeygii  ayaa   hadalkii  bilaaboo   yidhi  sidada  wada  ogtihiinba  waxaan sugeynaa   shiikh  cali   ma  haboon tahay  intaan wadaadka  ina  soo gadahin  ma  inaaan enagu  wada   hadalno  isagoo   dhanka   gabadha   ayaan  ahi  ka  fadhido  jaleecaya  ayuu   yidhi  aabe   inaan     alle   ku  ceebeyn   hana  ceebeyne ku  laabo  nin  kaaga  waxay  ayaan  ku   jawaabtey   anigoo  dhamaantiinba   idin  ixtiraamaya  ayaan horey  idinla  socod siiyey   inaanan  ka  laaban  doonin   hadii   kuna   islaamayo  kuna  gaaloobayo       go aankeyga   waala  wada  aamusey  hadalkii   gabadha  ka soo  yeedhey  inta   leys  wada  eegey  yaab  dartiis:
  waxaa  la soo  garaacey   albaabkii   odeygii  ayaa  yidhi  ka  fura  malaa  waa   shiikh  caliye  waana  soo  galey   shiikh  cali  waana   leys  wada  salamaay   waxaa  la soo dhigey   shaah   iyo  cabitaan    cabaar   markii  la kaftamey  sida  u  caadada  ah  dhaqanka  somalida  shiikh   calina  ku  yar  mashquuley   la  hadalka   gabadhiisa  yaree   xafsa  ee   mudo  hore   ugu dambeysey   waxaa   hadalkii   bilaabey  odeygii    ayaan   dhalay  isagoo  yidhi    faataxada   inoo  mara  markii   la  dhameeyey suuratul     faataxa   ayuu  yidhi   kuligeen   waan  og nahay  arinta   leysugu  yimi   maanta  iney tahay  gabadhan  gurigeedii  ka soo  tagtey   nagana  diidey  iney  ku  laabato  si   kastaba  arintu   ha  ahaatee  waxaan  galabta  narbaa  arinta  dhibka  idinka  dhex  jira  inaan  idin  wada  dhegeysano  kadibna  xalino    dhibka  jira  shiikh  cali  ayaa   hadalkii  bilaaboo   ku  bilaabey  bisinka alle   wuxuu  yidhi  run  ahaantii   aad  baan  uga  xumahey  inloo  fadhiyo  maanta  aniga  iyo  walaashey  ayaan  axmed   hadaan  aniga    iska  bilaabo  ma  jirto  wax   dhibaato  ahoo  aan   ka  sheeganayo   walaashey   haba   yaraatee   hadeysan  jirin  waxay   iyadu   iga  tabaneyso  wax  kasto  jiroo  dhib  ahna  aanka  qanciyo  walaashey   odeygii   ayaa   yidhi   haye   aabe  ayaan   noo  sheeg  waxaad  adiga     ka  cabaneyso    dhanka  shiikh  cali:
  ayaan  oo  jawaabteeda  horey  ugu  diyaarsaneyd    ayaa  ku jwaabtey  run   ahanatii  ma  jirto  sidaan  horey  idinku  soo  sheegey  wax  gaara  ahoo  aan ka  sheeganayo  oo  dhib  gaar  ah   waxaan  go aan  ku  gaadhey  inaan  aniga  sabab  u  noqdo  inuu   gurigayagu  bur buro  qof   weyn   baan  ahey  waan   dareemi  karaa   dhibka  ka  iman   kara   inuu  qof  gurigiisa   bur buriyo   waan  ogahey  inaad  kuligiin   is  weydiineysaan   sababtaan  sidaas  u  yeelayo  waana  ogahey inaad   kuligiin  aniga  iga   naxeysaan  wanaageygana  jeceshiin  hadana  nasiib  daro  sidaas  baan  doortey  waxaan   idinka  codsanayaa  inaad  ii  fudeydisaan  codsigeyga  anigoo  walaalkey  ka  raba  inuu  hadeerto  i  furo  waala    wada   aamusey   yaab  iyo   amakaag  baa   ka soo  hadhey  reerkii   dhamaa:   reerku  kuligood  waa  wada  yaqaanaan   ayaan   iney  maanta  u  hadleyso  si  dhab   ah   cabaar kadib  ayuu  shiikh  cali  yidhi  hadaad    taas   go aansatey  waanku  furayaa   ileen   meesha  hadal   kale  ma   yaalee  waxaaa   ayaan   ka  soo  boodey  neef  iyo  farxad  iyadoo  rabta  inaan  maanta  furiinku  la   dhaafin   halka  dadka  intooda  kale  naxsan  yihiin  kana  xun yihiin iney  reer  bur buraya    goob  joog  ka ahaadaan   ayaan   waxaa  u  soo baryey  waa  cusub  mar   hadii  maanta   furitaankeedii  la soo  gaadhey  wuxuuna  shiikh  cali  ku yidhi   waxaan ku siinayaa   2  wiig   hadaada  taas  ku  adkeysato  waan  ku  fasaxayaa    adigoo  xor ku   joogi   doona  dhulka   ayaan   intey  iska   aamustey  oo  kacdey  ayey   gashey   qolkeedii:  suaal  baa  ah   ruuxaan   ku  rabin  miyaad  isku  dhe  dhejin  kartaa?  ma  og tahay   ruux   ruux  kale  jecel   inuusan  naftaada   marna    raali  ku  ahaan   doonin  waayo   noloshu  waa   jaceyl   iyo  is  doorasho  hadaan labadaas   shey  jirin   reernimo  meesha  ka  baxdey  waxay saado  cali   tidhi  ruux  ruux   ka   maqan  yahay hurdaduu  ku  reemiyo  riyo  waali  badanaa  waayo   ayaan  waxaa  ka  maqan  faysal   oo  is  jecel   yihiin shiikh  calina  waxba  ma  ogee   gabadh  nin  kale  jecel   ayuu   xaas  u  heystaa  sow  kala  fogaan  maaha   xaalku?  akhristaha  sharafta   badanow    waa  maxay  jaceyl? ruuxaan  ruux  jeclaan  oo  kula  nool  guri  ma  wuxuu  ku  nool  yahay  farxad  mise  murugo?  jawaabuhu  waxay   u  yaaliin  bulshada  sharafta   badan   ee  isku  wada  lamaan  isuguna   wada   jirta  kuwo  is  doortey  iyo  kuwo  guur  qasab  ah  ku  wada  nool
 la  soco   qaypta   16  wiiga  dambe   haduu alle idmo
 waxaa  soo  diraashey   c.casiis   c.laahi  ciise
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

  

 
Ninkii Isbaaraha ugu horeeyay!

 

Ninkii Isbaaraha ugu horeeyay! Waa sheeko layaab iyo qosol badan

 

 

 

 

       Waxaan ka dhageystay islaan waayeel ah sheeko ay caruurta u sheegeysay oo ay lahayd waxay ka dhacday baadiyaha Soomaliya muddo laga joogo 50 sano. Waxaa jiri jiray nin indho la’  oo camoole ah, oo haddana ummadda aad u dhibi jiray. Ninkaas ayaa maalin wuxuu damcay in uu waddada u dhaxeyso magaalada iyo tuuladiisa dhigto isbaaro oo uu dadka ku bililiqeysanaayo, taas oo ahayd waxaan horay loo arkin ama loo maqlin. 

     Wiilkiisu ayuu ku yiray, "aboow waxaad I geysaa meesha ay reer baadiyaha suuqa u socdo ay ka soo galaan magaalada."   Wiilkii baariga ahaa ayaa aabihiis sali u dhigay geed hoostiisa meel qarka u saaran jidka ay lugta ku soo maraan reer baadiyaha suuqa u socdo.  

   Ninkii indhoolaha markuu maqlo dad meesha maraayo ayuu istaajiyaa  oo uu wareesta meesha ay u socdaan iyo sababta ay uugu socdaan. Markuu cabaar meesha fadhiyay ayuu maqlay nin  iyo naag codkooda, markaas ayuu salaamay oo uu weydiiyay waxey isy ahaayeen, meesha ay u socdeen iyo sababta ay ugu socdeen. Ninkii ayaa uugu jawaabay, “waxaan u soconaa suuqa, oo waxaan wadanaa dameer keena iyo subag aan rabno in aan suuqa ku soo iibino.” 

   Ninkii indhoolaha ayaa markaas ka codsaday in isagana ay dameerkooda saaraan oo ay suuqa ku dajiyaan. Naagtii ayaa ku tiri ninkeeda miskiinkaan aan dameerka saarno oo aan suuqa ku dajino, ninkeedina wuu ka ogolaaday oo intuu ninkii indhoolaha ahaa saaray dameerka ayuuna dhiishii subaga dhabta u saaray. 

  Suuqa markii la yimid, ayuu ninkii indhoolaha weydiistay in ay ku dajiyaan meesha manta suuqa uugu dadka badan.  Markii la geeyay bartamaha suuqa ayuu diiday ninkii indhoolaha in uu dameerka ka digo isaoo dhiisha subaga ay dhabta u saaran tahay ayuu weydiistay in ay naagta u soo dhawaato, markii ay u soo dhawaatay ayuu intuu gacanta ku dhagay ayuu cawaaday isagoo codsanaayo in ay umadda ka dhiciso ninkaan rabo in uu boobo.  

   Ummadii suuqa joogtay oo dhan ayaa isugu soo carartay markey maqleen qeelada ninka indhoolaha ah. Ninkii indhoolaha ayaa markii la weydiiyay waxa ku dhacay oo uu oohinta cawaadka isugu daraayo, ayuu ku yiri ninkaan ayaa inigoo camoole ah rabo in uu naagteyda, dameerkeyga iyo subagageyga qaato. Ninkii keenay indhoolaha suuqa ayey dadkii ayagoon waxba weydiin ul la wada dhaceen. 

  Naagtii ayaa intey indhoolaha gacantiisa iska fujisay dadka ulaha ka qabatay ayadoo leh ninkaa waa ninkeyga eek an indhoolahaan maaha ninkeyga ee waa nin tuug ah. Indhoolihii ayaa markaas uuhin iyo cawaad kale bilooway oo dadkii ku yiri waa ay ii tashadeen oo waxey rabtaa in ay ninkaan iga raacdo. Ayadoo dadka rabo in ay u garaabaan indhoolaha oo rabo in ay ninka iyo naagtaba ulo la dhacaan ayaa nin boliis ah meesha yimid oo sadexdooda iyo dameerka iyo subagaba xabsiga geeyay. 

   Indhoolihii waxaa la geliyay qol gaar ah, naagtana qol gaar ah, ninkeediina qol kale oo labadoodaba ka fog.  Waxaana dhamaantooda loo sheegay in arrintooda loo gudbinaayo maxkamada waaga markuu baryo. Saqdii dhexe ayuu taliyaha xabsiga soo istaagay mid walbo darbiga ka danbeeyo qolka uu ku xirnaa isagoo daaqada ka dhageysanaayo hadala uu mid walbo iskula hadlaayay. 

   Markii uu yimid daaqada ninka naagta qabo, ayuu maqlay ninkii oo leh, “naagteyda ayaa dhibkaan ii keentay oo iga codsatay in aan qaado indhoolahaan.” Markii taliyaha xabsiga yimid daaqada qolkii ay naagta ku xirneed uuna maqlay ayadoo leh, “ninkeyga dhibkaan anaa u keenay, hadaan oran lahayn qaad miskiinkaan indhoolaha ah, tan naguma ay dhacdee.” Ugu danbeyntii, maamulaha xabsiga, wuxuu tagay daaqada qolka uu ninka indhoolaha ku xirnaa, wuxuuna maqlay isagoo leh, “aniga wax iga halaabaayo ma jiro, hadaan naagta , dameerka iyo subagga helli, waxaan helaa dameerka iyo naagta.

   Hadii aan waayo dameerka iyo naagta, waxaan helaa dameerka ama naagta iyo subaga hadii kalena suabaga ayaan helaa, dadkana waa ay iimanaayaan nin indhoole ah.” Waaga markuu baryay ayaa la siidaayay ninkii iyo naagtiisa oo dameekooda iyo subagooda la siiyay. Indhoolihiina shan berri oo xabsi ayaa lagu xukumay oo wiilkasana loogu yeeray in uu meesha ka wado. 

   Shan beri ka dib ayuu wiilkiisi u yimid ninkii indhoolaha ahaa, iyagoo duurka maraayo oo tuuladooda u socdo ayuum ayuu wiilkiisa la dardaarmay oo ku yiri, “aboow intaad nooshahay ummada amaan hakaa hesho, oo waxaadan lahayna xeelo ha ku doonan, xaq islaameedna ka fogoow, anaa shantaan beri soo bartay arrintaas.” 

     By:  Axlaam Cabdidhoof

    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 

 
ku soo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 14

 ku soo dhowaada   sheekadii   ayaan  iyo  faysal   qayptii 14

 

ayaan aad  ayey    u mugursaneyd  maysan  qiyaasi  karin   waxa ka soo   kordhi  doona  markey  wada  hadlaan    waalidkeed  iyo  shiikh  cali  waxay     odhan  doonaan  waxaana   maskaxdeeda  ku  wareegayey   suaalo   fara  badan   waxay  u jecleyd  iney  si  gaar  ah   u  hesho  guri   iyada  u  gaar ah  waana  ogsoon tahay  iney   muhiim  tahay   sida  guriga  lagu   heli  karaa  iney   tahay 2   jid  miduun   iney   warqad  furiin  hesho  iyo  iney  dhahdo  ninkan  lama  noolaan   karo  arimahaas oodhana  waxa auga  wel wal badan  war
 
la aanta  xaga  fasayl  warba   laga  helin  maalmahan  mar  kasta  waxay is  weydiisa  waxa  wiilkii  faysal  war  looga  waayey   maalintii   dhowr  jeer  ayey  soo   eegi   jirtey   boosta  iney  ku soo  dhaceen  wax   waraaqa  ahi. nasiib  wanaag  subixii   dambe  waxay  ka soo  saartey  warqad  ka  timi  faysal  iyadoon  furin   ayey  farxad  la  dhacdey   ileen  waa    ruux  wax  jecel  oo     qofkuu   jeclaa   ka  heley  dhanbaal   xubi  xambaarsan   waxay iska  fahmeysey  iney ku  qoran  yihiin  warqadan  wax  yaabo  fara badan oo  farxad  geliyaa   markey warqadii  furtey  oo  akhridey  oo  dhameysey  ayey aad  u sii  faraxdey  waxaana  ka  sii  farxiyey  inuu   faysal  weli  jecel  yahay    una  jecel  yahay   isagoo  ayaan   meel   kula  noolaado   la 
 qaypsada  nolosha  inta  hadhey  waxay kaloo  ka  naxdey  inuu  faysal  balwad  yeeshey  siduu  ku soo  faah  faahshey warqada  ee    runta    uga  soo  sheegey  naftiisa  wuxuuse ku  soo  sheegey  warqad  inuu   hadeerto    iska  yareeyey  balwadii  faraha  badneyd   markuu  ayaan   warkeeda  heley  isla  markaasna  damacsan  yahay  inuu   iskaba  joojiyo  wax  kastoo  balwad  ah  mar hadii   ayaantii  qaaliga  aheyd  ee  u  jeclaa    maanta    mar  labaad  nolosha  leys  heley  dhor jeer ayey  warqadii   akhridey  ayaan  iyadoo   qalbiga  ka   faraxsaan oo   ka muuqato  wejigeeda   faraxsanaan   fara badana  ruux alle  kii  arka a iska  fahmi  karo  iney   manta  niyada ka  tahay  happy   xata a haduu  shiikh  cali arko  wa afahmi  kara a iney  wax badan  iska bedelene nolshii  ayana  xata a dhanka  waalidka  aya a  garana kara  iney ka reysatey  dhibkii   ka  heystey  gurii    ayaanka soo  guurte e shiikh  cali  kula  noola  wayao  wax weyn baa u  dhexeeya  maalintey  soo  guurtey  iyo maanta  ayaan  waxauy soo  gadahey gurigii  waxay  soo  qaatdtey  qalin  iyo  warqad   iyadoo  rabta iney  faysal  warqad   jaceyl  iyo jawaab  xambaarsan iney  u  dirto  sidana bay  u  qorneyd  warqadaasu
 
 
ku:faysal: siyaatal  u.s.a.  aad  ayana ku  salaamayaa  salaan  qaali  ahoo  loo  diro  wiil naft u jeceshahey  sida adiga  faysal ah    waxanakaaga mahad celinaya a   dhanbaalka   aad  iisoo dirtey waan  fahmey  warqada    kuli  warkoo  dhan  markana manata  ka soo  saarey  warqadada   ee  indhaha  saarey    aad bana ugu  farxey  farxad  cid  qiyaasi karta a jirin  wada  fahmi  kartaa  2  is  jecel  oo  war  kala  heley   maalmahan markana ka a war  waayey  aad  baan  u  murugoodey   waxaase   igu soo  ceshey   farxad   fara badan  warqadan  maanta  isoo  gaadhey:ahdaan u soo  laabto  warqadaada   run   ahaantii   kuma  farxininaad balwad  yaalatey   sabtuna aheyd markii  jaceylkeenii  bur burey si kastaba  ha  ahaatee  balwad   khamriga ma  fiicna  sidaad la  socoto  waa  dambi  weyn  inuu  qofku   khamri  cabo sido kale  xaga  caafimaadka  uma   fiicna  adigoo  fiirinayaa  dambiga  ka iyo    dhibaatada   kaa soo  gaareysa   xaga   caafimaadka  iyo  adigoo  tixgelinaya  jaceylkaan kuu  qabo  waxaana  kaa  codsanayaa    kaana   baryayaa  inaad  iska   deyso   khamrada  iyo  balwada  oodhan  balwada:   arinta  aad  igala   taliseyo ku sabsan  in guri   ladumiyo   waan  qiyaasi   karaa   dhibaatada   ay  leedahay  guri    la  dumiyey   faysal ahaan xasuusnow  inaan    u  soo  samrey   mudo  dheer  dhibaato  fara  badan  saacadan  aan  kuu soo  qoraayo  warqada     waan  kasoo  guurey  xaafadii  waxaan ku  noolahey  guriga     aabe   iyo  hooyo wanan u sheegey  xaga  waalidka  iyo  cid kasta  inana rabin   mar  dambe    inana ku  noolaado  guriga  shiikh cali   mana  rabo  nolosha  inta    ii  hadhsan inan  shiikh  cali    la  noolaado   waxaan  rabaa  inaan  adiga  kula  noolaato   hadey  suurta gasho  adna  raali   ka  tahay  sş kastaba  ha  ahaatee  waadku mahdsan tahay inaad  iisoo  gudbiso   dareenkaaga  oodhan:  aniga   xaalkeyku  waan  iska  fiicanahay   gaar   ahaan   markaan  ugaadey  inaad  weli  i  jeceshahey anıguna weli sidii  bana kuu  jeclahey  waxaan  inta badanaku  fekaraa   sidaan kuula    noolaan    lahaa   nolosha   inta  ii  hadhsan  waxay  naftu  tebeysaa  waa adigoo  faysal   ah  ma og tahay   hadii wiil baahi  jaceyl  loo  qabo     inuu kaasu  adiga   yahay    wax badan banaku jeclahey   axyaaaaa    qalbiyow     i  love  you  forever: waxaan  kuu  rajeynaya a  khayr fara badana  iyo  inada ku noolaato    farxad       waxaan kaa  sugayaa   jawaab 
by:ayaan  ostareeliya:
 
la  soco  markuu  mar  kale   shiikh  cali   kala  hadli   doono   ayaan reerkooda   arima   murugsan  ee  meesha   yaala   
wiiga  dambe  qaypta  15  haduu  alle  idmo

 by:casiis    c:laahi 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 

 
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND



WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

Qaybtii koowaad (1)

Qisadani waa qiso aad iyo aad u cajiiba run ahaantii oo rafaad iyo duruuf adagi ku xeeran-yihiin, waxay dhexmartay laba qof oo Soomaali ah oo ay ka dhaxaysay sheeko iyo jacayl dhab ah sannado badan. Labadan qof ayaa ahaa qaar isku jeclaa wadankooda hooyo, hase ahaatee, waxay ku heshiiyeen inay u tahriibaan wadamada horumaray, gaar ahaan Yurub, iyagoo go'aan ku gaadhay inay maraan waddada dheer ee dhibta iyo rafaadka badan ee Liibiya.

Labadan qof ee jacaylka xoogga badani ka dhaxeeyey dhibaatooyin fara badan oo argagax leh ayay kala kulmeen jidka, gaar ahaan Liibiya, waxaanay qarka u gaadheen dhimasho ay aakhirgo ugu hoydaan, Ifkana kaga hayaamaan. Ka sokow dhibta dhulka ee Jeelka iyo Garaacista ahayd, waxa kaga darnaa Safarkii ay Badda ku dhexmarayeen, oo ay mararka qaarkood la gaadhay inay si rasmiya uga quustaan guud ahaanba nolosha Adduunka.

Sacad wuxuu ahaa wiil aad u naxariis badan dulqaad iyo raganimo badan Sucaadna waxay ahayd Gabadh aad u wanaagsan dabeecad rabi ugu deeqay iyo kalsooni iyo karti caqli badana run ahaantii aadna u qurux badan.

Sacad iyo Sucaad socdaalkoodii dheeraa ee ay ku beegsanayeen wadadan qadhaadh ee Tahriibta lagu yimaado Talyaaniga iyo Malta iyadoo lasii maro dalka cunsuriyadu hadhaysay ee Liibiya iyo Sudan, waxay bilaabeen socdaalkii iyagoo qaadaya (Anbabaxnaye socodkaa inaan Eebe nagu qadin idina dheha aamiin) waxay si dhib leh Sacad iyo Sucaad ku dhaafeen waddanka Itoobiya ka dibna waxay gaadheen wadanka ugu wacan uguna naxariista badan dadka Soomaaliyeed ee dhalandhoolka ah run ahaantii waa wadanka kaliya ee nasteexa Soomaaliyed ka dhabta tahay wadankaas oo ah (soodaan) Sacad iyo Sucuud.

Ka dib markay ka gudbeen kaymaha iyo buuraha iyo ciidamada booliiska labada wadanba ka kooban waxaa kaloo jooga bahalo ay ka mid yihiin libaaxa,waraabaha,dhidarka,dad cawaana markii alle dhaafiyey dhibkaa badan ee lagala kulmo xuduudka u dhaxeeya labada wadan ee soodaan iyo itoobiya mudo lixmaalmood ah.

Sacad iyo sucaad waxay ku soo baxeen subax barqo ah magaalada lagu magacaabo DOOKO oo ah magaalada ugu weyn magaalooyinka xiga dhinaca xuduudka itoobiya balse aad uga fog meelaha dadka mark lagu qabto lagu celiyo itoobiya si itoobiyana ugu sii celiso WAJAALE halkaasna dad badani ku niyad jabaan marka lagu celiyo wajaale hadaba magaaladan dooko ayaa ah magaalo hadaad gaadho aad aamin tahay gashayna soodaan laguguna celinayn wadanka xabashida tigreega cawaanka ah.

Sucaad iyo Sacad waxay ahaayeen qaar aan marayn laamiga baabuurtu marto iyo dhulka banaanka ah si aanay u arag askarta ilaalada ahi balse markay halkan soo gaadheen way xeroobeen oo waxay usoo baxeen laamiga si ay u joojiyaan baabuurta wadada maraysa kuna socota khurduum Caasimadda Sudan.

Isla markaana, markii ay in mudo ah lugaynayeen laamiga ayaa waxa ku soo baxay laba nin oo wata mooto oo C,I,D ah labadii nin markay arkeen labadan qof ee cidlada lugaynaya waxay garteen inay yihiin somalidii dhalandhoolka ahayd ka dib way soo jaleeceen dibayna ugu soo noqdeen waxanay bilaabeen inay la hadlaan waxaa hadaba luqada carabida yaqaan sacad oo bilaabay inuu la hadlo nimankaas C,I,D da ah ayaa ku bilaabay hadalkii Sacad Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu waxay ugu jawaabeen Calaykum wasalaam waraxmatulaahi wabarakaatuhu maxaad ahaydeen ? wuxuu Sacad ugu jawaabay somali waxay yidhaahdeen ku soodhawaada wadanka suudaan walaalahayaga islaamka ah ee somaliyeedow xageed ku socotaan ayey waydiiyeen labadiinan qof ee cidlada lugaynayaa ? .

Sacad waxaan ku socona magaalada qadaarif oo aan lug ku tagaynaa oo ah caasimada labaad ee dalka sodaan waxayna jirtaa 90 km waxay aad iyo aad ula yaabeen nimankii Sodaanta ahaa jawaabta Sacad. Sacad waxayna u sheegeen inaanay gaadhayn ilaa beri gelinka danbe haday socdaan balse laga yaabo habeenka danbe inay ku hoydaan waxay u s heegeen lix horeba inay soo lugaynayeen sodaantii cajiib cajiib cajiib ayey yidhaahdeen maxaad cunayseen? maxaad se cabayseen ?

Waxay u sheegtay sucad in dadka soodaanta ah ilaahay u sakhiray ee reer miyiga ah iyo beeralayda intii ka horaysayna ay cunayeen kharashkay wateen ka dibna waxay nimankii C,I,D da ahaa u sheegeen inaanay macquul ahayn ee ay ula hadlayaan ciidanka booliiska ee magaalo ka danbaysa halka ay marayaan hada ka xigta xaga itoobiya. Sacad iyo sucaad ayaa u sheegay inaanay marnaba aqbalayn in lagu celiyo itoobiya una sheegay in god lagu ridaayo hadii la celiyo waxayna u sheegen inaan la celinayn.

La soco qaybo kale oo Sheekadan ka mid ah oo aad u xiisa-badan

BY:Sa'id Moh'ed Hirsi

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
kusoo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 12

kusoo  dhowaada  sheekadii  ayaan iyo  faysal   qayptii 12
 

faysal  waxaa  wel wel  fara  badan ku dhaliyey wakhtiga   dheer   ee  uu  sugayo   jawaabta  waraaqaha   ayaan ka  yimaada   wuxuuna   ogsoon yahay  sida  hada  aduunku u hor marey  oo  ay  suuragal  u  tahay  in siyaalo   badan     loo   wada  xidhiidhi  karo  hada  wuxuu  ku fekerey inuu   ayaan   tilifoon  u diro  si  uu  u  maqlo   codkeeda   macaanka  badan  markuu  maqlana  qalbiga  iyo  niyadu  u  happy  noqdaan  waayo   codka  ayaan  axmed  maaha  cod    sahal ku  ah  faysal xagiisa  waa  cod  markuu maqlo  naftiisa  farax  geliya   kuna   beera   niyad   wanaag  iyo  inuu   aduunka  badhkiisa   gacanta  ku hayo  xasuusnow   ayaan  maaha  gabadh     qiima  yar ku  fadhida   dhanka  faysal  dareenkiisa    ayaan  waa  ubax  soo baxay  gabdhaha  maanta  jooga  aduunka  dushiisa  ninkii  arkee    bartee  meel  kula  soo  bar baaraa   si  wacan  u   garan  kara  ma   soo  xasuusan kartaa   kaasu  waa  kee?   haka  doonin    meel  dheer  jawaabta  waa  faysal cabdi   waa  ninkey    nasiibkii  hore   nafteeda   u hibeysey  balse  2 waalid  iyo  duruufta  calafka  kala  kaxeysey  mudo  laga joogo 10  sano ka hor:

 

 faysal wuxuu  niyada    kaga  fekerey   markuu garaaco  tellka    ayaan  inuu ku  booriyo    kula  taliyo  iney  iimeyl  sameysato  hadey  horey u laheydna  iimeyl  uu ka   qaato  keeda isna kiisa  siiyo  si  xidhiidhkoodu    u sahlanaado   taako taako  loo  wada  xidhiidhi  wuu  ogsoonaa iney  balanta  aheyd  inuusan  soo wicin  si  aan  dhib  uga   iman  reerka  markuu       wax  badan   ka  fekerey   haduu  waco  maxaa  dhici  karo  haduu  shiikh cali  kaa  qabto  tellka   wuxuu  kaloo ka fekerey   wakhtiga  u dhaxeeya    2  dal  u.s.a.  iyo  ostareeliya   wuxuu  eegey  saacada  mise  waxaa  u dhaxeeya   ayaantii  hore  xiliguu  wacay  hal  saacad  keliya  saacad kadib  ayuu  direy  telkii waxaa  ka  qabtey   nin faysal    markuu  codkii maqley  uma  jawaabiin   ninkii  ayaa  marba  dhaha  hallow  hallow  faysal  wuxuu ku fekerey  inuu   ku dansho hadana    wuxuu  is  tusey  iney  arin  xun  tahay taasu  wuxuu ku yidhi  si   xushmad  leh  salaan kadib walaal  ayaan  hadey  joogto  mala  hadli  karaa? 

 

faysal   codkiisa  waa laga garan karaa  inuu  aad  u  wel welsan  yahay   shiikh  cali  ayaa  ku jawaabay  adeer  ayaan  waa maqan tahay  ee  maxaan   kaa  gaadhsiiyaa?  adeer   aad  ayaad  u mahadsan  tahay  anigaa mar kale    soo  wici doona   markiiba   intuu  isa saarey  telkii:  shiikh cali waa  yaabay  weligiis    muusan  arkin  nin  gurigiisa   tell  u soo  diroo  xaaskiisa  raadinaya  waxaa  taas  kaga sii  yaab  badnaatey  inuusan  aqoon  ninka  raadinaya   ayaan  waayo    ayaan  iyo  shiikh cali  waa  qaraabo  reerkooda   dhan waa    wada  kala  yaqaan    waxaa  kaloo  ka sii daran  inuu tellku  ku soo  aadey  xili  isaga  iyo   ayaan  khilaaf    weyni   kala   dhex  yaalo: faysal  wuxuu  ku fekerey  inuu warqad  yar u qoro   ayaan  axmed  si  u  ugu  sheego  inuu  u soo direy  tilifoon  qof  nin ahna  ka   qabtey  hadeerto wixii ka  dambeeyana     u soo  siiyo  tilifoonkiisa   faysal   ahaan   si markey   fursad  ugu soo hesho  iyadu  uga  soo  wacdo  sidoo  kale  si uu  iimeylkiisa  u soo  siiyo   iyana   weydiiyo  iney  iimeyl  leedahay iyo in kale  waxayna  u qorneyd warqadii   yareyd  ee ka  timi  faysal  sidan  hoos  ku  qoran:
 
ku:   ayaan  axmed  walaal  marka  hore waanku  salaamay salaan lagu salaamo  gabadh   la jecel  yahay  marka labaad waxaan rabaa  inaan kuu  sheego  kana  cudur daarto   inaan ka baxay balantii  aheyd  inaan  ku soo  wicin  waana ku soo  wacay   caawa  nin  ayaa   iga qabtey telka  markuu  igu  yidhi  ma  joogtana  waxaan  ku idhi  nabadeey  waxaan kuu soo wacay waxaan  rabey inaan  ku siiyo  tilifoonkeyga  iyo iimeylkeyga  waayo  dhib  ayey  igu noqotey  inaan  waraaqahaaga   maalmo  sugo  aniga  aad  baan  kuugu nabad  qabaa  adna  waxaan  kuu  rajeynayaa   in ka  badan  taas  oo  kale   wuxuuna  u qorey  telkiisii  iyo  iimeylkiisii
sidaas  iyo  wada xidhiidh wacan  ayuu  ku soo gaabshey  faysal  warqadii   
 
la  soco  waxay  kulanka   koowaad  kaga  wada  hadli doonaan  ayaan iyo  aabaheed  arinta iney ka soo guurtey   gurigii  lagu  qabay  iyo  ninkeedii   qaypta 13  wiiga  dambe  haduu  alle  idmo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
by:casiis  c:laahi ciise
 

 
Hambalyo Arooska Mudane-ABDULRAHMAN SHEIKH IYO Marwo-SUAD ABDU

Hambalyo Arooska Mudane-ABDULRAHMAN SHEIKH IYO Marwo-SUAD ABDU

Waxaa magaaladda London ka dhacay 23/07/2010 arooska
Mudane-ABDULRAHMAN SHEIKH JAMA iyo Marwo-SUAD ABDULLAHI
JAMA,marka hore hambalyo diiran anagoo qoyskaas cusub u
rajeeyeey kheeyr badan,nool macaan iyo in Raxmaanku kugu

deeqo ubad duceeyn kheyr leh-aamiiin-

Dadka Hambalyada diraaya:-


  1. a/risak ahmed nour.
  2. mohamud a/karin aw ali.
  3. a/wahid jama seed .
  4. ali dabreye hasan .
  5. c/rizak khalif mohamud .
  6. ahmed ibrahim aw xirsi iyo qoyskiisa.
  7. ahmed mohamed shire iyo qoyskiisa
  8. ismail ali seed
  9. aden abdi matan
  10.  jamac hussen  af dhuub
  11. c/rahman mohamed shire
  12. anwar jamac dubad
  13. mohamed a/rizak ahmed
  14. deqa abdi shire caruurteeda
  15. keyf jamac shire iyo saygeeda
  16. fartuun mursal cartan iyo caruurteeda
  17. hooyo cibaado xaaji  abdi
  18. Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) 
  19. Caaqil-Xassan Nuur Aw-Jibriil
  20. Sh.Abshir C/Laahi Maxamed.
  21. Maxamuud Diiriye Cabdi-joof.
  22. Cabdi Diiriye Geeydhe.
  23. Saalax Maxamed Aw-Faarax.
  24. Cabdullaahi Qayaad.
  25. Maxamed Dowlad Faarax.
  26. C/Laahi Ciise Oog.
  27. C/Qaadir Ciise Oog.
  28. Ali Ciise Oog.
  29. Khataar Garaad Cali Buraale.
  30. Dr-Aden Xassan Maxamed.
  31. Col-Maxamed Ciise Laclle.
  32. Xildhibaan-C/Raxmaan Xaaji Ismaaciil.
  33. Axmed C/Laahi Sh.Maxamed.
  34. C/Kariim Xaaji Ismaaciil.
  35. Maxamed Ismaaciil Toosane.
  36. Khadiija Maxamed Aw Faarax.
  37. Faaduma Maxamed Cabdi Xaashi.
  38. Doonbiro Maxamed Khaawi.
  39. Dooda C/Laahi Qoti.
  40. Sahra Cabdi Xirsi.
  41. Canab Cabdi Xirsi.
  42. Faadumo Axmed X.Cali.
  43. Aamina Axmed X.Cali.
  44. Sahra C/Laahi Bun-dubte.
  45. Hamablyo-Hambalyo-
     
    -Qorr-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

 

 
ilaqosol juxaa

JUXAA IYO GABADHII LOO DOONAY

Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo ,  Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo  sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto  ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.

Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo  ku goobatay.  Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii  waxay juxa ku tiri " juxoow,  nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa  aan iska asturayo iyo kuwa kale"   Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay "  Dadka oo dhan u muuqo ,  laakin aniga iska kay astur". 

BY:KAAHIN SICIID  USA

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 

 

 
Wiilkii hooyadiis ka doortay aafadiisa(xaskiisa).

Wiilkii hooyadiis ka doortay aafadiisa(xaskiisa).

 

Arrimaha Diinta: Wuxu hadal ku bilaabay Wiilkani:- Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxu dhintay aniga oo yar, Hooyadee baa i soo korisay oo ila rafaaday koriimadeyda.

 

Aniga kiligey beey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul (School) si'aan cilmi u yeesho.


Kadib markaan weynaadayna  waxay ii dirtay (Jaamacad)(University) wadamada galbeedka ah. Markaan sii baxaayay beey ila dardaarantay oo ay i tiri Wiilkeygiiyoow Ha i ilaawin, Xiriirkana ha gooyn.


Mudo kadib markaan jaamacadayda soo dhamaystay baan wadakeygii ku soo laabtay. Waxaana aan lasoo laabtay Dabeecad qalafsan oo aan raxmad lahayn. Waxaan noqday mid un oo ka dambeeyo nolosha adduunka iyo qayaaligeeda.

 

Waxaan helay shaqo aad u heersareysa, Kadib waxaan bilaabay inaan raadiyo mid aan nolosha la wadaago. hooyaday baa ii tilmaantay (Gabar dhowrsan oo diin leh). Lakiin waan ka diiday oo waxaan rabay gabar xadaarada (Ilbaxnimada) la socoto " Waa siday yiraahdaanee" oo quruxna leh. Waxaan guursaday gabar noocaan doon doonaayay ah.

 

Lix bilood (6 Bilood) markaan isqabno beey xaaskeeygii biloowday inay hooyaday caaydo aayna karahsato. Taasina waxay keentay inaan anigana hooyadeeydii karahsadi maadaama ay mar walbo xaaskeyga isku xun yihiin. Maalin maal maha kamid ah  baan imid xaaskeeyga oo ooyneeysa, Markaan weydiiyay waxa ay la ooyneeso waxay tiri: Ma u adkeeysan karo ama hooyadaa raac ama aniga.


Waan xanaaqay oo aan hooyaday ku iri iifa tag gurigeeyga.  Weey ooyaday waxayna tiri markay sii baxaysay: Wiilkeygiyow Alle hakuu gargaaro. saacado kadib  markii uu xanaaqii iga dagay baan raadiyay laakiin waan waayay. Kadibna gurigeeygii baan isaga soo laabtay.


Xaaskeeygiibaa isku deyday inay i hilmaansiiso hooyadeydii qaaliga ahayd. Anigana caqli yaradetduu sidii baan ku ilaaway oo maan deydeyin.   


Sidii-buuna xiriirkiina ku kala go'ay. Waxaa kasoo wareegatay mudo waan xanuunsaday jiro xun oo aan Isbitaal  lagalo. Hooyaday baa ogaatay inaan isbitaal galay, Weey i soo booqatay laakiin inteeysan ii soo gelin vaa xaaskeygii al-baabka ka celisay oo ku tiri ku noqo meeshaad ka timid.


Hooyadeyna sidii beey ku laabatay. Isbitaalkiibaan kasoo baxay xaalad nafsi ahna waan u xanuunsaday. Shaqadeydii baa la iga taqalusa, deymo badan baa la'igu yeeshay gurigeygiibaa la igala tagay.


Intaasina waa xaaskeeygii oo wax walba dooneysa. Markaan kusoo baxay nin xanuunsan oo aan Shilin haysan beey xaaskeygii quruxda lahayd i tiri: Maadaama aad shaqo la'aan noqotay,

Wax maal ahna aadan haysan, Mujtamacana aadan meel ku lahayn hadaba ku dooni-maayee iska-keey fur!.

 

Madaxii baa i weeynaaday, Naagtii aan hooyaday ka doortay sidaa beey maanta ii gashay. Waan fura, kadibna mugdigii aan ku jiray iyo hurdadii baan ka toosay, Kadib waxaan doon-doonay hooyaday, Waan helay inteesa ka helay?


Waxaan ku arkay hooyaday oo ku nool sadaqada lasiiyo. waan u soo galay markay i aragtay beey ooyday. Anigana lugaheedii baan qabsaday oo aan la dhacay oohin, Labadeeniiba waxaan isla qabsanay oohin. waxaan xaaladaa ku sugneyn mudo saacad ah.

 

Waxaan ka soo waday meeshii ay joogtay oo aan keenay halkii aan deganaa. Maalintii wixi ka dambeeyayna hooyadeet ma caasin oo waxaan u noqday baari adeeca, iyo mid ku toosan

Alle awaamirtiisa. Hadana waxa aan ku noolahay nolol raaxo leh iyo hooyo macaaN, Alle dambigeeda ha dhaafee.


Aamiin                               Aamiin                                  Aamiin.....

 

 

by:xaashi yare

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
Wiil Soomaaliyeed oo arin naxdin leh kala kulmay gabar Soomaaliyeed oo uu jeclaaday “Qiso Dhab ah”

 

 

Wiil Soomaaliyeed oo arin naxdin leh kala kulmay gabar Soomaaliyeed oo uu jeclaaday “Qiso Dhab ah”

 

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Ubax, Maxamed ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna uu inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Muqdisho, hase ahaatee waxaan kusoo barbaaray magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, isla-markaana waxbarashadeeda aas aaska ah ayaa waxaan kusoo qaatay isla magaaladda Baladweyne.

Markaan soo barbaaray ayaa waxaan bilaabay inaan si’aad ah u xiiseeyo ciyaaraha kubada cagta, anigoo galabta kasta kubad kusoo ciyaari jiray garoomada kubada cagta ee ku yaalla magaaladda Baladweyne, iyadoo galab galbaha kamid ah anigoo u socdo garoonka kubada cagta ayaa waxaa wadada ku arkay gabar aad u qurxooneed, isla-markaana markaan soo dhinac maraayay ayaa waxaan ku dhahay walaashey waan ku salaamay, saa si’ wanaagsan ayay igu tiri “Walaalkiis waan kaa qaaday”.

Intii aan u socda garoonka kubada cagta ayaa waxaa wadada kula sii saan darsaday gabadhaasi, waxaana ka codsaday inay ii sheegto magaceeda, waxayna ii sheegtay in Ubax la-dhaho, anna waxaan u sheegay in uu magaceegu yahay Maxamed, markaan u soo dhawaaday garoonka kubada cagta ayaa waxaan ka codsaday haddii ay leedahay teleefan lagala soo xiriiri karo in’ay ii sheegto, nasiib wanaag waxay ii sheegtay teleefankeeda gacanta ah.

Waxaan bilaabay inaan gabadhaan quruxda badan ee Ubax aan xiiseeyo, waxaan bilaabay inaan markasta khadka teleefanka kala sheekeysto, waxaan bilaabay mararka qaarkood inaan la-kulmo, muddo bil ah markaan sidaasi ula xiriiraayay Ubax ayaa waxaan dareemay inaan dareen gaar ah u haayo Ubax.

Waxaan dareemay isbadal weyn oo ku yimid nolosheeda, waxaan dareemay inaan Ubax si’ weyn aan u doonaayo, xitaa qoyska aan ka dhashay ayaa dareemay in uu igu yimid isbadal balaaran, isla-markaana waxaan bilaabay inaan si’ weyn uga fikiro Ubax.

Waxana go’aan buuxdo aan ku gaaray dhinaca ay doonto ha’igula ciirtee bal inaan marka hore Ubax aan u sheegto jaceylka aan u qabo, habeen habeenada kamid ah ayaa waxaa Ubax ku balanay goob, goobtaasi markaan iskugu nimaanay, ayaa waxaan doonaayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, hase ahaatee maxaa dhacay?.

Aniga ayaa sheekada daah furay, waxaana Ubax aan u tiriyay geeraaro macaan oo aan ku muujinaayo jaceylka aan u qabo, hase yeeshee waxay igu jawaabtay hadal aanan meeshaba ka filaneen, kaasoo ahaa “Haye ereyo jaceyl baa caawa kaa baxaayee”, balse hadalkaasi waxba maanan u arag, anigoo hadalkeega sii wata ayaa waxaan ku iri, Ubax abaayo macaan waxaan dareemayaa inaan jeclaaday gabar, markaas ayaa waxay igu jawaabtay, “Maxamed waan hubaa gabadha aad jaceshahay haddii aad jaceylkaaga u sheegato inay horey kaa ogolaan doonto”, deetana waxaan ku iri Ubaxeey gabadha aan jeclahay, gabar kale maahee ee waa adiga oo Ubax ah.

Inta ay Ubax naxday ayaa waxay igu tiri “Aboowe Maxamed maxaa kuugu dhacay, dhab miyay arintaan kaa tahay mise waad igu kaftameysaa”, markaasi ayaa intaan naxay ku iri maxaa kaftan meesha keenay, waxaan kula hadlayaa si dhab ah, saa waxay igu tiri “Aboowe soo ma’aha wax kasta in laga fiirsado”, deetana waxaan ugu jawaabay hadalka aad ileedahay maanan fahmin, kadib ayaa waxay igu tiri “Aboowe aniga waxaan ahay gabar Marwo ah, waxaana hada lee-yahay Uur, hase yeeshee hadalkaasi ayaa wuxuu ila noqoday mid aanan ii cuntameen.

Cabaar ayaa kala aamusnay, waxaan arkay Ubax oo ooyneysa, waxaan ku iri maxaa kuugu dhacay, markaas ayaa waxaan xaqiiqsaday inay Ubax leedahay Uur, iyadoo weliba ii sheegtay ninka qaba, habeenkaas waxaan Ubax kasoo tagay anigoo si weyn u argagaxsan, akhriste tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd, dabcan sida aad dareemi laheyd waad garan kareysaa.

Waxaan bilaabay ooyin fara-badan, waxaan noqday nin nacay guud ahaan magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaan noqday nin si kale ah, kadib ayaa waxaan xiriir la-sameeyay Aabahey oo ku noollaa dalka Koonfur Afrika, waxaana ka codsaday in uu i geeyo dalka Koonfur Afrika, isla-markaana waxaan ku andacooday inaanan la-jooggi kareyn magaaladda Baladweyne, bacdamaa aysan jirin wax la-qabanaayo.

Sidii ayaa waxaan ku imid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ku noollahay, sidoo kale Ubax iyana waxay joogtaa magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, dhacdadaasi igu dhacday ayaa waxay igu noqotay mid nolosheeda ku reebtay arin aan la’ilaawi kareyn marnaba.

Fiiro Gaar ah: Ruux kasta waxaa haboon in’uusan ruux kale qalbiga u furin, bal marka hore in uu ogaado xaaladda dhabta ah ee ruuxa kale ee uu doonaayo u ku sugan yahay.


This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Wiil Soomaaliyeed oo arin naxdin leh kala kulmay gabar Soomaaliyeed oo uu jeclaaday “Qiso Dhab ah

 
MAAMA QAALI q10aad

MAAMA QAALI 

Qeybtii 10aad

Fardoowsa sidii ayaan  ku dhaqaaqey oo aniga iyo Sadiiq waan isa soo meher saney ayadoon cidina ogeen shamso mooyaanee  khadar eebe ayaa meesha ka socdee  habeenkii ugu horeeyey ee aan isu tagno sadiiq uur ayaan u qaadey oo aad ii aad ugu xanuunsaday waxaan isla garaney sadiiq si reerka eysan u fahmin inaan aado eedadeey oo degen balad xaawo halkaana aan in muda ah ku maqnaado waayo eedadeey waxey eheed islaan iimaanlahoo aadamiga u simanyahay.

Waxaan rerekeeygii ka codsaday inaan aado eedadeey oo aay halkaa waxbarasha deeyda ku soo dhameesato abaheey markiiba wuu iga ogolaadey oo waxaa lii diray eedadeey,

Sadiiq shaqadisii ayuu iska watay mudo kadib eyaan waxaan dhalay gabar waxaa runtii aad ii aad igu adkaaday sidaan reerihii ula socod siin lahaa waxaan sheekada usheegey eedadeey oo marwaliba I waanineysey niyada ii dhiseysey ahna ruux ii maan lahoo ilaah aaminsan jaceelkeygana igu garab siineysey

Fardoowsa:- Eedooy arintaan sideen ka yeelaa abana haduu iigu maqalo nafteyda ayaan waayayaa anigu saan mafileen waxuu go aan keyga ahaa inaan odayaal udiroon saa ugu shegeo anigoo reerka dhana ugu bixin laakin uurkaan ayaa si degdeg ku yimid ee maxaan sameeyaa eedooy

Eedo siraad:- Gabadheydiyeey anigu walalakeey waan aqaanaa oo wax naxariisa malahan waa hubaal in uu adiga ku dhaawici wiilka kuqabana naftiisa uu ween ama noloshiisa uu ku dhameesan sariir, waloow nafwaliba waxuu ilaah u qoray eysan gafeen. Eedooy aniga waxaa iga talo ah gabadhaan aniga aan kuu koriyo oo adiga ku laabo xafadii raadi wiilkii aad is aqbteen soona ka xeeso oo inta kuwada noolaada ama gurya aan kuleeyahay keenya idin dejiyo, intuu garmaqaatahaa ila dhashay dhaawac idin geesan lahaa.

Fardoowsa:- Eedo shukarn waa figrad fiican waxaanse jeclaan lahaa inaan gabadhayda ka tagin si uu aabaheed u arko aan u geeyo ey asaga xafadiisa ay sii joogto ana reerihii aan soo kormeero gabadheydana aan saa ku ogaado ileen abaheed wuu daryeeliyee markaan sedex isbuuc saa ku joogana aan reeraha iraahdo waan labanayaa saa aan isku soo raacno odeygeeyga asagoo waxwaliba og.

Eedo siraad:- Eedo waan kuugu raacsanhay waloow anaga aan iska hadleeno hadana waxii qoran lama gafaayo ilaah hakaa xijaabo intaad siisacto ee markaad tagto markiiba waxaad raadiaa wiilkii ku qabey madaxana duubo oo yaan lagu fahmin adoo gabadha wada marnana hatagin xafadiina ana waan kuu soo duceen isha alaah waxba arki meysid

Sidaa ayaan kusoo tagay anigoo gabadheeyda aad ugu faraxsan kuna sii faraxsan sadiiq markuu arko gabadhiisa suu noqon doono anigoo sanad wax war ah aan kaheen sadiiq.

Gaarigii aan saarnaa ayaa magalada waxuu soo galay goor habeena sacada ey tahay todabadii habeenimo oo markaa salaadii cishaha lagu jiro markiiba waxaan soo abaaray xafadaan ku ogaa sadiiq xafadii markaan imid ayaa la ii sheegey in xafada uu ka guuray shaqadiina joojiyay oo gaarigii ninkii lahaa iska iibiyay saana ugu guuray xafada

Talo ayaa iga wareertay dhan aan abaarana waan garan weyey waxaan iska daba wareego oo habeenkii oodhan socod aanan garanen meel aan abaaro kujira ayaa waxaa liigu adaamay salaadii subax anigoo ilmeynaaya kana baqaaya in laygu soo wada toosoo lay arko ayaan gabadheydii intaan si fiican u xir xiray aan agdhigay maama qaali gurigaada agtiisa,  saa uguma fogaan oo meelaan ka arki karo ayaan iska fariisatay

Halkeey gii kama aan kicin oo daqiiqad yar kadib ayaad soo baxdey gabadheydiina halkii ka qaadey anoon dhana u dhaqaqin aadna u qar qaryoonaaya ayaan waxaan halkii fadhiyay ilaa aad ka geeso saldhiga oo aad soo cesheto markaad saldhigii kabaxdey ayaan ana kuu daba maray weediyay waxaay ku yiraahdeen waxeyna ii sheegen in adiga laguu sharciyeeyey anigoo nafta iigu soo noqotay ogaadeyna gabadheyda ineey guri nabad heshey ayaan

aqalkaan ka dhashay ku laabtay anoo daalan naftana I heyso nasaheygana caano ka da ayaan

 

Lasoco wiiga xiga iyo taxana heenii ahaa

MAAMA QAALI

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

 

DiGNIIN

Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen  oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 

 
scw wr wb maqaalkaan waxaan ku egeynaa arimaha guurka

scw wr wb maqaalkaan waxaan ku egeynaa arimaha guurka

 

scw wr wb maqaalkaan waxaan ku egeynaa arimaha guurka  waxaa sanadaahaan intii wadankeenii colaadu ka jirtey iyana nagu soo kordhey guurkii oo aad u yaraadey iyo furiinkii oo batey  shakhsi ahaan waxaan isku dayayaa inaan si aan turxaan laheyn u falanqeeyo anoon dhana garab siineyn  waxaan eeda saarayaa rageenii oo u hanqaltaagey haweenka ajaanibta ah


sababo badan awgood   1 iyagoo aaminsan in gabdhaha soomaaliyeed  ay guurka raga ku dhibaan  ku xiraan xoolo fara badan  oo laga yaabo intuu noolaa wuxuu shaqeysanayey ba inuu bil gudaheed ku baabiyo hadii kale ka guur la aado ama naag ajanibi  oo aan u qalmin ku dhaco  hadaba ragasoo ma ilowdeen abwaankii soomaaliyeed ee lahaa hadad gabar cadaaniyo dhulka gaalo keentaan guumeys shisheeya ah hadad gacanta qabataan hablaheenu guur iyo gayaan yey ka sugayaan gabdhihiina mid baan oaranayaa gabdhaw guurka fududeeya  oo xoolaha aad ku ciyareysaan oo aan dad aan u baahneyn ku kharashgareyneysaan keydsada idinku ama hadad wax la baxaysan dad ay ku baxdo ku sadaqeysta soomaalidu nin  quraac heystey

 

qado ugu daraan intaad nin  qurbo jooga ee intaad qadato qaato casumeyso maad walaalahada bahan ugu deeqdid ina ragaw aan idinla kaftamee hadii gabdhihii idiin fududeyana waxaad oraneysaa hadhaw maxayba igu fadhidaa oo hadii la yara murmo dalqadaad la soo carareysaa ileyn lacag lagama diline    talo iga hoo ina ragaw haween waa ku weena ha racina dhaldhalaalka ajaanibta mustaqbal ma laha oo ilmahaado  abti ma laha ayeeyo iyoawoowna haba sheegin markey dhawr iyo toban jir ahayd bey hoyaded ka guurtey adna ku waado guryaha dadka waeyn lagu xanaaneeyey ku geynayaan markaad gabawdo hadanba gurigada ku dhiman oo adoo dhawr bilood mootan darisku ku ogaan marka ina ragaw isla ogaw gabar

 

soomaliyeed qiimo iyo qurux  dhaqan asluub iyo wax walboo wanaagsan waa gabar soomaaliyeed boge ka mida  bogaga internedka ayan ku arkayey coment ay qorayeen laba wiil oo soomaliyeed mid ayaa weydiiyey kii kale war nin yahaw sabab bey gabdhaheenu marka la guursado  ula soo baxaan dabeecad qalafsan kii kalaa u jawaaboo yiri war hooyaded iyo ayeydeed baa kula dardaarma naa hooy nacas ha noqon oo ninku yuusan kula guursan ee ku adkee wax walba aad baan ula yabey waxa ka indha tirey sharaftii hooyo iyo ayeyo sawtii gabadha  hooyadu cashar lama ilawana siin jirtey ay lahayd wax ishiiso dhibsato ka ilaali wax sankiisu dhibsadana ka ilaali indhakuushu yeysan kaa dhamaan dhar ha kuu noqdee dhar u noqo  marka

 

dardarankaas hooyadii bixisey baa magac kale loo yeelayaa gunaanad    quruxda yaaan u leenahay qalabka yaan u sidanaa hadaydaan wax nala qaban ma rag qaarad kale jira buu noo qorey ilaahay  marka raga soomaliyeedaw  hadad ajanibta  guursataan gabdhiinana ajaanibtaa guursaneysa  taa  hala ogaado marka waad isu baahantihine  is ogada wax isu kiin dhama ma leh gabadha soomalieed gobalkey rabto ha ka timaado hadad xataa isku xumataan ilmahadii marna wayi meysid lakin hadii naag ajanib ah aad guursato ilmahada ha tirsan hadad la nooshahayna aayo haka sugin      nasra guuleed

 

 
Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax

Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax


Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin nacas ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay
Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,

Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,
Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".


Ninkii Faarax ayaa waxa uu la sheekaystay gabadh reerkoodu leeyahay degaanka ay u soo guureen Faarax iyo walaalkiis Kabo-Calaf, 
Gabadhii ayey go'aan ku gaadheen iney is guursadaan, Iyadoo arintii halkaa ay ugu xidhan tahay Faarax iyo Gabadhii ayaa waxa dhacday iney is laayaan Faarax reerkoodii iyo gabadha reerkoodii. Dagaal xun baa dhex maray labadii reer, rag badan na way iska laayeen labada dhinacba,'Talo ayaa faro ka haadey' oo waxay ku qabsatay Faarax iyo Kabo-Calafba inay meesha ka guuraan oo degaankoodii dib ugu noqdaan,

ninkii Faarax ayaa ka samri waayey gabadhii ay is jeclaayeen ka dibna wuxuu go'aan saday in uu gabadhii la soo tago, reer miyiguna waxay samayn jireen, dumarka boqolkiiba sagaashan 90% waa lala tegi jiray, tobanka hadhayna waa la bixin jirey 10%.

Sidii caadada u ahayd dadkii hore waxay samayn jireen marka nin gabadh la soo tegayo, wuxuu kaxaysan jirey ilmaadeertii, haddii lagama maarmaan noqon weydo ayuun buu kaxaysan jirey walaalkiis iyo adeerkiis, sababtoo ah marka uu gabadha la soo tago, waxa reerka gabadhu ka dhalatay loo diri jirey walaalkiis iyo adeerkiis iyo aabihiis si ay u soo waydiistaan gabadha,

Ninkii Faarax wuxuu ku soo dhex dhacay ilmaadeeradii, wuxuu u sheegay in aanu marnaba dhaafi karayn gabadhaa oo uu jecel yahay, naag kalena aanu il saarayn inta gabadhaasi nooshahay, ilmaadeeradii waxay kula taliyeen in uu iska daayo, waayo colaad xun oo rag layska laayey ayaa ka dhex dhacday labada reer, markaa hadii ay arkaan niman ka socda reerkii ay is laayeen waxay u malaynayaan iney doonayaan in ay rag laayaan. Markaa iyagana waa la laynayaa, sidaas awgeed ayey kula taliyeen in Faarax uu ka samro gabadhaa.

Faarax kuma qancin arintaa ay u soo jeediyeen ilmaadeeradii, wuxuu go'aan ku gaadhay in uu keligii iska tago. Walaalkiis Kabo-Calaf oo nacas loo yaqaan ayaa jiridhi aniga ayaa ku raacaya mar haddey ku diideen ilmaadeeradaa. Kabo-Calaf ayaa raacay Faarax waxayna aadeen gabadha iyo meeshii ay degenaayeen, dhulka u dhexeeyaa waa abaar cidlo ah reerana ma yaaliin, mudo illaa habeen iyo maalin gaadhaysa ayey nimankii wadada sii hayeen, maalintii danbe ayey ku soo bexeen degmadii gabadhu ka dhalatay, maalintii oo dhan ayey dhuumanayeen sababtoo ah colaadii ayaa weli sii qoyanayd, casarkii ayey gabadhii oo awr caraabinaysa meel ka heleen, waxayna ku yidhaahdeen "gabadh yahay adiga ayaanu kuu soconaa, waadna og tahay labadeena reer colaadda ka dhex oogan markaa waxaanu doonaynaa ilow iyo ilowba in aad na raacdid caawa"

Gabadhu waa naag naago ka tagtay oo fariidnimo meel isla taagtay. Markiiba waxay u sheegtay geed ay ugu timaado caawa. Wakhtigu weli waa go' oo roobku wuu da'ayaa. Afarta jaho ayaa waxa iska soo qabsaday roob, nimanku wax yar oo jicsina ayey siteen intiina habeenkii iyo maalintii ay jidka ku soo jireen ayey soo laasteen. Markii abeenkii dumay ayaa waxa dhacay in nimankii roobkii geedkii hoostiisa uu ku qadhqadhiyo gabadhiina ay ka raagto. Gabadhii waxa ku dhacay walaaladeed iyo ilmaadeeradeed oo geela hor seexan jiray ayaa roobkii guriga ka soo jirsadey sababtaa awgeed ayaanay gabadhu u soo bixi karayn.

Nimankii waxay raagsadeen gabadhii markaasay gurigii dudadiisii intay isi soo taageen ayey dhegeysteen meesha ay ka sheekaynayso, dabadeedna way gujiyeen, gabadhiina way garatay in loo yeedhayo markaasay sheeko ay iyagana wax ugu sheegayso walaaladeed iyo ilmaadeeradeedna ay sheeko dhacday uga dhigayso ayey ka sheekaysey. 
Waxay tidhi" beri ayaa waxa dhacday nin iyo gadhab ayaa is jeclaa, labadoodii reer ayaa is laayey, nimankii gabadhii way ka samri waayeen , dabadeed waxay soo aadeen gabadha reerkoodii markaasaa roob da'ay sidan caawa oo kale, markaasay nimankii gabadhii la hadleen waxayna ku tidhi, haddii aad gaajoonaysaan caanaha dhiilka ku jira ee xirada adhiga dabadeeda yaala caba, haddii aad doonaysaan in laydin laayona guriga soo gala, haddii aad aniga idoonaysaana geedkii taga"

Nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen may fahmin arinta, laakiin waxa markiiba fahmay nimankii gabadha duunayey ee ahaa Faarax iyo Kabo-Calaf. Markiiba waxay qaateen dhiilkii caanaha ahaa ee ay gabadhu u tilmaantay waxayna tegeen geedkii balantoodu ahayd.

Markii roobkii is taagey ayaa nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen gurigii ka tegeen oo ay xeradii geela horteedii u hurdo doonteen. Gabadhiina markii ay nimankii ka hoydeen ee ay firaaqo heshay ayey soo aadey geedkii ay kula balantay Faarax iyo Kabo-Calaf. Nimankii gabadhii ayey gacanta qabsadeen oo guure ugu dilaacsheen.

Habeenkii oo dhan ayey sii guuraynayeen, markii waagii dilaacay iyagoo maraya meel aan wax dhaqaaqaa joogin cuntana aan sidan ayey gabadhii nimankii ku tidhi: "Ina quraaciya" Faarax oo ah ninkii gabadha la soo tegey ayaa yaabay oo yidhi isagoo la hadlaaya Kabo-Calaf "walaal gabadhu maxay leedahay" ma meel wax lagaucuno ayeynu joognaa waa maxay quraacda ay doonaysaa gabadhu?" ayuu Kabo-Calaf waydiiyey. Wuxuu Kabo Calaf ugu jawaabay: "waxay leedahay ina caddaysiiya" wuu fahmay dabadeed waa la caddayday.

Markii ay duhurkii noqotay ayey daaleen ka dibna geed hadh weyn ayey fadhiisteen markaasay haddana gabadhii tidhi: "Ina nasiya" Faarax ayaa haddana yaabay oo yidhi: "walaal sawgana fadhina ee hadhsanayna maaha waa maxay nasashada inoo hadhsani?" Wuxuu haddana Kabo Calaf ugu jawaabay: " Waxay leedahay kabaha inaga bixiya" kabihii aya layska bixiyey wayna nasteen, kadibna galabtii ayey ka caraabeen geedkii,

Markii qoraxdu sii dhacaysay ayey gabadhii tidhi: " Degmadii ayeynu soo galnay" Faarax ayaa yidhi: "gabadhu miyey inaga dheer tahay mise way inaga indho fiiqan tahay waa maxay degmada aynaan arag ee ay iyadu aragtaa?" Wuxuu Kabo-Calaf ugu jawaabey: "waxay aragtay haad" Haadu had iyo jeer waxay joogtaa meesha ay oodhu taalo/degmadu taalo. Faarax oo la yaabay gabadhu waxay leedahay iyo sida uu u afgaranayo Kaba-Calaf ayaa waxay soo gaadheen degmadii ay sheegaysay gabadhu. Reer degmada ugu kooneeya ayaa marti geliyey nimankii iyo gabadhii, ka bacdina waxaa loo soo dhigay cunto, sidii reer miyigu samayn jireen marka ay dad marti geliyaan oo ahayd in ama xoolo loo qalo martida ama raashin koob suba ah la soo dhex dhigay iyo caano, reerkii ay u hoydeen na sidii oo kale ayey sameeyeen oo waxay siiyeen raashi koob subag ah la dhex dhigay iyo caano.

Gabadhii ayaa waxay ka xishootay si ay subaga ragga hortooda ku shubato cuntada meesha ay ka cunayso, markaasay aragtay ninkii Kabo-Calaf oo subag dhiniciisii ku shubtay ninkii kalena wuu ku shubtay, gabadhii ayaan inyarna looga tegin subagii, markaasay intay fandhaalkii raashinkii dhinacii Kabo-Calaf saartay ayey tidhi: "maanta Kabo-Calafaw hadal aad I tidhi beerka ayuu sidaa ii kala jeexay", markaasaa subagii iyo caanihii oo is wataa waxay u soo dareereen dhinaceedii, waxay faruurtay gacan dhan oo ay u soo raacaan subaga iyo caanuhu, ninkii Kabi-Calaf oo markiiba wax fahmi jirey ayaa fahmay waxay gabadhu u jeedo, oo ah in ay caanaha iyo subaga intay caawa ka shubato raga ay berito ka dheerayso halkaana ay ceebi ka raacdo raggaa, markaasuu isna intuu raashinkii oo dhan isku dhex walaaqay walaaqay ayuu yidh:"Ana hadal aad I tidhi maanta caloosha oo dhan ayuu sidaa ii walaaqay".

Gabadhii ayaa ka yaabtay fariidnimadiisa ninkii Kabo-Calaf, markiiba waxay qoondaysatay in uu guursado ninkaa Kabo-Calaf. Markii ay guryo tageen ayey gabadhii tidhi: "Intaasi waxay dhaar iga tahay in aan nin aan Kabo-Calaf ahayni I guursanayn, haddii kale gurigayagii ayaan qabanayaa" ninkii Faarax talo ayaa ku cadaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, labo mid ayey isu soo taagtay in uu gabadhii dhibta uu u maray ay dib isa noqoto iyo in uu walaalkii oo ka weyn oo dhibtana la soo maray uu u guuriyo gabadha, wuxuu markiiba go'aansaday in uu Kabo-Calaf halkii gabadhii ugu dhiso, gabadhiina waxaa calfaday oo guursaday ninkii Kabo-Calaf. Ninkii Faaraxna halkii ayaa gabadh kale looga doonay.



 

 
ADAA DABEECADII WANAAGSANEYD IGA BADALEY

ADAA DABEECADII WANAAGSANEYD IGA BADALEY

 

scw wr wb maqaalkaan waxaan uga hadlayaa arin ka dhacdey  wadankaan engaland oo aan u arkey in loo baahan yahay in bulshadu  nala aragto anoo ka heley ogolaansho  shakhsigii ay ku dhacdey 

 
waxay ku dhacdey hooyo iyo aabo soomaaliyeed oo caruur ku heysta wadankaan uk ma sheegayo shakhsi ahaan magacyada rerka lakiin wey ii ogalaadeen in aan bulshada u gudbiyo kadib markii uu aabihii garwaaqsadey inuu asgu khaladka lahaa   waxey ku bilaabaneysaa xarunta ciidanka nabadglyada  wadankasi engaland waxaan saaka xabsiga ku xiran aabe soomaaliyeed oo so joogey qulbaha wax badan  waxaa loo yeerey qof uga turjubaana aabaha  ciidanka uu u xiran yahay waa anigee halka hooyadu ay gurigeedii iyo ilmahedii iska la joogto waxaa lagu xirey qor aad u qabow ka dib markuu islaantii uu 20sano qabey u gacan qaadey oo dhawr nabar ka gaarsiiyey wajiga   ka dib markii laga qorey


dacwadii uu asaguna gudbinayey ayaa loo ogalaadey in uu guriga ku noqon kuna sugo meelo kale inta maxkamada la gaarayo aad buu u caroodey oo ula yaabey inka leh gurigaada ha taagin adeer bal weydiyoo miyuu waashey ninkanihada u sheeg  20 sano ka hor inan  guursadey xaaskeyga malaha rer cusub buu moodayaa aad  baan u qosleyismaandhaafka meesha ka socdaa cudurdaar yar ka dib baan ninkii ciidanka nabad gelyada u sheegey waxa uu yiri ninka soomaalihga ahi aad  buu isna u qosley  wuxuu yiri waxaad weydisaa ninka ma anaa ku iri haweentadii 20 sano aad qabtey dil mya buu ku jawaabey hadaba waa inaaad amarkau hogaansataa ku dheh waan ku iri dood dheer ka dibanigu odeygii meel kale ayaan wax ka tusey adeer sheekadaan hada mabadali kartide dhanka lake kamaroo xaaska familka u dir intaan la gaarin maxkamada iyadu dacwada ha tirtirto 

 
iga yeel wuxuuna iga codsadeynaani ugu tago adeer waa hooyo sharaf leh waa naagta aan waligeed igu qeylin waa qofta markaan mafrash 2 ilaa 3 cisho ku jiro markaan u imaado hadana aanan ka daremin intasoo caro ah soo dhaweyn iy u roonaansho mooyee marka adeer waaba mucjisee hadaan caawa hebla ninkaa cadi iidiidey oo anan uba tagi kareyn adeer bal u tag waa kaa cinwaankii gurige anigoo xiiso u haya hooyada seygeeda xabsi u dhadhicisey oo uu hadana amaaan huwinayo asgoo aan xabsigiiba wali ka soo dhamaan oo maxkamadi sugeyso ayaan u imi salaan ka bacdi waan isu sheegey koob shaaha ka dib ayaan wareystey waxa ku qasbey iyadoo  intaasosano la is qabey la isdacweeyo waxay horta waa markii cimrigeyga iigu horeysey ee aan qoladaa u yeerto hada ka dibse  waaba sidaan u bartey

 
ee walaal aan kula hadlee odeygii u yeer 3deena oo isla jogaan arinta rabaa inan ka hadleewaaan u sheegey inuusan imaan karin  oo la yiri haaad agteeda ka dhawaato xabsigaad kusoo noqon waxay ku jawaabtey waxaasi caqli ma haan ee u yeer adigu soomaali ahaan ban ugu sheegey iney guriga keeni karto si qarsoodiya  oo ayna iska ilaaliso iney mar kale wax dhacaan  k adib odeygii waan u yeerney markuu yimi hadal waxay ka bilowdey  adaa iga badaley dabecadii aan u dhashee wanaagsaneyd adaa samirkeygii u bas baxay  odeygii oo yaabaan heblo maxaa kugu dhaceywaligaaba adoo careysan kuma arage wxay tiri walaalo koley dhib dhaxaan qarsadey oo anoo xanuun i hayo ilkaha isku qabtey   


odeygii waxaa la yiri hal su aal hadad ka jawaabto waa lagu cafinayaa maxkamadii na waan dhameynayaa oo naa joojinaya  hebelow ma garaneysaa ilamaha rerkeena ugu yari intuu jiro odeygii aaad buu u fakarey oo fakarey ilaa dhawr daqiiqo wuxuu aamusnaadaba wuxuu yiri hebloy walee garan mayee maad iga deyn oo waan ogohoo waan ku dhiciye waxay tiri bal malee sidii rabi ka dhigey noqone wuxuu yiri tolow ma gugii sagalaad baa mise tobonaad kkkkkkkkkkkk aad

bey u qososhey ilaa ay kursiga ka dhici gaartey odeygii oo khajilsan baa yiri dee waa runtey sawtii waagii aano london u soo guurney uu dhashey naa ha iii indho guduudine waa 9 ama toban uun waxay tiri hadaba soo dhawow horta waaban ku cafiyoo maxkamada sidaa beyba hawada uga baxdey  oo waayo miyaan saxay waxay tiri mayee dee ilaahay saw muu


oran qofka waalan iyo xoolaha ma ilmaha sabiga ahi midna danbi ma laha marka dee ilaah baa ku fasaxey odeygii inyuu yara carooduu yiri hada waxaasi waa ceye maya walaalo xashaa ku caayi mayee hebel waa 19 jir waliba inan buu doonayaa yoo lacag baan u ururiyaa uu ku aqalgalo oo maxaad igu sheegi weydey  dee waxaan is lahaa odeygii watanoo balo la tagtee adigu uun yaan islaamaha facaya kula yabin ee wiilka aroos laga yaabo u dhig odeygana maalinta inanta la doonayo uun suudh u xir  ha jilee aabo fiican marka sidaas ula soco rer saas bey ku heshiiyeen markii odeygii arkey dee in laga gar heleyna heblo aqalkii wadankii aad ka dhisted igu qorteyna adigaan kugu wareejin sidaas bey rerkii hada ku dhaqan yihiin xirir asxaabnimaa noo dhaxeeya  asagana iga codsadey inan bulashada u gudbiyo qaadka.

dhibaatooyinkiisa oo familada qaar ku hayo  


BY:  nasra guuleed

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .u

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 


 
Qurbacleey iyo qalalaasaha qoyska

Qurbacleey iyo qalalaasaha qoyska


 

Qoyska waxaa wada unka wiil iyo gabar iska soo dhex doortay dad oo dhan, isuna haya kalgacayl iyo kalsooni weyn. Qoyska waxaa la unkaa iyada oo lam maanaha is guursaday, ehelkooda, asxaabtooda iyo muslinka oo dhan ku wada faraxsan yihiin, waxaana laga fishaa deganaansho, xasilooni iyo is badal wacan oo dhinac walba kaga yimaada nolosha lammaanaha qoyska wada dhistay. Inta badan qoysasku waxaas loo filayey way helaan, waxaase jira qoysas kale oo wanaaggii loo filayey inay helaan iska daaye aan ka bixin is qabqabsi iyo qalalaase joogto ah oo qaarkood ku dhammaado in qoyskiiba burburo.



Kalgacaylka ay gabadhu u hayso ninkeeda iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay ku xoojinayso xiriirka ka dhexeeya iyada iyo lammaaneheeda ayaa ku kallifa inay arrintaas talo ka weydiiso dad aan danteeda iyo maslaxadda qoyskeeda danaynayn amaba la doonaya dhib iyo dibindaabyo, taas oo marar badan sabab u noqota in qoysku burburo ama qalalaase ka dhex abuurmo.



Haddaba aynu qormadaan ku qaadaa-dhigno sida gabdhaha loo marin-habaabiyo, minankoodana looga dumiyo ama looga kharbudo gaar ahaan kuwa da’yarta ah ama laga caqliga badan yahay.


 

Qurbacley iyo duminta qoysaska


Qurbacley waxay ahayd haweeney ku gaamurtay duminta guryaha iyo garoobaynta gabdhaha. Waxay hawlahaas u kaashan jirtay gu’ga ay jirto iyo garaadka ay dheerayd hablaha gurboodka ah ee guurku ku cusubyahay iyo kuwa iyada la gu’ga ah, lagase garaadka roonyahay. Qurbacley markay muddo gurigii la dhisaba dhaqso u burburinaysay, gabadhii la guursadana ay u garoobaynaysay ayaa arrinkeedii soo shaac-baxay, nin dhow iyo nin dheerna la is wada gaarsiiyey.

 


Dhismaha qoysku wuxuu ahaa mid dhibaato badan laga maro marka laga eego helista gabar geeyaan ah oo nin weyn uu naftiisa iyo reerkiisa ku aamino, aqal-dhiska, gabbaatiga iyo yaradka oo mararka qaarkood gabadha magteeda ka badnaan jirey. Ninkii nasiib leh oo mar ku guuleysta inuu reer dhistana gar bay ahayd inuu ku fara-adaygo, haddii ay si uun uga fashilantana uma sahlanayn inuu dib reer kale ka yagleelo; sidaa darteed markii ina rag uu arkay dhibta laga marayo dhismaha reerka iyo sida fudud ee ay Qurbacley maalin walba u kala tuurayso ayay noqotay in xal la raadiyo, talona waxaa la dhaafin waayay in Qurbacley ninkii guursadaba uu siiyo qurbac (qaalin) geel ah; si ay sharkeeda qoyska cusub uga la aasho!, waana sababta keentay in loo baxsho Qurbacley.


 

Qurbacley iyo qoyskii hilinka qaadi waayay


Qoys walba wuu ogyahay qaalinka Qurbacley ka qaadatay in aan xaq loogu lahayn, waxaase nin walba wadnaha farta uga hayaa in gabadhii xoolo kale yeelkoode uu kadinka geela ah ama ugu yaraan tobanka halaad ka baxshay ay ku seegto qurbac yar oo uu ku masuugay.

 


Dadku isku ra’yi iyo isku qiimayn ma aha’e gabar ay la noqotay in aan cidina maankeeda gadi Karin ayaa ninkeedii ku tiri: maxaad habartaan xunta ah qaalinkeena inoo ka siinaysaa?, yay dirdiri kartaa?. Wiilka oo gabadha kana caadifad yaraa, si gaar ahna u dareemayay xoolaha qoyskaan dhismihiisa kaga baxay mood iyo noolba ayaa ku yiri: walaaley naga daa, balaayadu way igu kaa diraysaaye.



Gabadhii ma ay garaysan in habar xun ah oo cajuusad ah ay xoolohooda bilaash ku qaadato iyo inay iyada ku diri karto saygeeda ay jeceshahay midna; sidaa darteed way ku adkaysatay mawqifkeedii, wiilkiina waa ka yeelay, habartiina wuu u diiday qurbicii loo qoondeeyay. Nin kuu digey kuma diline habartii waxay ku tiri wiilka: war hooy ka joog yaadan shallaayine!, gabadhii oo hanjabaadda habarta ka jawaabaysana waxay tiri: naa soco cajuusad yahay xuni, yaad isku diri kartaa?, waxaana lagu kala tagay waad arki doontaa iyo waad arki doontaa!.


 

Qurbacley iyo qorshihii kala-geynta


Qurbacley qaalinka yar ee loo diiday waxaa uga darnaa jidka cusub ee ay wiilkaan iyo gabadhaani ku fureen, waxayna goosatay inay qoyskaan ka qaaddo tillaabo iyagana ciqaab u noqota, dadka kalena digniin adag u noqota. Qurbacley kuma soo degdegin reerkii ee fursad bay siisay ilaa ay is tiri: hadda malaha waa is dhigteen, markaas ayay u dajisey qorshe adag oo qoyskaas ku noqda lama arag, lama maqal iyo laga ma sheekayn.

 


Qurbacley waxay u timid gabadhii oo gurigeedii joogta, is nabdaadin ka dibna waxay u sheegtay in aan ninkeedu jeclayn ee ay is kala joogto. Gabadhu xog horena way ka haysay Qurbacley, wixii labadooda dhexmaray iyo hanjabaaddii lagu kala tageyna way ogayd; sidaa darteed markiiba waxay la soo booday: naa bax habaryahay xun oo diradiraaleyda ah. Habartii waxba ma xanaaqine waxay tiri: waa runtaa oo anigu nimanka iyo naagaha is qaba waa isku diraa, laakiin naagtii caqli leh baan ninkeeda ku diraaye nacasta adiga oo kale ah kuma diree wax baan u sheegaa.


Qurbacley waxay taqaan meelaha ugu jilicsan ee laga taabto dumarka, waana meesha ay ninkeeda ka joogto iyo jacaylka uu u qabo; sidaa darteed bay dhinacaas uga weerartay. Haddii hadalkii iyo dooddii muddo socotayna Qurbacley waxay hadalkii ku soo gabagabaysay: aniga igu tijaabi waxa aan maanta kuu sheegay. Haddii sida aan kuu sheegay xaalku noqon waayo waxaan ahay diradiraley, wax dambana ha iga maqlin, haddii sida aan kuu sheegayo arrintu noqotana haddee ka tasho. Gabadhiina arrintaas gar bay la noqotay oo waxay tiri: waayahaye sheeg waxa aan ku tijaabin lahaa.


 

Tijaabada ninka


Qurbacley waxay gabadhii u soo bandhigtay sidii ninka jacaylkiisa ay ku hubsan lahayd, waxayna tiri: ninka markii aad isu tagtaan (isu galmootaan) oo uu sii gaddoomayo soo qabo oo waxaad ku dhahdaa: hawsha sii wad!, haddii uu kaa yeelo oo uu kugu noqdo wuu ku jecelyahay, wixii aan kuu sheegayna waa been iyo isku dir, haddii uu faraha kugu dhufto oo uu kugu dhoho: naa na sii daa-na kuma uu rabo oo wixii aan sheegayey ayaa jira ee ka tasho. Gabadhii waxay is tiri: oo maad tijaabisid maxay kaa dhimaysaa?, sidii ayayna yeeshay, isaguna faraha ayuu ku dhuftay, wuxuuna ku yiri: naa na sii daa!, tijaabadiina intaas ayay ku dhammaatay, gabadhiina waxay hubsatay in aan ninkaani rabin ee uu iska haysto.

 


Qurbacley mar hadday inantii is waalwaalaysay ugu soo dhacday dabinkii ay u dhigtay, ayna ka saaid calaysay (ka adkaatay) iyada iyo saygeediiba aayar bay gurigeedii u boqooshay, iyada oo hubta in dhagartay maleegtay reerka dumin doonto ama ay jiif iyo joogba u diidi doonto.



Gabadhii mar hadday hubsatay in aan ninkeedu jeclayn ee ay meesha iyada oo aan la rabin iska joogto waxay bilowday inay afka buurto, odageedana ay u muujiso caro iyo ciilqab. Haddii uu warsaday sababta is badalkaan ku keentayna waxay u sheegtay in uusan rabin, jacaylna u hayn. Ninkii wuxuu isku dayey inuu gabadha ka saaro fikradda qaldan ee ay ka aamintay lammaaneheeda, dhinac walbana waa kaga yimid, wax kasta oo uu ku muujin karo kalgacaylka uu u hayo iyo kalsoonida uu ku qabana is kama hagran, hase yeeshee gabadhii waxaas oo dhan Alle wax kama dheefsiin, waxayna kaga dhegtay in aan ninkaani rabin mar haddii uu tijaabadii duqda waayo-aragga ah siisay ku dhacay. Ninkii markii uu ka caalwaayay gabadhii wuxuu ku qancay in dhinaca Qurbacley looga yimid, waxayna talo kaga dhammaatay in uu iyada la soo xaajaysto waxay kala mutaanba.


 

Dooddii Qurbacley iyo ninkii ay gashay reerkiisa


Ninkii isaga oo aan dheg la qabto lahayn ayuu jaaha saaray dhankii ay Qurbacley ka jirtay, wuxuu hadba sii guureeyo ama sii galab-carraababa wuxuu weeye yiri Qurbacley oo libin ku jiifta, miinadii ay soo aastay (xabaashay) jawaabteedana ka warsugaysa. Waa kuma iyo maxaa ku keenay?, waa aniga iyo eeddooy kaa maarmi waayay ayaa markiiba la is dhaafsaday.

 


Nin naaso kor u jeeda eegay kuwo hoos u jeeda ma eegee ninkii wuxuu isku daray cabasho iyo inuu oggolaaday qurbicii baas ee diidadiisu dhibtaan badday. Ku digasho iyo waran ku liiliijin badan ka dibna Qurbacley waxay oggolaatay inay ninka arrinta la furdaamiso mar haddii uu u soo hoyday, wixii ka dhacayna uu ka shallaayay, waxayse shardi uga dhigtay inuu qurbacyada labo ka dhigo, isaguna maadaama gabadhu shan iyo toban halaad ku joogtay, kharashka kalena u sii dheeraa labada qurbac inuu xoolahaas ku caymiyo gar bay la noqotay, sidaas ayuuna ku aqbalay inuu bixiyo labadii qurbac oo waliba uu abaal ku qabo.


 

Qurbacley iyo sida ay mushkiladdii u xallisay


Qurbacley mar hadday dadkii tustay in aan xarigga ay xirto la furi Karin, ninkii isku taagana uu iyada dan u soo hoos fariisan doono, haddana waxaa muhiim u ah inay soo bandhigto sida ay xarig kasta oo la xiro dhib yari ugu furi karto, cidii doontaba ha xirtee.

 


Qurbacley waxay u hilhilatay sidii ay ninka xaaskiisa ugu soo furdaamin lahayd mar hadday muraadkeedii ka gaartay. Halka ay xarigga ka gunudayna iyada uun baa ogayde waxay ku talogashay inay siriqda soo dhufato; si rooxaantu gabadha uga baxdo, reerkeedana ay u dhaqato. Hadalkii waxay uga bilowday: naa maxaad ninkaaga ku jecel ku nacday oo aad u diidaysaa?, miskiintii oo wali arrintu meeshii u joogto ayaa ku jawaabtay: ninkaan aniga ima rabo!.


Duqdii waxay ku tiri gabadhii: orod oo soo kaadi, hadday ka yeeshay oo soo noqotayna waxay ku tiri: orod noqo oo haddana soo kaadi!. Gabadhii waxay tiri: ma waalantahay?, hadda ayaanba soo kaadshaye sidee isla hadda mar labaad u soo kaadshaa?!. Duqdii waxay gabadhii ugu jawaabtay: doqon yahay haddii aadan adigu kaadida markiiba ku noqon karin sidee ayaad ninkaaga isla markiiba igu noqo u oran kartaa?, naa orod waxyahay nacasta ah reerkaaga dhaqo, ninkaagu waa ku jecelyahaye!!. Mushkiladdiina intaas ayay ku xallisay!.


 

Gabagabo

Gabadhu si ay uga badbaado in reerkeeda laga dumiyo ama qalalaase laga galiyo waxaa la gudboon in ay ogaato in aan ninkeeda cidna uga xog-ogaalsanayn, ayna khalad tahay in naago kale uga waramaan in ninkeedu jecelyahay iyo in kale. Tan kale waxaan habboonayn in ay ninkeeda ku aamini weydo reerkiisa oo ay dumar aan wax shaqo ah ku lahayn kala tashato reerka maslaxaddiisa. Waxaa kale oo muhiim ah in gabadhu maanka ku hayso in reerku iyada ka dumayo ee dumarka soo dagaalgalinaya aan waxba soo gaarayn, ayna hadhow kala daalayaan jeesjees, xan, waa la soo furay iyo maxaa lagu soo furay?. Ugu dambayntii lammaanayaasha is qaba gaar ahaan gabdhuhu si cilmi iyo caqli ah ma uga hortagi doonaan qalalaasaha guryohooda caadada u noqday mise maalin walba Qurbacley ayay u qafaalnaan doonaan?.

 

 


 
Sheekadii Cilmi Boodhari.

Sheekadii Cilmi Boodhari.

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxam ed, intaa ka dib.

Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.

iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka leh ee Cilmi iyo Hodan

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

Markay socodka damacdee

Deggenida tallaabada

Miisaanka lagu daray

Laafyaha la daawado

Dadku waxay yiraahdaan:

“May daarin ciiddee

Indho deeraleeyey!“

Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay

Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

Lasoco qeeybaha danbe 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 
GUURKA.

 GUURKA.   Gogoldhig

Qoridda maqaalkan waxaa fatihiyey maqaal dhawaan lagu daabacay mareegta ama rugta dumarka Soomaaliyeed ee wararka bulshada: www.4somaliwomen.com, qormadaasoo ka hadleysay ragga iyo raacdada guurka ciwaankeeduna ahaa: "Muxuu Raggu U guursadaa Dumar Badan?" ayna qortay gabadh Soomaaliyeed, Kaltuum Sheikh. Maqaalkaasoo I soo jiitay nuxur ahaan balse aan si cilmiyeysan u unkaneyn. Macnuhu ma ahan inaan dhalliil-xooggan u haya qortada maqaalka, Kaltuum Sheekh, balse waxaan uga golleeyahay Kaltuum Sheekh, waxbey farta noogu fiiqday hase ahaatee nooma aysan falanqeyn faaqidaadna warkeeda iskaba daa. Mid baanse Kaltuum ku raacsanahay: Hal Nin Hal Naag - inuu ninkasta hal marwo la mingala jaceylkana kala mirodhaliya.
 
                                         Muxuu yahay guur?
 
Marka loo cuskada Diinta Islaamka, guurku waa heshiis xalaal ah oo dhaxmara lammaane/a/o  is-cajabiyey oo is-calmaday calafna u hiiliyey.  Guurku wuxuu ka ambaqaadaa nikaax/ninkaax ama caqdi, laakiin, Soomaalidu waxey dhahdaa, "Meher", afka Carabigana ku ah "Mahar" oo loola jeeda maal gabadha la-guursaday la siiya kaasoo lacag, xoola-nool iyo waxkalaba noqon kara, go'aankiisana ay gabadhu leedahay balse ay ragga Soomaaliyeed kula gorgortamaan; saddaxdan erayba waa Carabi, Carabiguna waa luuqadda rasmiga ah ee Diinta Islaamka. Alle Subxaanuhu Wa Tacaalaa wuxuu guurku ku sheegay, "Is-afgarad Adag - heshiis xooggan." Guurku wuxuu leeyahay wadiiqooyin loo mara kuna cad axkaamta Islaamka. Waxaa saldhig u ah kalsoonida labada is-guursanaya ugu yaraanna waa in la hela laba rag ah oo marag ah meheriyahana waaba waajib - qumaatiga ayuu qaayibaa qodbasiradana Culimadaa noo qeexi, balse laga qiimo badan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba - anshaxa-diineed.
 
                                                         Maxey Tahay Ujeeddada Guurka?
 
Nabi Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee) Wuxuu yidhi, "Guurku waa dhaqankeyga qofkastoo ka dheeraadana igama mid aha." Dulucda Suubbanaha, nabiga, (NNKHAT) waxey na tusaaleyneysaa sida guurku ugu sharfan yahay Diinta Islaamka mudnaan iyo meeqaam miigganNa Muslimiinta ugu leeyahay.  Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee guurku waxaa ka mid ah kuwan hoose:
 
1 -  Sugidda keydinta iyo korarka jiritaanka isirka Aadanaha.
 
2 -  Unkidda sharciga ah ee naf ahaan aasaaska qoyska, Muslimka ah.
 
Labadan waa kuwa saldhigga u ah guurka, balse, waxey leeyihiin laammo iyo faraqyo ay u sii kala baxaan una kala baahaan. Guurku wuxuu xannaaneeyaa sharafta is-guursadayaasha iyo wadar bulshada ay ku dhax-noolyihiin waa haddii guurkoodu salka ku haya caashaq iyo is-calmasho dhab ah ayna iska filayaan ku-jecli iyo ku-jantay joogta ah kana imaneysa beer uu hiloowga laba-geesoodka ah,naf-qeybsadayaasha - gabadha iyo wiilka, buuxiyey oo uu bisleeyey hadal-macaan iyo hawraarsanna ku dhisan kalsooni iyo kalgacalna huwan oo ku hubeysan.
 
Guurku wuxuu xakameeyaa oo xaaraanta ka weeciyaa xalaashana ku dhiiriyaa dareen-galmeedka iyo kulka loo aayo ugxaanta ubadkana - minida, ama aan dhahna shahwada uu Rabbi ku beeray noolaha lab iyo dhaddigba. Sida dhaqanka Diinteenna, Islaamka, ku cad, guurku waa dhisaha iyo dheefiyaha bulshada dhawrsoon balse, hadda waxaad mooddaa iney bulshadeennu, Soomaalida, dhaawacyo ba'an oo xagga dhaqanka ah milan-dhaqameedka shisheeyaha laga soo minguuriyey la tabaaleysan tahay tubti ay kaga badqabi laheydna si baraad-laan ah uga dayoowday. Ujeeddada guurka wuxuu Alle noogu qeexay aayadda odhaneysa/oraneysa, "  Dhar ayey idiin yihiin idinkana dhar ayaad u tihiin." Waxaan ognahay in qof bad iyo baraad qaba uusan dhar-la'aan socon karin.
 
        Maxaa Looga Baahan Yahay Marwada iyo Mudanaheeda?
 
Waxaa looga baahan yahay iney macnaha aayadda Quraanka ah ee sare ku suntan raacaan oo ay noqdaan kuwa inta nolosha uga harsan nabad iyo nagaadi ku qeybsada jaceylkooda, iskagana sokeeya af iyo gacan. Waxaana aasaaska wadajirkooda dhaxtaal u ah: Kalsooni, xurmo iyo xaqdhawr, wadatashi iyo istusaaleyn, isutanaasulid iyo iskaashi joogta ah. Waxaan qabaa inuu jaceylku yahay mara-cad oo uskagga aan u adkeysan karin una baahan joogteynta daryeel wadajir ah haddii kale dag-dag ayuu ku daranyoobaa diiftana dul iyo duud midna uma laha.
 
                           Maxaa Sababa Inuu Ninku Naag Kale U Hanqaltaaga?
 
Walaashay Kaltuum Sheekh, waxey gabbaadsatay dooddeedana ku suugeysay iney nimanku ku andacoonayaan iney hal naag ah kaafin karin.  Kaltuum waxey tidhi, "Waxey rabaan caruur badan. In ay hal naag ku filnaan karin qooqooda awgiis."  Waxey kaloo tidhi, "Kuwaan waxey isku tilmaameen in ay yihiin 'super men'." Talow ma ku doodi karnaa in dhanki gabdhaha gaabis ka yimid oo ay gacaliyahooda gogol-wadaagga ah - saygooda, hanan waayeen?
 
Haddaan aragtideyda kaashada, waxaan aaminsanahay in ninku uusan si fudud naag kale ugu hiloobi karin haddii ay marwadiisa koolkoollisa farxad kula seexata farxadna kula soo toosta oo aysan noqonin magaan laga caalwaayey iyo tii qumeeyada aheyd dariskuna isku warsan wadiiqooyinka iyo wadda-sheekaadka. Ninka iyo naagta isqaba waa in aysan kala noogin oo aysan is-dhibsan marka ay wada joogaan, marka ay kala maqan yihiinna waa in ay qalbiyadoodu isku ooyaan abboowe iyo abbaayo uu afku jaceylka barayna halqabsigoodu ahaada weero naxariistu la-daris tahayna ay marwalba is-dhaafsadaan saacaduhuna ku yaraadaan qosol iyo manqaxna wehel iyo walaal-kalgacal isugu noqdaan, nafta iyo noloshana ay u wadaagaan sida labada wabi ee niilka-dheer.
 
Haddii mid ka mid ah lammaanaha uu kan kale gogosha ku cuna ganuunac aan siba loo gareysan karinna uu ula goob-yimaada, talo fara ka haadday jaceylkuna goraygaa ka hadaafay, ogoow oo aqoonso arrinina gurracantay.
Haddii hab laysku ogyahay layskuna aaminsan yahay uu salbasalbeeya, bal aqoonsa in gabaahiir iyo lama-gudbaan, geerigo'an iyo gondagooye uu gabbalkii jaceylku ku dhacay dabaqabashana ay god-dheer ku duuftay danina moodday meelaan laga dayi laheyna doonnina kula dagtay daadka naca iyo naxalkuna uu si-daran ula dakeeyey. Markan oo kale, waxaa birta asladay astaantii jacaylka bahda jaceylkana kala bokootay.
 
                            Goormuu Ninku Naagtiisa Ka Niyad Jabaa?
 
Raggu waa kala baabe, balse, waxey sidan dhacdaa marka ay ooridu noqota bullaac-jiif iyo boodh-kamakacda - noqota arraajo ama areebo - basari.  Waakii gabayaagii la oran jiray: Saahid Qamaan Cali uu xaaskiisa ku lahaa, "Uskag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oollin." Haddii xaaska lagu barta daryeel-la'aanta gurigeeda, gankeeda iyo gogol-wadaaggeeda, waa in ay isku diyaarisaa garoobnimo labaduna ay galoofiyaan. Waxaa kaloo musiiba-anshaxeed ah gogoldhaafka oo ah cudur aan dawo-laheyn sida caateeyaha - AIDS-ka. Xanuun-galmeedkan waa midka ugu xun ee reerka la-darsa islamarkaana dumiya qofkii uu haleelana sharaf-dila.
 
                            Maxaa Dhaliya Hiinaasaha?
 
Nin hiinaasay ama maseeray waxaa dhaanta naag hiinaastay. Inta badan dumarka waxey ka hiinaasaan  naag kaloo uu ninka la-guursada. Waloow diinta Islaamka ay ragga afar naagood u banneysay, haddana waxaa jira xad iyo xudduud ay diintu tilmaantay - caddaaladda iyo sinnaanta ninka looga baahan yahay inuu xaasaskiisa u xaqsoora. Marka aan nafteyda ka hadla, waxaan aaminsanahay in sida aan hal naf ah u leeyahay hal qalbi jaceylka ugu yeelan kara, saas ahaan waxaan ka soo horjeedaa xaasaska badan, sababtoo ah ma garanayana waxa qoorta ii galinaya xil ay adagtahay gudashadiisa. Waxaana akhristayaasha u sheegayaa in talada Kaltuum la-tixgaliya. Hiinaasaha ragga waxaa keena shaki oo wuxuu daarran yahay murtida oraneysa, "Ceydhin-cune calooshiisuu ka shaki qabaa." Sikale haddaan u dhigna "Maseerroow ahaana mooyaanee masaar nin wataa I soo maray."
Macnaha ninkasta oo macsiyada joogteeya ayaa hiinaasaa. Hadduu ninku hiinaasana waa in ay gabadhu iska furtaa waayoo, nafteeda ayaa halisgaleysaa. Hadduusan dilinna, waxaa hubaal ah iney haaraan la-darsi daa'inkeed. 
 
                                         Gunaanad.
 
Waxaan qormadeyda maanta ku soo koobayaa in Alle laga cabsada xil-guur oo aan laga soo dhalaali karinna layska dhawra. Soomaalida si aan abaabulneyn ayey u guursadaan una kala guuraan, waxaana maanta gayiga Soomaalida ku badan guur qarbaqarba ah iyo furriin aan ka fiirsi laheyn lagana fiican yahay; sidaas darteed guurka aan jaceylka rasmiga ah ka billaabanin waa boog bulshada Soomaaliyeed beerka kaga taalla ee dawo ha loo hela.
Gabdhaha garcaddaaga laga gadayana hallaga waantooba, dookha lammaanahana halla tixgeliya. Afartan sifood ee hoosana yaan lagu sinnaan: Gabadh garoob doon ah, garoob lacag doon ah, wiil gablan doon ah iyo gabow guur doon ah.
 
WQ: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 
QARACAN!!!

QARACAN!!!

 

SHEEKO GAABAN


bilan jaamac waa cuud iyo cadar la miiray,man baxay iyo ubax deyr jooga, diir iyo dabci midna ebbe kama soocin ehelka deegaanka,muqaal xardhan qurux iyo bilicba ebbaa ku shubay,dhererkeedu waa joog dhexdeedu waa mudac dhabankeedu waa daray dheeheedu waa dhiin waa gayaan guur gaadhay damac iyo dareen ayaa qaaday,

 

Bilan waxaa ay dagantahay xaafada hodan ee moqdisho waxaa ay dhawaan ka baxday dugsiga sare ee axmed gurrey waxaa ay astaan ulaheyd dabeeco wacan iyo garaad foojigan,waxay barasho iyo galgaceyl la gardaadisay faarax geelle oo ay fasal wadaag iyoodwadaagana ay ahaayeen, farxaan qalbigeedu galay beerkuu barkin ka dhigtay neecow iyo udug ka helay sidii balanbaalis ubax dawaafeysa ayuu habeen galab iyo dharaar heegan ku ahaa, yaa tahay ? yaad gashaa? midna ma weydiin ka kale galgaceyl uguba ayaa dhantaalay labadoodaba dhaxan iyo dheel ku riday dhakafaar iyo dhakow huwiyey,marbay aramidu gantaalka tuurtaa wadnaha bidixna qotonsataa,halbowlaha kadh ka siisaa dhiig joojin iyo seedo la guntana la waayaa,BILAN JAAMAC wardiga iyo oogida salaada dareen kale ayaa uu dheer habeenkii soo galaa ma dhamaado kii tagaana dharaar aan dhamaad laheen ayuu soo dhaweeyaa, is araga bilaniyo farxaan cadceedu soo baxduu u ahaa dayax muusooday ayuu u ahaa, halkudhigoodu waxaa uu ahaa ADIGU WAA ANIGA ANIGUNA WAA ADIGA qosolkood waa dawan qalbigu wato,ilmadoodu waa dhado iyo dharab wadnuhu muudsado,waxa ay kala sugaan waa warsan iyo weedhasan ii soo wac.

 

BILAN JAAMAC kuma riyoon kumana baraarugin in jaceyl dareen lihi hogaan u noqon doono in falaar mariid ah wadanheeda surmi doonto,murti iyo maanso waxaa u ahaa ADIGAA DAGAY QALBIGA WADNAHA DACALKIISA DHUUXEYGII JUBTOO QAATAY NUURKA ARAGEYGA,FAARAX GEELLE kama xanuun yara kama damqasho yara sidii qaalin kaliil jooga ayuu tif noqday dhankuu eegaba waa BILAN JAAMAC gabadhuu arkaa waa BILAN JAAMAC xijaabkii madowba waa BILAN JAAMAC DAREEN KALE MALAHA OO AA N KA AHEYN(ADIGAAN KU DOORTOO DOOKHEYGII LA TAGE DHAAWACEYGA BOGSII,.

waxaa geediga caashaq ee BILAN JAAMAC IYO FARXAAN GEELLE socdaba,halkii lagu furi lahaa ayaa lagaaray xiligii miro gurashada ayaa la gaaray,FARXAAN waxaa uu u tagay aabo GEELLE una sheegay in uu doonayo in uu hanto gacaladii jid iyo jab ay wadaageen, AABO GEELLE su.aal kaliya ayuu weydiiyey farxaanSU,AAL UUNA HOREY UGA FIKIRIN,GEELLE( AABO WAA QOLOMA GABADHA AAD CALAFNEYSAA? WAA SU,AAL ADAG! FARXAAN horey iskuma weydiin dareena maba siin, socod iyo gucluu isku daray BILAAN WAA UYIMID isagoo leh, gacaliso waxaan doonayaa inaan gabagabeeyo waxii aan sabanka soo wadnay,laakiin dhaqanku waa sahay ma guuraan ee horta heybtaada ii sheeg?

QALBIGU MARBUU DA,AA DHADO IYO ROOB DA,AA SAMADU MARBAY QARSOONTAA DAAH MADOW IYO CAAD DABOOLAAN, BILAN JAWAABTU KAR KUMA HEYSO GARASHO LA,AAN KAMA AH,DAREEN AYAA SAAQAY DANBI AYNA GALIN LAAKIN LOOSAARAY AYAA OLOKIISU GUBAYAA, INTA AY QOSOSHAY AYEY TIRI (ISKU BARTA QABIIL AYUU EEBBE QIIL UGA DHIGAYE QABIILKEYGU WAA DADKAAD TAQAANIYO WAXII QIILKA LOO WAAYEY) intaa markii ay tiri ayuu FARXAAN GEELle dhaqaaqay isgoo leh (gar eexiyo lama hayo garasho waayeel waxaa i dhantaalay dhunkaalka i cabsiisay waa dhaqan hore aboodiye) wuu dhaqaayay,

barina beegsaday talaabo qaad ayuu damcay socodkaa kala dhantaalmay dhiiga wadnahaa kala leexday halkii loogu talagalay hareer maray BILAN GALBEED AYEY BEEGSO MAAGATAY INTA AYNA DHAQAAQIN AYEY DAMACDAY IN AY JALEECO SABOOTISA OO AAN KUTALA GAL AHEYN DEYMOO IS TIRI WAXAA AY ISHU QABATAY FARXAAN OO DHANKA BIDIX U YAALA HUMAAG AYAA SAAQAY DHANKII BARI AYEY BEEGSATAY BOGAY KU SOO QAATAY GEEDNA LA HOOS TIMID DHABTANA SAARTAY INTA AYNA SAARIN YAASIINKA AYUU AAKHIRA BEEGSADAY IYO HALKII LOO BADNAA, IFKUU KA TAGAY ISAGOO MUUDSANAYA ILMADII BILAN JAAMAC DARDAARAN IYO BALAN OOFINA UGU FILAN BILAN JAAMAC.

BILAN DUSHAY SAARAT IILKA EYEY DHIGTAY SHALMADEEDIINA KAFAN AYUU U AHAA..

GALBEED IYO XAAFADII HODAN AYEY BEEGSATAY HABEENKU WAA WAHALHADALKEEDU KAMA BADNEEN( HORAAR DHEER IYO HADAL WADKII GALAY MIDNA ANOO KU ORANEEN WAAN SOO SOCDAA HALKII LOO BADNAA IYO AAKHIRAAN U SOOSOCDAA HOOY LAGU NASTIYO HOOS QABOW INOO HEYBI….

by;Saylici

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 
Gardaran !! Qeybtii 2aad

Gardaran !!

Qeybtii 2aad

Dhowr jeer ayaan u sheegay in haddii jacayl lagu xumeeyay  aysan aniga iga aarsan….waan u caddeeyay in dambi qof kale ka galay aysan aniga ii qaadin, waxaan ka cabsi qabay in ereyada aan is leeyahay  wax ku soo dhaweyso ay wax iiga sii fogaadaan.

Galab aan jidka xaafadda isaga hor imaanay ayaan iri “Abaayo Xamza….abaayo Xamza maku qancaysaa dambi qof kale in aniga la iga gudo” wax kalmad ah iyadoon ii dalacin ayay iska key leexisay horeyna u sii socotay.

Waxaan gaaray inaan eersado barashadeedii hore, jacaylka maanta bannaanka ii soo tuuray muddo badan ayaan qarsanayay, markii aan adkaysan waayayna hadal la’aan ayuu bannaanka I keenay.

Uma malaynayo inuu jiro qof insaan ah oo qalbi adag, “I qabo gacanta nooh” ayaan kaligay isaga dhawaaqay, sidii ay ila joogto….waan shakiyey, waxaan u maleeyay inaan waashay, sheydaanka ayaan iska naaray, markaas ayaan tukaday labo rakaco oo salad sune ah, Ilaahayna ka baryay in qalbigu ii dego.

Waxaan la yaabanahay fikradaha caqliga ka fog  ee nafta wax jecel ku soo dhaca, mararka qaar wax aan macquul ahayn ayay ku tusineysaa… waxaan ogahay haddii la igu daro haween midda ugu quruxda badan aduunka in aanan ku bogsanayn, mana jirto sabab qalbigeyga ka saari karta Xamza, inta aan ogahay in ay adduunka ku nooshahay.

Waxaan xal moodaa wax aan dhici karin, waxaan qaadaa wadiiqooyin mugdi ah, milicda qoraxda ayaan ku luggeeyaa, dhaan-dabagaalo ayaan u arooraa… iftiin rajo oo aanan jirin ayaan higsadaa, kalgacal aan la ila wadin ayaan sacabada ku qaadaa, qalbi duugoobay ayaan naxariis ka raadiyaa, dhalanteed ayaa ii hilaacay, markaasay dhegihii waanadu diideen.

Haddaba maxaa keenay jacaylka intaa la’eg ee halista igu haya, iga raali ahaada iina ogolaada inaan dib u milicsado, xusuusta damqashada leh ee bilowga Jacaylkayga.

Xamza waxay ahayd gabar yar oo da’deedu tahay 7-sano, waxaana ka itaal roonaa wax aan macno saas ah lahayn oo 9-sano ayaan jiray, marka ay gashay qalbigeyga, mar walba waan la cayaari jiray….ag joogeeda ayaan ka heli jiray….Aabahay waxaan ku qasbay inuu ii soo bedelo Dugs Qur’aanka ay dhigato, anigoo Macalinkeyga been ka sheegay, isla markaana amaanay midka ay dhigato balse si aan ugu dhawaado Xamza.

Aabahay waa iga aqbalay, farxad fursado aan kula dheelo Xamza ayaana ii bilaabatay, dhowr jeer Macalinku wuu igu garaacay markii uu xamxamteyda hoose ka yaabay….Xamza kolay ku tahay waxaan u soo jiiday garaac iyo la duubo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ogaa inaan jeclahay Xamza, waxayse ila ahayd in aan u hayo jacaylka waalidkey oo kale ama midka aan u hayo walaashey iga weyn ee Maryan.

Adduunyada waxaan ugu jeclaa xilliyada roobku da’o oo aan heli jiray fursad aan kula cayaaro Zamza, Majaraafaha xaafadda ayaan iskula qubeysan jirnay anagoo dharkeenu nagu qoyay… Caku aaway berisaamdkii, macaanaa nolosha yaraanta ee jacaylku ku jiro…. Weligey uma heysanin in waxani yahay jacaylka keena guurka ee dadka qaangaarka ahi dhex mara, ma ogeyn in uu yahay midka isku soo dhaweeya Jinziga iyo Labka, waanse yaqiinsaday.

Haddaba kolkii aan qaangaaray waxaan ogaaday inaan ahay nin jacayl helay, waxaan xusuustaa yaraanteenii mar aan weydiiyey su’aashan “Xamza maxaa la isu guursadaa?” waxayna iigu jawaabtay “waxaa la isu guursadaa in Ciyaal la isu dhalo”, waxaan dareemayay in ay aad u caqli badan tahay, garaadkeeduna uu ka weyn yahay da’deeda.

Maalin ka mid maalmihii ciyaalnideena ayaan weydiiyey su’aal kale oo ahayd “Xamza haddii aan weynaano, ma iga ballanqaadaysaa inaan is guursanaynaa aniga iyo adiga” si degen aansho ku jirto ayay iigu jawaab celisay “Maya, ma ballanqaadi karo” waayo haddii aan weynaado waxaa dhici karta in aan iloobo ama wax kale igu dhashaan, marka ogow ballantu sahal ma aha…. Cumar yare weligaa ballan ha isku qaadin, waxaa dhici karta in aadan fulin doonine”.   Waxay ahayd mid caqliga la soo kortay, aawayse…..?

Aniga ayaa la iigu kari weyday in ay iiga garowdo cishqiga wareeriyey nafteyda, dhibaatada igu raran, nolosheyda mugdiga gashay, wey diidey inay iga caawiso waxa dhibka igu haya, marnaba indho naxariis leh wey igu soo eegi weyday, caqiligeedu wuu ku soo dhici waayay oo ma ogolaanin in ay iiga naxariisato.

Sawiro fara badan ayaan ka galay Footo Amiira oo isgoyska Towfiiq ku taala, Maamulaha Footadaas oo aan saaxiibo ahayn ayaan ka codsaday in sawiradayda kuwii ugu cajiibsanaa uu ku sharaxo muraayadda hore, bal si gabdhaha xaafadda marka ay Footada yimaadaan ugu sheegeen in sawiradayda oo aad u bilic qurxoon ay footada yaalaan,  amaba iyada haddii ay  mar Footada timaado ugu aragto, maadaama aysan xaafadda Towfiiq agagaarka Footada ay deganayd.

Ma naf aan ku rabin ayaa la soo leexin karaa? Mise qalbi kaa janjeera ayaa hadal la deeqsiin karaan…Adduunyo aan ku rabinse mala maamuli karaa…. Mase dhaayo aan ku rabin baa ku eegi.

Nafteyda ayaa dhowr jeer  ila hadashay oo igu tiri “Maxaad ogtahay yaakhay, adiga ayaa laguugu baarayaa in jacaylku dhab kaa yahay iyo in kale” waxa boholaha igu sii ridayaba waa nafteyda oo I maaweelinaysay, waayo mar walba oo aan ka doodno arrinta Xamza waxay ii gelinaysay Kabo iga waaweyn, iyadoo igu socodsiinaysa jid masas iyo halaq mareeno ah, waxayna igu sii reexaysaa Badweyn aanan dabaasheeda aqoonin.

Marka aan ka  cawdo in waxaasi aanay suuragal ahayn waxay si cannaan leh iigu tilmaantaa  “waxaad tahay qof dhginaca xun un wax ka eega, weligaana wanaag ma sheegtid, sidaas ayayna noqon ileyn adigaa belo saadsadaye”.

Markay dhinac kasta iska ooday oo aan garan waayay talo aan qaato ayaa waxay dantu igu qasabtay inaan Aabahay ka codsado inuu uu doono Xamza, waase yaab…qof caadi kuu diidan doonis maxay la tahay.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee aan Aabahay kala hortago  wax igu adag u sheegidooda, aad ayuu u calool xumaaday markuu arkay wejiga oo murugo saran tahay doonista gabadhaas darteed, kadibna inta ila murugooday  ayuu igu farax geliyey inuu ii doonayo Xamza oo Aabaheed Yoonis uu u tegi doono, wax uu ka diidayana aysan jirin maadaama ay saaxiibo si aad ah isugu dheer in muddo ahna deris wadaag ay ahaayeen.

“Aabo qalbigaaga farxad geli aniga ayaa kuu dhisaya, guriga fiicanna kuu dhigaya, wax aad ka cabsataa yeysan jirin” ayuu niyadda iigu dhisay Aabahay oo ii sheegay inay ka go’an tahay inuu qalbi jabka I haya iga bi’in doono oo Xamza uu aabaheed uga googol fariisanayo.

       Guuldarada jacaylkeyga waxaan dhabarka u saari nafteyda oo wax aan jirin igu hoggaamisa….”Qalbi nabar ku yaalaan qaboobin, qufac iyo kalgacal baan qarsoomine…rajo been ah baa ii muuqatay, nafteyda ayaana mar walba ila daba taagnayd qancin oo niyad aan I rabin iiga dhigaysa qof I rabta oo horseed u noqotay luggooyada kalgacalka aan la tiicayo, taasoo igu kaliftay inaan aabahay u cawdo.

 

Fadlan la soco qeybaha kale

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Digniin 

Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

 

 

 

 

 
(Kumaa qaadan karo sh/so/50.000 oo keeni karo gabadhaas).

(Kumaa qaadan karo sh/so/50.000 oo keeni karo gabadhaas). QEEYBTII 1AAD

(Kumaa qaadan karo sh/so/50.000 oo keeni karo gabadhaas)...... Waxan ahay wiil 17jir ah waxaana ka dhashay fimil sabool ah dhanka dhakhaalaha waxaana ahay wiil xiiseeyo aflaanta filimada hindiga ah  markii an helo sh/so/1000 qiimo weyn ayuu ak teyda ka.

lahaay waxaana ahay wiil ka ugu weyn hooyadey aad ayaana udhibadnay lkn qalbigeyga saafi ayuu ahaay hooyadey waxey igu deysay usha macalinka dugsiga waxeyna isiisay xuriyad kaamil ah sidaa aytahay waligey hooyadey meysan arag dacwad aniga xageeyga ah diris gabar hooyo dhamaantoon gabadhaha walaalagey waligey maxumeen xumaan an ukhasdayo lkn dhibkeyga ugu weyn waa lacag la.

aanta maalin maalmaha kamid ayaa waxaa soo martay gabar aad u da.yar quruxna ilaahey ku maneystay  waxaana ku khayaasayey 17ilaa16 waxaana fadhinay tarjiin an ku nasaheyna cadad ahaan waxaa aheynay 6 da.

dooda lesku dheeli tiray iyo 1 oo naga roonaay hadal kiisa ugu horeeyay wuxuu ahaa sh/so/50.000 dhagaha ayaanu wada taagnay wuxuuna ku hadaaqayey ku qaadan karo lacagtaan waxaa weydiinay sidee wuxuu natusay gabartii in dhaha nuurkiisa latageysay qofkii keena qolka xakiin wey gibirbadantahayee siduu rabo haku keeno lacagta ayaan siinayaa isla waqtigaas waxaa booday mid naga mid ahaa mudo ayuu dadaalay lkn wuu guul dareystay 3 kale ayaa raacday weyna kugu guul dareesteen waxaana soo haray aniga iyo sxb key wiil ki ayaa mar walbo nacaay jiray wan xanaaqay ka dibna waqtigeyga ayan qaatay runtii waxaan daba joogay waqti dheer waxaana sameeyay in dha adeeg iyo geesinimo xad dhaaf runtii rafaad ayaan umaray iyo wado saxaro ah mana ka quusan waxey igu sameesay waxyaabo qaar anan halkan ku sheegi karin lkn waa dhaqanka hawenka runtii samir iyo dulqaad dheer ayaa sameeyay wadada school ka ayaa irideeda iigu soo aaday subax galab waqti walbo ayaan caadeestay inaa lakulmo lkn waxa iga horkeeni jirtay kheylo iyo khalbi aana waligii wax jeclaan oo aad moodo inuu jamal yahay tadaal keyga wad dhaafka ahaa waxaan  ka hantay  qalbigeedain yar oo dabeel marto oo kale  

QEEYBTII 2AAD 

Maalmo ka dib waqtiga ayaa wareegay waxaa hantiyay qalbigeeda waxaana arkay anigoo ilaabay lacagtii sidhab ah ayaan ujeclaaday ma jecel baa kula tashanayo sifiican ayaa is ku dhax qaadnay diidiinku qolofkiisa kore waa adeeg dhaxdiisana waa jiir  waxey laheed qalbi jilcan oo ka buuxiyo ragga naxariis iyo galgaceel iyo daacadnimo nafteeda ayey ii hadiyeysay kalsooni awgii runtii waxaa na dhaxmaray jecel ku siman shumis oo kaliya waligeyna wax xadgudub ah uma geeysan ilaa maalinta muragada mooyaanee waxey na mar walbo iweydiin jirday iguna qabsan jirtay maad ibartid gurigaaga iyo ehelkaaga waxeyna kabaratay ehelkeyga in yar sida walaal key yariisoow iyo walaashey lkn meysan ka quusan iney barato gurigeyga iyo wixii ku nool ba anigana ma.

ahayn inan dagan guri sidaa uqurux waana ogaa ineysan lacag igu jeclen aniga ayaa uun iska cabsan jira lee  maalin maalmaha kamid ah anigoo ka soo socda school ayey wadada ii istaagtay ayadoo isku diyaarisay iney maanta iraacdo markey ii sheektay xalkeeda lama filaan ayey igu noqotay waxan lahadalay nafteyda waxaana soo xasuustay lacagtii waxaana fikiray fikir gaaban masana khalad ah waxaana ku fikiray bal kawaran hadaa keesi guriga xakiin adigoo waxba usheegin kana soo celi waxey iweydiisay guriga yaa jiro waxaana u sheegay hooyo iney shaqo jirto caruurdana dugsiga ey joogto gabar qaraabada ah weey igu qososhay waxeyna igu diri mcn maanta ma.

ahan maalin aan kaayeelayo aadna wey ufaraxsaneed farxad weyn ayaa ka muuqaday waxeyna igu amartay inaa wada socono anigoo aad umarugeysan oo ka cabsanaayo hadey egaato waxa aan sameynayo sidey noqon doonto waa na ku baxnay si wadajir wadada ayaana sooqbanay dhankaas iyo dhanka xaafada 

 BY:Cumar cali

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
HOOYO GABADHEEDA LA DARDAARMEYSA

 

HOOYO GABADHEEDA LA DARDAARMEYSA

 

 

Hooyo ayaa gabadheedii la fariisatay inta aynan guriga habeenka koowaad ee aroos-ka ah la geeynin , waxaana ay u sheegtay dardaarankani.

Waxaana hooyada ay ku tiri gabadheydiyeey hadii aad iga aqbasho dardaarankan aan kuu hayo waad ku guuleysaneysaa guur-kaaga.

Marka hore , waxaad ogaataa inaad ka baxday nolol una baxday nolol kale , kan tagtay guri una guurtay guri kale , waxaad noqotaa sidii hirar-ka badda oo dabeyluhu ay rog rogayaan , waxaad-na iga fahamtaa ereyadan aan ku leeyahay :-

Hadii uu gacanta kuu soo taago habeenka koowaad ee aroos-ka , waxaad u muujisaa dabacsanaan , deganaansho,farxsad iyo furfurnaan.

Hadii mid ka mid ah garbahaaga uu qabsado , wax wal wal ah ha dareemin.

Gabdheydiyeey ogsoonow , in jaceylku uu ka yimaado qalbiga , ee u muuji jaceyl , una noqo qof daacad ah , amarkiisa qaado , wixii uu kaa diidana ka joogso oo ha mucaaradin fikirkiisa , hadii uu qaldan yahay si degan wax u fahamsii oo u sax .

Gabaheydiyeey .. u noqo ninkaaga hooyo dhanka xanaanada ah , u noqo sidii gabar walaashii ah oo kale oo guriga la joogta, u noqo xaas gogosha ku qancisa iyo gabar isaga adeecda oo kale , fadlan faraha hala gelin wax aanu adiga ku khuseyn ,waxaad-na ahaataa qof dhoolacadeyn badan.

Gabadheydiyeey ogsoonow , inaad waqti badan ninkaaga la noolaaneysid haduu allah ogolaado , ha noqoto maamo ama bil ama sanad , waxaa intaba waajib kugu ah inaad kula noolaatid naxariis , una hugi raaxo , waayo ninka xaaslaha ah sidaa ayuu aad u jecel yahay.

Gabadheydiyeey .. waxaad badisaa ereyada macaan aad isaga ku amaaneysid sida Amiir-keyga, dooqeyga , gacaliyaheyga,macaankeyga, raaxeeyihii nolosheyda,riyadii nafteyda,ruuxii qalbigayga,ilwaad-kii quruxii indhaheyga,xabiibii ,malabkeyga iyo ereyo kale oo soo jiidan kara .

Waxaad ogaataa in waxa ugu muhiimsan uu yahay in hadalka marka uu qalbiga ka soo baxo uu ku sii dhaco qalbiga kale , ee hadalka markii aad ku dhawaaqeysid u muuji daacadnimada jaceylkaaga , hana ku caasinin amarkiisa , oo had iyo jeer isaga ka fikir oo qura .

.. waxaa jira waqtiyo muhiim ah inaad ilaalisid..

Haku qaabilin caajis hadii uu kuu yimaado isagoo faraxsan, ha u sheekeyn hadii uu kuu yimaado isagoo careysan, hadii uu kuu yeerto haku celcelin hadalka , waxaan kaaga digayaa inaad ku qaabishid dharka kushiin-ka ee wasakhda ah , waxaad ku dadaashaa cadayga iyo nadiifinta afka iyo udoon-ka jirkaaga , mar waliba oo uu ku arko waa inaad ahaataa qof caraf badan.

Gabadheydiyeey waxaad dha dhansiisaa ninkaaga farxadda dhabta ah , waayo wuxuu kuu noqonayaa mid si aad ah kuu jecel , kuna dadaal qubeys-ka si aad u noqotid mar waliba qof diyaar ah , goor waliba oo aad aragtid inuu ku soo eegayo , waxaad ka dhunkataa labada bushimood, sidoo kale markii aad aragto inuu ku damcayo , isaga tag wixii howl ah oo aad horey u heysay , ee ku qaabil raaxo dhameystiran.

Gabadheydiyeey .. waxaad sameysaa wixii alle iyo rasuulkiisa ay ku fareen , hana ka tagin diintaada islaamka oo raali geli ninkaaga .

Gabdheydiyeey .. waxaad eeg eegtaa inta u dhaxeysa sankiisa iyo indhihiisa , waa inuu kaa carfiyaa udgoon fiican , indhihiisuna waa inay ku dhacaan oo ay qabtaan meel qurux badan oo jirkaaga iyo guriga ka mid ah, kana ilaali wax waliba oo uu ceebeysanayo.

Gabadheydiyeey .. hadii uu kuugu yeerto gogosha ama uu kaa dalbado , u dhowow adigoo aan diidmo ka muujineynin arrintaasi , waxaad-na tusisaa galmood-ka noocyadiisa kala duwan iyo albaabada raaxada si uu had iyo jeer kuu dalbado, hadii isaga aanu dooneyn isku tegidda (jamaaca) adiga jirkaaga u muuji , kana dhunko afka , si fiican iskugu duub jirkiisa , waxaad-na xilligaasi neefsataa neef dheer .

Hadii uu kuu soo galo isagoo murugeysan , ku qaabil dhar jirkaaga uu ka dhex muuqanayo , iskuna duub , oo labada dhaban ka dhunko , oo xod xodi laab laabatada jirkiisa , la cayaar , timihiisa faraha la gal, laabtiisa(xabadkiisa) urso oo sanka saar, kuna dheji xabadkiisa ibta ( fooda naasahaaga) , kuna badi cayaarta si ay uga baxdo murugtii iyo ciilkii horey u hayay ninkaaga .

Jaceylka aad u qabtide seygaada xooji , wax waliba oo yar , misana weyn isaga kala tasho , weligaa wax sir ah haka qarin, waxaad iskugu kala badashaa noocyo kala duwan oo cayaar ah oo ay raaxo ku jirto si aaney maskaxdiisa ugu soo dhicin wixii horey isaga murugta u keenay.

Gabdheydiyeey ogsoonow.. markii aad isaga damacdid waxaad si fiican u eegtaa indhihiisa , waayo indhaha waa hogaanka ragga .

Ha uga sheekeyn wixii uu neceb yahay , hana ku qasbin fikir aad wadatid iyo waxyaabo uusan awoodin , waxaad ka dhigtaa ninkaaga ninka ugu farxadda badan dunida marka loo eego , waayo hadii gurigiisa uu ka shaqo tago aroortii hore isagoo weji caro ay ka muuqato taasi wanaag kuuma ahan .

Gabadheydiyeey .. ha badin jil jileeca iyo dabacsanaanta oo kolkii dambe uu kuu moodo qof duleysan oo nin waliba sidan ku qaabileysa marka uu guriga ka maqan yahay , hana ku badin faanka iyo ammaanta aad u jeedineysid oo kolkii dambe uu kuugu kibro , hana ku badin su’aalaha , ha is ilowsiinin yaanu ku iloobine , waxaad-na ka noqotaa arrimahaan mid meel dhexe ka taagan .

Hooyo .. Waxaan kugu boorinayaa inaad u salaaxdid , waayo nolosha ayaa sidaa ku qurux badan sida inaad madaxiisa dhabtaada aad saarto ,gacantaadana aad mar mariso timahiisa iyo jirkiisa , waxaad-na isku daydaa inaad ku gacan siisid wax waliba oo aad awoodid .

Gabadheydiyeey .. waxaad ogaataa in galmood-ka aanu aheyn oo qura in la isku tago balse ay ka horeyso cayaartanka , ka dhunka afka , oo labada bushimood si degan uga baashiyeey ( ka dhuuq) , waxaad dha dhansiisaa candhuufta afkaaga , waxaad nuugtaa carabkiisa , kuna buuxi xaraarada jirkaaga .

Hase yeeshee galmood-ka iyo isku tegidda waa goosha dagaalka iyo ujeed-ka ugu dambeeya ee la hiigsanayo , kolka aad aragto inuu ku dhiban yahay dagaalka oo aad ka guul gaari rabtid , si adag ugu soo duub laabtaada oo ku qabo, in kabadan dhunko, ereyo macaanna ku dheh xilligaasi oo si akhlaaq ay ka muuqato sida waan ku jeclahay, adiga ayaan kuugu dhimanayaa , waad i farax gelisay, Allah ayaa ii kaa doortay, Allah ku dhowro iyo ereyo kale .

Waxaad u diyaarisaa wixii uu doonayo , gososha iyo qolkana si aad ah u carfi , dharkiisana ha noqdeen kuwa nadiif ah, naftaadana u qurxi qaabka uu isaga u jecel yahay ee uu doonayo inuu kuugu arko sida labiska iyo quruxda.

Gabdheydiyeey .. waxaan kaaga digayaa xanta iyo isku dirka dadka , waxaad ilaalisaa oo aad xafidaa sirtiisa , maalkiisa , ehelkiisa, sharaftiisa , waxaad-na badisaa allah ku xirnaanshaha .

Gabadheydiyeey .. maxaa ka qurux badan habeenka aad naftaada carfisid , qolkaaga carfisid , oo jawi degan oo aan buuq laheyn ku qaabishid ninkaaga, fadhi qurux badan , cabitaano kala nooc ah iyo codad naxariisyo ay ku dheehan yihiin, heedhe waa qurux iyo xasuus habeenkaasi .

Ugu dambeyntii gabadheydiyeey .. hooyadiisa jeclaaw oo si aad ah ugu naxariiso , waxaad ninkaaga ku guursatay waa ogolaanshaha qoyskiisa , waxaad raali gelisaa isaga iyo qoyskiisa oo xiriiri walaalihiisa , una dhimri, iyagaa ku jeclaan doonee .

Gabadheydiyeey .. markale waxaan kuugu celinayaa inaad si fiican u xushmeysid hooyada dhashay ninkaaga oo jaceyl u muuji si ay kuu jeclaato , kuuguna kalsoonaato , waxaadse ogaataa in hooyooyinka marka wiilashooda ay gabdho guursadaan ay si weyn u dareemaan in kala bar jirkooda la siibtay oo uu lumay , laakiin adiga hadii aad tahay qof wax garad ah waa inaad isbaaradaasi kaga gudubaa naxariis iyo jaceyl , waayo kolkaas hooyadiisa waxay kuu jeclaaneysaa in ka badan sida ay wiilkeeda u jeceshahay , waxaana xilligaasi ku jeclaanaya ehelkiisa iyo tolkiisa , anna waan ku jeclahay ee sidaa ogsoonow , farxad iyo barwaaqo ayaanan kuu rajeynayaa ,hooyo guuleyso weligaa .

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
QOFWALBA UMUUQA ANIGASE ISKA KEEY QARI

QOFWALBA UMUUQA ANIGASE ISKA KEEY QARI

Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , 
Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo  sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto  ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.

Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo  ku goobatay.

  Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii  waxay juxa ku tiri " juxoow,  nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa  aan iska asturayo iyo kuwa kale"   Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay "  Dadka oo dhan u muuqo ,  laakin aniga iska kay astur". 

BY:Bashka 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 
Guurka:

Guurka:

 

 

Guurka waa sharci uu baneeyay  ilaah subxaanahu wa tacaalaa uuna amaanay nabigeenna CSW , micnaha iyo ujeedadana waxay tahay taranka insaanka oo bata iyo quluubta banii aadamka oo ku degta waana marka hore in heshiis uu dhex maraa labada qof ee is guursanaya si ay u wada dhistaan guri ku dhisan daacadnimo iyo wanaag.

xagga xulashada Ragga rasuulka CSW ayaa ku waaniyay in ay guursadaan gabar dhinaca diinta ku wanaagsan si ay uga helaan Ubad Baarri ah , afar sheyba Dumarka in lagu raaco Nabigaa noo sheegay kuwaasoo kala ah: Quruxda, maalka, nasabka iyo diinta laakiin wuxuu suubanaha NNKH hadalkiisa sii daba dhigay: " gacanta ku dhig midda diinta u saaxiibka ah"

micnahaas qofkii dhuuxa wax weyn buu ka faa,iidayaa sababtoo ah haduu ninku ku soo xusho xaaskiisa Diinta wax walba oo xumaan ah wuu ka nabad galayaa ubadkiisana diinta islaamka ayaa loogu barbaarinayaa yaaba heli kara? laakiin Ragga taas miyay ku baraarugsan yihiin?

xagga xulashada gabdhaha inkastoo ay ku kala fakrad duwan yihiin hadana ma jiraan gabdhihii hore sidii ay u fakari jireen kuwo haatan u fakara, sababtoo ah gabdhihii hore waxay eegi jireen ninka xikmadda iyo kartida uu leeyahay haatanse waxaa badalay nin lacag leh, nin aan ka awood badanahay iyo wax la mid ah oo aad u qaldan.

gabadha waxaa ugu wanaagsna tii raacdaa nin dhinaca diinta ku wanaagsan kaas aayana ah midka ay nolosha la wadaagi karto ayna ak heleyso xuquuq buuxda.

Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?

labada qof ee isu hadiyeeyay noloshooda qeybsadayna nafta waxaa looga baahan yahay in ay ka soo baxaan mas,uuliyadda ay qaadeen, ayna ku sifoobaan is xaqdhowr iyo midba kan kale in uu daneeyo.

Hadii aan taas kala qaadno Dumarka waxaa looga baahan yahay marka ay guursato:

  1. in gurigeeda cusub ay gudoonto kana dhigto guri
     wanaag iyo kheyr leh
     

  2. in ay seygeeda ka dambeyso oo au ku dhaqaaqdo
     amaradiisa sida nala faray.
     

  3. in ay ku dadaasho hagaajinta gurigeeda iyo
     nadaafadiisa.
     

  4. in ay raaliyad u noqoto seygeeda kuna dadaasho
     ilaalinta iyo xifdinta maalkiisa iyo naftiisa.
     

  5. in ay ku daadasho barbaarinta wanaagsan ee
     ubadkeeda.
     

  6. in aysan faafin ceebaha ninkeeda oo aysan dad kale
     uga sheekeyn
     

  7. in qeyladooda laga maqlin banaanka
     

  8. in ay ahaato mid asturan mar walba
     

  9. in ay isku qurxiso ninkeeda mar walba
     

  10. in ay ahaato mid farxad gelisa mar walbuu eego
     

  11. in ay noqoto mid dul qaad badan oo samir leh
     

  12. in ay la taliso mar walba oo uu talo weydiisto
     

  13. in ay dejiso mar walba oo uu xanaaqsan yahay si atrtiib ahna wax ugu sheegto
     

  14. in ay mar walba u sheegto sida xaalkeeda yahay iyo
     wixii ku soo kordha
     

  15. in reerkiisa iyoa sxaabtiisa aad u soo dhoweyso una
     ixtiraamto
     

  16. in ay u muujiso seygeeda kalsoonida ay u qabto oo
     shakiga ay deyso
     

  17. in ay uga mahad celiso markuu u qabto wax wanaagsan
     

  18. in carruurta ay u sheegto in aabahood uu u dadaalayo
     isaga ayna barto sidii ay baarri ugu noqon laahayeen
     

  19. in ay ahaato mar walba mid cod gaaban
     

  20. in ay ku samirto biilka uu u keeno oo aysan noqon mid
     iimaan la,aan ah.

Intaas iyo in la eg ayaana ragga isagana lag doonayaaiyo in kaloo badan waana hubaal hadii sidaa lagu dhaqmo in lagu wada noolaanayo nolol naxariis iyo si ixtiraam ku dhisan.

Laakiin nasiib darro maanta Guryo badan waxay ku burburaan aqoon darri ka soo gaartay iyagoo aanan aqoon micnaha ay u guursadeen taasna ay u horseeday ismari waa iyo buuq soo kala dhex galay ayna kala tagaan ugu dambeyn.

Waxaa wax lala yaabo ah rag haweenkooda ka qarinaya arrimahooda gaarka ah, bal yey u sheegayaan ? sidoo kale dumar ragooda ka qarinaya afaarahooda gaarka ah ayaad arkeysaa oo ugu sheekeynaya dumar kale , dadkaasi sow ma oga ragga iyo ahweenka is qaba in ay isu yihiin sida dharka ay sitaan oo kale , dharka aad sidato wax kaaga hooseeyaa malaha wax isaga kiin dhowna malaha ilaah ayaa yiri subxaanahu wa tacaalaa “ waxaad u tihiin Ragow haweenkiinna dhar iyagana sidoo kale”

Micno weyn baa ku jira halkaas kaasoo ah in aysan labada is qaba waxba iska qarsan Karin dadka kalana ay isaga dhow yihiin balse sidaa dad badan maanta uma oga guurkana in caruur lakala helo un bey ku soo koobeen muhiimadiisa.

Guurka ciyaar ciyaar maaha waxaana la gudboon labada is guursaneysa in ay marka horaba  ka baaraan degaan waxyaabaha la gudboonaan kara ayna isla meel dhigaan arrimo ku saabsna guurkooda sidaa ayaana looga bixi karaa Guriga oo duma.

 

 

by:qore barta

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com   

 

 
AROOSKII MURUGADA KU DHAMAADAY WAA QISO DHAB AH!

AROOSKII MURUGADA KU DHAMAADAY WAA QISO DHAB AH!

 

Dhibaatooyinka ka jira wadankeena hooyo aad ayay u fara badan yihiin dhibaatooyinkaas waxay mar walba saameeyaaan dad aan wax danbiya lahayn.qisadan waxay kadhacday muqdisho.

Waxa ay ahayd subax markii la diyaariyay arooska laba qalbi oo go'aansaday ni ay midoobaan waa LAYLA IYO FAARAH dadka ehelada ah iyo asxaabta dhamaan aad ayaa loo soo camiray goobta aroosku ka dhacayay waxaa dadku u wada hambalyeynayeen arooska cusub oo ay galayaan faarah iyo layla meesha ay qisadan ka dhacday waa guriga layla ku nooleed oo waqtigaas xaflad loogu qabtay markii la gaaray 3:00pm waxaa la diyaariyay koox fanaaniin ah oo heeso kalgaceyl leh ka qaada arooska dadka aad ayay u wada faraxsanaayen qof walba ma jecleyn inuu waqtiga dhamaado dhanka kale faarah wuxuu diyaariyay gawaari badan oo la doonayo in laguu galbiyo gacalisadiisa layla wuxuu aad ugu faraxsanaa maadaama ay tahay maalin uu ku guulaystay inuu hanto qoftuu in badan ku taamayay waxaa lagaaray waqtigii gabadha la soo dooni lahaa waxaa wadada dhan xiray baabuur iyo dadweyne aad u fara badan oo ka qeyb qaadanaya farxada lamaanaha cusub faarah wuxuu soo gaaray guriga iyada oo la diyaariyay layla dadka dhan waxay wada sugayeen sida uu dhamaan doono arooskan farxada badan ee ilaa saaka loo damaashaadaayay waxyar kadib inta uusan faarah gudaha usii galin guriga wuxuu ka war helay mar qura qarax weyn oo guriga ka dhacay holac aad ufara badan ayaa guriga ka soo baxay dadkii waa kala cararayn oo argagax ayaa ku dhacay rasaas ayaa lagu furay iyada oo ladilay dad badan oo ka soo qeybgalay arooska iyo waliba qaar ka mid ah waalidka iyo qaraabada ay ka dhalatay leylo xabadii ayaa joogsatay faarah wuxuu si miyir la'aan ah u galay guriga isaga oo raadinaya gacalisadiisa balse wuxuu la kulmay hilbaheeda oo qaarba meel yaalo xasuuqa meeshaas ka dhacay faarah waxaa uga sii naxdin badneyd sida naxariis darada ah ee loo dilay gacalisadiisa layla ugu danbeyntii faarah hada maskaxdiisa ma shaqayso mudo hal sano ku dhawaad ayaa lagu hayaa guriga hooyadis wuxuu la mid yahay qof aan noolayn oo kale balse nafta wali way ku jirtaa dhibaatadaas waxaa geystay kooxaha somalia isku haya koox ka mid ah hadaba walaalayaal waxaa lawada soconaa dhibka umadeena maanta heysta hadii aan isku dayno in aan ka sheekayno lama soo koobi karo waxaa jira qisooyin kale oo ka naxdin badan midaan oo ka dhacay muqdisho Allah waxaan inooga baryayaa inuu naga dulqaado dhibaatadaan Aamin!

 

 BY: mohamed abdullah

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com   

 

 
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND qeeybtii 5aad

 

Ka dib wuxuu ka aqbalay ninkii darawalkaa ahaa inuu ka qaato dadkana lagu qaado labadaa baabuur si nafis ahna ay u fuulaan baabuurkasta balse hadana way is khilaafeen oo waxay gacan isula tageen darawalkii qaar ka mida rakaabkii baabuurkiina way uga dageen oo waxay isku wada gureen koodii oo dhakada uga baxeen balse ninkii darawalka wuu niyad jabay dadkiina wuxuu u sheegay inay raali geliyaan ninkan kale, Sacad ayaa u tagay ninkii darawalka
ahaa si fiican u raali geliyey, sidiina way ku dhaqaaqeen markay socdeen ilaa mudo saacad ah ayuu duqeeyey gaadhigii ka dib dadkii waxay isugu wada tageen baabuurkii kale si kan meesha loogaga tago, balse darawalkii waxaa uu la hadlay ninkii lahaa gaadhiga duqeeyey oo ku sugan liibiya waxanu usheegeen inay ka tagayaan gaadhigii oo uu xumaaday, balse wuu diiday in baabuurka halkaa laga yimaado ninkii darawalka ahaa marba dadkii ayuu telefoonka kala fogaadaa dadkana ku qanciyaa inuu beri dadka qaadaayo dadkiina baabuurkii uu halkaa kaga dejiyey sababtoo ah uu ku amray ninkii gaadhiga lahaa inaanu rakaabkiisa sooqaadan ee halkaa makaani loogu keenaayo gaadhiga balse halkii ayaa dadkii waxay k u sugnaayeen mudo todaba cisho ah ka dib markii ay dadku qaybsadeen maalintii ugu horaysay sahayday wateen oo qof kastaa nasiib u helay caagad muwaysaxada yar oo biyo ah iyo xabad ananas ah qasacada yar oo loogu talo galay in hal mar la cuno ayey dadkaasi ku noolaayeen todobaad marka laga reebo biyo marba gaadhigii intuu meel fog soo istaago uu u tuuraayey 


Sacad iyo Sucaad ayaa ahaa dad iyagoo dhibkaa ku jira oo marba marka ka danbaysa ku sii dhawaanaya inay haraad iyo gaajo u dhintaan hadana hadana ahaa qaar jacaylkoodu sii siyaadaayo marka laga reebo cabsida ay ka qabaan geerida ,

waxanu Sacad ku dedaali jiray inuu markasta ugu dedaalo Sucaad inuu u helo biyo iyo cunto wixii uu helo oo marba u baadhaayey gaadhigii duqeeyey oo alaabta kala guraayey wuxuu niyada ugu dhisaayey inay badbaadayaan oo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa


sacad walaal sucaadeey qof kastaa maalintii alle u qoray ayuu dhimanayaa taa niyada geli walaal mcn sucaad waxay ugu jawaabaysay ``ilaahay kuwii ka sheekaya dhibkan ha i naga dhigo balse inagama dhigo kuwii lagaga sheekeeyo dadbaa beri halkaa ku geeriyooday `´.



Ka dib waxaa yimi gaadhigii berigii ay ka hadheen rakaabakani oo doonayaa dadkii sedexaad ee uu qaado ninkii darawalka ahaa wuxuu gartay dadkii aad iyo aad ayuu ula yaabay miyaan cidi idinka dhiman mawada nooshiin ayuu su'aalay?



�Sacad cidna nagama dhiman alla dilaa dhinta� ayuu ugu jawaabay wuuna iska dhaafay oo dadkiisii kale ayuu doontay sooona qaatay intuu dadka ku maqnaa ayaa koodiina lookeenay makaanigii wuuna hagaajiyey waana la istaadhay tays aya laga qaaday mise waa tabtii gaadhi new ah waxa kalo yimi sedex gaadhi oo kale oo dad sida wax yar soo kala horhoreeyey ka dib sucaad aad ayey u faraxday waxay heshay hablo kale oo ay la seexato oo ay wax la cunto marka 



baabuurta la joojiyoba way u tagaysay 
halka ay markii hore sacad uun wax la cuni jirtay agtiisana seexan jirtay meel aan ka dheerayn oo uu ka ilaashan karo waayo carabta baabuurta wada ayaa ku gaaf wareega hablaha socdaalkooda danbe ayey waxay socdeen mudo lix maalmood ah waxayna la kulmeen maalintii todobaad jabhadii ugu danbaysay saxaraha kuwiina waxay siiyeen lacag kuna dhaafeen 



hadba gaadhigii ayaa ciid galay dadkiina ay ka wada dageen waana la wada riixay sacad oo dadkii riixaayey ka mid ahaa ayaa lug ka jiidhay gaadhigii halkiina uu kaga jabay adin sacad sucaad oo aad u naxsan ayaa shidhkii gaadhiga ka soo booday kana dul barooratay cabaar balsae sacad muu ooyin marka laga reebo ilmo bilaa cod ah oo ka soo baxayasay indhihiisa sacad gaadhiga dushiisii ayaa la saaray afar qofbaana loo sameeyey oo afarta dhinaca ka fadhiista waayo dadku marba way isku daadanayaan oo adinkaa laga damqaya


La Soco Qayb Danbe oo Xiise Badan
Sa'id Moh'ed Hirsi 

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com   

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 
Manala filbaa magaceen lunyeeQeybta 18 aad

Manala filbaa magaceen lunyee

Qeybta 18 aad 

Zam zam oo ooyeeysa aad ii aadna ugu xun sidey wax u dhaceen, marwalibana aminsaneed ineey xumaan u geesatay mulki  ayaa waxey kutiri abaheed. 

Zamzam:-  Adeeroow anigaa denbigaan kagalay oo gunadey  xirteen Haaruun iyo Mulki  farxdoodiyo jaceelkoodii denbi ka galoon gudcur eysan filaneen  geliyoon kala fogeeyoo ubaas ahaayee aaboow cafis ayaan  kaa dalban inta aad ku mushquushay gabadhaada una murugootay inaad iga aqbashoon iska keey cafisaan aaboow marlabaad kaa codsan.
 
Gn Qaalid:-  Aaboow waxdenbi maadan ka galin haaruun iyo mulki waloow jaceelkaada aadan ogeen halkuu kudhibcay wax xumaana aadan ku ogeen ama idin dhaxmarinoo farxad iskukiin danbeysey  oo aad weydo xanuunkeeda heerka uu gaarsiisanyahay mahan mid laqayaasi karaayo gabadheyda mulki waxaa ka dhadhacsan in haruun geeriyoodoo laga qarinaayo,  cawa markaan indhaha saaray haaruun waxaan alle ugu mahdiyey inana heley dawadii gabdheyda ey sariirta lasaarneed, malintaan arkey haruun ayuu i qanciyay mana aminsaneen intuu maqnaa inuu xumaan lamaqnaa  tanina gabdheydiyeey waa amar alle agtiisa kaqornaa aan marna la eedi kareen niyadana qeer usheeg, hadana adaan kaa codsan  inan haaruun is raacnoon u geeyo mulki.
 
Zamzam:-  Waa kuu fasax aaboow taas ma ani i weediinee, waxaan diyaar u ahay waxwaliba ey mulki ku qanceeso ey kufaraxso  ama niyadeyda ku dageeso   nafteeda ay jeceshahay inan u sameeyo .
 
                   Waxaa markiiba isa soo raacey haaruun iyo genraal qaalid ayagoo runtii aad ii aad isku fahamay inteey soosocdeen waxaa dhaxmaray ereydaan.
 
Haaruun:-  Aaboow runtii waxaan walaashey k galay denbi aad ii aad u ween oo nafsadeedii ayaan halis geliyey waana uur ku taal iyo ciil aan abidkeey iloobeen bal hada xaladeeda iiga waran
 
Gen Qaalid:-  Aaboow wax denbi ah kama aadan gelin oo waxaa idin kala qariyay amuur alle agtiisa ka qorneed waxeyna ka mid tahay imtixaanka aduunka waa mahad alle mar hadaad kulmeesaan idinkoo nool, runtii aad eyey u xanuunsatay xanuunkeedana waxkale muusan eheen waxuu ahaa jaceelka idinka dhaxeeyey waxaan aad ugu faraxsanahay anigoo balantii aan ka qaadey oofinaaya, tasoo eheed inaan adiga ku helo anoon cidina aan adeegsan. Haruunow waqtigan an hada socono waa xili danbe sacadu waa sagalaasac habeenimo mamaleynaayo ineey hurado oo 24kasaac waxalaga yabaa ineey 4 sacadoot kaliya ka seexato waxaan kaa codsan wiilkeygiyoow inaad isku deydo sidaat gabadheyda u dejinleheed niyada ugu dhisi leheed kana faraxsiin lehed adigoo caqligaada iyo waya aragnimadaada isticmaalaya hana kaqarin dhibka iyo dhawaca idin kala qariyay.
 
Haaruun:-  Runtii waan dareemaayay oo jirkeyga marnana muusan nagaadin isha alaaah waxii waajibkeyga ah waan gudanayaa, ilaah ayaana kaashan, adiguna inteey dhagahaada maqleen ama indhahaada aad ku aragtay ila garbtaagnoow, 
 
       markiiba waxey imadeen xafadii oo albabkii weenaa ayaa laga furay haruun iyo ganaraalka waxey u soo gudbeen qolkii ey ku jirtay mulki ayadoo jiifta, oo afkeeda usii jeeda dhanka derbiga xiga waxaa usoo galay aabheed intuu haarun iska soo reebey intuu madaxa gacanta kasaaray ayuu daanka ka dhunkadey asoon wax hadal dhihin ayuu kasoo tagay markasuu haruun ku yiri anigu qolkeyga ayaan tagayaa ee bal ugal waa adigiyo garaadkaada!!!!!.
 
      Haaruun markuu qolka soo galay ee uu arkey sideey mulki u babadey ayuu ilmeeyey markaasuu intuu madaxa gacanta kasaaray ayaa ilintiisa waxey kaga dhacdey mulki wajegeeda misna wey soo jeesetey ayadoo moodey aabaheed oo ilmeynaaya misna waa haaruuuuun.
 
 
      Alla haaruuuuuuuuuuuuun waxey isku dhaganaayeen muda dhan 30 daqiiqadoot oo labadooduba ilin ka socotay markaasuu intuu wejiga ka dhunkadey isku soo raceen fadhigeedii u gaar ka ahaa ayadoo farxad tii ugu sareesey ey mulki ka muuqato.
 
Mulki:-  Macaanoow muuqaaga waxa iga qariyee sidatan midabkaada u badalay maahan mid fududee maxaa kuheley? alla gacmahaaga qolfoofta saaran maxabisbaad ku jirtay macaan, macadaadis aadan fileneen buu aabahey kuu geestey oo ma anuu ii been guuray mise si kaleey wax u jiraan bal ii cadee macaan waxa sidaan kuu galay?
 
Haaruun:-    Runtii macaaneey aabahaa ima cadaadin shidana iima geesan madaxiisa allaha raajiyee ee waxaa muuqeena kala qariyay nafbad baadinteediyo amar eebe.
Hadaan dhabtii kaaga hadlo habenkii niksu keen danbeeysey ee aan farxada kukala tagnay isla habeenkaa qeebtiisii danbe gudcurkaan ku dhacay ayaan galay iyo imtixaan aduun.
 
 
          Asagoo ilainta ka da eeso marba marka xiga sii saa ideeysey mulkina eysanba iska warheen ayaduna ilinta ka qubaneesa eyey waxey ku tiri.
 
 
                   Lasco wiiga xiga iyo qisadii Manala filbaa 
 
          Waxaase aqristoow iga su aalla waloow aan mareeno gabagabdii sheekada bal igaga soo jawaaba su aashatan aan idin soo dhaxdhigee ruux walboow bal figradaad kadhiibo su ashaeydu waxey tahay (NAFBAD BAADINTEEDIYO ABAAL GUDUSTII MA U DHAWICI LEHEED JACEELKAADA)
 Hadii aat tiraahda haa sababta ii raaci hadaad tiraahdo mayana sababta ii raaci jawaabtu mailka iigu soo dir.
        mahadsanidiin 

 waa aweys axmed abukar  

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND Q3AAD

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND Q3AAD

 

Waxaanu kaga furay gacantiisa una sheegay inay u soo baxaan laydha wuxuu kaloo ugu diray mid ka mida askartii ka hoosaysay sharaab sucaad sacadna shaah way cabeen wayna istareexeen daqiiqado ka dib waxa lagu celiyey jeelkii degmada si loogu gudbiyo kassala sidiibaana subixii loogu gudbiyey kassala. Sacad iyo Sucaad waxay ka baxeen magaaladii Dooko waxayna maalin ka dib gaadheen magaalada shariifeyn ee ka tirsan kassala markay siimareen magaalo lagu magacaabo showka oo ay habeen u hoydeen .

Waxay ugu tageen magaalada Shariifeyn Soomaali gaadhaysa ilaa 400 oo qof, isla markiibana waxay bilaabeen Sacad iyo Sucaad inay si gooni-gooni ah u waraystaan dadkii ay meesha ugu tageen. Sacad wuxuu u wardoon-tagay xaggii Ragga markuu Baabuurkii ka degey, halka ay Sucaadna bilawday inay la kulanto Haweenkii halkaa ku sugnaa, waxaanay ogaadeen Xog-waraysiyo badan ka dib in meesha noolasheedu aad u adagtahay xaga cuntadeeda iyo Jiifkeeda.

Cuntada halkaa lagu cunaa waxay ahayd kaliya Biis lagu soo qaado Dameer dushii, kaasoo haddii la hordhigo cuntadaa uu sidona aanu cunayn Dameerku, halka jiifkana ay kaga seexdaan dadka meesha joogaa Jawaanno, qaarkoodna, halka qaarkoodna aanay Ciidda Dhulka waxay iska xigsiiyaanba haysan, ku darsoo meeshuna waa meel aad u boodh badan, muddada la joogaayana ay tahay muddo ilaa 2 bilood gaadhaysa inta laga helaayo warqad laga qaato Kassala. Markaad waraaqdaa hanatana aad u gudbayso magoolo lagu magacaabo Sitow Cishiriin.

Sidaa daraadeed, waxaa naftiisa la yara sheekaystay Sacad oo is waydiiyey meesha si kale ma lagaga bixi karaa wakhtiga oo dheer, run ahaantii qof socdaal ahna hal habeen inuu meel joogo waa wax ku adag, waxaanu ogaaday inay jiraan dad iska lugeeya ilaa Sitow-Cishirinka meesha lagu magacaabo dad ku dhex dhuunta Gaadhiga marba la saaro dadka hela Waraaqda lagu gudbaayo. Labadaas arimoodba way ku adkaadeen Sacad, waayo? waxaa la socota qof Dumar ah mana awoodo inuu lugaysiiyo amaba ay ku wada dhuuntaan Gaadhiga dhangadaha hareeraha lagala taaganyahay ee dadka qofka ku dhuumanaya haddii lagu qabto dhangada lala dhacaayo.

Haddaba, waxaanu go.aansaday Sacad inuu iska sugo wakhtigiisa, iyadoo dadka yidhaahda waan is-qabnaa muddo ka yar muddada dadka kale lagu siiyo Waraaqda, waxaanu u tagay Sucaad oo ku yidhi waxaan odhanaynaa waan is-qabnaa, ka dibna sidiibay kuwada tashadeen Sacad iyo Sucaad, go’aan wada-jir ahna iskula qaateen.

Sacad iyo Sucad intay joogeen magaalada Shariifeyn waxay la kulmeen ciqaab hal maalin ah oo aad u badnayd oo ay suuxday sucaad markii halsaac cadeed jilbaha loogu hayey ulna dhabarka lagala dhacaayey. Ciqaabtaas oo aan ahayn mid ay mutaysteen iyagu, balse ay la qabeen dadka Soomaalida muhaajiriinta ah, oo si guud loo ciqaabay, gaar ahaan kuwii Xeradaa ku sugnaa oo dhan, ka dib markii labo nin oo Ereteriyaana lagu dilay Masjidka ku dhow Xerada, kuwaasoo ay Niman Soomaali ahi ku dileen oo ka mid ah dadka dhalandhoolka ah ee Tahriibka ku marayay halkaas.

Waxa dilka labada Nin ee Ereteriyaanka ahi ka dhashay ay isku arkeen Masjidka dhexdiisa, isla markaana ay su.aaleen Soomaalidii ma wayso qabtaan, ka dibna ku jawaabeen nimanka Ereteriyaanka ahi haa ka dibna waxay kuwii Soomaalida ahaa su’aaleen ilaa Soomaalidu waa sunta Hargaha’e sidee loowasaystaa markaasay garan waayeen, ka dib waxay yidhaahdeen ka baxa Masjidka Gaalayahay nimankiina intay yaaceen ayey ku dhaceen god dheer madawga wakhtiga oo habeen ahaa awgii. Godkaas oo ahaa ceel markaa Biyaysnaa ama ay biyo ku jireen, waxaanay labadii Nin ee Eretarian-ka ahaa mid ka mid ahi ka jabay Dhabarka, halka ka labaadna ka Dhintayba.

La soco qaybta 4aad ee Sheekadan oo aad u xiisa-badan

Sa’id Moh’ed Hirsi 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 

 
Manala filbaa magceen lunyeee

Manala filbaa magceen lunyeee Qybtii 17 aad

 

Felis oo aad ii aad ula yaaban aya awaxaa u soo laabatay qolkana ugu soo galay haaruun iyo caruurtiisii markaaseey inteey caruurtii ku soo boodey dhabtana saaratay si fiican u dhun dhunkatay kuna tiri haruun.
 
Felis:-  Haruunoow isha alaah cawa habeenkii uu  alla ugu talagalay ineey sidatan waxwaliba u dhacaan isha alaah kheer eyeyna ku dhamaan.
 
Haaruun:-  Abaayooy aamus maad hadli kartide hadalka hataa wuu ku dhibayaa oo weli waad naxsantahay isha alaah siduu eabi kadhigo eyey noqon ruuxa hada kula joogay ee qolkaaga kasoo baxayna waxuu ahaa mulki abaheed oo aan kalmad inaan iraahdo ama su aal uu iweediyo inana ugu jawaabo anan kareen
 
 
                  Intaa markuu maraayay ayaa waxaa usoo galay Genarak Qaaliid kana codsadey haaruun ineey isku racaan qolka uu ku jiro mahad.
waxey isu soo raaceen qolkii uu ku jiray mahad ey dhinaciisana ey fadhiso hooyadii oo markaa timid aad ii aadna u murugeesan ilamadeedana  qubaneesa, haaruun oo madaxa u sal salaaxaya mahad ayuu mahad kusoo toosay markaasuu mahad ku yiri asagoo careesn.
 
Mahada:-  Iga qaad gacantaada mardanbana korkeyga ha taaban arageeygana iidhaf ma adaa weli i hor taagan 
 
 
               Waxaa hadalkii markiiba qaatay Grnaralkkii oo ka caroodey hadalda jawaabta ah uu bixinaayo mahad iyo sida  haaruun ey asaga ii hoyadii wejiga ugu badalayaan hataa taqtarkii ayaa yaabay oo meesha taagnaa markasuu ku yiri Genaraalkii.
 
Gen Qaalid:-    Adeer saa ha dhihin   haaruun abaalka uu idinku leeyahay waa mid aadan gudi kareen ahna mid xusid mudanoo  weligiin iloobin waxuu idin huray nafsadiisii, waxuu idin baabi iyay nolashiisii, waxuu dartiin u iloobay mustaqbilkiisii, inuu sumcadiiniyo magaciina uu ka ilaaliyo ineysan wasaqoobin ayuu intaa u sameeyey, markasaad idinkoon waxba hubsaneen cuqdad xunoo sheedaan uu idinku adeegsanaayo u qaadeen intaad alle kabaqdaan dibna iskugu labanata adigiyo hooyadaa, aniga aad ii jeedaan gabdheyda dartii eyey sariir u saarantahay bal aan idin su aalee ilaah kasukoow dhibatadaa yaa ka danbeeyey ma adiga ii hoyadaa mise haaruun walashaa ayaan idin keenayaa bal wareesta,
 
 
Dhaqtarkii:-  Waxaan idin shegayaa genaralka waxa ka ilmeeysiiyay maahan mid fududee bal yara dhageesta gabadhiina, waayo genaralka  aad ayuu idinku dadaalay waqtiga isbitaalka idinla keeney wax taqtara muusan joogin asaga ayaa amar ku bixiyay in taqaatiirta oodhan liisku keeno isbitalka si dhawciina si degdega wax looga qabto.  
 
 
                Mahad ayaa hooyadii waxuu kuyiri hooyoy waa wax lala yabee aanan ka fiisan markii horee weeyaani tanuyee  an yara dhageesano felis, waxaa markiiba albabka kasoo gashay felis oo ilmeyneesa markaseey ugu sheekeesey sideey wax u dhaceen min bilaaw ilaa dhamaat iyo inuusan haruun waxba eed galabsan intaas oo dhibna uu u maray inuu reerka ceebtooda asturo sharaftoodana kor u qaado intaana meysan dhacdeen hadaad hadalkeyga dhageesan leheedeen.
Markiiba mama aamino inteey caloosha hurtay ayadoo ilmeyneeysa eyey waxey qolkii fadhiga ugu soo gashay haruun iyo generalkii oo ku sheekeesanaaya markaaseey jilbaha qabsatay kuna tiri iska keey cafi mama denbi ayaan  kaa galee.
 
Haaruun:-  Hooyooy aniga marwaliba hooyadeey ayaa tahay gartaada waa gar gardaradadana gar  ee anigaa denbi kaagaloon kaa nixiyee iska keey cafi mama.
         
Reerihii sidii eyey ku midoobeen iskuna soo raceen xafadii ey zamzam ku nooleed ayagoo ey galbinayaan genaraalka iyo ilalaidiisii. 
Zemsam oo yabaneed waxa odeygeeda heley  oo aad ii aad u murugeesan dhaneey abartana garaneen  xanuun yarina uu iska haayo ayaa waxaa albaabkeeda soo istaagtay ilaa sedex gaari ayadoo yaaban ayaa albaabkii lasoo garaacey ayadoo naxsan inteey feeynuustii soo qadatay eyey albaabkii furtay misna waxaa taagan hooyadeet iyo walaasheed felis iyo haaruun  gadaalna ey ka taagan yihiin generaalkii iyo ciidankiisii reerihii ayaa si fiican iskuwada cafiyay samsamna niyada ayaa loodhisay markiiba waxaa soo boodey haruun intuu soo qadey baqshadii uu genaralka siiyay hebeenkii isku danbeeysey ku yii
 
 
Haaruun:-  Adeer  tani waa  amaanadii aad ii dhiibtay  habeenkii isku keen danbeeysey ee aad i laheed ha furin ilaa aad sariirtaada katagto, madaama aan sidii ana filaayay ama aan isla meel dhignay eysan noqon inaan furo aan fiiriyo waxa ku jira damiirkeyga waa diiday oo waxaan go aan sadey malintuu alle ina kulmayo inana ku siiyo hadana watanaa 
 
 
Gna Qaalid:-  Mashaa alaah bal dadoow ila fiiriya haruun inuu yahay ruux dacadoo alle uu ku maneestey samir iyo dulqaad, aqalkaan uu ku noolyahay bal ila fiiriya inta meel ee uu ka duleelo, bashaqadaan uu hada ii dhiibay waxaa ku jira lacag gaareesa 5500 oo weliba doolar ah aan soo siyay habeenkii aan u balan qaadey inan gabadheyda  siiyo, asagoo noloshaan ku jira ayuu gareestay inuusan taaban oo ka baahnaado ruuxaani ookale waa iga su aalee maxuuu mudan yahay.
 
 
                          Lasoco wiiga xiga iyo sheekadii manala filbaa
                              waxaa qoray Aweys Axmed Abukar All_xikaaya

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

                                     

 
WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND Q2AAD

Nimankii waxay ula hadleen sacad iyo sucaad ciidanka booliiska ee magaalada dooko ka dibna waxa u yimi daqiiqado ka dib gaadhi ah nooca lineloparka ah oo ay wataan sedex nin oo sodaan ah way salaameen nimankii watay gaadhiga sacad iyo sucaad waxayna ku salaameen salaanta islaamka Asc wr wb sacad iyo sucaad waxay ugu jawaabeen cws wr wb waxay yidhaahdeen wax yar markay waraysteen soo fuula gaadhiga ayey yidhaahdeen waxayna u sheegeen sacadna inuu dusha koro sucaadna shidhka gasho balse way diiday sucaad inay shidhka korto iyadoo sacadna dusha saaranyahay waxay u sheegeen inay dabayl jirto dusha ku dhibaysana sucadna way ku adkaysatay inay fuulayso halka uu ka fuulo sacad gaadhiga dood yar ka dibna waxa dusha koray nin taliyaha saldhiga ahaa oo shidhka saarnaa halkaasna uu sacad shidhkii gaadhiga ku soo galay



Sacad iyo sucaad mudo ka dib waxa lakeenay saldhigii magaalada halkaas oo si fiican loogu soo dhaweeyey oo lookeenay cuntooyin looga sooqaadaayey magaalada hudheeladeeda balse meeshu hadana ahayd xabsi cunto maxaabiseedna taalay balase iyaga lagu qadarinaayey islaanimada iyo wadankooda xaaladaha ka taagan halkaasna ay ku mutaysteen labo cashoo xabsi ah .

Sacad wuxu la xidhnaa niman soodaan ah aadbay ii soo dhaweeyeen marka laga reebo meesha aanku xidhnayn oo aad u uraysay kaadi lagu dhex kaajaayo baaldiyo yaalay daraadeed iyo buuriga tubaako ay ad u isticmaalaan soodaantu oo ay hortaada ku tufayaan

Sucaadna waxay la xidhnayd hablo soodaan ah oo lagu soo xidhay dagaal iyo arimo la xidhiidha waalid adeecid la,aan iyo xidhashada maryaha iwm



Sacad iyo sucaad markii subixii sedexaad waagu baryey waxaa la geeyey maxkamada degmada waxaana la hortaagay qaadiga si loo eego xukunkooda ka dibna waxaa la soo joojiyey edega la taago dadka eedaysanayaasha ah si loo bilaabo dacwadooda waxana la su,aalay ugu horayn sacad su.aalo yaryar oo ay ka mid tahay da,diisa iyo inuu xaas leeyahay iyo in kale waxaanuu u sheegay da.diisa 22 yrs xaasna aanu lahayn waxaa kaloo la waydiiyey intaa in leeg iyana sucaad waxayna ugu jawaabtay da.da 19 yrs xaasna maya ka dib qaadigii wuxuu su,aalay wax sharci ah inay haystaan iyo in kale waxay si wada jir ah ugu jawaabeen inaanay haysan maya .wuxuu qaadigii su.aalay sababta u yimaadeen soodaan

sacad ayaa ugu jawaabay xaalad amni ayaan u nimi sayidalqaadi qaadigii intuu ilmeeyey ayuu yidhi ku soo dhawaada wadanka soodaan waxaanuu wayadiiyey waxay isu yihiin sacad iyo sucaad ma ehelbaa tihiin ayuu waydiiyey waxayna ugu jawaabeen maya ee waan is jecelnahay waxaanu ugu duceeyey inuu ilaahay jacaylkooda ugu guuleeyo



waxaanu u sheegay in aan la celinayn ee loo gudbinaayo xero ku taal magaalo kasala la yidhaado oo lagu ururriyo somalida dhalandhoolka ah iyo ereteriyaanka qaxoontiga ah ka dibna waxa lagu celiyey qolka lagu xidho maxaabiista maxkamada inta ay ku suganyihiin maxkamada halkaas ayuuna askari ku qafilay wax yar ka dib waxa soo hor maray qolkii ay ku xidhnaayeen



Sacad iyo sucaad iyo niman xabashi ah oo kale ninka haysta askarta maxkamada waxanuu arkay sacad iyo sucaad oo ku xidhan halkaas waxanuu su.aalay maxaad ahaydeen? anagu somali ayey ugu jawaabeen markaasuu ugu jawaabay antumul islaam hatil miftaax ayuu ku yidhi mid ka mid ah askartiisa ayuuna ka qaaday furayaashii qolka



waxaanu kaga furay gacantiisa una sheegay inay usoo baxaan laydha wuxuu kaloo ugu diray mid ka mida askartii ka hoosaysay sharaab sucaad sacadna shaah way cabeen wayna istareexeen daqiiqado ka dib waxa lagu celiyey jeelkii degmada si loogu gudbiyo kassala sidiibaana subixii loogu gudbiyey kassala.

La soco qabo kale oo xiiso badan
Qallinkii Sa'id Moh'ed Hirsi

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
ku soo dhowaada sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 13
 ku soo  dhowaada  sheekadii  ayaan iyo   faysal   qayptii 13
 
waxay inoo   joogtey  ayaan oo ka soo  guurtey  gurigii  lagu  qabay  una soo  guurtey  dhanka  guriga  aabaheed  markey   ka timi  suuqa   loona  sheegey iney  ka soo wareegtey  xaafadii  aabaheedna   ka  cadhootey  arintaas   waxay  ugu  yeedhey  hooyadeed   inuu  aabaheed  ku  sugayo  fadhiga    ayaan  waa  soo baxdey  una  timi    aabaheed  waxaa  hadalkii  bilaabey  odeygii  oo  yidhi  waa  aley  sheegey  inaad  ka soo guurtey  xaafadaadii  rabina   inaad ku laabato  maxaa  arintaas   ka jira  ayaan  iyadoo
 
 
 geesinimo iska  raadineysa   ayey  tidhi  waa  jirtaa  arintaas   aabaheed  oo    aad u   xanaaqasan  ayaa yidhi  maxaad   uga soo  cadhootey  nin  kaagii  una    sabab  ah  arinta  una  dooneyn inaad ku  laabato  guriga  ayaan  inteysan weli  hadlin  ayey  waxay  eegtey  dhanka    hooyadeed    una   fahantey  iney   ayaan  leedahay  hooyo   u  sheeg  aabe  waxaan  kaaga   sheekeeyey   ugana  soo  tegey  xaafadii    markii  islaantii  isku  daydey  iney  hadasho  si deganna  u  qaboojiso   hadalka   meesha   kulul  maraya  ileen  waa   waalidkii  labaadee  una  sharaxdo  waxaa  u  sabab  ah  ayuu  odeygii  hadalkii  ka  dhex galey  oo  yidhi  adigu  noo  kaadi  af jooga   looma   adeegee  ayaan  haka
 
   jawaabtee   ayaan  waxay  aamustey  in  cabaar  ah  waxayse    ku  tidhi  odeygii   aabe    hooyaan  mar  hore  arintan  u sheegey  adna  hadaan  kuu   sheegayaa   ma rabo inta   ii  hadhsan  nolosha  inaan  mar  dambe  shiikh  cali    la  noolaado ilaa  markaan  guursadey  ilaa  maanta   intaan  samri  karey  waan soo samrey waadna  og tahay   inaan  marna    ka  raali  aheyn  markaad   ii  guuriseen  ninkan   idinkaa   guurkiisa  u  sabab  ahaa   iguna  khasbay  waad  og tahay  markaad  igu  qasabteen
 
   inaan   yeelo  ninkan  waxaan  taas  u  yeeley  iyadoo  waagii  kiiniya   noloshii  iyo  duruuftii   idin  heysatey  u yeeley  taas   waala  soo  dhaafey   maanta   waxaa  la  joogaa    meel  aan ku hadli  karo  xili   aan  nafteyda   ilaalin  karo  xili  aan  is  difaaci  karo  odeygii   ayaa  yaabey  oo  hadalkii   intuu   qaboojey kana  yaabey  sidey  maanta  gabadhiisa   ayaan  ahi   u  hadleyso  una  dhiiraan tahay  wax  iska  celinta  nafteeda   u  gaarka   ah   ayuu  ku  yidhi   aabe  hana   ceebeyn   intaas  oo  sano 
 
 ayaad    is  qabteen  shiikh  cali  weli  wax  dhib  ahoo   idin dhex  marey  ma soo  xasuusto   ayaan  oo  ka  faaiideysaneysa   rabtana  hadalka  odeyga    ayaa   tidhi  aabe hooyaan  u  sheegey   hadeerto  ka  hor  waxaan  jirin   in aanan    jecleyn  shiikh  cali wax kalaan  ka  tabanayaa    ma  jirto  xaajiga  wax  badan  baan  isku  dayey  inaan  xaliyo  dhibkaan  ku soo jirey iskalana  noolaado    xaajiga  waanse  u  adkeysan  waayey  waxaan  uga  cabsoodey  nafteyda  iney  iiga   timaado  dhibaato fara  badan  xaga  caafimaadka    hadaadse  idinka  u  aragtaan  joogista  aan  idinla    joogaa  iney ceeb   idinku  tahay  waxaan  degayaa  guri  ii   gaar ah  odeygii  waa  waalidee  waana   nin weyne  wuu   arkey wuuna   dareemey  iney  arinta   tahay  arin  aad  u  adag  meel  halis  ah  xaalku  marayo 
 
wuxuu   ka  fekerey    iney  gabadhiisa   wax   kale  ka  qarineyso   wax intaas ka    culus  jiraan   waxay   ayaan  ku  tidi   aabe   suaal   maku weydiin  karaa  haa   aabe  soo  daa    waxaan   ahey  gabadhaadii    jir   kaaga  ka soo  godey   waxaan  ahey   hilib kaagii   miyaad   ila  jeceshahey  inaan    naftaas   ku   hayo xabsi    nolosha  saameyn  weyn  ku  yeelan  kara   caafimaad keyga  iyo   maya   aabe  ayuu ku  yidhi odeygii   gabadha   ee  waxaad   iga  war  sugtaa   intaan   shiikh  cali  la  hadlayee   isna garay   wareysan doonee  iskana   joog  gurigeena  welba    kan baad  ku  dhalatee   kuna  soo  dhex  bar  baartee  kuna bushaareyso  inaad  waxaad   raali   ku  tahay  ku  noolaan  doonto   marna   aanan  kugu  khasbi  doonin  inta  nolosha  ku  hadhsan  wax  aadan  raali  ka  aheyn  waxaa  caawa  ii  muuqatey  aadna   aan  uga  naxay  ama  uga  murugoodey  markaad    tidhi  idinkaa 2  waalid  ahoo
 
 guurka  shiikh caali  igu  qasbey  arintaas   iyo  suaalahan  caawa   aad  iisoo  bandhigtey  waxay  igu  beereen  calool  xumo  sidii  nin  ku iibsadey   waxaanse   ka caawin  doonaa  wax  alle waxaad   raali  ku tahay iyo   happy nolosha  inta   kuu harsan  hadaad   ninkaaga  happy  ku  ahaan doonto  iska   cadha  bur  buri  doonto   anaga   kuu ah  2 waalidna  na   cafin  doonto  wixii  horey  naga  kaa soo gaadhey  dhibka  guur  kaagu  keeney  iyo  hadaad    leedahay   sidaas  baa xaalkii  ku  dhamaadey   iga  war  sug  intaan  shikh  cali  kala kulmi  doono   ayaan   oo  aad u  faraxsan  ayaa  tidhi   haye   aabe  adigaan  kaa  war  sugayaa  waxaa   meeshii   aad  iyana   ula  dhacdey  halkadii  in  leysla   fahmey   arintaa   islaanti   ayaan  dhashey
 
 
  akhristow  isku  day  inaad      jawaab   u  hesho  suaalahan  hadaad   gabadh  tahay  miyaad  la  noolaan  kartaa  nin   aadan  nolosha   ka  helin  ama  jaceylba  kuu   geli.  hadaad  waalid tahay  gabadh  qaali   ahna  leedahey  ma  waxaa   agtaada   qiima ka  leh  gabadhaada  mise  ninkaad   siisey  ee   kaa  guursadey. hadey   gabadhaada  ku  dhahdo  ninkan  raali   kama   ahi  maxaad  yeeli  laheyd.  hadaad  nin  tahay  gabadh  qasaab  lagu  siiyey  kuna  dhahdo  gabadhu  mudo  kadib   kuma  raabo  ama  kulama  noolaan  karee   ina  kala   fogee  maxaad  yeeli  doontaa.  gabadh  ama  wiil  waxaad  doonto  ahow    sidee   ula   noolaan kartaa  ruuxaan  jaceylba    kuu  heyn   kuna   rabin  sow  noloshu  halis   maaha   lagu wada  joogaa   guriga   bila   xubiga  ama   bilaa  jaceylka  ahi.
 
la soco  wiiga dambe  qaypta 14 haduu  alle  idmo

by:casiis c.lahi  ciise
 
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 
 
 
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH

CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH

Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.

 

 

1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar kahor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada. Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?). Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo. Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.

 

2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha. Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka. Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani’aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala. Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin. Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.

 

3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

 

4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba’a kolka ay haweeneydu umusho.

 

5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo

 

6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.

 

7- Wallaca iyo degganaan la’aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis. Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto. Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata. War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa. Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.

 

Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh. Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sanadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay isqabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan: (Gabar baannu isjaclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la’ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go’aansannay inaynu isguursanno, maadaama aan masruufan karo. Waanan isguursannay oo guri jacayl degnay.

 

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhowr bilood kadib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday inay sabab iyo sabab la’aanba iska kay caaydo, qoladayda caaydo, quruxdeyda caaydo, shaqadeyda caaydo!. Ay indhaha isaaraysaba intay shaqaday haysay faraha ka qaaddo bay caay af-labadii iila soo fariisataa. Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado ayada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo. Saa way iraadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa. Maalintii dambe ayay iga-kor-timid anigoo rag saaxiibadaya dhex fadhiya. Markay wixii caay dunida jiray soo afuuftay bay “ifur” kusoo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysay eh, saddexdeedii baan dusha ka saaray anigoon u sarrifin. Saa kalmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

 

Gurigii baan saacado kadib tegey, si aan waxaan duunyo lahaa uga qaato ayadana reerkeedii ugu diro.

 

- War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

 

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da’ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

 

- Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

 

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay iminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la’isuguma soo noqon ).

 

Haddaba sidii horeba loo yiri (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la’aanta ku soo korortay inay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata inuu cudur halis ahi haayo. Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo inay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyanimada ku soo fool leh. Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jammanayso, una dulyeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan inay ku jees-jeesaan wallaceeda. Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.

 BY:MUNA  yASSIN

 

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

 


 
MAXA BADIYAY DUMARKI ..... GUURKINA YAREYAY

MAXA BADIYAY DUMARKI ..... GUURKINA YAREYAY

 

Dumarka wakhtigoodu waa ka kooban yahay kan ragga, gabadhu waxay ku qurux badan tahay inay noqoto marwo guri ay leedahay ka soo jeedda kuna asturnaato nin akhyaara oo dhiqi kara iyada iyo ubadkeedana noloshooda ku filnaan kara.


Hadaba dhan kale haddaan iska taago qoraalka walaalo anigu waxaan arkaa inay qaybta ugu badan dumarku sabab u yihiin guumaysnimada (guur la’aanta). Kadib markay arkaan wiilashu culayska reer cusub agabkiisa qaalinimadiisa iyo shaqo xumada waddanka taalla iyo duruufta adagee dadka iyo dalkuba marayaan, dhan walba markuu ka joogsaday noloshii ku hareeraysanayd, waxay u qayb sameen saddex qaybood oo kala ah :-


1- Mid waxa u soo baxday inuu buuqa aduunyada isku illowsiiyo-waa sida ay nalo noqotaye-qaad iyo balwad fikirkale kufurta oo waxyaabo aanu gaadhi Karin kafakaro inta uu geedkaa gadhaadh ruugayo, kadib ay ka kala daadato marka uu ka kaco.


2- Midkale waxa usoo baxday inuu badda isku halaago ama geeri ama nolol ama jeel ama rafaad iyo himiladiisii oo uu hore ugaadh is yidhaa.


3- Midka ugu dambeeya waana tiro aad iyo aad uyaree mittidday ee waddanka aaminay aqoon iyo aduunba inay qayrkood la jaan qaadaan isku dayay wax ilaahay la kulmiyaba la tacaalla duruufta ku hareeraysan.


Hadaba conditions ka ay gabadha qoraalka hore lahaydi taxday ee ay kasoo xigatay buuga ninka reer galbeed qoray, miyaanay haboonayn in gabadha somaliyeed qaar ka mida shuruudahaaas hoos uga dagto?? iyadoo eegaysa xaaladdeeda gaarka ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed marayo ??


Shuruudaha ay haboon tahay inay ka tanaazulaan gabdhaha Soomaaliyed waxa kamid ah:-


1- in ay iska daayaan gabadhaha Soomaaliyeed shuruudda la caadaystay in lagu xidho wiilka Somaliyed ee akhyaarta ah lacag aanu awoodin, taasi oo dumarka wadanka ku hadhay ha ubadnaadaane ay dalbadaan wax dib uga joojiya intii akhyaarta ahayd ee kudhiirran lahayd guur,


- Hotel Hebel Hala Iigu Tumo,

- Fadhiga Noocaasa Ha Lla Iidhigo,

- Intaasoo Baabuur Ha Igu Galbiyo,

- Fannaaniinta Wadanka Halla Iidalbo.


Waxa ila haboon inay gabadha soomaliyed ka fakarto in ay haboon tahay inay kafaa iidaysato wakhtigeeda yaree kooban sidii ay uheli lahayd nin akhyaara aduun waa lahelaa nin akhyaara sida loo helaa waa adag tahay, shuruudaha la soo sheegay inay iska dayso oo ay qiimayso ninka wanaagsan hadii rabbi la kulmiyo.


2- Waxa dummarka Soomaaliyeed horyaalla inay garowsadaan oo ay ogolaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xikmadda ilaahay ujideeyay in ninku 4 dumara guursado hadda ayayna taagan tahay markaan ka eegno dhinacyadan.


A- Gabdhihii oo isku soogaadhay sadex jiil ama generations iyo ka badan.

B- Wiilashii oo ay yaraatay intii xil guur qaadi kari lahayd.

C- Tiradii dumarka oo marwalba kabadan tii raga, siina kordhaysa.

D- Noloshii oo sii cakir maysa marba marka kadambaysa.


Hadaba waa inay gabadha soomaaliyeed ee wiilka akhyaarta ah kaligeed hoosta kuhaysataa, unaxdaa hablaha walaaleheeda oo ay jaanis siisaa ama u ogolaataa ninkeeda in uu mid walaasheeda oo mudan in marwo ay noqoto ubadna u hamuum qabta kudhiiri galisaa inuu heblaayo la guursado.


INKASTO AY YAR TAHAY INAANTA SIDA UU DHAQAMAYSA EE SAXIBADED AYA NIIN WADA WADAGI KARAN 

 
CARRUURTAADA SIN

CARRUURTAADA SIN

Ucmaan ibnu Bashiir waxa laga weriyey inuu yiri: (Aabbahay baa hadiyad isiiyey, markaas bay hooyaday ku tiri: Raalli kama ihi haddaanad Rasuulka (SCW) marag uga dhigin, markaas buu aabbahay Rasuulka (SCW) aaday, markaas buu ku yiri: (Inankaygii baan hadiyad siiyey markaas bay hooyadii igu amartay inaan marag kaaga dhigo Rasuulkii Allow, markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Carruurtaada oo dhan ma siisay hadiyaddaa mid lamid ah?! Markaas buu yiri: Maya! Markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Si caddaalad ah carruurta wax ugu qaybiya maragna ha iiga dhigina anigu gacan bidxayn marag kama noqonayee).

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Waalidku carruurtiisa mar waxa uu ugu jecelyahay kan curadka ah, mar kan yaraanka ah, mar kan maqan ilaa uu ka yimaado, marna kan buka ilaa uu ka bogsoodo).

Guud ahaan, ilmaha curadka ah ee kaligii ah waa la jecelyahay oo la koolkooliyaa, si gaar ahna loo daryeelaa, maadaama uu ilaa markaas madi yahay. Ilmaha caynkaas ahi waxa uu waalidkii ka helaa daryeel badan, naxariis badan, wuxuu dalbadoo durbaba loo keeno hadday ahaan lahayd dhar, cunto, alaabo uu ku cayaaro, iwm. Waalidku waxay isku dayaan inay si kasta ku raalligeliyaan, waxay u kexeeyaan inta badan meelaha ay aadaan oo ama hooyadii baa kaxaysa ama aabbihii ama labadoodaba. Warkii oo kooban waa ilmo si aan caadi ahayn loo koolkooliyey.

Haddaba ilmaha caynkaas ah dhibaato xoog leh baa qabsanaysa kolka la dhalo ilmo kale oo isaga ka yar. Waxa ku beermaysa cabsi uu ka qabo ilmaha cusub, sabatoo ah waxa uu ku ciriirinayaa wax kasta. Waxa uu kula tartamayaa jacalka waalidka iyo daryeelkooda. Waxa uu kula yartamayaa booskiisii maadaama uu madi ahaan jiray. Waxa kale oo uu ku ciriirinayaa waxyaabaha uu ku cayaaro. Inu masayr jiro waxa la dareemi karaa isla maalinta uu dhasho kan ka yari. Maalintaas labada waalid waxay ku jiraan bandow ku saabsan dhalashada ilmaha cusub iyo daryeelka dhallaanka iyo hooyadii. Haddaba haddaanay si dhaqsi ah ugu baraarugin arrinkaasi, waxa uu si tartiibtartiib ah isugu beddelaa nacayb iyo cadowtinimo ilmaha weyni u qabo dhallaanka cusub, taasi oo markaasi saameyn ku yeelanaysa xaaladdiisa nafsiyadeed iyo tiisa caadifadeed. Cadowtinimadaasi waxay la saanqaaddaa mar kasta oo ay waalidku kordhiyaan daryeelkooda dhallaanka cusub.

Haddaba waalidka waxa la gudboon inay arrintaasi u dhug lahaadaan oo ay halkii kasii wadaan daryeelkii iyo jacaylkii iyo koolkoolintii curadkooda. Waa inay isku dayaan inay jeclaysiiyaan dhallaanka cusub, kuna qanciyaan inuu walaal u noqn doono, uu la cayaaro isna kaashan doonaan. Waa inay ku qanciyaan inaanu kula loollamayn jacaylka iyo daryeelka waalidka, qancintaasina waa inay si baraatiko ah u tusaan, sida hooyada oo intay soo qabato dhunkata oo hoosta gelisa iyo aabbaha oo wuxuu jecelyahay usoo iibiya, iwm.

Waalidku waa inuu si siman oo caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyaa curadka iyo xigeenkiisa, taasi oo markaasi kahor tegeysa, daawaynaysana masayrka iyo nacaybka, waana in caddaaladdaasi lasii xoojiyaa mar kasta ooy carruurtu sii da' weynaataba, maxaa yeelay dareenkooda, caadifadooda, caqligooda iyo weliba fahamkooda ku saabsan caddaaladda iyo sinnaanta ayaa sii koraya oo sii bislaanaya marba marka ka dambaysa.

Simista ubadka waxa kamid ah inaan loo kala saarin lab iyo dheddig. Waxaynu ogsoonnahay in dalal badan wiilasha si gaar ah loo daryeelo oo loo gacan bidxeeyo. Ha yeeshee Diinteenna Islaamka ee naxariista badani waxay nagu waaninaysaa inaan hablaha hordhigno oo wixii hadiyad ah iyaga horta ku billowno daryeel iyo koolkoolin gaar ahna siinno. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Qofkii intuu suuqa galo adeeg kasoo gada ciyaalkiisa usoo qaadaa waxa uu ka dhiganyahay sida asagoo sadaqo u sida qolo baahiyu dilatay ee hablaha ha ku billaabo wiilasha kahor).

Si kasta ood caddaalad ugu sameysid carruurta, waxa lama huraan ah inay jirayso xoogaa is-caniifid iyo is-hagarshuum ah oo ka dhex dhaca carruurta, waana arrin iska caadi ah oo qoys waliba kula qabo. Waxa dhacaysa in la murmo amaba gacanta laysula tago, midkoodna uu walaalkii ku eedeeyo inuu asagu daandaansiga billaabay. Markaasi oo kale waxa habboon in waalidku arrinka u arko inuu yahay wax iska caadi ah, haddii ay u caddaato waxa laysku haystaa inay wax fudud yihiinna waxa habboon inayba faraha kala baxaan oo aanay soo dhex gelin, carruurtu markaa iyagaa umuurohooda dhexdooda ka xallinayee.

Haddiise ay dareemaan inay arrintu soo noqnoqonayso amaba meel xun gaadho, waxa markaasi lama huraan ah inay dhex galaan ooy labada dhinacba amar ku siiyaan inay dhibta joojiyaan amaba ku jeediyaan arrin kale, seey u illowsiiyaan waxay isku haystaan, ama midkood hawl u diraan si ay u kala fogeeyaan.

Waxa loo baahanyahay inaan sidii maxkamaddii carruurta loogu kala garqaadin, taasi oo markaasi dhalinaysa in hadduu xukunku waddadiisii gefo ay abuurmayso cuqdad uu qaado kii laga xukmiyey, dreemana in laga eexday. Hadday lama huraan noqoto in arrinka canaan lagu dhameeyo waa in labadaba si isku mid ah loo canaanto oon midna la canaanan midna la daayin si loo simo carruurta.
w/d Shukri khaassim (SHUUSHU)
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  

 

 
ayan iyo faysal qeeybtii qaad

sheekadii ayaan iyo faysal qayptii 9aad‏

ayaan  habeen  kii   oodhan  way     isla  hadleysey       waxaana  ku  soo noqnoqdey   hadaladii   shiikh   cali markey   weydiisatey   furiinka ,

  waxayna  is  tustey  iney   faysal  u  qorto  warqad   dhamaan   waxa      maskaxdeeda   ku   wareegaya   iney  u sheegto   waayo  waxay  hubtey   haduu   ku  sii   bato  isla hadalku  inuu   saameyn  karo   xaalkeeda   caafimaadkeeda   guud   markii  subaxii  waagu   baryey  ee  keligeed  guriga    ku soo  hadhey    yey  warqad  iyo  qain soo  qaadatey kuna   bilowdey  sidatan abeeo  ama walaae  faysaal  waanku salaamay     waxaanku soo tebinayaa     salaan  xambaarsaan   xubi   iyo   jaceyl    qiima  badan  inoogu  fadhiya   waxaan    kaa   heley  warqadaad   iisoo  dirtey   waxaan   ku  farxey   sidaan  uga  heley  warqadaas  iyo  wixii  ku nornaa  mana   aha  wax lagu  soo koobi   karo   maskaxda  iyo  feker guud    waxay     xambaarsaneyd   warqadaasu    run  ahaantii     waxaan    rabaaa  inaan   wax  yaabo   badan  kaala   haasaawo  waxaan  jeclahey  inaan   adiga   ruuxaan   aheyn   ku   aaminin   naftaan  iyo   waxaan   rabo  inaan  kaala   hadlo   taasna  waxaan  ka   dareemi   karaa    farxad  iyo  hami   dareen  badan leh   ilaa  iyo  maalintii  jaceylkeena  soo  dhex galeen   duruufaha   ee  leyna   kala   eryey  ee    aan   aadey    dalka  ostarleeiya    adna kaaga soo  tegey neybroobi  kiiniya  waxaa   ii  bilaamey   nolol   mugdi   ahoo   halis  nolosheydii   soo   food   saartey: 

  waa   hubaal   inaan  u baahnaa   inaan    nololshii  dhibkii     kiiniya    ka   dhex baxo  duruuftii  halkaas   ka   jirtey    hadii   la  xaliyo    taas   waxaanse   aaminsanaa   inaan  la    xalin karin   dhibkii     uu  sababey   xubigu   waad ogeyd    cadaadiskii   waalidku    igu   hayeen   waxaa   intaas   ii dheeraa   adigoo   duruuf     gaar   ahi   kugu  heysatey   kiiniya   waxna   ku  haysan  waadna   ogsooneyd  inaan  ku  nicin   waad   ogsooneyd     sidaan   ku   jeclaa  waxaad  aheyd  qofkii   iigu  horeyey   iiguna dambeyey  ee  aan jeclaado   una  qaado  xubi   xambaarsaan    macaan  fara   badan   waxaan  aaminey    inaad adiga  keliya   tahay    ruuxaan  ku   kalsoon  nahay  waxaan  kaloo   aaminey   inaad  adiga  keliya   tahay wiilka   ii  jecel   aduunka   inuu  adiga   keliya   yahay  markii cadaadiskii  iyo culeskii  iga bataey     ee hadaan  waalidka   ku  gacan   seydho   aysan  jirin    meel   kaloon   aado    ayaan   ninkii  shiikh cali   ahaa    gurkiisa   qasabka  ahaa   ku  yeeley
 
shiikh  cali  ma  aheyn  nin  xun   markii  ay    afkeyga  soo    yeedhey  aabe   iyo  hooyo waan yeeley   guurka    shiikh  cali  ayaa   waxaa   ii  bilaamey   wel  wel   iyo  oohin  fara  badan  waayo xaaladii  waxay  ka baxdey   faraha  meherkiina  waa    dhacay  marar fara badaan ayaan isku  qancin jirey  inaan   dhinto  marar   kale  waxaan  isku  qacin  jirey   koley hadaad    nooshahey maalin  ka  mid ah    maalmaha   aduunka  faysal  waad   arki  doontaa   haduu   calaf   jiro   wada  heli doontaa     waxaad    weydiisan   doontaa   cafis      waayo

waxaan  ogahey inan nafteyda keliya  qalad ka  gelin  ee   adna  qalad kaa  galey  waxaan   marna   ilaawi  karin habeenkii iigu ka  dambeysey  ee   aan  iska  ooyey   ee  hadalku   iga   soo  bixi  waayey  adna  isku  deydey  inaad i  waaniso  oo  meel  kala   duwan  wax   iga tusto  waxaan  soo    xasuustaa    adigoo  habeen kaas  igu  leh  ayaan   axmed   waanku  jeclahey maruun  baan  isla  kulmi  doonaa   ee  aamus   ha  ooyine  markana soo caga  dhigey dalkan  ostareeliya a  waxa a la ii dhigey  aroos    weyn  wxaan ka sii qaadey  arooskii madax xanuun fara badan  waxaa  soo  xaadirey  kuli   somalida   dalkan gaar  ahaan  ehelkeyga   dadku   waa  wada  faraxsanaa   meesha    soo   buux   dhaafshey anigase  waxaa   iga  muudqa    murug      fara   badan  gaar  ahaan   xaga  qalbiga  hoose    ma  og tahay  guurka    iyo  arooska  lagu  farxaa    iney   yihiin   kii   marka  hore   raali   leysaga  yahay   dhismihiisa  hore   bilowgiisa   hore? 

  waagii  kiiniya  leygu soo   darey   shiikh  cali  dad  badan baa    aaminsanaa  inaan   ahey   gabar  nasiib badan   hadaan  ninkan  guursadey  anigusae   maan  aaminsaneyn   inaan   ahey   gabar  nasiib    badan  ee  waxaan   aaminey  inaan   ahaa   gabar  nasiib  xun  hadaan   nasiib   badnahay   waxaan   heli   lahaa    guursan  lahaa faysalkii   aan    jeclaa  waxa a ku  soo xigtey inaan  uur yeshey  oo gabar  dhalaey    lo baxshey xafsa     markaan  umuley   intaan  uurka   yeeshey   ilaa    aan   ka   umuley   waxaa   iga yaraadey    fekerkii    badnaa  waayo  inta   badan  waan  xanuunsadeyba   waxaan  go aan ku so gaadhey    ama  isku soo      qanciyey      inaan  soo  af  jaro   dhibkan  maruun  ka   dhamaado   iskana   furo   ninkan   leygu  qasbey  ee    shiikh   cali   ah wxaan ka  codsadey inu   i furo   shikh cali   wuxuu  igu yidhi enaga  keliya iskama  gaadhi karno 

   go aankee  waxaan  la  tashan  doonaa waalidka     waxaan  dhibaatadan   igu   heysata  meeshan  u  sheegey       sheegey   arintan  hooyo   waana   isla  fahmi   weyney  maalintii  hore faysal   markaan   kuu  sheegayo   dhibkan  maaha   keliya   inaad  adiga  xalin   karto   ee   waxaan  kuugu  sheegayaa  waa   inaad  iga dhegeysatoo   ila  fahmi  karto   taas  iguna  biirin  karto  wixii   talo   guud   ah  wixii   waano   ama  tala   gud  ahoo  igu soo   kordhisaa    waa  ii farxad    hadaad   faysal tahay  igana raali ahow hadaan    hadalka  kugu  dheereeyey   iskana  soo  waran   sidee   tahay  adigu xaal  kaagu  iskana   key soo cafi   


 halka  u   dhanka  kale  ka fekereyo   shiikh  cali  siduu   arinta   ugu  soo bandhigi  lahaa   wuxuu ka odhan  lahaa  markii   loo  tago   waalidka  ayaan   axmed   ee  uu   la  yahay  xididka iyo qaraabada   guud
halka    dhanka   kale   faysalna   maalin   kasta  ka  soo   eego   bal   iney   wax   waraaqo jawaabo   ahi   ku  soo  dhaceen   boostii   waraaqaha

lasoco  qaypta  10  wiiga   

BY:by  c:casiis 

 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 Next > End >>

Page 1 of 7

Hibaaq

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg