|
Baaq Nabadeed oo ku Socda Beelaha Dirirtu ku dhexmartay bacaadweyne
URURKA dhalinyarada nabadeynta labada beelood
Haddaanu nahay ururka nabadeynta beelaha walalaha ah . oo ay ku midoobeen aqoonyahanka qurbajooga dhalinyarada labada beelood ee walaalaha ah waxaanu si aad ah aanu uga xun nahay dagaalka ka dhacay deegaanka bacaadweyne, waxa kaloonu si adag u canbaaraynaynaa falkii argagaxa lahaa ee lagu dilayo duqowda ciyaalka iyo haweynka oo aan wax danbi ah galin oo dalkooda hooyo dhexdiisa si nabadgelyo ah u joogay, . Ururka dhalinyarada nabadeynta waxa kale oo uu tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday,dagalada labada beelood oo walaalaha ah waxaanu sidoo kale Allah uga baryayna inuu caafimaad degdeg ah siiyo inta ku dhaawacantay weeraradan. Sidaas si la mid ah Ururka nabadeynta dhalinyarada waxa uu canbaaraynayaa aadna uu uga soo horjeedaa cid kasta oo ku hawlan hurinta colaada iyo fidno abuurka ee diidan nabad ku wada noolaanshaha umadda Walaalaha ah ee somaliyeed. Ururka nabadeynta dhalinyarada waxa uu ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee ku muransan deegaanada la isku haysto inay dariiqa wada hadalka iyo heshiisiinta geedka hoostiisa ay u maraan xalinta khilaafaadkooda sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd umada somaliyeed waxaa kale oo aanu kula talinaynaa in laga fogaado wax alla wixii fidno ah ee hurin kara colaad iyo kala fogaansho ee umada walaala ah. Aqoonyahanka, Culimaaudiinka, Salaadiinta, Haweenka iyo ururrada bulshada qaybaheeda kala duwanba waxaanu ugu baaqaynaa inay si mug leh uga hawlgalaan deminta colaadan iyo inay soo afjaraan khilaafkan mudada dheer soo jiitamayay, waxa aanu ku boorrinaynaa inay si cadaaladi ku jirto ugu xaqsooraan beelaha walaalaha ah ee uu muranku ka dhexeeyo. Ugu danbayn waxaanu usoo jeedinaynaa labada beelood ee muranku u dhexeeyo inay ku qancaan oo ay u hogaansamaan go’aanka ay soo saaraan Gudiyada arrimaha dhexdhexaadinta ku hawlani. Waad Mahadsan tihiin Gudiyada labada dhinaca Hajir adam dubbad Max,ed farax baciid Caydiid c/lahi yusuf c/wali dahir hasan max,ed farax geedi saciid cali faryaamo
BY :haajir aadan xuseen
haajir aadan xuseen |





































