E-mail

Aqoon Kororsi, Su'aalo iyo Jawaao diini!

Waa barnaamij xiiso badan oo maalin kasta oo jimco ah aanu soo saari doono, iyadoo uu barnaamijkani noqon doono mid ay si’ weyn u xiiseeyaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed haddii uu RABI Idmo.

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
Jawab: Waa Asxaabigii weynaa ee Abuu Cubeydah.

2-Su’aal Sheeg Maxay isu ahaayeen Cali Bin Abii Daalib iyo C/laahi Bin Cabaas?
Jawab: Waa Ilmo Adeer. Abii Daalib Bin Cabdil M.udalib iyo Cabaas Bin Cabdil Mudalib ayaa kala dhalay.

3-Su’aal Sheeg Asxaabigii amray Aadaanka hore ee Salaadda Jimcaha?
Jawab: Waa Cusmaan Bin Cafaan Rc.

4-Su’aal Sheeg Asxaabigii bur-buriyey Sanamkii Cuzaa?
Jawab: Waa Khaalid Bin Waliid Rc.

5-Su’aal Sheeg Taabicigii ugu horeeyey ee wax ka qora Duulaankii Rasuulka (NNKH)?
Jawab: Waxaa Weye Curwa Binu Zubeyr Rc.

6-Su’aal Sheeg laba Xubnood oo walaala ah kana tirsanaa Ururkii SYL?
Jawab: Waa Daahir Xaaji Cismaan iyo Yaasiin Xaaji Cismaan.

7-Su’aal Sheeg Magaca Gudoomiyihii aas-aasay ururkii SYL?
Jawab: Waxa Weye C/qaadir Sakhawediin.

8-Su’aal Sheeg xilligii ugu horeeyey oo calan Soomaali ah la-taaggo?
Jawab: Waxa la-taagay 11 Oktoobar 1954-kii.

9-Su’aal Sheeg Goorma ayuu dhacay dagaalkii Xaawo Cismaan Taako?
9-Jawab: Wuxu dhacay 11 Janaayo 1948-kii.

10-Su’aal Sheeg halkee buu ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
Jawab: Wuxu ku aasan yahay tuuladda Aw Barkhadle oo u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera.

Fiiro Gaar ah: Akhristayaal ha-moogaanina barnaamijkaan xiisaha badan oo aanu maalin kasta oo Jimcaha soo saari doono haddii uu Eebe Idmo.

Xasan Cadde 

 

Comments  

 
0 #1 aragsan 2013-05-08 22:21
Walaalayaal jazakumulah khayr aad baan ugu faraxsanahay aqoon kororsiga aad noo soo bandhigteen shukran yaa ukhuna
Quote
 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg