|
Jaaliyada ku nool Minnesota oo gaari cuuryaan ugu deeqeyn wiil 14 jir ah oo aan weligiis ku socon gaarigakuna sugan degmada Walaweyn ee G/shabeelaha Hoose. (cuuryaamiin ku sugan walaweyn oo codsanaayo in lagu sadaqeysto gaariyada ay ku socdaan cuuryaamiinta)
Mukhtaar Cabdi Cadiyoow oo ka mid ah dadka ku nool degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa nasiib u yeeshay sanadkaani inuu ku ciido gaari uu ku aadi karo hadba xaafada uu rabo.
Mukhtaar oo dhoolaceynaayo ayaa lagu fadiisiyey gaarigii lana tusiyey qaabkii uu u kaxeysan lahaa, Mukhtaar ayaa yiri.”insha alaah salad walbo waxaan ku tukan doonaa masjidyada ku yaala Walaweyn waana u duceeyey walaalihii ii sahley socodkaani” Mukhtaar iyo waalidkiisa waxay soo gaareyn xafiiska SWACRO ee Muqdisho si loogu gudoonsiiyo gaariga loo soo wakiishey xafiiskaasi. Waalidiintii dhaley Mukhtaar ayaa sheegey inay ku dhib qabeyn socod la’aanta wiilkooda, manta wixii ka dambeeyana ay ka fududaaneyso qaab u socoshada Mukhtaar uuna gaari karo hadba dhinacuu rabo.
Waxay kaloo waalidiintii Mukhtaar ay u sheegeyn Xafiiska SWACRO inay weligood soo galin maankooda wiilkiina ayaa heli doono gaari uu ku socdo tanina ay tahay awoodii Alaah, waxayna u duceeyey dadkii gacanta ka geystey iyo dhamaan cidii dhaqaalaha lagu iibiyey gaariga soo dirty.
Mukhtaar wuxuu isagoo ku socda gaariga ku sugan yahay degmada Walaweyn, balse dad badan oo aan taag iyo awood dhaqaalo midna u heynin iibsashada gaari ayaa waxay taleefoono u soo dirayaan xafiiska SWACRO ee Muqdisho, iyagoo codsanaaya in gaariga Mukhtaar oo kale oo qiimo ahaan ku fadhiya $ 170 ku fadhiiya loo iibiyo iyagana hadii loo awoodo, waxayna lee yihiin Yasmin noo codso walaalaheena adigaa codka aan meel sare gaarin gaarsiiyee naga gaarsii, una sheeg inaan nahay cuuryaan dhalinyaro iyo waayeel isuga jira ee aan weligood helin amaba ku fekerin inay helaan gaari ay ku socdaan.
Dadkii la soo xariirey xafiiska SWACRO ee Muqdisho waxaa ka mid aheyd hooyo dhashay 9 caruur ah oo ku dhalatey cuuryaanimada.
Hadaba walaalayaal hadii aad awoodaan inaad gacansiisaan cuuryaamiinta ku sugan degmada Walaweyn oo u baahan gaari ay ku socdaan, gaariyadaasi oo ah kuwa kala tayo wanaagsan ayaa ah qiimaha suuqyada Muqdisho, 170$, 130$, 180$, 270$ ayaa ah kuwa hadii ay heli lahaayeen wax badan ka badali lahaa noloshooda oo ah mid ku adag hada dhanka socoshada.
Kaalmadaada fadlan ku soo hagaaji ciwaanada hoose anagana waxaan idiin balanqaadeynaa inaan muqaal ahaan idinkugu soo gudbino sadaqo walbood baxsaneysaan.
Madaxda iyo shaqaalaha SWACRO waxay idiin balanqaadeynaa in ay idinkaga gaarsiiyaan sadaqadiina si la hubo idinkuna qanacsanaan badan aad kaga heli doontaan Waana kan ciwaanadaan naga heli kartaan.
Xiriiriya SWACRO Yasmin Mayow Maxamed Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Tel: 0025261-5590407 0025269-410004 Somalia --------Mogadisho
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com |





































