E-mail

Quruxda dumarka iyo Somalida

Marka laga hadlayo quruxda dumarka ma jirto qaaciido dhab ah oo laysku raacsan yahay, Bulsho kastoo aduunkan ku noolina waxay leedahay dhaqan iyo caado u gaara oo ay ku qiimeeyaan quruxda dumarka. Dadka qaar waxay quruxda dumarka ka eegaan dhinacyo badan sida xubnaha jidka, midabka , dhererka , garashada iyo dabeecada.

Hadaba marka aynu usoo noqono dhaqankeenii hore iyo sida ay Soomaalidu u qiimayn jirtay quruxda dumarka, waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu qiimayn jiray, walow waayadan danbe aad moodo inay inagu soo kordheen dhaqamo dibada inooga yimid.

Hadaba inaga oo aan maqaalkan ku soo koobi karin astaamihii ay ragii hore ee Soomaaliyeed ku qiimayn jireen dumarka ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan soo qaato dhowr astaamood oo ninka guurdoonka ahi ku sifayn jiray gabadha gayaankiisa ah.

 

Soomaalidu waxay odhan jireen hadii gabadha gashaantida ahi ay leedahay sideed iyo labaatankan astaamood (28) waxay ka dhigan tahay in Illaahay ku manaystay qurux dumar oo gabadh hawaysan kartaa aanay jirin. Walow hadana sideed iyo labaatankan astaamood ka bacdi lagu qiimayn jiray dhanka dabeecada iyo garashadaba.

Waa kuwan sideed iyo labaatankii astaamood ee lagu qiimayn jiray quruxda dumarka:

 

  • Afar waa inay gabadhu u dheer tahay. Labada gacmood, timaha iyo qoorta

  • Afar waa inay dhumuc u leedahay. Labada kub iyo labada cududdood.

  • Afar waa inay u caddahay. Labada indhood iyo afka labadiisa lakab

  • Afar waa inay u madowdahay. Labada sunniyood iyo labada indhood wiilashooda.

  • Afar waa inay deeb u leedahay labada dibnood iyo labada mudane ( Naasaha caaraddooda).

  • Labana waa inay u dhuuban tahay. Qoorta iyo dhexda.

  • Labana waa inay u shushuban tahay. Labada dhaban.

  • Halna waa inay u qoran tahay. Sanka

    labada ugu danbeeyaana waa qosolkeeda iyo codkeeda dabacsan.


Wa bilaahi towfiiq

 

Qalinkii. Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar )

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg