E-mail

  madaxda DKMG Somalia oo garoonka Aadan cadde kula tukanaya Salaada Janaasada Madaxweynihi hore oo geeriyooday C/laahi Yusufmeydka marxuum C/llaahi Yuusuf 

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed, oo maanta meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa goor dhaw ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo isugu Imaam ka ahaa Salaaddii Janaasadda ahayd ee maanta lagu tukaday.



“C/Laahi Yuusuf maanta Salaadda Janaasadda ayaan ku tukanay, ee halla cafiyo ayaan lee nahay ama soo jeedineynaa, qof walba oo Soomaali ah oo wax ka tabaneyso waxaan ka dalbaneynaa inay iska cafiso.” ayuu yiri Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu sheegay in ruux walba uu dunida ka taggaayo maalin oo qura, maalintaasoo uu sheegay inay u hayaami doono gurigiisii dhabta ahaa, oo uu ku sheegay in uu yahay qabriga.

Cid walba ayaa wuxuu sheegay inay markaasi u baahan tahay cafis iyo duco in loo-sameeyo, isagoo sheegay in uu Alle “S.w.t” uu ugu badeli karaayo Raxmad, isla-markaana wuxuu sheegay in ruux walba uu maalintaasi doonaayo Raxmadda Alle.

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg