|
Fadlan Alle Dartii ku soo kaalme Hooyo Curyaan ah oo 7 Caruur ah oo Agoon ah haysata Ninkeedina ka geeriyooday Bishan!
Iyadoo dalka guud ahaan uu ka bilaabmeen roobabkii guga ayaa waxaa magaalooyinka dalka si balaadhan u waxyeeleeyey daad xoogan kuwaas oo qaarkood kala xidheen wadooyinkii magaalooyinka isla markaana dawlada hoose aad uugu hawlan yihiin wax ka qabashadooda,
haddaba aniga oo u dhabo galaya waxyeelada roobka ee Magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafadaha dadka danyarta ahi dagaan ayaa waxaan u baqoolay baleyga daami oo la ii sheegay inuu aad u buuxsamay sidoo kalena uu xidhay wado cageedkii loo mari jiray xaafada kililka.
waxaan dul tagay isla baleyga laftirkiisii waxaanay indhageygu ugu horeyntiiba ku dhaceen bilicda biyaha xareeda ah iyo neecowda udgoon ee ka soo baxaysa sidoo kale sawaxanka raha, shibiraha, iyo caruurta ku dabaalaneysa baleyga, waan ka socday oo waxaan tagay iskuulka daami oo ku agyaal balayga. iyadoo sawwiro aan ka qaadanayo sidoo kalena aan aad u milicsanayo quruxda dhirta. biyaha, iyo jalaqda noocyada kala duwan ee xayawaanka oo aanan in mudo ah dhagaheyga iyo dhaayaheygaba ku soo dhicin ayaa waxaa waxaa ii timid qof dumaro weyn oo ka tirsan deegaanka xaafada waxaanay i waydiisay su.aalo dhowr ah, laakiin nasiib darro dareenkeygu iyadaba uuma jeedo oo waxaan ku maqanahay bilicda iyo barwaaqada deegaanka aan dhex joogo. anigoo dareenkeygu wali maqan yahay ayaa waxa dhagteyda ku soo duulay erayo ay is waydaarasanayeen gabadh kale oo iyaduna meesha nagu soo martey taas oo ay iska waraysanayeen xaalada qof dumar ah. laakiin anigu ma garanayo qofka dumar ahi tay tahay. Waxaa mar kaliya dareenkeygu ku soo jeedsaday hooyooyinkii dhinacayga isku waraysanayey kadib markii midi ay tidhi ma gabadhii curyaanta aheyd ee caruurta badan haysatey ayaa ninkeedii dhintey imikaa la ii sheegee, markaasay tii kale uugu jawaabtey, shalayba la soo aasay oo xaaladoodu aad ayey u liidataa Alle u gargaarana way leeyihiin aad ayaanan uuga naxay dhibta ku timid gabadhaas, laakiin waa qadar Alle, waxaan intaas kadib isku dayey inaan sheekadii la wadaago oo aan waydiiyo su,aalo khuseeya gabadha ay ka sheekeynayaa, waxaanay si wada jir ah uugu sheegeen iney jirto gabadh curyaan ah oo caruur todoba ah haysata ninkeedina geeriyooday maalintii shalay.
waxaan ka codsaday iney bal i soo tusaan waanay iga aqbaleen, waanu wada anba baxney waxaana dhacay sidan:
Aniga oo raba inaan Alle ajar kaga dalbo ayaa waxaan booqday Hooyada curyaanta ah iyo caruurteeda oo jooga xaafadoodii.
Ugu horeyntiiba ismaan dareensiin oo maan siinin dareen ah inaan rabo inaan wax taro, laakiin waxaan isha la raacay xaaladoodu nololeed iyo deegaanka ay nagida ku yihiin.
waxaan aad uugu jidhidhicooday, Hooyada curyaanta ah oo ilma yar oo naaska jaqaya dhabta ku haysa, Caruurta Agoonta ah oo dayacnaan badani ka Muuqato, iyada oo aan haysan cid u khidmaysa, Guriga ay ku jiraan oo aad u arag liita, meesha ay degan tahay oo wada dhaxag ah dhib badanna ku haya socodkeeda, Gaadhiga, ay haysato. iyo waliba sidoo kale raadka geerida guriga ka dhacday oo aad dareemayso.
Hooyooyinkii aan la socday ayaa mid kamid ahi ku tidhi Hooyada curyaanta ah wiilkan ayaa ku raba oo yidhi i soo tusa. dareenka hooyada Curyaanta ah ayaa is badalay waxaanay is tidhi malaha waa qof dhaqaale kuu wada oo raba inaan caruurta agoonta ah wax u siiso, iyadoo dareenkeedi igu maqan yahay eyey igu tidhi, soo dhawow wallaal oo xalkan soo fadhiiso, waxaanay ii soo jiiday shirikaanka biyaha lagu dhaansado oo ah mid mustacmal ah isla markaana loogu tallo galay in lagu fadhiisto. waan ka aqbalay waanan ku fadhiistey, aniga oo aan dareensiineyn inaan dhibsanayo shirikaanka laakiin ahaa mid fadhigiisu dhib badan yahay. waxay i waydiisay ma qolooyinka haayaadka ayaad tahay? aniga oo aad u qajilsan iskuna key qaban laadahay kutalo gal la,aanta arinka hooyada, iyo himilada rajo ee arageygu galiyey hooyada ayaa waxaan ku yidhi maya laakiin waxaan ahey qolooyinka saxaafada. hore eyey u fahmi wayday ereygii aan u isticmaalay waxaanan arkey iney la dhiban tahay fahanka ereyga ina waydiin kari laadahay waxaan uuga jeedo saxaafxaada, waxaan isku dayey inaan u fududeeyo oo waxaan ku celiyey haddii aad fahmi waydo saxaafada waxaan ahey qolooyinka joornaalada iyo idaacahah. iyadoo aan uugu tallo galin ayey tidhi haaaaaa kuwa wariyayaasha ah. markaasaan ku idhi haa hooyo, waxaanan kuugu yimid inaan dadka muslimka ah ee daafaha dunida jooga kuu soo bandhigo baahidaada oo aan u sheego dhibta ku haysata si wax laguu soo taro.
Intaas kadib waanu is fahaney waxaanay igu tidhi waa sax Hooyo, Magaceeda ayaan waydiiyey waxaanay ii sheegtay in la idhaahdo: Fadxiya Cabdi Yousuf. haysatana caruur 7 caruur ah oo midi naaska jaqayo, Hooyo Fadxiya ayaan u sheegay inaan u soo bandhigi doono dadka islaamka ah si ay wax u soo taraan waxaanan sidoo kale u sheegay iney mihiim tahay in la helo Telfoon laga soo xidhiidho haddi la damco in wax la soo taro ama wax loo qabto, Nasiib wanaag dumarkii i soo tusay mid kamid ay ayaa tidih aniga ayaa Telfoonkeygan siinaya si looga soo xidhidhiido waaney uugu deeqday oo hadda waxaa haysata Hooyo Fadxiya,
Hooyadan ayaa waxa ay aad uugu tabaaleysan tahay Magaalada hargeisa gaar ahaan xaafada kililka ee Sheikh Nour. iyadoo dhinaca kalena Ururka Samafalka dadka Agoomaha iyo danyarta ah ee Hiil saldhigiisuna yahay wadanka Sweden inta badan uu gacanta ku hayyo Agoomaha deegaankaas, sidoo kalena ay jiraan qoysas badan oo ku jira liista sugayaasha kafaalo qaadashada ee Ururka Samafalka Hiil uu hayyo ayaaney jaanis u helin hooyadani, sababtuna tahay geerida ku timid oo deg-deg aheyd, ururkaas oo isna laga xidhiidhi karo Telfoonka. 0046764354716, haddii aad rabto Agoon aad kafaalo qaadato.
waxaana hadda ka dhintey Hooyadan Ilmihii yaraa ee ay jaqsiineysay kaas oo u dhintey xanuun sida ay khadka Telfoonka iigu sheegtey hooyo fadxiya laftirkeedu.
waxaanu haddaba si sharaf iyo milgo leh uugu codsaneynaa dhamaan umada islaamka ah ee ku kala sugan daafaha dunida iney soo caawiyaan hooyadan iyo caruurteeda agoonta ah kafaalo qaadasho toos ahna ay u fidiyaan, iyagoo kala soo xidhiidhi kar Telfoonkeeda Gacanta oo ah 002522+4020495 ama Ka Suxufiga C/Shakuur heersare oo ah: 4428516 |






































