E-mail

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA GUUD DALKA IYO UGAARISIGA WARBAAHINTA SOMAALIYA

(Yaa Dilay Saxafiga, Lama Yaqaano)


Sida aanu wada ognahay dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin faro badan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay guud ahaan dadka, duunyada iyo weliba deegaanka.

Markii dowladdii dhexe Soomaaliya ay burburtay1991,kii kadib waxaa  guud ahaan meesha ka baxay adeegyadii bulshada, sharcigii iyo kala dambeybtii, dalka waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye, waxay talada gacanta u gashay hogaamiyo kooxeedyo siyaasadooda ku koobnayd sidii beeshiisa uga awood badlin lahayd beelaha kale, taasina waxay sababtay in dalka Soomaaliya 1992-kii ay ka dhacdo abaar lagu hoobtay islamarkaana soo jiidatay indhaha beesha Caalamka, kuna qasabatay dowladaha Adduunka inay yimaadaan dalka Soomaaliya si loo badbaadiyo  dadka Soomaaliyeed hayeeshee xilligaas wuxuu dagaal dhexmaray Alle ha u naxariistee hogaamiyihii Gen:- Maxamed Faarax Caydiid taageerayaashiisa iyo ciidamadii huwanta ahaa oo uu hogaaminayey dalka Mareykanka, waxaana meesha ka baxay hamigii dalalkii shisheeye ee ahaa in dalka laga dhiso dowlad, balse waxa kaliye oo lagu amaani karaa dalalkaas waxyaabaha aya qabteen ka badbaadinta abaartii ku dhuftay ummadda Soomaaliyeed 1992-kii, taasoo ku  qasabtay dadka inay cunaan maqaarka xoolaha, kana dhigtay Baydhabo magaalada geerida “Death of town”, tiiyoo aan ognahay in Byadhabo la oran jiray “Baydhabo Janaay

Ciidamadii ka socday waddamadii shisheeye waxay dalka ka tageen sanadkii 2005-ta, iyadoo weli uu dalka ku jiro xaalad colaadeed, waxaana halkaasii ka sii socday dagaaladii u dhaxeeyey beelaha Soomaaliyeed ilaa laga gaaro sanadkii 2000 oo dowladdii Carte lagu soo dhisay dalka Jabuut.

Markii la soo dhisay dowladdii uu madaxda ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xasan dadka Soomaliyeed waxay islahaayeen waxbay ka qabanaysaa dalka martida u noqday dhaca, kufsiga iyo dilka dadkii indhaha u ahaa ummadda sida aqoonyanahada, sarkaakiisha, culumada iyo weliba saxafiyiinta iyo weliba abaaraha tan wixii ka dambeeyey 26,kii bishii January,1991,kii oo dalka iskaga cararay Jaalle Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee.

Dadka siyaasadda Soomaaliye lafa gura waxay ku eedeeyeen qabqablayaashii fadhigoodu ahaa caasimadda Muqdisho inay masuul ka ahaayeen inaysan ku talaabsan wax hormar ah dowladdii Carte oo uu madaxweyne ka ahaa Dr. Dr. C/qaasim Salaad.

Iskabadaa inay dowladdii Carte wax qabato, waxay ku guuldareysatay inay tagto  xitaa xarunta Villa Soomaaliya.

Arrintu sikastaba ha ahaatee markii uu dhamaaday waqtigii dowladdii Dr. C/qaasim Salaad Xasan, waxaa shir lagu qabaty dalka Kenya, halkaasoo lagu soo dhisay dowladdii uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed 2004,ta, halkii laga filayey inay wax uun qabato dowladdii C/llaahi Yuusuf ayaa misane iyadii laba u kala qeybsantay, qolo Muqdisho aaday iyo qolo Jowhar degtay, waxaana qilaaf xoogan soo kala dhexgalay qabqablayaashii reer Muqdisho oo gacan saar la lahaa guddoomiyihii Baaralaanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inakstoo nasiib wanaag aakhirkii waxaa heshiisiiyey guddoomiyihii Baaralaanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf madaxeyne Cali Cabadalla Saalax, waxayna ku guuleysteen in dowladda la dejiyo magaalada Baydhabo oo ay ka soo guurto magaalada Jowhar ee xarunta G/Shabeelade Dhexe.

Intaas kadib  bartamihii sanadka 2006,da dagaal ayaa dhexmaray qabqablayaashii reer Muqdisho iyo midowgii maxkamadaha Islaamka, dagaalkaas oo looga awood roonaaday qabqablayaashii qabyaaladda dilatay, Soomaalidana qeerkoodii ka reebay, waxayna midowgii maxkamadaha ku guuleysteen inay furan garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaalada Muqdisho, kuwaasoo xirnaa in kabadan 11-sano, iskuna furay waddooyinka bahalo galeenka noqday ee caasimadda Muqdisho.

Midowgii maxkamadaha Islaamka ka sakow hormarka ay ku talaabsadeen, waxay kulaaleen magaalada Baydhabo, halkaasoo dowladdii oday C/llaahi Yuusuf xarun u ahayd, taasina waxay ku kaliftay inuu dagaal culus dhexmaro Midowgii maxkamadaha Islaamka iyo dowladdii C/llaahi Yuuuf  oo gacan taagero ka helaya ciidamada  Itoobiya, waxaana u suurta gashay in dowladdii C/llaahi Yuusuf caga dhigato caasimadda Soomaaliya, balse nasiib darro dowladdii C/llaahi Yuusuf way ku adkaatay inay majaraha u qabato xukunka dalka maxaayeelay waxaa dagaalo kula jiray Midowgii maxkamadaha Islaamka, dagaaladaasoo gaarsiiyey burburkii ugu weynaa magaaladaa Muqdisho, sababayna barakac  aad u ballaaran, sababtoo ah  ciidamadii Itoobiyaanka oo taagarayey xukuumaddii C/llaahi Yuusuf waxay isticmaalayeen hub ka awood badan kan ay adeegsanayeen kooxaha ka soo horjeeday jirtaanka dowladda iyo joogitaanka ciidamada shisheeyee oo ay ugu horeeyan Itoobiyaanka iyo kuwa Midowga Afrika.

Iyadoo weli ka socdaan dalka dagaaladii ayaa waxaa laba u kala jabay Modowgii Maxkamadaha, qeyb la heshiisay dowladdii C/llaahi iyo qolo ka soo horjeesata.

Heshiiskaas wuxuu suurta geliyey in Itoobiyaanka qaab nabadeed dalka uga baxaan iyo la qabto  doorasho xor ah dalka Jabuuti, taasoo uu ku soo baxay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Doorashadii Shariifka kadib dagaalkii halkii ayuu ka sii socday, barakicii iyo burburkii dalka gaar ahaan gobolada koofureed wuxuu ka sii daray, dalka waxaaka dhacay wadanka abaaro lagu hoobtay, abaartaasoo soo jidiatay indhaha caalamka,laakiin nasiib wanaag dadka Soomaaliyeed kuwooda qurbaha jooga iyo dalal dhowr ah oo ugu horeeyo waddanka Turkiga ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday si wax looga qabto dhibtaatada abaareed ee ku dhufatay gobolada koofureed oo ehel u noqday colaado iyo abaaro tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe  ee Soomaaliya sanadkii 1991,kii.

Intii ay jirtay xukuumadda Sheekh Shariif waxaa dalka ka dhacay qaraxyo ay ku hoobteen aqoonyanno, arday iyo madax ka tirsan kala gedisan oo ka tirsan DFKMG iyo weliba bulshada rayidka, qaraxyadaasoo ugu dambeeyey kii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee G/Gagaduud oo ay ku dhinteen xildhibaano ka tirsan  dowladda, waxaana qaraxyadaas sheegtay inay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.

Dowladda Shariif intii ay jirtay waxay ku tilaabsatay wixii ka dambeeyey bishii August ee sanadkii tagay guulo la taaban karo, waxay ka saartay Al-shabaab guud ahaan caasimadda Muqdisho iyo magaalooyin ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya sida ay qabaan inta badan bulshada Soomaaliyeed, inkastoo weli ay Al-shabaab ka geesto dilal iyo dagaalo ka dhan ah DFKMG gudaha magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Shariifka wuxuu waqtigeda ku egyahay bisha Augst ee sanadkan, waxaa la soo xulayaa xubno Barlamaan oo kooban, waxaa la dhisayaa dalka dowlad  awood leh oo aan ku meel gaar ahayn sida ku cad shirkii dalka Ingariiska ugu qabtay Soomaalida sanadkan.

Haddaba iyadoo aan halkaan lagu soo koobi karin dhibaatada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed ayaa waaydan dambe waxaa ku soo badanayey dalka Soomaaliya ugaarsiga lagu hayo dadka Soomaaliyeed kuwooda muhiimka ahaa qaasatan wariyayaasha,tiiyo sanadkan 20011,ka shan saxafi lagu dilay dalka soomaaliya, taasoo muujinaysa in laga galayo xadgudubyo aad weyn bahda saxafadda Soomaaliya islamarkaana la caadeystay in lalal wareego hantidooda, waxaana dhagahayeena inta badan ku soo dhaca erayo ay ka mid yihiin waxaa la dilay wariye,  yaa dilay lama yaqaan.

Haddaba akhristaha sharatfta mudanow waxaa iga su’aal ah Maxaa loo dilayaa saxafiyiinta? Maxay kalabsadeen? Yey dambi ka galeen? Maxaa loo soo qaban la yahay kuwa dilalka ku haya wariyayaasha Soomaaliyeed?

Jawaabaha su’aalahaas waxaan uga fadhiyaa  dadka Soomaaliyeed kuwooda garanaya qeymaha ay warabaahinta u leedahay bulsho kasta oo ku noolAdduunka, tiiyoo la ogyahay marxaladaha ay ku shaqeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed inay tahay mid aad u dag islamarkaana ay mudan yihiin in la abaal mariyo, balse taasi beddalkeeda waxay noqtay in maalin kasta la dilo, la caburiyo, loona hanjabo.

Illaa iyo hadda majirto cid waxqabatay arrintaas iyada ah hadday noqon lahayd DFKMG iyo kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo joreeda.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan badbaadinta saxafiyiinta Soomaaliyeed oo maanta marti u noqday dil, hajaabdyo iyo inay dalkooda ka hayaamaan, kuna noqdaan qaxooti dalal shisheeye.

Qofka wariyaha waa aadane, qalad wuu ka dhici  karaa, balse qaladkiisa waa in loo sheega ma ah in la dilo.

Kuwa caadeystay dilka wariyayaasha Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in maalin uun sharciga la horkeenayo, islamar ahaataana wariyayaasha Soomaaliyeed shaqadodooda sidaas aysan ku joogsan doonin.

Anigoo ah qoraaga qormadan waxay ila tahay haddaanan qaladanayn wax loo dilo saxafiyiinta runta ha sheegin, haddii kale waa ku dilayaa.

 

W/Qalinkii:- Axmedsaadaq Yuusuf Maxmed

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg