E-mail

Sheekh Cabdulaahi waa waayeel ubadkuu dhalay ay kaga geeriyootey xaaskiisii xilli ay ku howlaneyd soo helida nololmaalmeedka ubadkeedii,,,,

 

Xilli subax hore ayey aheyd markii ay marxuumad maano caasho sheikh haashim ,,,,,,,,, ay kaga tagtey aqalkii yaraa oo ay ku noolaayeen kaasoo ku yiiley degmada Waberi ee magaalada Muqdisho, waxay u sheegtey marxuumadu seygeeda inay caruurta ay u raadisey waxay cunaan, meel kale iyo xirfad kale oo ay ku shaqeysato ilaahay ha u naxariistee marxuumad,,, ma aysan garaneyn, waxay shaqo ka bilowdey wadada weyn ee ka timaada sayid tagtana km4 ee magaalada Muqdisho, si ay howlo nadhaafadeed oo ay ka hesho waxay u cunaan ubadkeeda.

Shaqadu waa shaqo culus, waxa laga helaana waa wax aanan dabooli Karin caruur tiro ka kooban, si kastaba ay ahaataba qoyska Sh cabdulaahi waa ay ku qanacsanaayeen waxay hooyadood u soo hesho.

Si kastaba ha ahaatee markii ay saacadu aheyd 10:00 subaxnimo waxaa magaalada gilgiley qarax xoogan, in cabaar ah ka dib waxaa la wada maqley masiibo naxdin leh taasoo ah in haweenkii ku mashquulsanaa nadhaafadeenta gobolka Banaadir qeybta Waaberi uu la qarxey walxaha qarxa oo ay ku sheegeyn dadkii ka ak dhawaa meesha inay aheyd miino aan la aqoon cidii keentey amaba dhigtey goobta.

Sheekh Cabdulaahi Xaaji Maxamud ( Sh cabdulaahi Gargaduud ) isagoo aan wax u heyn dhibka reerkiisa soo gaarey kuna mashquulsanaa aqrinta quraanka kariimka ah ayaa aqalka looga soo geliyey xaaskiisa oo labo cad ah.

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajacuun, haween badan ayaa goobtaasi kula geeriyootey marxuumad Maano Caasho Haashim. Balse caruurtii ay ka geeriyootey maalintas marxuumadu waxay u ahyed maalin mugdi ah, ubadkii ay ka tagtey waxaa ugu yareyd 4 jir aan ka bogan kalgaceylkii hooyadeyd, waxay weli sugataa gabadhaaa yar hooyadeyd oo ma aysan fahmin in amarkii ilaah uu ku yimid.

Haddaba Sh Cabdulaahi waa waayeelkaas ee aad aragtaan ma awoodo inuu xoogiisa dhacsado, ma heysto xoolo uu ku shaqeysto, waa sabool waayeel ah oo ku tiirsan aqrinta quraanka eebe dadkii u baahan in loo aqriyo.

Sidaa darted wadaadku wuxuu dhamaan ummadaha islaamka iyo guud ahaan Somalida ku nool aduunyada meel walbo ka codsanayaa in lala garab siiyo koriimada ubadkiisa oo ay kaga geeriyootey hooyadood oo tiro ahaan ah 4 caruur aan waxba is dhaamin.

Walaalayaal fadlan u gargaara wadaadkaasi manta idiin baahan si idinkuna maalinta qiyaamo aan ku baxsataan.

Waxaadse ku soo hagaajin kartaa kaalamadaada ciwaanada hoose.

Yasmin Mayow Maxamed

Email, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Phone:- 002526-5590407

0025269-410004

Mogadisho Somalia

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg