E-mail

Gabdhaha soo galootiga ah oo la barayo diyaaradaha

15 gabdhood oo soo galooti ah waxna ka barta iskuulka lagu magacaabo Bergagymnasiet oo ku yaalamagaalada Eslöv ayaa la barayaa sida loo kexeeyo diyaaradaha.

Gabdhahaan oo dhamaantood ah soo galooti ayaa sanadkii labaad waxay baranayaan dhamaan waxyaabaha ku saabsan diyaaradaha, sida kala hagida iyo in ay noqdaan duuliye. Ujeedada koorsadaan ayaa ah in gabdhaha soo galootiga ah lagu xiiso galiyo arimaha diyaaradaha iyo in ay luuqada si fiican u bartaan.

Waxay fursad u heli doonaan in ay duuliyaan diyaaradaha iyo in ay ku soo boodaan baarashuudka. Gabdhaha qaar ayaa durbadiiba la dhacay koorsadaan iyadoo labo ka mid ah ay go’aansadeen in ay sii wadayaan arimaha duulimaadka, iyadoo ay midi qaadanayso koorso gooni loogu barto kala hagida diyaaradaha, halka mida kale ay Kiruna u aadeyso cilmiga hawada.

BY:Abdi Aar

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg