E-mail

XURMADLE-MADAXWEYNE-SH.SHARIIF SOO NOQOSHO MUDAN.

 

Mahad oo dhan Allah Ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo

Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW korkiisa)hogaaminta ayaa hibo
Raxmaanku bixiyo isla markaan ah masuuliyada culeeyskeeda leh
daacadnimo,dadaal,xilkasnimo iyo waxqab kasta oo la muujiyo
hadana dhaliilo iyo khalado lama waayaayo(inkastoo qiimeeyntu
mudan tahay marka xaaladuhu caadi yihiin).
Shaki kuma jiro in waayaha siyaasadeed ee dalka somaaliyeed
intii muddo ah(21)galay xaalad jaha wareer oo salka ku hayeey
dagaalo sokooye,qabyaalad ku dhaqmid,naceeyb,hab dhaqameed
Qab-qable,maamulo beeleeysan,fara-gelin shisheeye iyo kooxo
waji kala duwan leh oo qaabka hab diineedka ku awood badnaa
dalkuna wada halaq-maraan ah noqday kumayaal iyo kumayaal dad
rayid ah oo aan waxba galiin ku naf waayeen kuwo kale dhaawacii
iyo dhibtii weli ka muuqto malyan iyo ka badan qaxootinu aduunka
cirafyadii u qaxeen,dalkiina noqday mid khariidada aduunka ka soo
tirmaaya,fashilaad weyn ayeey la kulmeen guud ahaanba qaabadkii
dowladnimo oo loo sameeyeey somaaliya laga soo bilaabo Jan-91-kii
hadii noqon laheyd midii-Cali Mahdi,Dr-C/Qaasim,halka tii TFG-da
xiligii Marxuum-C/Laahi Yuusuf la oran karaayo xoogaa biloow ama
hab dowladeed aqoonsi ah ayeey hashay inkastoo dhibteeda ugu weyn
ka timmi xubnihii dowladaas dhexdooda gaar ahaan garabkii-dagaal
oogayaasha iyo dagaal kaga yimi dhankii Maxaakimiintii Islaamka
iyadoo loo nisbeeyo fashiladeeda ku tiirsanaanteeda Itoobiya oo
markaas loo arkaayeey ciidamo dalka ku soo galay hab duulimaad
aniguna aan qalinkeeyga iyo codkeeyga si weyn ugu weeraray(Waajib
iyo xil gudasho qaran tahay)welina joogitaanka ciidmadda Itoobiya
u arkay dulimaad cadoow.
Xurmadle-Madaxweyne-Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa waji cusub sadaal
wanaag leh ku soo kordhiyeey siyaasada somaliyeed iyo dhalinta
u noqday biloowga ku soo biirada hanashada xilalka sarre waana
arrin ahamiyadeeda leh meeshana ka saareeysa xusul doodkii raga
gaboobeey(caqligii gaboobeey)waxaa kale oo xusid mudan golaha
xukuumadda oo jiilka dhexe u badnaa mudan Xurmadle-Sh.Shariif
xilka hayeey,karti,dadaalka,daacadnimada iyo dhaqanka Muslinimo
ayaa ah sifooyinka wanaagsan ee Xurmadle-Madaxweyne Sh.Shariif,
Hufnaata luqadeed,nabad raadiinta iyo hab maamuus wanaaga ayaa
ah astaamo xilkasnimo oo si cad uga muuqda Madaxweynaha,inkaasoo
dhan waxaa dheer mudnaan siinta danta guud iyo qaab hogaaminta
marxaladan jaha-wareerkeeda leh,waxaan oran karaa waa halyeega,
geesi qaran oo isu taagan danta guud iyo masiirka dalka hooyo
kuna mudan yahay amaan,gobaadiin iyo qadarinba,markaas wuxuu ku
muteeysanaaya xaq u lahaanshaha ku soo noqoshadda xilkaas,waana
shakhsiga ugu cad cad marka la eego guud ahaanba shakhsiyaadka
iclaamiyeey murashax-nimadooda oo dhammaantooda xurmadoodda leh
balse anigu aan codkeeyga siiyeey Xurmadle-Madaxweyne-Sh.Shariif
isla markaana aan raxmaanka ka rajeeynaayo aqbiladaada rabitaanka
aan miijiyeey,kuma saleeysna hab qabyaaladeed,hab kooxeeysi,dano
ama ujeedooyin kale oo qarsoon ama nacfi gaar ah balse danta guud
iyo masiirka qarameed ku saleeysan-Xurmadle-Shariif Soo Noqosho
Mudan Wallee Mudan.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jun-08-2012.
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg