|
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Geeridu waa xaq aduunkana cidi kuma waareeyso-anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kuna hadlaaya codka Somaalida damiirka, iyo Dareenka Wadaniyadeed,qaranimadda,gobanimadda iyo milgaha iyo karaamadda ciida hooyo mudan tahay,waxaan halkan tacsi tiiraanyadeda leh ugu gudbinaayaa guud ahaanba Ummada Somaliyeed gaar ahaan Qoyskii,eheladii iyo qaraabadii Marxuum-Halyeey Qaran- SH.MUKHTAAR MAXAMED XUSEEN oo ku geeriyoodeey Magaalada Neyroobi Kenya. SH.MUKHTAAR wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaad tirada yar oo si weyn loogu yaqiineey dhaqanka Islaamka,Dareen Wadaniyadeed,Daacadnimo, Xilkasnimo,xaq soor,dul-qaad,run sheegida,Dal jeceylka iyo hab
iyo hanaan wanaag shaqo-Sh.Khutaar wuxuu ahaan jiray Afyaeenkii
ama Gudoomiyihii Barlamaanka Somaaliyeed xiligii dowladii Marxum-
Madaweyne-halyeey-Dr-C.Rashiid Shaarmarke(68/69-kii)awooda kala
Wareegeen Ciidamadda Qalabka Siday 21/Ok-69-kii(Dilk Dr-C/Rashiid
Marxuum-Halyeey Qaran-Sh.Mukhtaar waxaa lagu tilmaamaa inuu
ahaa Gudoomiyihii Barlamaan Somaaliyeed yeesho ninkii ugu karti
iyo xilkasnimo wanaagsanaa,sidoo kalle Marxuumku wuxuu ka mid ahaa
dhalinyaradii dareenka xoriyad doon iyo aragtida gumeeysi diidka
ku gaashaanaa door weyna ka soo ciyaaray faafiinta wacyiga xalaasha
ah(Xoriyad u halganka)inkastoo dadka somaaliyeed xasuustaan 13-kii
Halyeey ee SYL iyo Halyeey-C/Laahi Ciise balse waxaa jiray geesiyaal
badan oo dahsoon door weyna ka soo qaaday halgankaas(hadii eey noqon
laheyd dhanka wacyi gelinta bulshada,abaabulka dadka,qoraalada iyo
gudbinta fariinta halganka iyo adeegisiga suugaantaba).
Waxaan Raxmaanka ka tuugaayaa inuu Marxuum-Halyeey-Qaran-Sh.Mukhtaar Janadda ka waraabiyo,qoysi,eheladii,qaraabadii iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed(dhammaanteen) samir iyo iimaan inaga siiyo-aamiin,aamiin. -Geeridu Waa Xaq- -Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
-Jun-12-2012.
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|