Arday Gaareysa 400 Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho
Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayadoo xafladaasina ay ku qalin jebinayeen Arday tiradoodu gaareysay 400 kuwaasi oo iyagu mudo Seddex sano ah wax soo baranayey. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda SIMAD,waalidiin,mas’uuliyiin ka socotay hay’adda African Muslim Agency iyo Ardayda qalin jebineysay waxaana ay Ardaydaasi ka qalin jebiyeen Kuliyadda PA and Accounting . Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda SIMAD C/raxmaan Maxamed Anas oo Xafladda khudbad ka jeediyey ayaa Ardayda ku ammaanay sidii ay Waxbarashadooda ugusoo dhabar adeegeen waxaana uu xusay in macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda SIMAD aysan waxba hagran Ardaydan mudadii ay waxbaranayeen isagoo sidoo kalena ku guubaabiyey dhammaanba Ardayda waxbaraneysa xiligan iney ku daydaan walaalahooda guusha ay gaareen. Jaamacadda SIMAD ayaa iyadu ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho oo iyagu mudadii uu burburku ku jirey dalka jiilka Soomaaliyeed fursad u siiyey iney dalkooda ku helaan fursado waxbarasho waxaana gebagebadii Xafladda shahaadooyin iyo abaalmarinno dhiiragelin ah ay maamulka Jaamacaddu gudoonsiiyeen Ardayda maanta Qalin Jebisay oo iyagu xaaladan Adag wax kusoo bartay. |






































