E-mail

HANBALYO SANAD GUURADDA 52-AAD XORI

 

Mahad Allah ayeey u sugtaanay-Naxariis iyo Nabadgelyo
(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)qarnimaddu
waa sheeyga ugu qaalisa jiritaan ummadeed marka laga
yimaado caqiidadooda diineed(weliba Islaanimadda)waxaa
hanashadda xoriyadda loo soo hudhay boqolaal geesi oo
naftooda u hibiyeey gobanimada iyo tuurida heeryadda
gun-nimadda gumeeysiga(dhammaan geesiyaashii naftooda
gobanimadda u hudhay aun-Aamiiin,anaguna ma illaawi
doono)(inkastoo waqti xun iyo waayo madoow lagu jirro).
images
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaalada
codka wadaniyiinta,difaacaha karaamada qarameed iyo maqaamka
ummadeed,diintiisa,dalkiisa iyo dadkoodaba jaceyl midnimo
dhab ah oo hab cadaaladeed leh,sinaan somaliyeed,hab garsoor
xaq ah iyo hogaamin daacad ah-waxaanu halkan hambalyo qiimo
weyn leh uga soo gudbineeynaa guud ahaan ummadda somaaliyeed
munaasabada sanad guurada 52-aad ee ka soo wareegtay xoriyada
goboladda koonfureed 01-Jullay 60-kii iyo midnimadii qaaliga
aheyd.
*Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed marna ma illaawi kareeyno mana
hilmaamo xusida halyeeyada geesiyaasha somaliyeed oo ah kuwii
soo hooyeey qaranimada,xori
yada iyo gobanimada karaamada weyn
ku dhisan hadii noqon lahaa dhanka Waqooyiga ama Koonfurta
maadaama munaasabadu tahay xoriyadii koonfurta Somaliya iyo
midnimadiiba waxaanu halkan ku xuseynaa doorka lama illaawaanka
ah halyeeyadii:-Halyeey-Xassan Barsane,Halyeeyadii Lafoole,
Halyeey-Maxamed Somaali(dhagax tuur),geesiyaasha dahsoon,Xaawo
Cismaan(xaawo Taako)Halyeeyad,Halyeeyda-Timmo Cukaashe guuleed,
Halyeeyadii geesiyaashii aasaasayaashii(SYL),halyeey-C/Laahi
Ciise Maxamuud,Halyeey-Axmed Umal(Aloore),Halyeey-Cali Shido
Cabdi,Halyeey-Maxamuud Muure,Halyeey-Xaaji Maxamed Dheere,
Halyeey-Aden C/dulle(Aden Cade),Halyeey-Macalin Jaamac Bilaal,
Halyeey-Dr-C/Rashiid Sharmarke, Halyeey-MUHYADIN HAJI BASHIR
Halyeey-DAUUD ABDULLE HERSI,Halyeey-MAHAMED DAHIR HUURE iyo
halyeeyo badan oo dhigooda ahaa(intii geeriyooteey AUN-Aamiin)
inta nool cimri dheer,caafimaad iyo camal suuban-aamiin,sidoo
kale marna lama illaawi karaayo-Halyeey-Maxamuud Muure,Halyeey-
Careeys Ciise Kaarshe,Halyeey-Qaasim Hilloowle,Halyeey-Makhtal
Daahir,Halyeey-Cismaan Yuusuf Keenadii,Halyeey-Cisman Cumar,
Halyeey-Maxamed Cumar Bafdal iyo geesiyaal badan oo aan la soo
koobi kareeyn.

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu xasuusinaayaa guud ahaanba
Ummadda Somaaliyeed ahamiyada qaranimadooda,karaamadooda iyo
maqaamka midnimadooda iyo difaacida ciidooda hooyo,waxaana
ayaan daradeeda,gunimadeeda iyo murugadeedaba leh xaaladda
jaha-wareer,dayaca kala daadsanaanta iyo shisheeye isu dhibida
oo dhaawac culus ku ah jiritaankeena qaramadeed iyo sumcadeena
dawladeedba waxaa loo baahan yahay wanaag ka shaqeyn,danta guud
iyo maslaxada ummadeed in mudnaanta la siiyo lana soo celiyo
hanankii dowladeed iyo qiimihii wada jirkeena.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed gunaanadka waxaanu rajeeyneeynaa in
munaasabadan teeka kale(sanadka dame)hadii Allah idmo sida ku
haboon u xusno inagoo hananay qaranimadeena oo buuxda kana baxnay
mugdigan iyo habkan gunimo dhibkuna dhamaaday inshaa Allah.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jullay-01-2012.

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg