E-mail

TACSIDA MARXUUM-COL-C/LAAHI SAALAX MAXAMED(NADALO

Geeridu waa xaq-aduunyadda cid kuma waareeyso-
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab waxaan tacsi tiiranyadeeda
leh uga diraayaa-Xurmadle-Garaad-Abshir Saalax Maxamed
Garaad Guud Beesha Guuled Garaad(Barkad)oo walaalkiis col-
C/Laahi Saalax Maxamed(Nadalo)Caawa 02/07/2012 lagu dilay
Magaaladda Garoowe caasimadda maamulka P/Land,marxuumka
ayaa intii mudo ahba ahaa taliye xigeenka ciidnaka boliiska
P/Land,laakiin sida la sheegay xilkii laga qaaday shalay
01-07-2012.


Arrintii waa arrin yaabkeeda leh dilka Marxuumka iyo xilka
qaadiistiisa waana arin la oran karaayo xiriir ayaa ka dhexeeya,
Col-Nadala ayaa ka mid ahaan jiray saraakiishii ciidnka xooga
dalka somaaliyeed runtiina aqaan iyo waayo aragnimo weyn lahaa
magaciisuna caan ka ahaa ciidanka,lama garanaayo ilaa hada cida
fal dembiyedkaas geeystay iyo sababta ka dameysay inkastoo qofku
leeyahay waqti aan la dhaafeeyn(saacaduna buuxsan tahay)waxaan
raxmaanka ka tugaayaa inuu marxuumka-Col-C/Laahi janada fardowsa
ka warabiyo,garaadka,qoyskii,eheladii,qaraabada iyo guud ahaanba
Beesha Guleed Garaad(Barkad)iyo reer Khaatumo oo dhan samir iyo
Iimaan-Aamiin,Aamiin,Aamiin.



-Qorre-Ustaad-Xassan Carab.


 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg