E-mail

XILDHIBAAN-DRS-CAASHA AXMED CABDALLE CODKA NOOL EE WADANIYADDA.

 

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Dareenka wadaniyadeed,damiirka nool iyo dadnimadda
ayaa sifooyin aan is qarin kareyn una shaaca sidda
Iftiinka qoraxdda waana qariisad ama walxo dhiigga
qofka ku abuuran oo si weyn uga damqanaaya waxyaabaha
dhaawaca qarameed leh ama guud ahaanba wixii gun-nimo,
gumeeysi raacnimo iyo dulimo ku saleeysan,waana heegan
joogto ah si weyna u fiijigaan indho furan,caqli fiyoow
iyo daacadnimo ku eegaaya danaha guud iyo maslaxadda
Dalkiisa hooyo iyo daryeelka Dadkiisa(waana sifooyinka
maanta laga heli karaayo dad yar ama shakhsiyaad kooban).
Hadaba anigoo ah Ustaad-Xassan Carab wanaag taageere,soo
dhoweeye guud ahaanba arrimaha dan guud iyo masiirka dalka
iyo dadka ku saabsan,qalinkeeygu xaq difaacee iyo qaranimo
u hiiliye ma daale ah waxaan sharaf weyn ii ah in aan maanta
qormadan ku xuso in yar doorka wadaniyadeed,dareenka,damiirka
iyo qiiradda dal jaceyl Xildhibaanad Marwo-Drs-Caasha Axmed
Cabdalle(Halyeeyad Qaran)oo soo nooleeysay doorkii qiimaha
weyn lahaa ee dumarka somaaliyeed caanka ku ahaayeen marka
arrimuhu joogaan karaamo difaacidda,jiritaan illaalinta iyo
u harag baxa gobanimadda qaaliga ah(Halyeeyad-Xaawo Cismaan-
Xaawo Taako iyo Halyeeyad-Timiro Cukaashe Guuleed)tusaalle
cad doorkii wadaniyadeed ee Haweenka gobta ah ee Somaliyeed,
sidoo kale waxaa xusid mudan-Drs-Caash X.Cilmi,Asli Xassan
Cabaade,Drs-Caasha Cumar Geesdiir,Marwo Canab,Marwo-Tiriig
Ahmed(Somaliwomen),Drs-Faadumo C/lahi Qayaad,Drs-Zahra Max'd
Samater,Marwo-Caabiya Cabdi,Maryan Goonle,Halyeeyad Abwaanad-
Roda Cabdi Guray(Af-Jano),Marwo-Abnaanad-Maryan Warsame,Marwo
Saado Cali Warsame,Denjire-Marwo-Ebyan Mohamed,Fanaanad Qaran
Marwo-Nakruma,Halyeyad-Seynad X.Cali(Baxsan),Marwo-Drs-Maryan
Qaasim iyo kuwo kale oo badan(Alloow inta damiirka leh xafid)
aamiin.
Marwo-Xildhibaan Drs-Caasha Axmed Cabdalle waa codka nool iyo
damiirka wadaniga somaliyeed haween iyo ragba waana shakhsiyad
mudnaanta kowaad siiday danaha guud iyo tiirarka aasaasiga u ah
qaranimadda,midnimadda iyo hanaanka dowladnimada waa muwaadinad
ka xorowdeey waxyaabaha rakhiska,cudurada sida weyn u dhaawacay
qaranimadii qaaliga aheyd(Qabyaalada,naceeybka,colaada iyo guud
ahaanba waxyaabaha kala fogeynaya dadka walaalaha)waa geesiyad
aan marna ka gabaan run sheegidda,xaq u hiilinta iyo cabiradda
codka nool ee wadaniyadeed,Drs-Caasha dhiigeeda,damiirkeeda iyo
dadnimadeeda ayaa qiiradda wadaniyadeed ku abuuran tahay waana
tusalaha wanaagsan ku dayashada mudan iyo ka tilmaan qaadashada
waana tiir adag oo aan marnaba liiciin dhibka kasta iyo culeeys
kasta oo soo wajaha ama moojado kasta oo colaadeed leh lagu soo
qaado weey ka dhex boodaa maadaama eey ku gaashaman tahay qaran
Illaalinta iyo karaamo difaacida,Somalinimada dhabta ah,aqoonta
fiican iyo caqliga fiyoow-Marwo Drs-Caasha amaan.bogaadiin iyo
Milgo gobeed aan duugoobiin gudoon iyo bilad qarameed.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jull-10-2012.


 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg