MURASHAXA-MARWO-SACIIDO MAX'D GOOBDOON GUUL INSHAA ALLAH.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabadda,Midnimada iyo Cadaalada
Codka muwaadiniinta damiirka,dareenka iyo qiirada qarameedka
leh Dalkooda iyo dadkoodaba la jaceyl wanaaga,horumarka iyo
u adeegidooda(hadii eey noqon laheyn Dalkeenii ama debedda).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer taageere soona dhoweeya muwaadin kasta oo isu taaga u shaqeynta danta guud iyo u adeegida danaha Jaaliyadda Somaaliyeed hadii eey joogan Qaaradan Yurub,W/Maraykanka,Austaraaliya,Aasiyadda Fog,Dunidda Carbeed ama Qaarada Afrikaba,gaar ahaan kuwa isu taaga ka qeyb- galka hanaanka siyaasadeed ee dalalka eey degan yihiin sida ku biirida Golayaasha Barlamaanadda iyo Golayaasha Degaamadda ![]() *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaa u sharaf ah soo dhoweeynta, Taageerida iyo dhiiri-gelinta Murashaxa-Marwo-Saciido Max'd Goobdoon oo u taagan ka qeyb-galka tartanka doorashooyinka Golaha Degaanka Heslinki(Finlind),shaki kuma jiro in hamigga iyo fikirka Marwo Saciido yahay mid amaan.bogaadiin iyo soo dhoweeynba mudan ujeedada ka dameeysaana yahay ka qeyb-galka hanaanka maamul ee degaankeeda oo runtii ahmiyad weyn u leh Jaaliyada Somaliyeed,kaalin weyna ka ciyaari kareeysa gudbinta baahidooda hadii eey noqon laheyd dhanka(Waxbarashadda,Guryaha, Caafimaadka,Shaqadda,Nabadgelyadda iyo Daryeelka Ubadka)sidoo kale Marwo-Saciido waxeey dhiiri-gelin u noqon kareeysa dadka Somaaliyeed oo aqoonta,kartida iyo dadaalka muujiya in eey ku dheeran karaan ka qeyb-qaadashadda Siyaasadda iyo haweeysigga gaaridda xilal sareba. *Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaan noo sharaf ah in aan bulshada ama Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqanka Dalka Finland Hislinki sida ku haboon ula duubtaan,taageeraan oo gacan siin weyn isla garab taagaan Walaashooda Somaliyeed-Murashaxa-Marwo-Saciido oo iyaga ka mid ah dhalasho ahaan la wadaagta,diin ahaan la wadagta iyo dan wadaagna la ah,isla markaana magacooda iyo maqaamkoodaba Inshaa Allah kor u qaadeeysa hadii guusho raacdo,Fadlan garta oo guta Masuuliyadda qarameed,degaameed iyo mida dadnimoba codkiina qiimaha weyn siiya Walaashiin Marwo-Saciido Max'd Goobdoon,gacan ka siiya xoojinta Ololaheeda(Nin lagu Seexdoow ha Seexan). -Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Jull-12-2012 This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |






































Comments