FADLAN KA QEYB QAADO DHISMAHA XARUNTA AGOONTA BUUHOOD
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo UK.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo USA.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Sweden.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Holland.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Norway.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Denmark.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Finland.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Canadda.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Swiss.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Talyaaniga.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Faransiiska.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo R.O.Irland.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Austaraaliya.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Newzland.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Melesiya.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Emaaraadka.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Sacuudigga.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Kuweyt.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Qadar.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Cumaan.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Kenya.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Ugaandha.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Tanzaaniya.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Zambia.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo Mozambiq.
Ku:-Jaaliyadda Khaatumo S/Africa.
UJEEDDO:-DHISMAHA XARUNTA AGOONTA BUUHOODLE.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Ramadaanka Kariim-Raxmaanku raxmadiisa,dembi dhaafkiisa
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab howlihii camal kheyrka iyo
samafalka islaanimadda ku saleeysnaa halkii ka sii wadda
waajib gudasho iyo wanaag ka shaqeyna u arka-waxaan halkan
uga soo gudbinaayaa guud ahaan xubnaha Jaaliyadaha Khaatumo
kor ku xusan in eey gacan ka geeystaan howlaha gar-gaarka ee
dhismaha xarunta cusub ee agoonta Magaaladda Buuhoodle(Cayn)
oo howlaheedu biloowga yihiin ahna xarun ahamiyad weyn u leh
guud ahaanba Ubadka Agoonta ah ee degaamada G/Cayn baahi weyn
loo qabo,waxaan halkn amaan,bogaadiin iyo mahad-celinba uga
soo gudbinaayaa ardeyda wax ka barta Jaamacadaha Dalka Masar
oo kaalo dhaqaalle oo kooban ugu deeqay dhismaha xaruntaas
waana arrin ka turjumeeysa dareenkooda Islaanimo,khaatumo-nimo
iyo garashada ahmiyadda xaruntaasu ku fadhido,waana talaabo ku
dayasho mudan(Liibaana If iyo Aakhiroba-Aamiin).
Hadaba waxaan ku boorinaa xubnaha Jaaliyadaha Khaatumo kor ku
Xussan oo isugu jirra-Gudiyo hogaamineed,Haweenka Dadaal badan,
Dhalinyaro Firfircoon,Odayaal kartidooda leh iyo Aqoonyahan leh
Xurmo iyo qadarin gaar ahaaneed in eey gartaan masuuliyadda ka
saaran Dhulkooda,Dadkooda iyo Ubadka Agoonta ah oo daryeel iyo
gargaar gaar ahaaneed u baahan waana Masuuliyad-Diineed si cad
u qeexan iyo mid Akhlaaqeed(Khaatumeeysan)waxaan rajeeynaayaa
in qormadan camal kheyrka ku saleeysan heli doonto aqbilaad ku
haboon iyo dhego dhanka maqalka wanaagsan u daloola jawaabta ku
haboon laga bixin doono oo ah ka qeyb qaadashada dhismaha hoyga
Agoonta Buuhoodle,sakadda,sadaqadda iyo caawinta camal kheyrka
ah ee bishan barakeeysan(Ramadaanka)sida Raxmaankeenu Quraanka
Kariimka ah ku qeexay leh ajar iyo axsaan weyn,waana midka aan
nafteeyda iyo guud ahaanba ehelu kheyrka howshaas qayb-tooda ka
qaata abaal marinteeda wada rajeeyneyno(Alloow abaal marintaada
iyo Liibaanta maalinta xisaabta fadliga Ramadaanka barakeeysan
noogu deeq-deeq bixiyoow noogu deeq-aamiin-aamiin,aamiin.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-Jull-25/2012.
|
Add comment




































