|
Muqdisho iyo Sameynta Doorashada Raga u Sharax Doorashada oo aan helney Magacyadooda waxaa ka mid ah 1-Shiikh Shariif Shiikh Axmed 2- Shariif Xasan Shiikh Aadan 3 -Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 4 -Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 5- Cabdulaahi Axmed Caddow 6- Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur 7- Axmed Ismaaciil Samater 8- Xasan Shiikh Maxamuud 9- Saciid Ciise Maxamuud 10- Maxamed Maxauud Guuleed Gacmadheere 11- Cabdiraxmaan Macali Baadiyow 12-Yaasiin Maaxi Maxamed 13-Cabdulaahi Shiikh Xasan 14- Xasan Abshir Faarax 15-Cabdi Nuur Darmaan 16- Cali Maxamed Geedi 17- Ing Maxamed Axmed Saalax 18-Salaad Cali Jeelle 19 Cumar Salaad Cilmi 20- Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex 21-Xaaji Maxamed Yaasiin 22- Cali Cabdulle Guure 23-Yuusuf Garaad Cumar Axmed 24-Ibraahim Cali Xuseen 25- Maxamed Cabdiweli Shiikh Yuusuf Direed 26- Gen Maxamed Nuur Galaal 27- Xuseen Khaliif Xaaji 28- Maxamed Axmed Cali 29- Yuusuf Colow Axmed 30- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
Iyadoo Fooda nagu soo hayso Doorahashada Madaxtinimada Soomaaliya iyo ka gudubka Marxaladdii ku meel gaarnimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan magaalada Muqdisho laga dareemaya Guux xooggan oo la xiriira Doorashadaasi, waxaana halkan aan ku faahfaahineynaa Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Saameynta ay ku yeelatay Doorashadaasi, taasoo ay dadku ku tilmaameen in ay tahay Doorashadii ugu adkeyd ee dhacda tan iyo intii ay dhaceen Dagaaladii Ahliga ahaa ee Soomaaliya. Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qul qulay dad aad u fara badan kaddib markii loo sheegay in Magaaladu ay nabad tahay Nabaddaas oo ay bar bar socoto falal Amnidarra ah oo dadka qaar aad u saameysey, haddii aad tagto goobaha Fadhi ku Dirirada waxaa la isku haystaa labo labo oo koox waliba waxa ay taageereysaa Musharaxa ay taageersan tahay taasoo keenta in mararka qarkood gacanta la isula tago. Sheekad ii ugu yaabka badneyd waxa ay markii arkay Koox ku lebisan Direyska Ciidamada Qalabka sida oo wata dhowr Kaartoon oo ay ka buuxaan Sawiro iyo Funaanado mid ka mid ah Musharixiinta ay taageersan yihiin kuwaasoo joojinayay Gaadiidka Waddooyinka maraya isla markaana ka fiiqaya Sawirkii hore ugu Dheganaa kunaDhejinaya Sawirka Musharaxa ay taageersan yihiin iyadoo Wadaha Gaarigana Dhegta loogu sheegayo haddii uu Sawirkaas Fujiyo inuu leeyahay Shan Xabbadood. Taasi waxa ka sii daran oo Yaabka Yaabkiisa ah Wiil Dhalinyaro ah oo Gashan Funaanad uu ku Sawiran yahay Musharax uu Taageersan yahay ayaa markii uu u yimid kooxdii Qasab wax ku raadiney sey in si Nasteexeyn ah loogu sheegayo inuu iska bixiyo Funaanadda ugu jirta lana siinayo mid kale oo ka qurux badan tuu gashan yahay. Isagoona ku jawaabaya maadaama uusan ku qanacsanayn in laga bixiyo Funaanadda uu ku sawiran yahay Musharaxa uu Taageerayo " Warwaa maxay Mooryaanimadaan sida Xooga ah Taageerada lagu raadinayo Ii kaadiya inta aan Guriga ka tegayo oo keliya ayaan Gashanaanayaaye" iyadoona loogu jawaabayo Ok Saaxiib intaasaa nagaga filan Qoys keliya ayaa la arkay oo kala taageeraya illaa Shan Musharax, Odeyga, Habarta, Gabadha Wiilka iyo Wiilasha kaleba taasoo xubin kasta oo qoyska ka mid ah uu taageerayo Musharax gooni ah taasoo Qoyskii ku keentay Cadaawad dhex marta iyo loollan dhexdooda ka bilowda iyadoo xitaa lagu kala qaybsamay Raashiinkii Saxanka keliya lagu wada cunayay iyadoo mararka qaarna ay dhacdaba in gacanta la isula tago kaddib marka mid ka mid ah Qoyska Sawir uu taageerayay oo gidaarka u surnaa laga fujiyo. Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay saameyn weyn ay ku yeelatay Gaadiidka Dadweynaha ee BL-.ka loo yaqaano iyadoo rakaabka qaarkood aysan raaceyn Gaari uu ku dheggan yahay Musharax uusan taageersanayn taasina ay keento ruuxan Rakaabka ah inuu wadada taagnaado maanta oo d han illaa uu k a arkayo Gaari uu ku dheggan yahay Musharixii uu taageerayay.
Saameynta kale ee ay arrintani keentay waxaa ugu cad cad dhinaca Qabiilka oo aad arkayso in Taageerayaal badan shakhsiga ay ay taageerayaan oo ay ku raacayaan heybta uu yahay iyagoona u arkaya ruuxii aan taageerin midka ay taageerayaan inuu cadow u yahay colaad aan lala ogeyna u qaada inta kale ee aan taageereyn shakhsiga ay Taageerayaan
Saameynta Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ay saameysey Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM kuwaasoo la kala saftay Musharaxiinta Soomaaliya, waxaana dhacday in qaar ka mid ah Ciidamada Ugandha oo degaankoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga in ay gacan isul tageen m axaad kaas u Taageertay iyo maxaad kaas u Taageertay oo u Taageeri weydyay Musharaxa Taageersan Madaxweyn aheena Musaveni taasina ay keentay in gacmaha la is la galo halkaasan ay Ciidamadii isku fara saaraan, waxayna Ciidamada Saraakiishooda ee ee Fadhi ku Dirirkaan soo dhex galey ay ku gaabsadeen in ay taageerayaan cidda uu Taageero Madaxweyne Musaveni
Waxa kale Doorashada ay saameysey Ciidamadii Qalabka Sida ka dib markii ay la kala safteen Mushraxiinta mid ka mid ah Ciidamada oo aan weydiiyey sababata uu u taageerayo mid ka mid ah Musharaxiinta ayaa ku jawaabey “Walaal miyaadan ogeyn in Dowladda ay ku dhisan tahay 4.5 marka sidaa nay Ciidamadu ku dhisan yihiin 4.5 marka maxaa ii diidaya in aan taageero Musharaxeyga”
Ma yara Saameenta faraha badan oo ay arrintan la timid kuwa ugu yaabka badana waxa ka mid ah Saameeynta ay ku yeelatay Dhaqankii Soomaalida ee soo jireenka ahaa oo Odoyaashii Dhaqanka, Malaaqyadii, Sulddaanadii, Wabaradii, Islowyadii, Ugaasyadii iyo dadkii Dhaqanka lagu tixgelin jiray oo maanta Qalabka Warbaahinta la isu marsiiyo Aflagaaddo Ixtiraam la'aan iyo meel ka dhac loo gaysnayo Duubabkii Soomaalida taasoo inta badan loo aaneynayo in ay ka soo shaqeeyeen soona abaabuleen Quwado Shisheeye Tartanka Doorashhada waxaa kale uun saameyn ku yeeshey Hotelada Magaalada Muqdisho waxaana Hotelada ka socda Shirar iyo Kulumo looga arisanayo Xaaladda Kala Guurka , waxaa iigu yaab badnaa markii Hal Hotel hal mar uu ka dhacayey ilaa Shan Kulan , waxaana mararka qaar aad Maqleysaa Daryanka iyo Sawaxanka ee ka soo baxaya Kulamadaas oo la isku qabsadey qaabkii loo qaybsan lahaa Xildhibaanada , sidoo kale waxaa uu saameyn ku yeeshey Sarifka lacaga qalaad waxaa Magaalada Muqdisho aad ka dareymeysaa lacagahaasi oo qaar lagu bixinayo Arimo Siyaasadeed iyo waliba Tartanka Doorashada Ololihiisa welina Sariifka ma Dhaqdhaqaaqin oo meeshii Lix bilood uu joogey ayuu joogaa Sameynta kale ee Ololaha Doorashada waxaa ka mid ah waxaa Ciriiri ah Xarumaha Daabacaada waxaana marara qaar aad arkeysaa in aadan heli Kari Dabacaad oo shaqaalaha ka shaqeynaya ayaa kuu sheegaya in tan iyo markii uu bilowdey tartanka ay si aad u laba jibaarmeen Xayeysiinta ay isku sameynayaan Musharaxiinta Doorashada sidoo kale waxa Xarumaha Daabacaada ku soo batey Qoraalada Dacwadaha u badan ee is haysiga Beelaha.ee loo gudbinayo Guddiyada Xalinta Khilaafaadka. Isku so o wada duuboo Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wadnaha Farta kaga haya ha lka ay i sugu biyo shuban doonto Xasaraddan haatan oogan iyo Madaxweyn aha ka soo bixi doona Musharixiintan kor u dhaafaya Boqolka Musharax o o u wada Tafa Xeydan inay qabtaan Xilkaas, waxaana jira in qaar ka mid ah Musharixiintaas ay ku hanjabeen haddii aysan helin Jagadaas inay fadqalaladeyn doonaan ama ay Calwin doonaan Siyaasadda Soomaalida halka qaar kalena ay ku doodeen in maadaama Kursigan laga soo maray dhibaatooyin fara badan in ay haboonaan lahayd in la geeyo meel ka baxsan Soomaaliya halkaasna lagu Caleemo saaro kii ku guulasyta, Su'aashuse waxa ay tahay Bulshada Muqdisha iyo Maanta maxay ka dhowrayaan Tartamayaashan is bar bar yaacaya W/D Amiin Yuusuf khasaaro E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |




































