CIIIIIIIIIIIIIIIIID WANAAGSAN-CIIIIIIIIIIIIIIIID MUBAARAK.
Mahad oo dhana Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena MUXAMED CSW korkiisa)
Ciid Mubaarak dhammaan ummadda muslimiinta gaar ahaan
Shacab-weynaha Somaaliyed Gudaha iyo qurba joogaba:-
Alloow-Raxmaankoow,Casiiskoow,Qanigoow,Awooda badanoow
naga aqbil Soonkii,Salaadii,Sakadadii,Ducadii iyo guud
ahaanba Camal kheyrkii Bisha Ramadaanka,Raxmaankoow
Noogu deeqa-deeq bixiyoow Dembi dhaafkii iyo Cadaab ka
![]() Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaalada-mideeyaha wanaiyiinta iyo somaalida damiirka nool
leh diintooda,dalkooda iyo dadkooda jaceyl inta gun iyo gumeysi
diidka-waxaanu munaasabada ciida barakeeysan(Ciil El-fidrigga)
hambalyo diiraan oo ducadeeda leh,anagoo Raxmaanka ka tuugeeyna
inuu Ramadaankan midkiisa kale inugu gaarsiiyeey-Caafimad buuxa
camal kheyr iyo xasilooni,nabadgelyo iyo hanaan dawladeed dhab
ah dalkeeda difaacada dadkeedana daryeesha inshaa Allah(Alloow
Xaaladan Gun-nimo iyo kala daadsanaanta waqti dheer qaadatay oo
na duleeyeey Raxmaankoow naga saar,Aloow noogu bedel wanaag iyo
horumar-Aamiin.
-Alloow Qaranimo buuxda,Midnimo Dhab ah,Hogaamin Cadaalad leh
Barlamaanka danaha guud ka shaqeeya,Xukuumad xilkasnimo,karti
iyo dacadnimo leh iyo Ummad Diintooda,Dalkooda iyo Karamadooda
Difaacda(gunimada iyo gumeeysi hoos joogida,qabyaaladda,eexda,
Musuq-maasaqa,cadaaladda daradda,colaada,dagaaladda sokeeye iyo
guud ahaan waxyaabaha foosha xun oo dalkeena hooyo dib u dhigay
Raxmaankoow naga suuli,naga suuli Alloow naga suuli-Aamiin.
-Ciid wanaagsan-
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Aug-17-2012-UK.
|
Add comment





































