BAAQ:- GURMAD DEG DEH AH.
Ku:-Ergayga Somaalia Jaamacada Carbeed.
Ku:-Danjiraha Somalia Dalka Turkigga.
Ku:-Danjiraha Somalia Dalka Libiya. Ku:-Danjiraha Somalia Dalka Kuweyt. Ku:-Danjiraha Somalia Dalka Sacuudigga. Ku:-Danjiraha Somalia Dalka Emaaraadka. Ku:-Ergayga Somalia Qaramada Midoobey. Ku:-Ergayga Somalia Midoowga Afrika. Ku:-Wasiirka Arrimaha Debedda KMG. Ku:-Gudoomiyaha KMG Golaha Barlamaanka Somalia. Og:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia. Ujeeddo:-GURMAD DEG DEG AH. Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab qoraa somaaliyeed waxaan halkan baaq Islaanimo,Somaalinimo iyo mid bani-aadaminimo ugu soo gudbinaayaa Masuulinta Xurmadooda leh kor ku xusan in eey si deg-deg ah u qaadaan tallaabo wax loogu qabanaayo Jaaliyada Somaliyeed oo sida weyn uga dhiban xaalada dhibka badan leh(halista ah)Dalka Suriya oo dagaalo,colaad baahsan ka taagan tahay kana baxday gacan ku hayntii,sida wararku sheegaayaan eey ku naf waayeen dad somaali dhowr iyo toban ah,sida warar sugan xaqiijinaayaan halis ayeey ku jiraan. Mudanayaal-garta masuuliyada qarameed oo idiinka saaran Ummadda Somaliyeed meel eey joogaanba iyadoo la wada ogyahay xaaladii dayac iyo dhibaatadii soo gaarteey Somaalidii Libiya ku sugnaa,waxaan soo jeedinaayaa in qeylo dhaan deg deg ah loo dirro Qaramada Midoobeey,Midoowga Yurub,Jaamacada Carbeed iyo Ururka Isbaheeysiga Islaamka iyo Mid Dowladaha Khaliijka lagana codsado caawiin iyo gacan siinta Jaaliyada Somaliyeed xiyaaradu ku heeysto Dalka Suriya,aniguu ugu baaqaaya Somaalida Suriya ku sugan in eey iskaashadaan meelo kooban isku ururiyaan codkooda
aduunka maqashiiyaan lana xiriiraan ururka bisha cas iyo kuwa
dhigiisa ahba-Fadlan arrintaas si degdeg ah wax ha looga qabto
xaaladuu daawasho ma laha suriya gacanta ayeey ka baxday-Alloow
Raxmaankoow meel aanu joognoba noo gar-gaar-aamiin.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Aug-22-2012. |
Add comment




































