|
Foos Xasan Warsame oo ah gabar Agoon ah una baahan gargaar ayaa maalinta ciida aawadeed ah loo soo direy farxadii ciida.
Foos oo ah gabar 6 sano jir ah, isla markaana agoon ah, una baahan gargaar biniaadamnimo ayaa maalinta farxada ciidul fidriga ah loo soo direy dharkii, macmacaanadii iyo dhamaan farxadii ciida oo ay la wadaagi laheyd caruurta kale ee asaageeda ah.
Wiilal Soomaaliyeed ee ku nool dalka London, isla markaana ah wiilal wanaaga jecel, kuna taxan dhibanayaalka lagu soo qoro webka www.4somaliwomen.com ayaa u taagan mar walbo inay gacan ka geystaan dadkeena ku dhibaateesan gudaha Somaliya, gaar ahaan agoonta aan laheyd cid daboosha baahidooda aasaasiga ah.
Intaa ka dib, anagoo ku hadleyno codka madaxda, maamulka iyo shaqaalaha www.4somaliwomen.com/SWACRO .ayaan leenahay ilaahay ha idinka aqbalo dhamaan wanaagiina.
Yasmin Mayow Maxamed
Email:-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Phone_--002526-5590407
|
Comments