E-mail

Macaanka Dowladnimo maanteey noo soo dhadhameysaa!

Muddo dheer ayaa ka soo wareegatay in xukuumad loo qadariyo sidii dowlad joogta ah ay ka dhalato dalkeena, taasi waa mahad Alle, oo waxaad moodaa in laga baxay ku meel gaarnimada. Dadweynaha Soomaaliyeedna waxaad moodeysaa in ay u soo dhadhameyso dowladnimo buuxda, oo maamul dhisan leh.

Dawlad aan ku meel gaar ahayn, waxey qaban kartaa waxyaabo aad u badan, awoodeedana waa ay ka sareysaa tii kumeel gaarka ahayd.   Waxey horumarin kartaa tacliinta, caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, technologiga, amniga, Warshadaha. Horumarkaasna wuxuu u suuroowi karaa markii uu shacabkeeda raaco oo uu la safto.

Dawlada waa in ay tuugsiga iyo musuqmaasuqa iska deyso oo wax soo saarka ay xoogga saarto, baryadana iska ilowdo. Dhamaan wadamada horumaray waa ay soo mareen marxalado adag, lakiin waxaa ka saaray marxaladahaas, wada shaqeen iyo maamul wanaagsan. Waxaa ku dayasho mudan; Kwuami Nakrooa (Ghana); Gandi (India) iyo Moa Tse Tung (China). Madaxdaas dadaalkooda iyo aragtidooda dheer ayey wadamadooda maanta ku aflaxeen, waana saddex waddan oo dhaqaalahooda uu heer sare gaaray. Haddii aad dalkeena barbar dhigto waan ka qani sanahay oo waan ka qeeraad baddanahay, laakiin waan ka aragti xunnahay, oo waxaan aamin sanahay tuugsiga, dhaca, iyo qabyaalada, waana saddex sheey aan horumar lagu gaari karin.

Macaanka dowladnimo noo soo dhadhantayee sidee miraheeda u cuni karnaa?

1.  Dawlada oo diinta iyo cadaalada ku dhaqanto

2.  Dadweenaha oo taageero dawlada amnigeedana dhowro

3.  Anagoo gargaarka dibadda ka faano oo Iskeen wax u qabsano

4.  Qeeraadka dalkeena oo aan ilaashano, cidna ay been ku qaadan.

5.  Aqoonta dadkeena oo lagu saleeyo baahida dalkeena.

6.   Sacadaha shaqada wadanka oo la kordhiyo, gaar ahaan kuwa shaqaalaha dowlada.

7.  Amniga qaranka oo aad loo sugo.

8.  Lacagta la daawacdo oo la mamnuuco

9. Daawooyinka qaldan oo iyagana la mamnuuco

10. Raashinkeena intiisa badan oo aan ciideena ka soo saarano


By: Prof.   Wadani

 

Comments  

 
0 #1 Mohamed Farah 2013-01-30 07:38
Thank you brother, do you think they care about your ten points. Don't waste your time brother, Mr. Hassan will soon be corrupted too. :lol:
Quote
 
 
0 #2 adoontii alle 2013-03-30 01:37
:-? waxaan aniga qabaa in aan ka soo horjeesano dawladaan dibada lagu soo dhoodhoobay ee gaaladu ka dambayso aan iska qabano oo wali sharciyad gaalad maalinba noo soomaliyeeynaay a aan ku jihaadno allow naga qabo haday sharnooyihiin aaaaaaaamiin
Quote
 
 
0 #3 waayeel 2013-04-17 15:45
Assc.
Dhammaantiinba waan idin wada salaamay.
Salaam kabacdi tobanka qodob ee uu sheegay Jaalle,professo r Wadani waxay ka mid yahiin arimaha maanta ay u baahan yahiin soomaaliya iyo soomaaliba.Hase ahaatee suu sheegay Muxammad Faarax dad bay dani ugu jirtaa dhibaatooyinka shacabka iyo wadankaba haysta.Haddiiin a uu Muxammad Faarax maanta joogi ahaa Xamar ama Nairobi hadiiba waa la soo weerarilahaa.Ug u dambeyn talo gaaban.
Taladaas oo ah soomaaliyeey iska ilaawa in ay Xamar ku soo noqoto sideedii hore.
1.Marka hore waxaa dhacday oo wali jirta in aan waa dambe la is aaminin.Macnaha inaysan soomaalweeyn sidii hore oo kale Xamar u soo dageeyn.
2.Dadkii u badnaa ee waayhii hore Xamar guryaha ka dhistay wixii hadda nool waxay u guureen meelihii ay ku dhasheen awoowayaalkood. Rajona lagama qabo in ay mar kale Xamar guryo ka dhisaan.Dastuur kii ay soomaalidu dhigatayna waxaa ka mda haddii Xamar ay dagiweeydo in meel kale loo raro magaalo madaxda soomaaliya.
Waayeel
Quote
 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg