mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

MAAMA QAALI QEEDTI I12AAD

Habeenkii jimcaha sacada markeey eheed sideedii habenimo ayaa waxaa mama qaali aqalka u soo garaacay gabar dheer oo aad u qurxoon lagana dareemaayo in ey ka timid dibadaha uuna daba socdo wiil dhalinyara ahaa oo kamid ahaa wiilasha xoogooda ku shaqeesta kana dhashay familada laga itaal weenyahay. Markiiba waxaa albabakii ka furay qamar waxeyna u soo gudbisay aqalka oo waxey u geesey maama qaali oo markaa Sali ku fadhisay saladii cishaha halkaa ku dugatay waxeyna soo wada fariisteen qolkii fadhiga qamar sidey caada deeda eheed marwaliba oo ey maama qaali u yimaadaan marti waxey iska gali jirtay kushiinka ama qolkeeda,

Mama qaali:-   Haye bal soo dhawaada  maxaa darnaa sacadaana lama socdee magalada wataa aad u jeedaan aan liisku aabyeelenee,  ma gabalkaa jidka idinku dhacoo sidaa miyaad aqalkeyga ku sooo gasheen mise ?

    Islaantii oo ilmeynesa ayaa ku tiri

Fardoowsa:-   Shugran sida wacan ee ada noo soo dhweesey runtii waxaa sacadaan ina wada aqalkaadana aan u nimid arin aad ii aad umuruga badan  si aan kuugu sheegno ama aan kuugu soo bandhignoo nooga gareesaneesana aanan garaneen.

Mama qaali:-   Haye bal is yara daji oo ilaahna u laabo oo ilinta waxa kaa keeney ee aadan hadana ey kuugu adagtahay inaadan ii sheegi kareen waxey tahay isku day inaad I fahamsiiso waxuu alle qadaray lama gafo dad islaamoo ineey isu gargaaraan lafarayna waaynu nahay ee sidee wax u jiraan ii sheeg.

Sadiiq:-   Runtii waa arin murugo iyo ciil badan ayadoo wadanka sidatan uu yahay ee nafta bini aaadanka noqotay waxaan micna ku fadhin ee ruuxwaliba waxaan waxba eheen lagu dilaayo anagoo og waxa sacadaan ina keeney xafadaada maahan mid fududoo aan markiiba afka soo marin karno  hasa ahaatee waxaan jeclaan lahaa inaan   bal marka hore kaaga sheekeeno tariiqdii iyo sideey wax u dheceen dhibkaa maanta in heysta inoo geestey inaan kaga sheekeeno mooyee si kale kuguma soo bandhigi karno.

Maama qaali:-  Bal labadiinaba ilin ayaa idinka socotoo indhiinii wada caseeyee  bal sideey wax u dhecen ii sheega adaa nin rag ehee bal tariiqda aad sheegeeso igaga soo bilaaw.

     Waxaa albaabka kasoo gashay qamar oo sidey shaah ey usoo karidey martidaa, markaasey aragtay labadaan qufood oo ilinta ka socoto maama qaalina ay yaaban tahay aydoon wax kalamad oron oo yaaban inteey mama qaali wejiga ka dhunkatay sida caadada u eheed qamar marwaliba ey aqalka kabaxeeso ii markeey timaado iyo markeey sexaneesaba ayadoon hooyadeed dhunkan kuma dhaqaaqdo, marrkaaseey qamar ayadoo yaaban kutiri hooyadeed

Qamar:-   Maama qaali waan iska sii yara seexanayaa ma waxaad u baahanta hoo aan kuu sameen miyaa jira oo aad ii direeso.

Maama qaali:-   Maya maama orod iska seexo waad daalantahay saakay saad u soo toostey weeyaanee.

     Markeey qamar katagtay ayaa hadalkii waxaa halkii kasii amba qaadey sadiiq

Sadiiq:-   Waxaan ku dhashay gobolka shebeelaha dhexe ee joowhar oo aan waxbara shadeydii dugsiga dhexe ku dhmeestey anigoo yar eyey waalidkeey dhinteen waxaan ka xoogsan jiray halka garawada  ukala safarta gobolada ee magalada joowhar ka dhaqaqaan waxaan in muda ah shaqadaa kujiro markii danbe waxaan bilaaway inaan gaari gawaarida ka mida oo laga leeyahay gobolka banaadir  aan kirish booy ka noqdo oo ka shaqeen jiray joowhar ilaa xamar nolosheydii waxey u soo wareegatay gobolka banaadir degmada xamar jajab.

Ninkii gariga lahaa ayaa aad iga heley oo waxuu ii kiraayay qol xafadaa ku yaalay si fiican ayaan ana shaqadeyda u gudan jiray waxaan is baranay gabadhaan ku hor fadhida ee sidatan u ilmeyneesa shekadeeniina waxey u bilawatan ii barashadeena sidatan.

DiGNIIN

 

Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen  oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie