Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

ILA QOSOL XIISO LEH

Nin ayaa reer soo martiyay wuxuuna ahaa nin caato ah ,ninkii markuu shaahii loo kariyay uu cabayo ayaa waxaa reerkii yimid nin kale oo isna marti ah,gogoshii uu ku fadhiyay ayaa lagula fadhiisiyay,ninkan dambe waxa uu ahaa nin xoog leg,markii shaahii lacabay oo inyar lajoogay ayaa waxaa loo keenay soor yaraha jilicsan oo caano aan kufilayn lagu daray,weelka loogu soo ridayna wuxuu ahaa fijaan yar oo macdan ah,fijaankii iyo wixii kujiray oo isla wada siraadsan ayaa ninba fandhaalkiisii lagalay.
Ninkii dhuubnaa markii ugu horaysay ee uu darsaday ee uu afka saaray ayuu ku dhici waayay inuu afka galiyo kulayl awgiis,inyar markuu kor uhayay ayuu hadana umohday inuu afka galiyo wuuna kudhici waayay,wuxuu fiiriyay xagii ninka waxa uuna arkay ninkii oo fandhaalkii 5aad afka galiyay markaasuu kuyidhi (War haynaga qabawdee bal ukaadi) ninkiibaa ugu jawaabay (waad edeb daran tahaye fandhaal baad haysataaye kucun) wuu iska aamusay intuba inta ka dhakhsa badane markale ayuu afka la aaday fandhaalkii markaas dambe wuu ku gubtay markaasuu dhakhso afka uga fogeeyay,hadana ninkiibuu fiiriyay saa fandhaalkiisu ma istaagayo mar kale ayuu kuyidhi (war kugu qadnaye soortu ha iga qabawdee bal fandhaalka jooji)ninkiina waxa uu ugu jawaabay (way Ay baat tahaye mar dambe hadaad ila hadasho waxa ku gaadha waad arki doontaa) ninkii intuu xanaaqay ayuu intii soorta ahayd ee kululayd ee uu fandhaalka ku hayay ayuu wajiga kaga dhuftay,dagaal ayaa foodda la is daray ninkii dhuubnaa waa laga xoog badnaaye intii kor loo qaaday ayaa lagu lagday macdankii kululaa ee soorta oo lawga loo galiyay.
Markaasuu qaylo afka ku dhuftay,reerkii ayaa soo orday oo mooday in laba nin oo col ah laysu keenay,markii la waydiiyay waxa isu geeyay ninkii xooga badnaa waxa uu reerkii usheegay in wax hore uu udhexeeyay,laakiin ninkii dhuubnaa ayaa yidhi (war wax hore nooma dhexaynin oo ismaba aanaan aqoonine intii yarayd ee aad noo keenteen ayaan isku dagaalay!)Markaas ayaa ninba qoys si hor leh loogu cunto kariyay

Waxaa soo diyaarisay jamiila CALI

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com

 

Comments  

 
+1 #1 Abdirahman 2013-01-28 01:53
Sheeko Lagu Qosla Ma Aheyn Nacam!
Quote
 
 
+1 #2 Waali 2013-03-23 15:30
Come on jamila what is the bunchline
Quote
 
 
-1 #3 Waali 2013-03-23 17:14
Jamilo yaa kuu ogolaaday inaad sheekadan Balkan ku qorto
Quote
 
 
0 #4 ozil 2013-04-02 05:52
jamilo Yaab anakaa aragnay waxan masheko ahan loo soqataa hadana wxaa sii daba yaala xiiso leh wax jira ma hin
Quote
 
 
+1 #5 Cise yusuf 2013-10-15 00:57
Waa sheko qosol badan
Quote
 

Hibaaq

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg