GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO RA'YIGA DIINTACulimada Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah, waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno amaba sharaf yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis abuurka Eebbe. Ilaah waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan waxana tusaale loo soo qaadan karaa dalka Itoobiya, ooy dumarku ciridka cagaarsadaan. Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka Fircooniga ah u ictibaareen inuu yahay shaabbadeyn, waxayna yiraahdeen waxa weeye beddelis la beddelayo abuurka Eebbe. Culimadu kolkay diidayaan gudniinka Fircooniga ah waxay daliishanayaan Aayado Qur'aan ah oo fara badan ayna kamid yihiin:
(Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyey)
(Waa abuurka Eebbe uu dadka ku abuuray wax abuurka Eebbe beddeli karaana ma jiraan). (Wuuna idin sawiray dadoow suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqonayaa "Aakhiro").
(Waana "Eebbe" kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana dad ka deeqtoone xikmad badan).
(Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).
(Wax kasta waxaynu ku abuurnay qiyaas "go'an oon isbeddelin").
(Dadoow maxaa kugu diray Eebbahaaga sharafta leh ee ku abuuray, ku ekeysiiyey kuna simay, siduu doonana kuu sameeyey).
(Waxa uu "Sheydaan" yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii "Eebbe ka sokow" sheydaan talo saartana khasaare cad buu khasaaray). Haddaba goynta qayb jirka ka tirsan oo nabad qabtaa waxay kahor imaanaysaa dhammaan Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay. Waxaba ugu siid daran Aayadda ugu dambaysa oo qofka dhegaha xoolaha jeexjeexaya ku tilmaantay qof abuurka Alle beddelaya shaydaanna ka amar qaata. Haddaba mar haddiiba dhegihii xoolaha jeexjeexiddooda shaydaan lagu adeecayo, miyaanay taas kasii dembi badnayn in jir bani'aadam oo aan jirranayn la jarjaro?. Ninka oggolaada in inantiisa qaabkaas aan ka soo sheekeynay loo gudo, diinta Islaamka waa uu ku lacnadan yahay, waxana uu geystay dembi kamid ah Kabaa'irta aanu Eebbe cafin, waa siday culimadu go'aamiyeene. Waxa kaa lamid ah hooyada raalli ka noqota, gowraca gabadheeda iyo islaanta dhiigya cabka ah ee iyadu shaqo ka dhigatay inay dumarkeenna ka disho dareenkii dumarnimo ee Ilaahood ugu deeqay. Dadka qaar aan xilkas ahayn baa ku dooda in gudniinka Fircooniga ahi dumarka dhowrsanaan u kordhinayo. Haddaba hadduu arrinku sidaa yahay, muxuu Eebbe u abuuri waayey haweenku iyagoon lahayn xubnahaa laga xayuubinayo?. Miyaanu Eebbe oran Insaanka waxan ku abuuray suurad tan ugu wanaagsan?. Mise suurad Ilaah sameeyey baa cid kale toosin uga baahan?. Dalkeenna waxa sanad kasta lagu dib gooyaa kumanaan dumar ah iyadoo loo adeegsanayo magaca Eebbe, waxana la marsiiyaa cadaab iyo xanuun ay dunida ku arkaan kan ugu daran. Haddaba haddaynu Soomaali nahay waxa nala gudboon in aynu joojinno jariimada iyo dhiigga sabab la'aanta looga daadiyo dumarkeenna oo soo jiitamayey muddo qarniyaal ah.
Maqaalkaan waxan kusoo afjarayaa Buraambur ay tirisay gabar Soomaaliyeed oo ka dhiidhinaysa gudniinka Fircooniga ah, kuna boorrinaysa dumarka inay u hub qaataan dabargoynta caadadaasi xun een dhaawac mooyee dheef kale lahayn:
Haddaad Gabadhiinnii Soomaaliyeey guddaan. Gerweyn waxad mooddo iyo galeef uqaadataan. Hadduu gobo' leeyo dhiiggeedu goor walbaba. Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha. Haddaad gabdhiinnii guurkeedi dhaawacdaan. Ood ka wada gooysaan cadkii gaarka u ahaa. Ooysan gacal moodin kii caawa loo gelbiyo. Wuxuu ugudaayoo u galaaba aysan garan. Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha. War goob kastood joogtaan dumarow soo gurmada. Dagaal dabargoyn gudniin u soo wada guntada. Gefkaa joojiya ku dhaha gaarsiiya guri walbaba. Oo ka guulkeenoo ka gungaara waxaan gurracan.
TIXRAAC BUUG
1- Xukunka Sharciga ah ee Gudniinka Ragga iyo Dumarka Dr. Maxamed Bin Ludfi As-Sabbaaq. 2- Gudniinka Ragga iyo Dumarka ee diinaha Yuhuudda, masiixiyiinta iyo Islaamka Dr. Saami Cawad Ad-Diib.
|