|
Lixda qodob ee muhiimka u ah inaad caafimaad buuxa hesho(Qaybtii 3aad) Si qofku u helo caafimaad wuxuu u baahan yahay inuu ku baraarugsanaado muhimada ay leeyihiin lixda qodob ee hoos ku qoran: Lixdan qodob waa isku xiran yihiin. Markii mid xaalkiisu xumaado kuwa kalana waa saameynayaa. Tusaale, markii uu is dhimo ama bato heerka sonkorta dhiiga la socota taas oo laga yaabo iney keentay sonkor badan oo aad qaadatay ama waxa la yiraahdo Starchy food, ama aad ka shaqeyso shaqo dhib badan, ama aadan xarakaad (exercise) sameyn, waxaa dhici karta in wax u dhinmaan hoormoonkaaga taas oo haddana wax u dhimeysa dhambaal-sidayaasha misgaxda (brain’s neurotransmitters balance). Waxaa wanaagsan in la yareeyo ama la iska daayo sonkorta la cabo iyo tan cuntooyinka qaarkood ku jirtaba iyo saliidaha qaarkood oo sare u qaada xanuunada wadnaha iyo miskaxda. Waxaa ayana muhiim ah qofku inuu yareysto cunida hilibka loo yaqaan Red Meat oo uu badsado kalluunka iyo digaaga kuwaas oo baruurta dhibka keentaa ay ku yar tahay. Qodobka labaad haddii aan soo qaadano, waxaa loo baahan yahay in qofku cuno cunto isu dheelitiran oo qaybaha kala duwan ee cuntada oo dhammi ay ku jiraan. Cuntooyinka kuwa ugu muhimsan waa khudaarta cagaaran oo aan aad loo Karin ama sideeda lagu cuno iyo fawaakihda (Fruits). Labadan waa laga helaa wax la yiraahdo Antioxidants oo ah waxyaabaha jirku uga hortago jeermiga ama suntan cudurada keena. Haddii uu helikaro waa inuu cunaa cunto aan sun (chemicals) xambaarsanayn. Taa waxaa loo jeedaa waa cunto organic ah. Jirka dadkeena ku nool waddamada Europe iyo North America waxaa markasta jirkooda galaya ama ku dhacaya sun farabadan oo ka imaaneysa cuntada aan organic(ga) ahayn, biyaha la cabayo ama lagu qubeysanayo oo chlorine ku jiro iyo sunta degaanka (environmental Pollution). Suntaas waxay keeneysaa in difaac jirku hoos u dhaco. Mar haddii difaaca jirku hoos u dhacana waxaa imaanaya xanuun. Marka qofku si uu caafimaad u helo waa inuu ku dadaalo sidii jirkiisa uu uga sifeynlahaa suntaas. Wuxuuna isticmaali karaa waxyaabo dabiici ah oo laga sameeyey dhirta aynu naqaano. Tusaale, markii aad rabto inaad suntan jirka ka sifeyso waxaad qaadan kartaa alaab laga sameeyey dacarteenii oo kala ah cabitaan, careme ama waxyaabo lagu qubeysto. Tijaabooyin la sameeyey waxaa la ogaaday in dhacaanka Dacarta ay ku jiraan 75 nooc oo nafaqooyin ah oo isugu jira Vitamins, Minerals, Amino Acids, Enzymes, Saponins & long chain sugar molecules kuwaas oo la mid ah nafaqooyinka aan ka helno cuntooyinka wanaagsan ee aynu cunno. Dacartu waxay kor u qaadaa difaaca jirka, waxayna la dagaalantaa bararka jirka ku jira. Waxay kalo hagaajisaa hormones(ka) muhiimka u ah caafimaadka iyo taranka dadka. Dad xanuuno kala duwan qabay aanu siinay alle mahadi way ku caafimaadeen. Cuduradaas waxaa ka mid ah Liver Cancer, Uterus cancer, Fibroids, Gastritis, Eczema, Hormone & digestive problems. Waxaa diyaariyey: |




































