|
Qiso ku socota Gabdhaha Xaasaska ah
Qisadaan aniga ma qorin lkn run'aantii aad baan uga helay waana wax marwalba dhaca.
Qiso ku socota Gabdhaha Xaasaska leh Waasheeko xanbaarsan layaab & Xikmadba Gabar xaas ah ayaa waxay maalin u tagtay nin caalim ah iyadoo u qabta in uu Sixirka yaqaan, markaasay waxay ka codsatay in uu u Sixro ninkeeda si uu u jeclaado oo uusan waligeed u nicin. Ninkii Caalimka ahaa ayaa ku yirri: waa yeelayaa laakiin Arintaasi waxay u baahan hawl adage e ma ka bixi kartaa???. Gabadhii waxay lasoo booday : haa Hawl kasta oo suurta galinaya arintaas waan qabanayaa.
Ninkii Caalimka ahaa wuxu ku yiri: Ok arintaasi waxay ku suurta galaysaa adigoo ii keena tin laga soo gooyey Qoorta Libaaxa. Gabadhii ayaa Tiri: Libaaax aaaaaaaa!!!!!???? Ninkii ayaa yiri: Haa, hadii kale lama qaban karo Hawshaas. Gabadhii ayaa Tiri: oo side ugu dhawaan karaa libaaxaas dad cunka ah naftayda ayaanba uga baqayaaye, ma jirto miyaa qaab kale oo ka sahlan sidaas shiikhow??? Ninkii ayaa yiri: Maya, ma jirto qaab kale oo arintaasi ku suurta galayso oo aan ahayn in aad keento tin libaax oo waliba laga soo jaray Qoortiisa. Gabadhii way iska tagtay iyadoo Niyad jabsan oo ku fakaraysa sidii ay ku heli lahayd tintaas hortaagan jaceylka Ninkeeda, waxay bilowday in ay la tashato dadka aadka u yaqaan libaaxa, waxayna u sheegen in libaaxu uu wax cuno marka uu gaajoodo laakin hadii uu dharagsanyahay uusan waxba cunin. Fikradaasi way ku qanacday waxayna aaday kaynta, waxayna bilowday in libaaxa u tuurto Hilib ay usoo qaaday, kadibna ay ka fogaato. Waxay muddo ku jirto in ay maalin walba libaaxa Hilib u tuurto oo ay usoo dhawaato maalinba maalinta ka danbaysa ilaa markii danbe uu libaaxi uu ku kalsoonaaday oo uu ogaaday in ay jeceshahay oo uu noqday libaax marabi ah oo dad la nool ah, markay aragtay in libaaxii uusan gacan saarayn ayey madaxa u salaaxday oo si tartiib ah ay tintii uga jartay Qoortii Libaaxa.
Markay gacanta ku dhigtay Tintii ayey u carartay Gurigii Ninkii Caalimka ahaa iyadoo aad u faraxsan oo rajo fiican ka qabta in ay hanan doonto Qalbiga Ninkeeda, markii uu arkay Ninki Tintii ayuu waydiiyey side ku heshay tinta??, gabadhii waxay uga sheekaysi sidii ay ku kasbatay Qalbiga libaaxa iyo sidii ay cunada u siin jirtay oo ugu abuurtay kalsoonida.
Ninkii Wuxu ku yiri Gabadhi: ((( Walaal Ninkaagu Kama Khatarsana Libaaxa, sidaad Libaaxa ku Samaysay ee aad u heshay kalsoonidiisa iyo sidaad Bahalkaas dad cunka ah aad Qalbigiisa u kasbatay oo aad u dharjisay markuu gaajooday ku samee Ninkaaga Waad kasbanaysa Qalbigiisee)))). Gabadhii iyadoo aad ugu Qanacsan Fikradaas Saliimka ayey ku laabatay Gurigeedii
WIXII FAAH FAAHINA NAGaLa SOO XIRIIR
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
|