mana dhudi

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

Cunto Karis

Ali Sufi Home Academy

Ugargaara Qoyskan

Dadka Tabarta Yar

Kutubeey

Caawi Bukaankan

Waqtiyada Salada

Jidka Janada

caawicunugaan

 E-mail

Dumarka somalida & kaalinta ay kuleyihiin horumarinta bulshada

Ilaah umadiisa marka uu abuurayay wuxuu ka kala dhigay rag iyo dumar , labaduna wuxuu ilaah saaray xil aad u wayn oo ah in ay alle caabudaan , koon kan aynu joognana camiraan , looma kala soocin oo lama oran raga unbaa u xilsaaran in ay koonka / dunida camiraan ee si wada jir ah ayaa loogu xilsaaray. Dumarka somalida xilkaa alle uu saaray ayaga oo gudanaya ayaa waxay ka qeyb qataan horumarinta bulshada qeebaheeda kala duwan ,

waxaaba la dhihi karaa raga somalida ayaga ayaaba kaga faradhuuban arintaas , raga somalida in tooda badan waxay ka qeyb qateen burburinta wadankeena halka ay ka hormarin lahayeen . Dumarka somalida waxay noqdeen 20 sano ee la soo dhaafay laf dhabarka dhaqalaha wadanka. Waxaad arkaysaa hooyo ama walal gelina wax soosaareeso gelina ubadkeeda bar baarineeso , laga yaabo markaa ilmaha aabahooda uu jaad cunaayo ama fadhi ku dirirka fadhiyo, ama uu ka shaqeynayo burburinta wadanka .ayadana ay ka shaqeyneso dhisida iyo harumarinta wadanka Dumarka somalida waxay noqdeen kuwa ka shaqeya is kaashiga iyo is garab qabsiga , iyo saacidaadka dadka dhibaateesan , taa waxaa cadayn u ah ,gacanta wanaagsan ee ay ka geesanayaan walaalaheena dibadda iyo gudahaba ku nool sida ay wax ugu qabanayaan walaalahooda ku dhibaateesan wadanka gudahiisa, waxaad maqlaysaa waxaa deeqdan dhaqaale soo gaarsiiyay dhibanahaan ama dadkan tabaaleesan gabdho jooga wadankaas . usa , uk , holan. Iswedan .

 

danmark .canada iyo caalamka intiisa kale xitaa kuwa caraba jooga ,,, qeer badan alah siiyee. Dumarka somalida waxay noqdeen kuwa raga ku booriya in ay wadanka dejiyaan oo ay joojiyaan debka ay shidayaan , Dumarka somalida , waxay naf iyo maalba u huraan sida uu wadanka ku degi lahaa , nabadda loogu soo dabaale lahaa ,kaalintoodana uga qadan lahayeen arintaas , Dumarka somalida waxay habeen iyo maalin ku hoolanyihiin sida ay u soo saari lahayeen ubad wanaagsan , jacel dadkiisa iyo dalkiisa naftiisana wax tara ,,,, waxaad arkeesaa dumar badan oo caruurtooda kala soo cararay wadamada reer galbeedka oo caruurtooda ku haya wadamaha carabtasi ay u badkooda u bartaan diintooda toosan , dumarka soomalida arintaas ayaga oo samaynaya waxay ka tanaazuleen xaqoodda asaasiga ahaa ee ay ku lahayeen ragooda ,waayo waxaa laga yabaa in ay san ragooda arkin dhowr bil . dumarka somalida waxay noqdeen hooyo iyo aabo , waxay qabtaan wax yaabo badan oo raga laga rabay in ay qabtaan . sida barbaarinta caruurta ,

wax soo saarka nolosha , ka shaqeynta nabadda , amaan sugidda ,wax barashada . dumarka somalida xilkaas oo dhan ayaga oo gudanaya ayaa hadadana la,liidaa oo waxaa rag badan aaminsanyihiin in dumarka raga ay ka liitaan oo ay u baahanyihiin daryeel gooni ah , lama siiyo xaqooda oo dhamays tiran .xitaa isku mid looma wada bar baariyo wiilasha iyo gebdhaha ,

 

daraaso aan sameyay oo welina dhax ah ayaa waxaa iga soo baxay dhowr arin oo kala ah 1-in 76.1% qosaska aan darasada ku sameyay oo dhamaa 226 qos oo ku dhaqan magalada qaahira , aysan isku mid ula tacaamulin wiilasha iyo gabhaha 2- 70.8% ay aaminsan yihiin in ay gabadha raga ka liidato oo ay u baahan tahay daryeel gooni ah 3- in 21.7% ee ka mid ah qosaska aan darasada ku sameyay ay aaminsan yihiinba in isku mid aan loolawada dhaqmin wiilasha iyo gabhaha ayba waajib tahay Natiijooyinkaa iyo kuwa kale oo badanba aan halkaan aan ku soo koobi Karin waayo ma rabo in aan ka hor dhaco natiijada guud ,iyo ula jedada guud ee darasada , waxay cadaynayaan in somaalida ay weli qadarinayaa raga oo ay weli daresaneen wax qabadka dumarka somalida. Waxaan ka codsanayaa wax garadka iyo aqoonyahanada soomaliyeed in ay sameyaan wacyi gelin ku saabsan arintaas ,oo ay la dagalamaan arinta kala sooca ah .

 

c/wahab ali mumin

 

fadlan caawi

Sahro U gargaara

Testing of right sie