Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

 

”Noloshu waa jaceyl, Jaceylkuna waa Nolol!'

 
Cabdinaasir Macalin: Dawadii naftaydaay, dadka taan ka doortaay. Soo in aan ku daawadu dal dheer uguma soo kecin, dumar ha igu noqonin, sida aan kaaga daba dhacay waa in aad ii daryeeshaa....! waabn kaa danyeebee, goor waxaan iraahdaa, duni lama amanee dahab waaye gabadhuyee!'
Waa suaal furan muran badanna bulsha kasta ka dhex kicisay. Waxaasa marqaati laga wada noqday ineey tahay suaal adag. Qofta ka soo bixi karta ama nolosheeda/noloshiis jaceyl iyo tan guur oo ugu horeeysa ka dhiga karta mid waarta ay tahay qof qof dhaaftay oo aan agteeda/agtiisa la mari karin marnaba. Waxaa xaqiiqa ah oo jirta in jaceyl oo dhan runtiisa iyo beentisa aan laga sal gaari karin guurka ka hor. Taas oo aan kaga danleeyahay jaceyl guur kadib ayuu yimaadaa! Inta ka horeeysa waa malo oo kale ah. Waxaa jiraan waxyaabo u ah laf dhabar hadii la rabo in jaceyl iyo nolol guur laga miro dhaliyo. waxaana ka mid ah kuwaas, kalsoonida, wada-hadalka, wada-tashiga, daacadnimada iyo runta la isku sheego markast.  Is maqalka iyo isku naxida waa wax aan ayagana laga maarmin. Iska ilaalsha waxbaayaba shakiga iyo kalsoonidarada dhaliya. Dadka wararkooda aan micnaha laheeyn yaanan laisku murmin wax aan aheeyn xaqiiqo la hubo oo aad labadaada indhood ku aragtay ama labadaada dhagood ku maqashay maahane wax kale jaceylkaaga ha ula imaanin hana kula dagaalin waligaa. Hadii aad xataa xanaaqsanatahay u fiirso waqti fiican oo qoftaan ay kaaga dhuuxi karto waxa aad rabtid in aad u sheegtid, isla markaasna si caadi ah oo qalad kale lagaaga dareemi karin wax ugu sheeg si wax u saxmaan. Laakiin waligaa wax qalbigaaga dhibaayo, oo aad ogtahay in aad ku dhumin kartid kalsoonida aad u heeysid jaceylkaaga in aad ka qarisid iska ilaali hadii aad isla joogtaan waxaa waajib ah inuu dareemo/dareento waxa kaa qaldan. Hadiisa aad kala maqantihiin waa in aad adiga waxa aad ku tuhunsantahay sheegtid. Tan kale iska ilaali in aad jaceylkaaga u aruurisid waxii oo qalad sameeyay si aad hal maalin ugu qaadid. Waxaan ula jeedaa wixii la soo dhaafay waa la soo dhaafay iska hilmaan... maba ahan in aad sheegtid wixii lagu sameeyay oo dhan maalinka aad qaraxdid oo aad adkeeysan weeysid. Qaraxaas iyo dhibaatadaas waxaad kaga fakan kartaa in aad qalad walba markii lagugu sameeyay aad saxdid oo aad qoftaan waxa aad u qabtid u sheegtid, markii lagaa qanciyane in aadna soo qaadin warkaas mardanbanee inta aad noolshay, aan afkaaga laga maqlin, xataa sheeko iska caadi ah uusan ku imaanin warkaas!

Waxaan jecleeystay in aan halkaan ku soo bandhigo toban waxyaalo oo markasta lagu badbaadin karo jaceylka lamaanaha, laguna waraabin karo si oo u saaidi jaceylka ay isku haayaan labada is qabo iyo kuwa weli diyaariska ku jira,
waxeeyna kala yihiin sidaan:
1. Is xasuusinta Illaah. In aad adiga iyo qofka aad nolosha wadaageeysaan aad Illaah isa soo xasuusisaan, iska dukataan, Illaah isku baridaan waa wax aad u wanaagsan, gargaarka Illaahna markii dhibaato dhexdiina imaato si degdeg ah ayuu inkugu soo gaari doono. Is xasuusta Rabi waxeey dejisaa qalbiyada, waxeeyna qalbiga biliaandanka gelisaa naxariis, jaceyl iyo kalsooni oo Illaah iyo qaddartiisa ku qabo. Isla markaas qofka Illaah ayuu u mahadcelshaa, asigoo ku faraxsanahay nolosha oo adiga kula noolyahay. Ka waran hadii ay xaaskaaga/ninkaaga kuu kiciso/wargeliso salaad kasta, ayadoo si naxariis leh kaaga codsaneysa in aad hurada ka kacdo, ama shaqada aad heeysid aad daqiiqadu Illaah dartiis u joojiso? ma ilbiriqsi ka macaan ayaa nolosha kugu soo mari lahaa? Labada qofood oo isjecel hadii ay noqdan waxa ay ka fekraan noloshooda adduunkaan oo kale ah waxaa deriskooda noqon doona SHAYDAAN, waxuuna ka shaqeeynaa sida oo iskugu deri lahaa, oo gurigooda u guban lahaa, wax damiyana loo weeyn lahaa. Bal adiga feker maxaad XAYAWAANKA dhantaa markaad fekerkaaga iyo rabitaankaga ku soo koobtid, shaqadii laga heli lahaa lacagtii guriga iyo raashinka la cuni lahaa iyo meeshaad shahwada/jirka baahidiisa ku gudan laheeyd (Galmo)? WAXBANE! Xayawaanka ayaaba kaa fiican adiga ileen Illaah xayawaanka aqli ma siinin, masuuliyadna kama saarin naftiisa iyo cidkalaba!
Illaah is xasuusiya markaad barwaaqeysantihiin si Illaah idinku gargaaro, oo idin soo xasuusto markaad dhibaateysantihiin oo aad u baahantihiin gargaarkiisa!
2. Waqti: Waxaa muhiim ah in lamaana kasta ay helaan waqti haba yaraadii ay ayaga kaligood isla qaataan. Waqti ay kaga hadlaan waxa ku soo kordhay reerkooda/caruurtooda, bulshadooda iyo dareenkooda shaqsiga ah. Waqti ay kaga wada hadlaan sida ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka nolol maalmeedka la socda, kadibna kaga wada shaqeeyaan. Jaceyl waxaan iri waa wax la waraabsho, maxeeysa yihiin ma taqaanaa waxa lagu waraarsho? FICIL WANAAGSAN iyo ERAY MACAAN! Ma jiro qof buuxin karo baahida noolaha, balsa ficil wanaagsan iyo eray macaan waxaa lagu buuxin karaa baahida qalbiga/maskaxda. Si aad ugu sameeysid qofka aad jeceshahay wax wanaagsan waxaad u baahantahay WAQTI! si aad ugu sheegtid qofka aad jeceshahay wanaaga, naxariista, kalsoonida, jaceylka, dhiirigelinta iyo wax qabadka hagar la'aanta ah oo idin dhaxeeya, uguna mahadcelisid waxaad u bahaantahay WAQTI!. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inuu jiro waqti aan dan kale la iska laheeyn, laakiin la is dhaafsado erayo macaan si qalbigu u dego, uguna qanco waxa aad u tahay asiga/ayada. Waqti la'aan waa cadawga iyo dilaaga LAMAANAHA ISJECEL! Markaad afar iyo labaatanka saac ee maalinta iyo habeenka ka koobanyihiin aad ka noqotid mashquul qofka aad jeceshahay, waxaad u sheegee ama aad bixinee calaamadu dhahaa adigoonana is ogeen: Waan kaa dal gedistay! ma ihid qof muteysatay in agteeda waqti lagu dhumiyo! kuuma baahni.. waan kaa maarmay adiga... Illaahaa badshay wax kaa fiican oo aan jeclaan karo, waqtina la qaadan karo!' adoonan waxba ka ogeen, oo is mooda in aad tahay kii/tii shalay la doortay ayaad ka war helee qofkii oo go'aan kaa qaatay, diyaarna u ah inuu noloshiisa kaligiis qaato! Markaas ayaana waagu kugu baryi doonaa, laakiin nasiib darro aad ayaad u soo dib dhacday, oo kaaga daranta aadna waxba ka qaban karin xataa hadaad isku daydo in aad isa saxdid weey adkaanee, oo qofka biliaadaanka ah qalbigiisu waa DACIIF, wax aadna adiga moodin in ay micnu leeyihiin ayuuna ku dudumaa, uguna burburaa sida koob istaaga meel shamiita ah looga soo tuuray oo kale. Waxaa la dhahaa qalbigu waa dhalo, hadii oo dhulka ku dhacdane sida lagu hagaajiyo ama suuradeedii hore loogu soo celsho waa mustaxiil aan macquul aheeyn, welina ma dhicin in dhalo jabtay suuradeedii lagu celshay! waxaan ku darsanaa anigane:' Weey adagtahay sida qalbiga lagu hanto, laakiin weey fududahay sida qalbi lagu waayo!' Sidaas darteed isku day in aad lamaanaha nolosha ku kalsoonaatid, waqtigaanae u quurtid.
3. Warqad: qoraal waxuu xinbaarsanyahay, una sheegaa qofka aqrinaa wax uusan afka/codka u sheegi karin, maqalkuna markay maqlaayaan sida saxda ah u dareemi karin erayga lagu yiri micnahiisa. Markaad warqad jaceyl aad u qoreysid qofka aad jeceshahay, waxaa laga yaabaa in adiga erayadu miisaan weeyn kula laheeyn, macaanka iyo quruxda ay aqrista qalbigiisa, indhahiisa iyo maskaxdiisa ku reebi doonaani adiga marnaba kugu reebin. Markay qofkaan aqrineyso warqadaan, waxeey dareentaa nabad gelyo nafsi ah, waxeey ku celcelisaa aqriska warqada, oo hal mar iyo laba mar kuma filno, markastane oo ay aqrineysane xasuus iyo micno cusub ayeey ka dhex aragtaa warqada, kala maqnaasho iyo kala fugaansho kastane waa hilmaansiisaa qalbiga qofta, naftuna daawo iyo difaac weeyn ayeey ka dhigataa. Sidaas darteed aqriste waa qayb ka mid ah badbaadada jaceylkaaga DHANBAALKA JACEYLA/WARQADA! ee ku dadaal in aad qortid, adigoo miir qaba, oo faraxsanan!!
4. Hadiyad: In aad wax u soo gadid qofka aad jeceshahay, waa wax muhiim ah, waana lagaaga baahanyahay, oo qofka in aad wax siisid waa wax weeyn oo wanaaga iyo jaceylkaaga ka turjumaa. Taas waxaa ku tusi karo xadiiskii Rasuulka S.C.W oo nagula dardarmaayay in aan wax isku hadiyeeyno si aan isku jeclaano, oo hadiyado jaceylka ayeey saaidisaa markasta. Looma baahno in hadiyado qaali ahaato, waxeey noqon kartaa waxa wax ugu yar, ugu raqiisan, laakiin muhiimku waa in aad sheegtid in waxaan yihiin HADIYAD. Intaas waxaa dheer in aad hadiyadu gaar ah keentid maalmaha qaas u ah bulshada muslimka ah, iyo kuwiina adinka famil ahaan qaaska idinku ah. Hadii ay tahay ayada/asiga hilmaamay oo ka mashquulay waa in aad adiga soo xasuusid, oo aadna ka sugin qofka kale markasta.
5. Martiqaad: dabcan waxaad hada la yaabee sida aad u martiqaadeysid qof aad guri ku wada nooshihiin maahan? Martiqaad waxaan ka wadaa in maalinka qofkaan dhashay, maalinka aad is barateen, maalinka aad is guursateen, maalinka xaaskaaga ay yeelatay uurka ilmahiina kuwood, waa in aad adiga maalinkaas qaddo ama casho la yaab leh sameeysid, oo raashin macaan oo aan horay indho looga qaadin aad diyaarisid. Isla markaas aad warqad ugu qortid oo u dirtid qofka amaba tusaale kale aad ku martiqaadid adigoo sheegaa sababta martiqaadkaaga in aad maqaayad ku martiqaadid. Xaas ayada markasta raashinka diyarisa waxaa muhiim ah in ay maalinkaas guriga iyo alaabtiisa, khaas ahaan qolka jiifka, iyo labiskeeda ay bedesho. Isla markaasna raashin aysan weli horay u sameeynin ay sameeyo, si ay kala duwanaashaha maalmaha caadiga ah iyo maalinkaan u muujiso.Tan kale oo martiqaadkaan halka maalin ah kasii macaan waxeey tahay in qofka aad ku wargelisid in aad aadeeysaan dalxiis hal asbuuc ah, markii ay shaqada iyo iskuulaadka wada xiranyihiin. (khaas ahaan jaaniskaan waxaan u doorbidi lahaa Ragga, oo ayaga inta badan aan awoodin waxyaabaha kale si ay farxoodo ama kalsoonida xaasaskooda ku qabaan ay joogto u ahaato).
6. Sawiro: In aad isku aruurisid sawiradiina khaaska ah oo aad wada gasheen, kuwa familkeeda/familkiisa, ilmahiina iyo saaxiibadiina waa muhiim hal mar. Laakiin in aad ka dooratid kuwooda ugu qurxoon oo aad adinka ka dhex muuqatiin, kuwa meherkiinii, arooskiinii, dalxiiskii aad wada aadeen sawiro ka yimid, iyo xafladihii gaarka idin ahaa sawiradii aad gasheen in aad hal albun u sameeysid oo aad u dirtid qayb ka mid ah qofka waxeey ku abuuri kartaa dareen weeyn oo tusaayo in jaceylka la sheegaayaba hada bilawday sababta xasuuska sawirada dartood, iyo waliba qofka soo diray oo loo qaado jaceyl kii hore ka weeyn kana macaan, oo abaal weeyn ayuu u arkaa qofka fiirsaday sawirada sida qurxoon oo micnaha leh la iskugu sameeyay.
7. Ubax: Ubax waa geed yar, qarkooda caraf saaid ah ayeey leeyihiin. Laakiin noocayada ama midiba ubaxa qofwalba loo geeyo micno gooni ah ayuu leeyahay. Ulajeedadaydu waxeey tahay in labada qof oo is jecel ay doortaan ubaxa gaduudan, oo leh midibka inteena badan u yeeli lahaayeen jaceyl iyo wadnaha oo gaduudka ah. Ubaxaas gaduudka ah uguma qiima ahan ubaxyada kale qofka lo diraayo, waxeeyna la midtahay in aad qofka dhegta ugu sheegtay:'Waan ku jeclahay, waligayna adigaan oo kali ah ayaan jeclaan doonaa!' Qofka ubaxa loo geeyay maantay oo dhan weey carafsataa, fiirsataa marba meel u jeedisaa, khaas ahaan kuwooda aan aheeyn sameeyska micnaha u baahan in la waraabiyo ayaa si daran oo qofka micno ugu sameeyn karo, maxaayeelay qolkiisa jiifka ama fadhigiisa ayuu dhinac ka dhigaa, subax kasta markuu soo kacana waraabiyaa, si uusan ugu dhimanin ubaxaan quruxdiisa iyo micnahiisa asiga/ayada ka weeynyihiin. Adiga oo ah soo diranaha waad fahmi kartaa, markii ubaxaas qofkaan indhahiisa ku dhaco adiga ayuuba kuu moodaa.
8. Xariirinta familkeeda/familkiisa: In aad la hadashid, hadiyadane u dirtid ninkaaga hooyadiis, gabadhaha la dhashay, aabahiis iyo waalahiisa asigoonan ogeen, kadibna aad kaga war bixisay waxaad kala kulantahay reerkiisii farxad weeyn oo lama filaan ah ayeey ku sameeysaa, si uu xataa kuugu mahadcelsho ama wax uu kuugu abaal gudu ma garanaayo markaas. Maxaayeelay waxuu dareemaa in aad tahay qof matali karta, booskiisa meesha uu ka maqanyahay buuxin karta. Ninkaaga hooyadiis markaad wacdid ama hadiyad u dirtid waxeey kugu soo xasuusanee wiilkeedii, waana u duceeynee wiilka iyo adiga maxaayeelay qof jecel oo wanaag iyo waxqabad leh ayuu u keenay sidoo kale familka intiisa kale waa lagaa dhex arkaa, asigane waxuuba ku farxaa in ay kuu jeclaadeen sida uu kuu jecelyahay oo kale, oo guul oo ku faani karo ayuu ka gaaray nolosha. Meesha kan aan xaaskiisa waligeed in ay wacdo oo hadiyado ku dirto iska dhaafi aysan salaamin inuu asiga ka dalbo maahane oo ninkaas u maseeri doono, kana shalaayi doono qofta xun oo qoorta gashtay. Sidoo kale ninka markuu gabadha waalidkeeda, iyo waalaheed iyo qofwalba oo magaceeda ku timid oo xariiriya, oo ula dhaqmo si wanaagsan, isla markaasna wanaaga ninkeeda gabadha magaalada looga sheekeeytso, waa u farxad, oo waxwalba oo kale micno weeyn uma lahan, waxeeyna isku sheegtaa inay heshay nin ay nafteeda iyo waxwalba ku aamini karto. Mida aan dad badan ku baraarujinaa oo ay hilmaanaa ayaa ah saaxiibada labada qofood, waxaa laga rabaa qof walba oo ka mid ah in qofka kale dadkii oo asiga/ ayada ka hor la ahaa saaxiibka in ay so dhaweeyso, sidoo kale martiqaad guriga ugu sameeyso/sameeyo qofka oo aan ka war heeynin, oo farxad aadna fileeynin hadii aad la kulantid adba waad ogatahay sida aad u dhaqantid, qosol iyo farxad nafsi iyo qalbi wada ah iskula dareentid.
9. Bugaag/filim: Waa in labada qofood qofwalba oo ka mid ah jaceylka waraabiyo, waxaana markaas ka mid noqon karo in qof inka mid ah waqtgiina firaaqada ah oo u aqriyo qof kale buug ku saabsan nolosha aad adinka ku jirtiin, oo ah tan jaceyl, ama cajilad filim ah aad wada daawataan. Natiijada quruxda badan oo ka imaan doonto waxa ay tahay dhageeysi buuga jaceyl, oo waliba lagu aqrinaa codkii dhegahaaga ka doorteen waxa cod la maqlo iyo fiirsiga filimka jaceyl waan wada ognahay ayaan filaa!
10. Is amaana iyo isku kalsoonaanta: waxaa ayadane muhiim ah in lamaanaha is qaba ay noqdaan kuwa is amaana, isdhiirigeliya, is taageera, xaalad walba oo qofka kale ku jirane ku kalsoon, oo u noqdo qof tuso karo in xaaladaan laga baxaa. Waxaa muhiim ah in aad qofka kalsooni ku abuuri kartid martki oo rajo dhigo, awoodiisa shaqsiga ah iyo dadaalkiisa wanaagsanne aad soo xasuusin kartid. Sidoo kale in aad tahay qof qiran karo qaladkiisa, raali gelin ka bixin karo danbiga oo galay, iyo waxa looga fiicanyahay oo qofka lamaanahiisa ah kaga horeeyane inuu ogyahay, oo ku amaani karo, kuna dhiirigelin karo inuu horay u sii socdo, natiijo qurxeene ka keeno waa in aad tahay.Waxaan ogahay in lamaanaha is qaba oo soomaalida ah in ay yihiin kuwa inta badan aan luuqada isticmaalin, erayo macaan iyo waliba taageero naxariis iyo kalgaceel ka muuqata isa siisin, oo waxaan dhihi karnaa taas waxeey ka timid bulshadeena oo aan istusin, qaarkoodan ceeb u arkaan in ay sheegaan waxa qalbiyadooda ku jira, dareenka oo rabo ha ahaadee. Sidaas darteed aad baan kaaga waaninaa, kuuguna sheegaa in aad isticmaashid luuqadaada qaniga ah, oo aad u sheegtid lamanaahagaa dareenkaaga iyo aragtidaada markasta. Kuna dhiirigelisisd waxwalba oo ah horumarka familkiina, iyo naftiinaba.
Waxaan rajeeynaa in ay anfacdo dhamaan aqristayaasha baaritaankaan aan inta badan ugu maqnaa dartood, oo aan xaqiiqa ahaan arkay in dadka jaceylka iiga horeeyay iyo kuwa jaceylkooda iyo guurkoodaba oo ku badbaaday ay sida wanaagsan u isticmaaleen. Qisooyinka aan soo qaatay, iyo qoraalkaan waxyaabaha ku jira waa xaqiiqooyin la arkay, oo aan aheeyn wax la soo alifay, ama maskax qoraa ka soo maaxay. Mahad dhamaanteed Rabi Raxmaan baa iska leh, oo aan kaga mahadcelinaa sida oo shaqadaan iigu fududeeyay, iiguna qaddaray in aan soo bandhigo. Waxaan mahad balaaran u diraa dhamaan websiteyada ka qayb qaatay soo bandhiga sheekadaan. Sidoo kale waxaan mahad weeyn ugu celinaa dhamaan saxayaashii iyo asaxaabtii igu dhiirigeliyay qoraalkaan. Aqristaha shafarta badana waxaan kaga mahadcelinaa dulqaadka oo muujiyay, iyo waliba kuwa sida joogtada ah ula socon jiray isla markaasna i soo diri jiray aragtidooda ku aadan qooraalka, sixina jiray qaladkayga. waad Mahadsantihiin!! Waxaan ku soo gabagabeeynaa Jaceyl waa ubax baxaa, oo carfoon, waxaana caraftiisa carfin karo qofkii waraabiyo. Waxaana jaceyl lagu waraabiya aqriste Erayga Macaan, wada-hadal aan qofna lagu xaqireeynin ee u dhaxeeya lamaane is qaba/ isku diyaarinaa in ay is Hantaan, daacadnimada, kalsoonida nafsiga, qalbiga nadiifkaa, naxariista, qaalasnimada iyo xariirka wanaagsan oo aad Rabigaa la leedahay! waa Ifka oo idin leh Dunida farxad jaceyl kula waara, aakhirana Janadii Raxmaanka insha alaah. Allaha lug iyo laba jaro sadaxeeysha Jaceylka iyo Shaydaanka Rabi naxariistiisa ka fogeeyay oo u shaqeya gubista iyo kala dheereenta Qalbiyada Lamaanaha is jecel! Amiin aamiin. Jaceyl waa eray aan la wada sheegan karin, waa dooq, waa dareen, waa naxariis, waa qalbi nadiif ah, waa awooda iyo hubka nolosha lamaanaha!!!!!!
Cabdu Qaadir Jubba: 'Dhul biyuhu maraanoo, xariirduna baliga taal, wacan bey ku dhaltiyo, dhul barrwaaqo ood garan! Bidhaanteedaan waayoon baadi goob ku waashee. Bariga ay ku nooshahay shibir buuba igu tiri. Baararkeedoo aan barkadiyo baashaalkeedaan u bogahayaa, bishaan dhexdeeda oo helaan boqola soomaan balan ku qaadi bilaash laguma dhaartee. Buurahaan jecleystiyoobartii muuqadheereed, bartankiidiyo, badalweyne ku nooshahee. boqolka soo baxaayee shan iyo tobnaadee, baahidaan aan kuu qabo Barniyeey bidhaan aragaa iga tage weeyn. Bootin dheer bureeqooy, baalasheeda fidisooy, in ay buubta bilawdoo, bilcinadii ka boodaaw. Birigaan is baranaan wadnaha buug ku yeeshee! beerkii baa i damqadayoo, bukoodoo kuu basaasee, Badda cas baan ku geeynayaa biyo janaan ku siinayaa, bogeeyga waan ku saarayaa, badbaadaad aragtiyo barwaqadaanaa bilaahi kuugu marayaa!'
Waxaan ku doori lahaa hadii aad tahay qof xiseeynaa inuu ogaado waxa oo yahay jaceylka u dhaxeeya lamanaha is qabo in aad aqrisatid buuga oo qoray qoraageena weeyn Sabriye Macalin Muuse, oo kaga dhigay magaca:' Raaxada Guurka' oo runtii ah buug aad ugu qiimo badan lamaanayaasha agtooda, oo ay macluumaad qaaliga ah ka dhex heli doonaan, sidoo kale waxaan buugaas u doori laheeyd wiil iyo gabar kasta oo guur ku heshiiyay in ay aqriyaan marka hore, waa buug ku qoran luuqada hooye, kuuna baraa cilmi aad inbadan ku aqrisay luuqado islaameed, kaana saacidaa in aad afkaaga hooyo wax ku fahantid, !
........…………..................... DHAMAAAAAD…………....................................

W/Q Ifraax Yusuf Axmad (Ifka). Waxaana qoraalkaan si qaas ah ugu hibeeynaa LAMAANAHA ISJECEL, QAAS AHAAN KUWOODA ISQABA OO NOLOSHA JACEYL DHABTA U WADAAGAY!
 

 

 

Comments  

 
+1 #1 libka 2014-06-07 01:31
waxaan ahay nin wax jeclaaday :-x :-?
Quote
 
 
0 #2 rooliy0 2014-10-07 13:30
:cry: m0rkst0 wn uu oy00 qofkn jecl0 mrk jcylku w00 siduu ku soo m0ro wllo
Quote
 
 
0 #3 rooliy0 2014-10-07 13:30
:cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry: :cry:
Quote
 
 
0 #4 kifax 2014-10-16 23:55
Jacelka mar waa malab marba waa sibir lkn dhebsika waxa daremekaro rooxi arko lkn alla aya kabaryena ino illha isku sahlo dadka isjecl amiiiiin :sad: :oops:
Quote