E-mail

Nuunaay :-“xalay gaajo ayaan ku seexdey ma aan fileynin kaalmadaan waase  ilaah mahadii”

 

Nuunaay Sheekh Abuukar oo in  mudo ah la xanuunsan  xabad uu kaga dhuftey dhabarka nin ay u gargaari jirtey ayaa ah xaalkeena maanta mid gurmad u baahan.

 Nuunaay markii aan ku booqanaayey aqalkeeda waxaan u wadey kaalmo ay ii soo dhiibtey gabadh wanaaga iyo qeyrka jecel iguna tiri “walaal Yaasmiin iga gaarsii kaalmadaan walaasheey Nuunaay”

 

 

 Dhab ahaantii kuma qiyaasi karo qoraal oo keliya  heerka farxad oo ay gaarey Nuunaay markii aan u soo taagey lacag dhan US $100 ,(Boqol Dolarka Mareykanka ah).

Waxay ka dib ii sheegtey Nuunaay in habeenimadii xalay  ay gaajo ku seexatey oo ay weydey cuno ay cunto.

 

.” Waxaan in badan ku fekeraayey  Yaasmiin ma u wacataa oo ma u sheegaa dhibka maanta ku heystaa ayaan xalay oo dhan fekerkeygu ahaa, balse ilaah ayaa  mahadaa is kaleh oo I soo gaarsiiyey deeqdan, waxaan iibsan waayey Kateetarkii kaadida banaanka iigaga saari jirtey, waxaan kaloo iibsan waayey saabuuntii aan isaga nadhiifin lahaa wasaqda iga socota, walaahina walaahina dhaqaalahaan  qofkii I soo gaarsiiyey ma garanaayo waxaan iraahdo, balse maalin aysan u baahneyn ayay heleysaa, Aniga Aniga xanuunkaan I haya rabi waxaan ka baryey inuusan nafta igu dhibin waa keligey dadkii ila joogi lahaana daryeel xumo ayuu iigaga dhaqaaqaa si aan wax yeelo ma garanaayo ayay tiri Nuunaay oo  ay ilintu ka socotay farxad iyo murugo darteyd, ileyn farxadu iyo murugada oo is biirsataa  hadii ay kaa badato ooyin ayay isku badashaa.

 

 Intii aan la joogey qolka yar oo ay ku nooshahay Nuunaay dhab ahaantii hadalka ay igu tiri  waa dhab, maxaa yeelay nadhaafadu waa iimaanka barkii, qofkuna wuxuu is nadhiifin karaa markuu u heyso xoog iyo dhaqaale laakiinse Nuunaay taa maanta ma awoodo balse Ilaah ayaa awood u leh wax walba.

 

 Nuunaay waxay suganeyso xilligaan maahan ubad ay dhashay, dad ku ehel ah hasayeeshee waxay eeganeysaa cid walboo Soomali ah hadana naxariis leh, ee walaalayaal ogaada farxada ay maanta ay ku nooshahay waxaynu dhihi kartaa  waxaa leh dadkii qeyrka soo dhiibtey, ee fadlan aynu u gargaaro walaasheena dhibaateesan oo inoo baahan.

Yaasmiin Mayow Maxamed

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

002521-5590407

002525-410004

 

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg