AudioAcrobat!
 
 E-mail

Kaalmo  dhaqaalo oo ay soo direyn jaaliyadaha ku nool dalka Mareykanka ayaa maanta loo qeybiyey waayeelo aan ubad  laheyn ee ku kala  nool xaafadaha Xamar jajab ilaa iyo Buule Eelaay ee magaalada Muqdisho.

Waxaa farax weyn inoo ah inaan  ogaano xaaladaha ay ku sugan yihiin  waayeelo aan owlaad laheyn, waxaase wanaag iyo amaan xag Illaah uga timid iskaleh dadkii gacanta ka geystey dhaqaalo siinta waayeeladaasi.

dhab ahaantii waxaa dareemi kara qofkii dul istaaga sawirada aad aragtaan dadka ka muuqda, waa waayeel Allxamdulilaah aan xoog laheyn, waxayse  ku nool yihiin aqalo yar yar kuwaasoo ay  ku dahaaran yihiin amaa  derbi u ah   baakado iyo  maryo dhamaad ah,

 

Intii aan mid mid aqalkooda u tagaayey waayeeladaasi waxaa niyada iga gashay tallow yaa ku siiyo dhaqaalo buuraan oo aad dhibanayaalkaani  isugu  keento hal goob ka dibna aad ku ogaato xaaladahooda nololeed. Ileyn waa kuwo keli ah ee aan heysan wehel ogaado noloshooda,

 Waxaan aad uga calool xumaadey  Macey Muumin Yalaxow oo markii aan aqalka gurigeeda galaayey aan ku arkey Haan biyo ay ku  jiraan iyadoo ay biyo ka shubaneyso, awood sidaa u buuran malaha oo ma kari karto  balse dantu unbaa bidey, markii aan soo ak istaagey ileyn arag wanaagsan malaha oo aan u sheegay inaan ahay Yaasmin ayay iska ooyday  sidii ilmo yar oo ay waalidkood ka maqnaayen  in mudo ah, ka dibna intay dhabanka iga qabatey ooysayna  igu tiri Yaamiin hooyo macaan anigoo kaligey ah ayaan qolka ku dhex kufey cidina ima ogeyn,   xanuunkii markuu I daayey ayaan iska soo istaagey.  maansha alaah, dhab ahaantii hadalkaasi aad ayuu ii calool xumeeyey waase ilaah mahadiisa.

 Dhamaan midba  mid kale waxaan kala kulmaayey calool xumo, dareenkooda iyo farxadoodana maahan mid aan qoraal idinku soo koobi karaayo, balse walaalayaal waxaad ogaataan dhaqaalaha dhan 11$ oo qoyskiiba aan u qeybiyey waxay ka dabooli kartaa cunooyin dhan ilaa iyo 3 maalmood ilaa iyo 4 maalmood,

 Dhamaan qoysaskaan u qeybiyey dhaqaalaha waxay ahaayeen 9 qoys midkiiba waxaa gaarey $11.

  $11 ee la dhiibtaa waa ay fududahay waa qofkuu ilaah ka soo qaadee,   laakiin waxay wax aad u weyn oo markaad siiso farxad weyn   u tahay waayeelo sida.

 Faadumo  C/llaahi Xaaji, Sheekh C/raxmaan Cismaan, Ayzitey Maye iyo seygeeda Xaaji Cali, Faadumo Sheekh Haaruun, Abshiro Rooble Faarax, Zitey Maxamed Abuukar Maana Maxamed Abuukar,  Macey Muumin Yalaxow iyo Xaliimo Yuusuf Xasan.

Dhamaan dadkaas oo ah dadka  ugu liita bulshada,  qeyrka iyo xasanaadkana waxaynu  oran karnaa waa kuwa laga helo, waxaa  gaarey dhaqaalihii la soo direy ee ahaa $100, waxaase hubaal ah maalin aan maanta aheyn inaad ku aflixi doontaan  ee walaalayaal aynu il gaar ah ku eegno dadkeena dhiban haddana inoo baahan.

 Somali Women And Children Rescue Org (SWACRO)-na waxay idiin balan qaadeynsaa inay  gaarsiiso kaalmadiina dadkii aad la niyootaan, iyadoo idiin soo bandhigi doonto sawiro dhab ah iyo qoraal  beenta ka fog.

Yaasmiin Mayow Maxamed   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   002525-410004 ama 002521-5590407  Somalia --- Mogadisho.

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo6.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan